19 May 2007 04:22

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News](SW) BEENI RAAD MA LEH! 
  • Posted by/on:[AMJ][Tuesday, January 9, 2001

 
  Ku: Jaaliyadda Reer Puntland ee Dalka Dibeddiisa

Ujeeddo : Beenin Qoraal Qaylo Dhaan ah

Waxaan halkaan indinku soo gudbinaynaa salaan ka dib, in internetka la
geliyey Qaylo dhaan been abuur ah, taas oo loo la jeedo in khalkhal lagu
abuuro Bulsho weynta Jaaliyadda Puntland ee dibedda joogta, si loo hakiyo
dardarta cusub ee mashaariicda lagu fulinayo ama laga fulin doono Gobolka
Mudug.

Qaylo dhaanta been abuurrka ah oo lagu hoos qoray magacyada xubno guddiga ka
mid ah iyo dad aan ka mid ahayn oo lagu daray wax sal iyo raad ah ma leh.

Waxaan caddeynaynaa in horumarinta gobolka dhinacyada waxbarashada iyo
caafimaadkaba loo baahanyahay.

Guddiga Horumarinta Waxabarashada iyo Caafimaadka Mudug, wuxuu kale oo uu
caddaynayaa in uusan saxiixin waxna ka ogeyn qoraalka internetka la geshay
oo isbeen fartiinka ah.

Mahadsanidin

Guddiga Horimarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka Mudug

1. Bashiir Shiekh Hassan ...Guddoomiye
2. Ahmed Jamac Cabdulle
3. Dr. Mohamed Jama Salad
4. Farah Jama Cilmi
5. Abdirahman Hussein Islaan


Dhammaad!
___________________________________________________________________________________
 

BAAQII BEEN ABUURKA AHAA


 
Isbitaalka Umaddu waa Halbowlaha Caafimaadka Bulshada
SDO, Galkacyo, January 1, 2001

 
 
 

URGENT MESSAGE

Galkayo, Somalia; Fax: 252 543 4501

  

December 30, 2000

 Ku: Dhamaan Jaaliyada reer Puntland

Cloud Callout: Kaalamada Isbitaal gaar loo leeyahay [Private Hospital] waxay dhiirrigalinaysaa bililiqaysiga Isbitaalka Umadda ka dhaxeeya [public Hospital)
 

 

 

 

 Re: Isbitaalka Umaddu waa Halbowlaha Caafimaadka Bulshada

 

Dhamaantiin waxaan halkan idiinka soo gudbinaynaa salaan. Waxaan kaloo idin leenahay Iid Wanaagsan meelkasta oo aad joogtaan.

 Sida waayadanba warku idinku soo gaarayey Gobolka Mudug iyo Puntland inteeda kaleba waxaa olole loogu jiray sidii waxbarashada iyo caafimaadka dadka reer Puntland loo horumarin lahaa, iyadoo wax laga qabanayo iskoolaadka iyo isbitaalada bulshada. Sidaad u ogtihiinba magaalada Galkacyo waxaa ku yaal hal Isbitaal, hal Dugsi sare iyo laba dugsi hoose/dhexe kuwaasoo ah hanti dadweyne (public institutions).

Waxaa kaloo jira dhawr dugsi hoose/dhexe, hal isbitaal (Dhegacadde) iyo dhawr clinic oo ah kuwa gaarka loo leeyahay (Private). Sidaa darteed qoraalkan oo aan ugu magac darnay Qaylodhaan ku wajahan Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo waxaan ku soo koobaynaa baahiyaha ka jira isbitaalka iyo xaaladda guud ee uu ku sugan yahay.

