- Title: [SW News] (Bayaan) PUNTLAND OO KALA
LAABATAY KALSOONIDII & TAAGEERADII FIKRADDII NABAD-RAADINTA JABUUTI
- From:[]
- Date :[03 April 2000]
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti
Jabuuti.
Ku: Madaxweynayaasha Xukuumadaha
& Dowladaha IGAD
Ku: Xoghaya Guud Ee Jamciyadda
Quruumaha Midoobay
New York, NY.
Ku: Ururka Dowladaha Carabta.
Ku: Ururka Kulanka Islaamka (OIC)
Ku: Madaxda Dowladaha Midowga Yurub
Brussels.
UJEEDDO: PUNTLAND OO KALA LAABATAY KALSOONIDII & TAAGEERADII
FIKRADDII NABAD-RAADINTA JABUUTI
Mudanayaal,
Maamulka dowladda Puntland ee Soomaaliya iyo
dhammaanba bulshada rayidka ah waxay ku soo jireen safka hore ee ayidaadda arrintii
nabad-raadinta ee Jabuuti wadday (IGAD). Hoggaanka dowladda Puntland wuxuu si cad ugu
hawlanaa arrintaas, wuxuuna ka dambeeyey dhacdooyin lagu abaabulayey dadweynaha
Soomaaliyeed, beesha caalamka iyo diblomaasiyadda si ay si buuxda u ayidaan barnaamijka
nabad-raadinta. Talada dowladda Puntland iyo dhammaan bulshaweynta Soomaaliyeed ee reer
Puntland waxaa lagu abaabulay taageerada barnaamijka nabad-raadinta cusub. Is-bahaysiga
Nabadda Soomaaliyeed (SPA) oo ka kooban dowladda Puntland ee Soomaaliya, RRA ee Gobollada
Bay iyo Bakool, Golaha Wada Tashiga Soomaaliyeed (SCC) ee Beledweyne (Central Somalia),
Jabhadda Qaranka Soomaaliya ee Gobolka Gedo (SNF), Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed ee
Gobollada J/Land (SPM) waxay si rasmi ah ugu gudbiyeen taageeradooda Mudane Ismaaciil
Cumar Geelle ka hor intuusan ka jeedin barnaamijka nabad-raadinta Golaha Jamciyadda
Quruumaha Midoobay .
Tan iyo muddadaas intii ka dambaysay dowladda
Puntland iyo dadkeeda bannaanka ku noolba waxay muujiyeen bannaan-baxyo iyo waraysiyo ay
ku taageeraayaan barnaamijka nabad-raadinta Jabuuti. Waxaa kaloo jirtay in xiriiridda
is-gaarsiinta Interet-ka iyo jaaliyadaha dadweynaha dibadaha ku nool ee u dhashay
Puntland, taageeradooda barnaamijka nabadaynta Jabuuti waa laba jibbaarmayey maalinba
maalinta ka dambaysey.
Maamulka dowladda Puntland wuxuu u hagar-baxsanaa la talinta hoggaanka
Jabuuti sidii ay ugu suurto geli lahayd inuu ku socdo hawl-galka waddada saxda ah, uguna
guulaysan lahaa isku daygiisa, maamulka Jabuutina wuxuu u muuqday mid raalli ka ah
saacideynta Puntland waqtigaas.
Nasiib-darro, maamulkii Jabuuti wuxuu u fasirtay
taageerada aan kala harka lahayn ee dadweynaha Soomaaliyeed inay tahay mid loo siiyey
awood maamulidda jiritaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna ula dhaqmay Soomaalidii
sidii dad reer Jabuuti ah oo kale.
Maamulka Jabuuti wuxuu si ula-kac ah u galay falal khatar ku ah sharci
ahaan iyo siyaasad ahaanba nabad-raadinta Soomaaliya, taasoo waxyeeleysay
habsami-u-socodka nabadda dhabta ah, arintaasna waxay wax u dhintay habsami-u-socodka
barnaamijka nabadda oo ay wakiil uga ahayd umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka,
waxaana xusuus mudan inay middaan tahay isku daygii saddexaad maadaama laba jeer ka hor ay
si fool-xumo ah ugu guul darraysatay sabab taas oo kale ah. Maamulka Jabuuti, wuxuu dib u
raacay waddadii qaldanayd, isagoo soo celiyey marin habaabintii hore uu u sameeyey mid la
mid.
