- Title: [SW Country]( PL Web) Maamulka Puntland ..Maxay tahay
howshiisu? Shirka Djibouti ma haboontahay in PL ka qaybgasho, PL iyo Kismayo...
- From:[]
- Date :[12 April 2000]
"....Haddii ninka geesiga ahi uu yahay kan nabada dhaliyaa
sida qaamuuska luqaduhu qoro, ee uusan ahayn kan hadba reer xabad la korjoogsada, hadii
nabad in la doonaa ay macnaheedu tahay in nabada laga raadsho kan kula dagaalsan, xasuuso
in mudane A/laahi yuusuf uu Xamar ugu tagay Gen. Caydiikii geeriyooday, isago oo ka
raadinaya nabad oo kaliya, taasna waxay iila muuqataa tanaasul kale. Xasuuso in aad
ummadaa Soomaaliyeed gogol ugu fidisay Boosaaso 1998kii adoo raadinaya qaranimo kadibna
laguugu jawaabay in Boosaaso tahay tuulo reer dago oo ayan soomaali lahayn..." AJ 12 April 2000
"....Sida aan ku aragnay qorshahana wuxuu qorayaa in wufuuda
shirka jabuuti lagu soo xulayo hab degmo, taasoo macneheedu yahay in 92da degmo ee dalku
ka koobnaa ay ka imanayaan degmadiiba 5 qof,(92x5). Banaadir oo ah 15 degmo, Jubooyinka oo
ah illaa 7 degmo iyo shabeelada hoose oo ah 7 kale, isku darkuna uu gaarayo illaa 30 meeyo
degmo(30x5). Ilaahay hortii wufuuda caynkaa ahi in ay go'aamiso aayaha soomaaliya ma idin
la saxantahay?...." AJ 12 April 2000
Maamulka Puntland ..Maxay tahay howshiisu?
Shirka Djibouti ma haboontahay in PL ka qaybgasho, PL iyo Kismayo maxaa ka dhexeeya?
| |
Name: Abdul Jama
Website: Maamulka Puntland
....Maxay tahay howshiisu
Referred by: Just Surfed On In
From: Puntland/Somalia
Time: 2000-04-11 21:02:50
Comments: Dhamaan waan salaamayaa dhalinyarada doodaha dhaxalgalaka ah bogaan ku
soo bandhiga. Walaalkay maxamed H. Abshir, aad ayaan u fahmay doodaadii hufnayd, laakiin
waxaan su'aal la qabaa walaalkay kale A/rizak Muse taasoo ah, maadaama uusan mudane Abshir
si toosa uga hadlin sababta keentay is casilaadiisa, xagee ayaad adigu ka heshay xogta ah
in uu isku casaliy arimo ku xiran qaadacaada shirka Djibouti? In kasta oo aan qoraalka
muuse ka dhadhansaday in aad tahay ina Hasan Abshir, oo laga yaabo in aad macluumaad hoose
ka heli karto odayga, hadana anigu waxaan kuu lahadlayaa sifadaada muwaadin Puntish ah,
waxanan ku xasuusinayaa in mudane Maxamed cabdi Xaashi iyo Mudane Abshir oo wada socda ay
tageen Garoowe si ay ummada uga dhaadhacsiiyaan sababaha keenay in maamulka uu taageeradii
kala noqdo shirka dib u heshiisiinta. Hadiiba se laga soo qaado in ay arintaasi sal u
tahay is casilaada mudane Abshir, waxaan taa ka leeyahay: Runtii qaadacaada shirkasi waa
qadiyad aad u shuqlisay ra'yal caamka reer puntland istaahishana in laga hadlo. Waa runtaa
oo shirkasta oo latagaa way adagtahay in aan kala soo noqono natiijo na farxad galisa, taa
macnaheeduna waxa weeye- ayaan u gartay-in aad leedahay aan u tanaasulno qaranimadeenii
darteed, waa xaq, hayeshee tanaasulka aan sameeynay hadaanu nahay reer puntland cid
sameeysay oo nala garatay ma haysaa? Hadaan taariikhda dib ugu noqono, bal xasuuso,
sanadkii 1991kii oo ahayd waqtigii ugu daraa ee ay dadka ku abtirsada dagaanada Puntland
ee ku noolaa caasimadii Soomaaliya oo qabiilka ay yihiin dartii dhiigooda loo
xalaalaystay, dumarkoodana aad ogayd sidii loola dhaqmay, hantidoodiina la qaniimaystay
sidii ay yihiin kufaar. Waqtigaa isaga ah xasuuso in odayaasha iyo siyaasiyiinta ugu
magaca dheer Puntlan sida mudane Abdirizak Xaaji Xuseen, Mudane Maxamed Abshir Muuse,
Mudane Maxamuud Yuusuf Muuro iyo rag kale oo tira badani ay dhex taagnaayeen kawaankii
dhiigaaga ka qoyanaa, iyaga oo wax walba ka hormarinayay qaranimada. Anigu arintaa
tanaasul baan u fahmay. Inkastoo diinteenu noo baneeynayso in wixii si xun no gala oo naga
