- Title: [SW News] (BBC) Farax Sindako oo taleefoonka ugu
waramay Saciid Cali Muse (BBC).
- From:[]
- Date :[5 April 2000]
Farax Wehliye Caddw Sindiko, vice-president of African Football
Association, oo ka hadlaya sababtii wax looga beddelay ciyaarihii is reeb reeebka ee
Africa ayna iskaga hor imaana lahaayeey Soomaliya iyo Cameroon:
Mr. Farax Sindiko: Ciyaarta waxaa ay u dheceysaa annaga iyo Cameroon waa
hesinay, runta in la sheegaa ayaa fiican. Haddi waxu ay bulsha yihiin, afrikana ay
mideysan tahay xaga isbortiga iyo gubadda cagta gaar ahaan, in Soomaaliya bacdamaa aysan
ballan qaadi garin nabadda Muqdisho, inaan annaga iyo walaalaheyn Cameroon-ba aan ku wada
ciyaarno laba ciyaarood midna ka dhici lahay Cameroon midna Soomaliya, in'aan Cameroon ku
wada ciyaarno. Midda koowaad waxaa ay dhaceysaa 19 bishaan, mida labaadna waxa ay
dhaceysaa 23 bishaan, kooxdeenana waxay Xammar kasoo baxaysaa 14-ka.
Sacid Cali Muse (BBC): Markaas labadii ciyaaroode, tii
Muqdisha lagu ciyaari lahaa ayaa labaduba hadda loo wada bedelay caasimada Cameroon?
Farax Sindako: Labaduba caasimada Cameroon ayaa loo
wada bedelay.
Saciid: Markaas duruufaha jira awgeed ayaad ugu
baaqateyn in kooxda ciyaardoyda reer Cameron ay tagaan Muqdisho?
Sindako: Sacid, ninku hadduu mas'uul yahay, waxaa lagu
weydiinaya masuulyadda nabadgelyada. Wadciga runta ahna in laga sheego waaye,
ma rabno in been ka sheegnoo. Annagu ma qaadi garno dad Soomaliyeed wax ka bada in'aan
ciyaarsiino, dad ajnabi ah nabadgelyadiisa ma qaadi karno. Macalimiin, tababaro
iyo qalab ayaa naloo kayn lahaa, kooxyaal badan ayaan wada ciyaari lahayn,
discipliinka kala duwan ee ciyaaraha ayaan meesha kayn lahayn, waxaaso dhan waxaanu soo
noolayn karnaaa markaa Illahaey wadanka dawlad u keeno.
Saciid: Tababarka iyo isu diyaar garowka kooxda
somaalida isku diyarinayso sidee buu yahay Faarax?
Sindako: Wa fiican, waa fiican yahay. Saciid waxaad ku
tala gashaa annagu waxaan doonaeynaa, sidaan horay u sheegay in'aan meel kastaba tagno aan
dalkastaba calanka ummadda geyno.
Saciid: Kharashka ciyaartowda yaa idiinka bixinaaya?
Sindako: Saciid, cid wax naga bixinaysa ma jirto.
Xiriirka Soomaalida Gubada Cagta asaga ayaa is dabiraaya, asagoo cuskanaaya xaquuqda
xiriirka kubadda cagta ee adduunka iyo saaxiibtinimada xariirka gubadda cagta Africa uu la
leeyahay, asagaa is dabiraaya.
Farax Wehliye Caddow Sindako oo taleefoonka ugu waramayey Saciid
Cali Muse.
[ News] |