Mudanaayaal;
Haddaan wax yar ka xusno waxyaalaha aan la
qaadan karin ee dowladda Jabuuti sameysay oo la xiriirta nabadaynta bulsha-weynta
Soomaaliyeed iyo dhaqanka la yaabka leh ee Jabuuti muujisay, waa hoggaanka Jabuuti oo si
rasmi ah u jabisay qodobbada soo socda: -
- Markii ay gacanteeda ku soo xulatay ergadii shirka diyaar garowga iyo waxay ku
magacawday odayaasha iyo wax-garadka waxay lumisay kalsoonidii dadweynaha Soomaaliyeed,
waxaana cad inay iyadu magacaabi doonto ergada imaan doonta shirka nabadaynta ee soo
socda, waana arin dowladda Puntland ee Soomaaliya aysan marnaba aqbali karin
- Ayadoo quursatay taladii, nidaamkii iyo dhammaanba arimihii caalamku aqoonsaday inay
saldhig u noqoto fikradda nabad-raadinta cusub dowlad Goboleed (Regional Administrations).
- Maamulka Jabuuti wuxuu qarsaday qorshaha habsami-u-socodka nabada, waxayna arintaasi
mugdi ka gashay dadweynaha Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, isagoo quursaday muhiimadda
ay leedahay talo-wadaagga iyo wada-tashiga.
- Maamulka Jabuuti oo taladii ka qaatay dadkii diidanaa inay saldhig u noqoto hoggaanka
maamul-goboleed dowladda mustaqbalka ee Soomaaliyeed, isagoo ku andacooday wuxuu ugu
yeeray bulshada rayidka ah oo talada ka qaadanaya oo intooda badan muddo dheer dalka
dibadda uga maqnaa, diiddanna qaab-dhismeedka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee dadweynaha
Soomaaliyeed doonayaan intooda badan.
- Kadib markii ay ka hor yimaadeen qaab-dhismeedka Jamhuuriyadda dowadda Soomaaliyeed ee
dadweynuhu doonayaan, soona jeedinaya, kuna shaqaynaya in dib loo sameeyo, loona abuuro
degmooyin ku salaysan si eex ah, si loogu taageero qaar ka mid ah qabaa’illada
Soomaaliyeed, waxaana. dhibaatada Jabuuti xog-ogaal u ah in badan oo ka mid ah ka
qayb-galayaashii shirkii Jabuuti ee 1-aad iyo kii 2-aad.
- Soomaali badan ayaa loo diiday dukumintigii ka soo baxay maamulka dowladda Jabuuti.
Dukumintigaas oo si gaar ah loogu qaybiyey qaybo ka mid ah dibolomaasiyiin beeleed iyo
shirar dalal shisheeye oo aan Soomaali ku jirin.
- dowladda Jabuuti oo cadaadis saartay dadweynaha Soomaaliyeed, ka qaadatayna go’aan
kalinimo arinta dhexdhexaadinta kursiga dowladda Soomaaliyeed ee mustaqbalka oo aan la
siinin xoriyad dadweynaha Soomaaliyeed si ay ugu heshiiyaan ama u doortaan ciddii
hoggaamin lahayd.
- Nidaamka umadda Soomalaiyeed rabto waxaa weeye midka ay iyagu doortaan, ee ma aha midka
ay Jabuuti ay rabto ama ummad kale u damacdo
- Maamulka Jabuuti oo ku cadaadiyey dadweynaha Soomaaliyeed waqtiga shirka lagu qaban
karo, si aysan umadda Soomaaliyeed ugu helin fursad aayahooda uga baaraan dagaan.
