CAWKE (BBC):
Sida intiinii dhagaysatay aad la socotaan,
waxaanu halkaan ka sii daynay war sheegayey in Golaha Guurtida ee DLM Soomaaliland ay
casumeyn wafdi ka socda baarlamaanka Djbouti, arintaasi oo sida nasoo gaareysa xiisa
kicisay. Hadaba sida lasoo sheegayo, waxaa arintaasi ku gacan seeray oo wax aan jirin ka
dhigay mas'uuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda Soomaliland, oo uu ku jiro Wasiirka
Warfaafinta ee dalkaasi,
Mr. Cali Waran Cadde oo shir jaraaid oo uu
qabtay ku sheegay isagu in Dawladda Soomaliland ay u qortay dawladda Djibouti qoraal ay
ugu sheegayso inaanu wafdigaasi iman garin magaalada Hargaisa. Sheekadaasi oo dhan waxa
inoo waxaa inoo haya wariyahanaga magaalada Hargaisa Axmed Saciid Cige:
Axmed Siciid Cige:
Mr. Waran-Cadde oo faahfaahinaya arinintaasi wuxuu
yiri inay dawlada Soomaliland ay u sheegtay markiiba dawladda Djbouti in wafdigaasi haddii
uu u socon lahaa ka wada hadalka cilaaqaadka labada dawladood iyo arimaha xuduuda uu iman
karaayay. Mar haddise buu yiri, waa sida uu hadalka u dhigee, warkaasi beenta ahi ay
wafdigu ka sii daayeyn BBC-du, aanay hada iman garayn, cid qaabilaysana aanu jirin.
Wasiirka Warfaafintu waxaa uu sheegay in aan Somaliland lagala hadli garayn haba yaraatee
arrinta shirka Soomalida ee Djibouti, kaasi oo u ku nuuxnuuxsaday Waran-Cade inaanu
quseynin, qofkii ka taga Somaliland-na loo aqoonsanyahay
Dambiile Qiyaamo Qaran.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilda Somaliland, Abdulqadir
Ismaciil Jirde, ayaa isna war xalayto uu soo saaray ku sheegay in baarlamaanka
Djbouti ay ka wadi hadli garaan oo keli ah markay haboonaato xiriirka labada dawladood,
waa sida uu u yiri ee, Djbouti iyo Somaliland wax xiriir ah oo dhexmarayna aanu jirin.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Sheikh Ibrahim Sheikh Yusuf Sheikh Madar,
oo isna xalayto war qoraal ah soo saaray ayaa waxuu ku sheegay inaaney waxba ka jirin
casuumad uu wafdiga barlamaanka Djibouti ku sheegay inuu ka helay Guurtida Somaliland,
shirka Djibouti arinkiisina seddexda gole ee Somaliland ay guddoon kama dambays ah ka
gaareyn, oo wax laga wada hadli garaahi aanu jirin.
Dadweynaha magaalada Hargaisa ahna ayaa warka wafdigaasi Djibouti aad u saameeyey ilaa
iyo xalayto, iyadoo dadku hadal hayndoodu ay muujinayeyn dareyn diidma ah. Xubnaha
guurtida qaarkood ayaa iyaguna xaruntooda saakay, inkastoo oo aaney shir lahayn hadana
isweydiinaayey su'aalo ku abaaran martiqaadka Guurtida ee la sheegay. Madaxweyne
Moxamed Ibraahim Cigaal ayaa isagana xalay shir deg-deg ah la galay shir
guddoonka guurtida iyo xubno ka tirsan wasiiradiisa, isagoo saakayna shir deg-deg ah isugu
yeeray Golaha Wasiirada iyo labada shir guddoon ee Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilda,
kaasi oo lagaga dooday, sida warar xog-ogaal ahi ii sheegayn, dhacdada shalay ee
wafdiga barlamaanka Djibouti iyo saameyntiisa Somaliland.
Axmed aciid Cige, BBC, Hargaisa