 Gaalkayo General Hospital oo ah isbitaalka guud ee gobolka Mudug waa isbitaalka keli ah ee ku yaal gobolka Mudug waxaana la dhisay muddo hadda laga joogo 50 sano, intii ka danbaysayna wuxuu u adeegayey bulshada ku dhaqan gobolka siiba reer Gaalkacyo. Inkastoo isbitaalku uu tobankii sane ee ugu danbeeyey uu shaqeynayey, hadana loogama aaba yeelin ama loogama turin burburkii iyo dhibaatooyinkii uu dagaalkii sokeeye geystay. Intii ay dagaalada ba’ani ka socdeen magaalada Gaalkacyo, waxaa jiray dhakhaatiir iyo shaqaale kale oo caafimaad oo iyagu naftooda u huray badbaadinta dadkooda, iyagoo habeen iyo maalin u taagnaa sidii ay u daaweyn lahaayeen dadkii ku soo dhaawacmay dagaaladii sokeeye iyo dadka kale ee ay xanuunada kale ay hayeen. Isbitaalku waa isbitaalka kaliya ee wax loogu qabto hooyooyinka  iyo caruurta dhibaateysan, waana isbitaalka keliya ee wax lagu qalo marka Gobolka oo dhan la eego. 

Hadaba, nasiib xumo isbitaalka taariikhdaa leh waxaa la soo gudboonaatey in qalab iyo daawo la’aan ay ka dhacday oo dadkii dhibaataysnaa wax lagu badbaadiyo la waayey. Inkastoo lagu tilmaamo isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug hadana uma qalmo xataa mid tuulo, qalab iyo daawo la’aan daraadeed. Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha kale ee caafimadku waxay in mudo ah ku dadaalayeeen in ay baahida caafimaad ee bulshada ay daboolaan iyagoon wax qalab ah haysan. Qalab iyo daawo la’aan daraadeed, waxaa dhacday in dad badan ay naftoodii waayeen  kadib markii dhakhaatiirtu ay waxba ka qaban waayeen dhibaatadii ama xanuunkii markaas la soo gudbaanaday. Guud ahaan, isbitaalka Gobolka Mudug waxaa maalinkasta la keenaa dhowr qof oo baabuur la gaddoontay ama xabad ku soo dhacday oo u baahan gargaar degdeg ah. Nasiib xumo, isbitaalku ma laha raaji (x-ray) lagu ogaado lafaha jaban ama meesha xabadu ku jirto, qalab suuxin in ayna lahayn, iwm.

 Anagoo ah dhakhaatiirta iyo Guddiga Horumarinta Caafimaadka iyo Waxbarashada Bulshada Gobolka Mudug waxaan dhowr jeer qeylo dhaan u soo dirsanay walaalahayga ku nool wadanka dibadiisa oo aan weydiisannay in qalabka isbitaalka sida ay u kala muhiimsan yihiin nalagu kaalmeeyo. Inkastoo balanqaadyo ay jireen, hadana waxaa nasiib xumo ah in codsigii dhakhaatiirta iyo kii bulshada reer Gaalkacyo la iska dhaga tiray oo wax u soo jawaaba la waayey ilaa iyo hadda. Anagoo og in walaalahayaga dalka dibadiisa ku nool ay ka fuliyeen magaalada Galkacyo iyo Puntland intiisa kale mashaariic badan oo waxku ool ah, ayaan hadana waxaan dhaliil u soo jeedinaynaa jaaliayada reer Puntland oo iyagu marwalba danta guud ka hor mariya midda gaarka. Taas waxaan ula jeednaa, iyadoo baahidii isbitaalkii umadda ee ugu weynaa ee gobolka Mudug ay baahidiisii taagan tahay, ay jaaliyadda u dhalatay gobolka Puntland gaar ahaan kuwa u dhashay Gobolka Mudug ay isku raaceen ama go’aan ku gaareen(sida ku cad faxka loo soo diray GHC&W) in baahi-tirka isbitaalka Gobolka Mudug laga hor mariyo, BAAHI-TIRKA Isbitaal gaar loo leeyahay (Private Hospital). 

