19 May 2007 04:13

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] (BBC) Ciyaao gobolada qaarkood uga socdy magaalada Garowe oo la soo gaba gabeeyey
  • From:[]
  • Date :[5 April 2000]

C/Salam Hereri (BBC):

Ciyaao gobolada qaarkood uga socdy magaalada Garowe oo la soo gaba gabeeyey

Ugu dambayntiina ciyaaro beryahaama gobolada qaarkood uga socday magaalada Garowe ayaa la soo gaba gabeeyey maalintii Isniintii, ciyaarahaasoo isugu jiray gubadda cagta iyo kuwa fudud sidii kooxuhu isaga guuleysteen iyo ciddi kusoo baxday waxaa inoo hayaa wariyahanaga

Inta aynaan u galin gubadda cagta, bal aynu eegno ciyaaraha fudud, gaar ahaan orodada iyo boodada sida loo kala badiyey. Orodka 8000 ee mitir waxaa kaalinta koowaad ku guuleystay Hassa Nuur Barre oo ka socday gobolka Nugaal, kaalinta labaadna Axmed Absuge Cabdulle oo ka socday gobolka Shabeelada Dhexe. Orodka 5000 mitir waxaa ku guuleystay Farax Axmed Xijaale oo ka socday goboka Hiiraan, kaalinta labaadna waxaa galay C/raxmaan Guelleh oo ka socday gobolka Mudug. Orodka 10000 mitir waxaa kaalinta koowaad galay Yusuf A/samad Ducaale ee ka socday gobolka Sool, kalinta labaadna waxaa galay Xuruse Abdi Ibrahim oo ka socday gobolka Nugaal. Orodka dheer ee marathon-ka waxaa kaalinta koowaad ku guulaystay Cusmaan Adan ee ka socda gobolka Shabeeladda Dhexe, kaalinta labaadna Cali Cabdi Farax oo ka socday gobolka Nugaal. Orodka 1500 mitir waxaa kalinta koobaad galay C/raxmaan Muse Ismaaciil oo ka socday gobolka Hiiraan, kaalinta labaadna Xassan Nuur Barre oo ka socday gobolka Nugaal. Boodada hoose waxaa kaalinta koowaad ku guuleystay Axmed Absuge Cabdulle oo ka socday Shabeelada Dhexe, kaalinta labaadna waxaa u galay C/xakiin C/raxmaan oo ka socday gobolka Nugaal.

Haddii aynu eegno gubadda cagta koobkii waxaa qaaday oo ku guulaystay kooxdii ka socotay gobolka Bari, magaalada Bosaaso, ka dib markii ay rigoorayaal ay kaga badisay kooxdii ka socotay ee ku ciyaareysay magaca gobolka Mudug. Kaalinta seddexaad waxaa galay Hiiraan, kaalinta afaraadna waxaa gashay Jowhar.

Guud ahaan hadaba ciyaarahaas gobolada kasoo qayb galay waxa ay kala yihiin Bari,Galguduud, Nugaal, Mudug, Sanaq, Sool, Shabeelada Dhexe, Hiiraan, iyo koox ku ciyaareysay magaca Degmada Buuhoodle. ______________________________________________________________________________


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:01 AM. Webmaster HomePage