gardaran aan iska celino oo sidii ay noo galeen si le'eg aan u galno, hayeeshee ay diintu
nooraacisay sabirka ayaa ka wanaagsan, xusuuso in aynaan waligeen ku tashan in aan qaadno
talaabooyin aargoosiya in aan is difaacno mooyee, taa anigu uma arag baqdin iyo awood daro
waxanse u fahmay tanaasul. Xusuuso in reer puntland ay sugayeen in qaranimadii dib loo soo
cesho, 8 sano iyo dheeraad iyaga oo awooday in ay mar horeba is maamul samaystaan, ilaa ay
ka daaleen, xasuuso in ayan marnaba ka maqnaan madal lagu gorfeeynayo dib u heshiisiinta
Soomaaliyeed 10kii sano ee burburka. Haddii ninka geesiga ahi uu yahay kan nabada dhaliyaa
sida qaamuuska luqaduhu qoro, ee uusan ahayn kan hadba reer xabad la korjoogsada, hadii
nabad in la doonaa ay macnaheedu tahay in nabada laga raadsho kan kula dagaalsan, xasuuso
in mudane A/laahi yuusuf uu Xamar ugu tagay Gen. Caydiikii geeriyooday, isago oo ka
raadinaya nabad oo kaliya, taasna waxay iila muuqataa tanaasul kale. Xasuuso in aad
ummadaa Soomaaliyeed gogol ugu fidisay Boosaaso 1998kii adoo raadinaya qaranimo kadibna
laguugu jawaabay in Boosaaso tahay tuulo reer dago oo ayan soomaali lahayn, inkastoo sidaa
lagugu sameeyayna aad u horseeday soomaalida hab practical ah oo ay isku nabadaynkaraan,
taasoo ah habka loo yaqaan (ka biloow hoos oo kor u dhis) taasoo hadii ay macno samaynaso
macneheedu yahay in ay soomaali kaa barto habka aad nabada ku gaartay, si ay ugu farxaan
walaalahood talaabada wanaagsan ee ay qaadeen, ugu daydaan, dabadeedna u dhistaan maamulo
la mida kaas aanu dhisanay. Ogoow in laguugu jawaabay in il cadawnimo lagugu eego had iyo
goorna laga hadlo dhibkaaga intii laga hadli lahaa wanaaga aad horseeday. Taasna waa
tanaasul kale. Hadaba M. Abshirooow, haddii aan Soomaalinomo darteed intaa oo wanaag iyo
tanaasul ah aan u sameeyay, maxaa kale oo aan intaa ku daraa. Walaal Soomaalinamada waa la
wadaagaa waana in la wada dhoowraa, kaligaa waa mustaxiil in aad dhowrto, taasna waayaha
ayaa ka markhaatiya. Walaal M. Abshir waxaan jeclahay in aan ku waydiiyo, maxaynu u
dhisanay maamulgobaleedka Puntland? Uma aynan dhisan ayaan qabaa sida dadka qaarkood ay
moodaan in ay noo dhisaan dugsiyo, isbitaalo, ceelal, iwm.. taasi waa mid sida dasturka ku
cad in ay bushadu iyada la timaado oo lahaanshaha gaarka ah ayuu nidaamdu taageerayaa.
Sidoo kale dastuurka waxaa ku cad in maamulku uu ummadda Puntland mas'uul uga yahay
arimaha khuseeya amaanka gudaha difaaca guud ee xuduudyada Puntland, baadigoobka iyo
laxiriirka dhinacyada kale ee soomaaliya, iyo xiriirka arimaha dibada. Ku dar intaa in
dastuurka laga ansaxiyay aqalka wakiilada ee Puntalnd oo ah kan masala shacbiwaynaha. Mar
haddii arin sidaa yahay, waxan qabaa maamulka xaq dastuuri ah ayuu u leeyahay in uu isagu
inoo matalo wax alla iyo wixii khuseeya dib u heshiisiinta Soomaaliya, isaga oo
tixgalinaya rabitaanka shacabka. Mar haddii aynu niri wixii khuseeya horumarinta adeegyada
bulshada shacabka ayaa iska leh, dhanka kalena aan niraahno dowladu waxba yaynan noo
masalin shirka jabuuti ee raga uu Mudane Ismaaciil Cumar soo doortay hana matalaan, haddee
aanu dawladana kala dirno, illaa waxay noogu fadhido ma jiraane. Arinta Kismaayo iyo
dhulalka ayan joogin dadkii lahaa waa qadiyad kale. S. Amir, waxaan Kismaayo kaa iri,
Shirkii Garoowe ee wada tashiga 1998kii, iyo kii ka danbeeyay ee lagu dhisay dawlad
gobaleedka isla sannadkaas, labaduba waxay si cad u qeexeen in labada degaan ay isku
xiranyihiin, dhibkii loo gaystaa midkoodna ay tahay macnuhu in kakalena loo gaystay.
