19 May 2007 04:14

SOMALIA WATCH

Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.
Column
  • Title: [SW Column](Hersi M. Labagarre) Sidee loo heli karaa siyaasad ku habboon soomaaliya?
  • From:[]
  • Date :[23 April 2000]

 

Sidee loo heli karaa siyaasad ku habboon soomaaliya?

Waxaa qoray: Hersi M. Labagarre
Bandar Seri Begawan, Brunei

 

Xornimada iyo Maamulka Dowlad-Gobaleedka Soomaaliya
Soomaaliya Dowlad-Gobaleedka ka jira waxaa ugu caansan labo, Somaliland iyo Puntland, labadaba nimanka ka talsha si xornimo leh baa loo soo doortay, haddii ay jiraan dad yaryarow ah oo aanan ku raacsanayn ra'yiga guutada, taasi layaab malaha oo xaalka doorashada ayaa sidaa ah, koox badan oo taliska haysa iyo koox yar oo mucaarad ah.

Tan labaad, soomaaliya xornimo uma baahna, maxaa yeelay xorriyaddu waa midda meesha ay joogaan gaysay, soomaaliya (Muqdisho gaar ahaan) ninkii nin dila maxaad u dishay lama yiraahdo, xataa carari maayo ee halkiisa buu taagnaadaa asiga oo waliba faan iyo kabajax la soo ilka dheer.

Ninkii xoolahaaga dhaca ama aqalkaaga fuqsada ama gaarigaaga kaxaysta meel dheer in uu la aado ama la dhuunto uma baahna ee hortaada ayuu ku kaxaysanayaa, maadaama aanay jirin qof xoog uga soo dhicinaya.

Somaliland iyo Puntland waxaasi kama jiraan, waa dhul maamul iyo xisaabtan ka jiro. Dadka dhulkaas u dhashay looma ogola in ay shirka Jabuuti ka qayb galaan ayada oo aanay dowlada ogolaasho ka helin, waana xaq taasi maxaa yeelay dowlad la doortay ayaa meesha ka dhisan dowlad kale in laga duldhisana socon mayso.

Runta ma isu sheegnaa?
Xamar iyo Koofurka soomaaliya oo dhan waa meesha fidnadu ka socoto, soomaaliyana waxay la kici la'dahay dhibaatada joogtada ah ee ay beelaha koofurta deggan la imaanayaan maalin kasta. Koofurta Soomaaliya siiba Muqdishu uma eka meel hagaagaysa, sidaa darteed, anigu waxaan talo u arkaa in Muqdisho loo qaybsho dhowr degmo, ama gobal, ayada oo la eegayo inta abaanduule ee magaaladaas xakunta, dabadeedna nin walba loo gooyo meesha uu ku amarkutaagleeyo, sida haada xaalku yahayba.

Intaa kadib, mid kasta ha laga codsado in uu meesha uu qabsaday uu nabad iyo "maamul yar" ka soo dhiso, maadaama aanay awoodin in ay magaalada hal maamul u yeelaan. Abaanduulayaasha Muqdishu soomaaliya ma xakumi karaan, Muqdishana Magaala-madax ma noqon karto, maxaa yeelay ma midaysna, oo waxay u qabsantahay xaafado yaryar oo aan is ogayn oo ay kala xukumaan niman abaanduullo ah oo hubaysan.

Xaggee Dowlad ka dhismi kartaa?
Soomaaliya dowladeedu waxay ka billaabanaysaa meelaha nabadda ah, sidaas ayuu sheegayaa caqliga caafimaadka qaba, laakiin meel aanan wax nidaam ah ka jirin oo boob iyo dhac sharcigeedu yahay, oo nin kasta qoray garabka ku sito u malayn maayo in qof caqli leh oranayo caasimad dal ha looga dhiso ama dowlad ha laga soo abaabulo.

Marka soomaaliya ayada ayaa hagaagaysa ee haloo daayo meelaha hadda nabaddu ka jirto sida ay yihiin, meelaha kalena hala caawiyo si ay dowlad u soo dhistaan. Midayntuna ha inoo dambayso.

Source: Somali Electronic Journal (SEJ)


[Column]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:02 AM. Webmaster HomePage