- Title: [SW News](Sahan) GUDDIYADDA NADAAFADDA XAMMAR
- Posted by/on:[AMJ][Monday, January 29, 2001]
RAG AY KU JIRAAN CABDULLAAHI BOQOR IYO XASAN ABSHIR OO
MADAX LOOGA DHIGAY GUDIYADA NADAAFADDA MUQDISHO.
Sahan, Muqdisho.
2001-01-29
Xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga dawladda ku
meelgaarka ah ee Muqdisho C/laahi Boqor Muuse, Xasan Abshir Faarax
oo isna ah Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ee dawladaas,
wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Axmed Maxamed Bide iyo
qaar kale oo kale oo ka mid ah wasiiradda iyo xildhibaanada dawladda
ku meelgaarka ah ee ay dhiseen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo
David Stephen ayaa Loo xilsaaray in ay hawlaha nadaafadda iyo amniga
kala shaqeeyaan masuuliyiinta Gobolka Banaadir.
Wareegto rasmi ah oo uu Sabtidii soo saaray Madaxweyne C/qaasim
Salaad ayaa masuuliyadaas loogu xulay wasiiradda in ay wax ka
fuliyaan, iydoo ay hawshani qayb ka tahay olole nadaafadeed oo ay
dawladda ku meelgaarka ah ee Carte kaga shaqaynayso jidadka
magaalada Muqdisho.
C/laahi Boqor waxaa todobaadkii hore lagu khasbay in uu beeniyo war
uu ka sii daayay arbacadii Idaacada HornAfrik oo ah idaacad si aad
ah u taageerta dawladda cusub, warkaas uu idaacadda ka sii daayay
wasiirku waxa uu sheegayay in aysan jirin wax weerar ah oo ay
Itoobiya ku hayso soomaaliya iyo wax dhib ah oo ay u geysatay
Soomaalida, hase ahaatee waxa dhakafaar ku noqotay saxaafadda madaxa
banaan ee Muqdisho markii Wasiirku subaxnimadii khamiista iska soo
dhex galay kulan ay wada lahaayeen wasaaradda Warfaafinta ee
dawladaas iyo saxaafadda Muqdisho, halkaas oo wasiirka gaashaandhigu
ku soo bandhigay war beeninaya hadal uu habeenkii maaalintaas ka
jeediyay idaacadda HornAfrik, wuxuuna wasiirku ku cududaartay in
uusan war hayn markii hore hadase loo waramay, hase ahaatee warar
xog ogaal ahi waxa ay sheegayaan in C/qaasim Salaad ku khasbay C/laahi
Boqor in uu beeniyo hadalkiisii ama in uu is casilo.
Cabdullaahi Boqor oo ka hadlayay shirkaas beenintuna waxa uu si aad
ah u weeraray masuuliyiinta ku shiraysa Ceel Barde oo uu ku
tilmaamay dabadhilifyo Amxaaro. Masuuliyiinta macaga Buntilaan kaga
qayb galay shirka Carte ayaa waxa ay ku guul daraysteen in ay ka
baajiyaan ciidan, hub iyo sahay C/qaasim u diaray magaalada Kismaayo
si looga hor tago ciidamada is bahaysiga ay C/qaasim bah wadaagta
yihiin ee xoogga halkaas ku haysta oo laga soo saaro, waxayna taasi
dhaawac weyn u geysatay xushmadii ay ku lahaayeen Buntilaan, waxa
kale oo uu Wasiirka Gaashaandhigu qirtay in uusan waxba ka ogeyn
dagaalkii Balcad dawladda kmg ahi ku qaaday, isadoo isla mar
ahaantaana janankii dagaalkaas hogaaminayay jaranaal Galaal loo
diray wafti kaligiis ah dalka Ruushka halkii laga filayay in isaga
ama wasiirka mid is casilo.
[
News] |