19 May 2007 04:14

SOMALIA WATCH

 
SW Newswpe25.jpg (8884 bytes)
  • Title: [SW News] (Warsidaha Puntland) Puntland Leader was awarded the honorary chairmanship of Somali Olympic Committee (G.O.S.) and a gold medal.
  • From:[]
  • Date :[20 April 2000]

 

Puntland Leader was awarded the honorary chairmanship of Somali Olympic Committee (G.O.S.) and a gold medal.

Source: Warsidaha Puntland 29/03/00

 

QORAAL UU SENDIKO U SOO DIRAY TARTANKA 17AAD EE CIYARAHA GOBOLADA

Qoraal uu soo diray Gudd-oomiyaha Guddiga Olymbiga Soomaaliyeed Faarax Weheliye Caddow (Sandiko) oo uu maamulka iyo shacab-ka Puntland iyo guddiga olymbigada soomaa-liyeed ugu hambalyeenayey tartanka 17aad ee Ciyaaraha Gobolada Soomaaliya, wux-uuna qoraalkiisa u qornaa sidan:-

Mudane madaxweynaha dowladda Puntland

Xubnaha Dowladda Puntland

Xubnaha Gobolada Shacbiga Puntland

Madaxda Maamulka Puntland

Madaxda G.O.S iyo Isboortiga Guud.

WALAALEYAAL.

Ku dhawaad toban sano ayaa ka soo wareegtay markii ugu dambeysay ee cayaaro Gobo-llo qaran la qabto ka dib markii amar Alle ku habsa-day ummadda Soomaaliyeed una noqotay derisi adag bulshada guud ahaan.

Annagu haddii aan nahay reer isboorti waxaan isku hawlnay inaan kala qoqobka ka samata bixinno dhallinya-rada Gudaha iyo dibadaba, Goob kastana geynay calan-ka ummadda Soomaaliyeed, taas oo ahayd arrin aad u culus annagoon u heysan maaliyad ama dowladna taageerta, hase yeeshee ku shaqeynay niyad bir ah.

Mudaneyaal, waxaa maanta sharaf inoo ah inaan fulinno codsigii madaxweyne muda-ne cabdullahi Yuusuf iyo dowladdiisa, kuwaas oo muu-jiyey jecaylka ay u qabaan ummad bulshadeedu medey-san tahay oo is taageerta weelna wax ku wada cuna, taas oo mudan in hoosta laga xariiqo taariikhdana lagu qoro taas oo mudan in hoosta laga xariiqo taariikhdana lagu qoro.

Ugu dambeynta waxaan mahadda tan ugu sarreysa u soo jeedinaynaa shacabka waqooyin bari oo isu keen keenay manta, mudanna magacan iyo sharafta annagoo caddeynayna iney ujeedadeynu tahay abuuris bulsho dhan kasta ka caafimaad qabta isuna keeni karta dhallinyarada dalka meel kastaba.

Waxaan jecelnahay inaan halka ka soo jeediyo go'aan guddiga olimbiggu gaaray bishii Feberaayo 2000 oo ah.

In Md C/laahi Yuusuf Axmed lagu magacaabo Guddoomiye sharafka G.O.S.

in lagu maamuso billadaha G.O.S midda ugu sarreysa oo ah (Order of merit) dahab ah oo ka kooba 3 qeybood. Soomaaliya Dowlad Allaha u sahlo ka samata bixsa wax ay ku sugan tahay, Isboortiguna ha guuleysto hana u tartamo si Caafimaad qabta oo dhaqanka Isboortiga waafaqsan.

Mr. Faarax W. Caddow.    Guddoomiyaha G.O.S


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:02 AM. Webmaster HomePage