- Maamulka Jabuuti oo aan tixgelin siin, dadka dhulkooda xoogga looga haysto sida J/Hoose,
J/Dhexe iyo Sh/Hoose, waxaana Jabuuti qorshaheedu ku dhisan yahay inay ku marti galiso kii
dhulka haystay iyo kii laga haystay hal miis, iyadoo wax raalli-galin ah ka bixin ama wax
qoraal ah ka soo saarin dadka dhulka xoogga ku kala haysta, kuna soo jeedin dadka dhulka
dadka kale ka haysta ciidammadooda daacadda u ah inay kala baxaan dadka kale dhulkooda.
- Ugu dambayntii, waxaa maamulka Jabuuti uu ka af-duubay habsami-u-socodka nabadda dadkii
saxa ahaa, oo ay ahayd masiir iyo waajib ahaanba inay iyagu gooyaan talada dadka
Soomaaliyeed.
Mudanayaal;
Dhaqankaas maamulka Jabuuti ma aha mid abuuraya
jawi nabadeed iyo mid is-afgarad qaran. Sidaas darteed, mana aha mid ay qaadan karayaan
bulshooyinka maamulka Puntland ee Soomaaliya iyo xulufadeeda. Waxaan aamminsannahay,
marin-habaabinta Jabuuti ee ra’yiga nabad-raadinta cusub inuu ku saa’idinayo
dhaawac hor leh dhibaatooyinka qaranka Soomaaliyeed. Maadaama uu ku jahaysan yahay
bur-burka saldhigga Maamul-Goboleedka, abuurayana arrimo cusub oo iska-hor-jeed,
iska-hor-imaad iyo aamin-darro ah bulsha-weynta Soomaliyeed dhexdeeda.
Waxaan si xoog leh ugu qanacsan nahay shir kasta oo nabad-raadin ah
inuu ka soo dhismo wixii horay loo sameeyey sida: Maamul-Goboleedyada ku soo dabaalay
nabaddii, sharcigii iyo kala dambayntii, laguna gaaray daganaansho dhulka ay ka taliyaan
maamuladaas.
Waxaa kaloo muhiimad leh in la xuso in Soomaaliya
ay tahay qaran jiritaan gaar ah leh, xoriyaddiisana halgan adag ku helay, mana noqon karto
mid ay amaah u qaadato dowlad kale, Jabuutiba ha ahaatee.
Golaha Wasiirada ee dowladda Puntland iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha
Wakiillada, fadhiyo kala duwan oo ay ku yeesheen Boosaaso 19 – 20 March 2000 ee
arrimahaas kor ku qoran looga hadlay, waxay ku gaareen go’aan buuxa inay kala noqdaan
aaminaaddii iyo taageeradii fikraddii cusbayd ee nabad-raadinta Jabuuti, kuna saabsanayd
Soomaaliya. Balse maamulka dowladda Puntland wuxuu ashtako u dirayaa mudanayaasha sida
tooska ah warqaddan ugu socoto iyo dhammaanba bulshada caalamka inay ka dhaadhiciyaan
hoggaanka Jabuuti inuu joojiyo hawlgalka fikradiisa, iyadoo ay ugu wacan tahay karti la’aanta,
caddaalad la’aanta iyo dhex-dhexaad la’aanta qabaa’ilka Soomaaliyeed
arrimahooda.
Arrinta habsami-u-socodka nabadda waa in aysan
noqon mid marnaba tanaasulaad u sameeysa talada ah: in aan lagu diiddan yahay dhismaha
Maamul-Goboleedka, maadaama maamul-goboleedku yahay saldhigga asaasiga u ah
habsami-u-socodka nabadda iyo is afgaradka qaranka Soomaaliyeed.
NB: Bayaankan waa bayaankii
ay kalsoonideedii iyo taageeradeedii dowlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya kala noqotay
ra’yiga nabad-raadinta Mudane Ismaciil Cumar Geelle – Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Jabuuti
NB: Waxaanu dadka ka raalli galinaynaa haddii ay
kala kulmaan tarjumaadayada khalad aanaan ku talo galin.
<< Mahadsanidin >>
Tarjume: A. A. Hussein (Gaacir) &
M. A. Yusuf (Amxaar)
[ News] |