Sidaad la socotaan waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya isbitaalka guud (Public hospital) iyo mid shakhsi leeyahay (Private hospital or clinic). Isbitaalka guud waa mid ay wadaagaan dhamaan bulshada Soomaaliyeed, yar iyo weyn, rag & dumar, mid wax haysta & Mid aan wax haysan. Waa Isbitaal wax loogu qabto qof kasta oo u baahda siiba dadka masaakiinta ah. Laakiin  haddii isbitaalku yahay mid khaas ah waa mid loogu adeego dadka iyagu wax haysta ama awooda u leh in ay iska bixiyaan qiima sare. Hadii aan tusaale u soo qaadano, isbitaalka guud  waxaa bukaanka lagu eegaa lacag u dhiganta $0.30, meesha kan khaas ah bukaankii lagu eego lacag u dhiganta $2 –3.00. Waxaa jira dad badan oo masaakiin ah oo iyagu ka soo baqooley meelo aad u fog-fog, oo aan awood u lahayn in ay bixiyaan lacagtaas yar, dadkaas iyaga ah isbitaalka guud waxaa lagu daweeyaa lacag la’aan, meesha kan khaaska ah qof walba lacag siyaado ah laga qaado. 

Hadaba, idinkoo dhinacyo badan ka eegaya farqiga u dhaxeeya isbitaalka Guud iyo midka gaar ahaaneed, ayaa waxaan mar labaad idiinka codsaneynaa in aad dib uga fiirsataan go’aankiina ah in wax loo qabto ama lacag loo aruuriyo isbitaal GAAR loo leeyahay, idinkoo tixgelinaya baahida isbitaalka guud ee Gobolka Mudug ee ku yaal magaalada Galkacyo. 

Runtii waa wax laga naxo in isbitaalkii guud ee Gobolka Mudug uu noqdo mid aan wax qalab iyo daawo aysan oolin, kuna dhow in la iska xiro, dadkii laga sugayey in ay wax ka qabtaana ay go’aan ku gaareen in aan arintaas isbitaalka waxba laga qaban, iyada oo ay u daneynayaan dad gaar ah oo iyagu iska leh isbitaal khaas ah oo ku yaala magaalada Gaalkacyo.taasoo dhiirigalineysa in wixii ka haray isbitaalkii dadweynaha loo furfuro isbitaalo gaar ah oo aan dadka danyarta ah u-aabeyeelayn waxayna runtu tahay in qofkii isbitaal shaqsi leeyahay kaalmeeyaa inuu sahlay inuu meesha ka baxo kii loo sinnaa. Haddaba, haddaan nahay dhakhaatiirta iyo GHC&W Gobolka Mudug, waxaan jaaliayada dibada u sheegaynaa inay waxqabadkooda u jiheeyaan hantida guud ee bulshada u dhaxaysa. 

Waxaan mar labaad idin xusuusinaynaa in aad si bani’aadamnimadu ku jirto aad u tixgelisaan codsiga iyo qeylo dhaanta isbitaalka guud ee Galkacyo iyo bulsha weynta ku dhaqan Gobolka Mudug siiba kuwa magaalada Gaalkacyo .  

Ugu danbeystii waxaan idiin rajeynaynaa Iid wanaagsan iyo in ilaahay ajar iyo xasanaad idinka siiyo mashaariicda qiimaha leh ee aad ka fuliseen gobolkada Puntland, waxaanan rajeynaynaa in aad dadaalkiinna sii waddaan. 

Waad Mahadsantihiin.

 

Ø      Takhaatiirta

Dr. Mohamed Jamac Salaad

Dr. Axmed Xuseen Qureh (Yare)

Dr. Bashiir Ali Biixi

Dr. Abdulaahi Hirsi Jeesaro

Dr. Abdirizak Mohamud Jamac

Dr. Maymuun Farax Samatar

Dr. Abdinasir M. Abubakar

Dr. Bashiir Abdulahi Hoolif

 

Ø      Guddiga Horumarinta Caafimaadka iyo Waxbarashada Gobolka Mudug

Bashiir Sheekh Hasan                                                  

C/raxmaan Xuseen Islaan

Axmed Jaamc Cabdulle [Biriye]

Max’ed Axmed Xuudi

Burhan Maxamed Gurey

Max’ed Jaamac Ganey

Cali Jaamac Biixi

Warsame Max’ed Ciye

Abshir Max’ed Xusseen [Xarfe]

Axmed Cali Dheere [Hoolif]

 


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:10 AM. Webmaster HomePage