Runtii maamulka waxad moodaa in uu arintaa ka dhigay qalin warqad lagu qoray kaliya,
waxaan jeclaan lahaa in arintaa sidii loo dhigay loo meel mariyo, intii aynu ka doodi
lahayn yaa jabuuti aaday iyo yaanan aadayna aan maamulka iyo isimada kala hadalno arinta
Kismaayo. Jubaland(jubada hose iyo dhexe), Shabeelaha Hoose, iyo Banaadirba waa degaano
ayan joogin dadkii u dhashay. Sida aan ku aragnay qorshahana wuxuu qorayaa in wufuuda
shirka jabuuti lagu soo xulayo hab degmo, taasoo macneheedu yahay in 92da degmo ee dalku
ka koobnaa ay ka imanayaan degmadiiba 5 qof,(92x5). Banaadir oo ah 15 degmo, Jubooyinka oo
ah illaa 7 degmo iyo shabeelada hoose oo ah 7 kale, isku darkuna uu gaarayo illaa 30 meeyo
degmo(30x5). Ilaahay hortii wufuuda caynkaa ahi in ay go'aamiso aayaha soomaaliya ma idin
la saxantahay? Go'aamada shirka waxaa lagu fulinayaa codbixin, 30 degmo oo lagu daray inta
ay dadka aanu isqaniinsanahay xaqa u leeyihiin, makula tahay in wufuuda ka imanaysa aad
codbixin wax uga qaadayso, hadaad saa qabto walaal hadaba codka iyaga usii dhiibo oo hanoo
soo taliyaan. Arinta caasimadu iyadu way iska xalismaysaa haddii dadka shirka imanayaa
yihiin wufuud si cadaalada ku timid, waayo halkii ay u codbixiyaan ayaa noqonaysa
caasimada soomaaliya, oo kolayba ay tahay in nidaam gaar ah lagu dhaqi doono, waase haddii
ajandaha laga hadlayo lagu soo daro, haddiise talo go'an laguu keeno sida in ay Muqdisho
tahay caasimada muqadaska ah ee fadaraalka waxay ila tahay taa waa arin kale. Hadalka
waxaan ku koobayaa sida uu u yiri A/rizak Muuse, dadka ayay tahay in ay aayahoda gartaan,
ilaahayna wixii maslaxadu ku jirto ha solansiiyo aamiin. Aningu waan asiibi karaa waanan
khaldami karaa, wixii khalada rabi ayaan ka cafiswaydiistay iyo ummadda ay arintu
khuseeyso. Qofkii raba in uu arintaa ka doodana jawaabtiisa haku soo bandhigo pagkaan ama
ha iisoo email gareeyo( ka eeg kor emailkayga) |
Record 89
Name: Mohammed H.
Abshir
Website: Abdrizak
& Amir
Referred by: Just Surfed On In
From: United States
Time: 2000-04-11 17:44:50
Comments: Salama Aleykum. Brothers Abdirizak and Amir thanks for the good comments
you made about this issue. Most of your concerns are valid and I agree with you guys 100%.
But, the question is how do we get there?. We all now how long it took to put the Puntland
government together (More than one year). Therefore, If we talk about a Somali government
as a whole, it will take longer period of time to get something that makes all of us
happy. The original plan which not many people saw was not fair but the new one seems to
be reasonable start. It is posted here in this homepage. I did not say lets forget Kismayo
and no one in Puntland supports that idea. We need to break this issue into two parts: 1.
Should we attend the meeting? 2. Should we accept the outcome of the meeting?. The first
one, based on the current plan, we have nothing to loose if we attend the meeting. Second
one, lets participate the meeting and see the outcome. If it is not reasonable to us, we
will reject it. No one can force us to go along with unfair results. Lets not prejudge
something that has not happened yet. Whether the meeting is successful or not, Puntland
system is here to stay for a long time to come. Therefore, It is not wise to limit
ourselves or be selfish people while others are dying for starvation around us. There are
many ways we can achieve our goals. We may have to give up a few in order to get the most
out of the peace process. I hope all of us see the larger goal of achieving better Somali
country. If the South is not peaceful, sooner or later Puntland and Somaliland will not be
peaceful regions. It is going to spill over. We do not want to repeat history. |
[Country] |