19 May 2007 04:31

SOMALIA WATCH

 
Column
  • [SW Column] (Ali Odowaa - Toronto) Majaxaabinta Soomaliland wado iyo Mowqifka reer Sool  ee Midnimada Ummadda Soomaliyeed  Posted on 20 Dec 2002

Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.


Majaxaabinta Soomaliland wado iyo Mowqifka reer Sool 

ee Midnimada Ummadda Soomaliyeed 

Ali Odowaa - Caliodowaa@hotmail.com

 

Tan iyo intii ay billabatay is arruursigii hubaysnaa ee SNM waxaa ummada ku nool gobolada waqooyi lagu affuufayey jiro aan dawo lahayn. Taa waxay ku salaynayd inay meel walba madaxda SNM iyo madaxda kaleba la istigaan inay ladulmiyey gobolada Waqooyi. Waxaan labo cali isweydiinaynayn in wixii kelitaliyii Siyaad Barre kula kacay ummada Soomliyeed keliya ay tahay wax uu isagu geystay. Isla markaana aysan jirin qof uu aabo yeelayey, haba ahaado willkiisee. Sidoo kale dulmiga Soomalidu isku samaysay  meelkasta ha joogeen waa mid gaaray qabiilkasta, gobolkasta, gurikasta iyo shakhsikasta oo ku abstirsada Soomali.  Waa hubaal ah, in dhibka lakala badsaday oo dhibkii ugu horeeyey ku bilowday gobolada Mudug iyo Waqooyi Galbeed.  Waxaa maragmadoonto ah inay jabhadihii hubaysnaa sabab u ahaayeen wixii dhacay. Sabatoo ah waxay kasoo duulayeen dhulXabashiyeed iyo soogalayey meelaha rayidka ay isku abtirsiimada yihiin degena yihiin. Gaar ahaan waxaan ula jeedaa soogelitaankii SNM magaalooyin Burco iyo Hargaysa waxay ku salaynayd inay ku khasbaan inuu dadku raaco hadii kalena dhibku soo wada gaaro rayidka goboladaas, si hadhoow ay taageero uga helaan. Waxaa iyana markhaati madoonto ah inay xabashidu waday siyaasad ay isaga horkeento ummadda Soomaliyeed, waana tan socota ilaa iyo maanta.  Sida lawada ogsoon yahay waxay xabashidu gacan saar la leedahay worlords jooga meelkasta, i.e Hargaysa, Putland, Muqdisho…etc.  

Hadaba Su’aashu waxay weeye, muxuu ahaa mowqifka reer Sool ku beegnaa markay jabhadii SNM isu bedeshay Maamulka Hargaysa ama socalled Somaliland kudhawaaqday inay Soomaaliya ka go’ayso?. 

Maamulka Hargaysa (Soomaliland) waxay marwlaba ku andacootaa inay Sool  ka tirsantahay dadkeeduna raacsan yihiin. Su’aashaas oo lamoodo inay dadka Soomliyeed ay ka dahsoontahay baa waxaan  dib u jaleecay taariiskhda ilaa intii ka horaysan xornimada ilaa iyo Maanta si aan u fahmo idinkana idinla qaysado.  Iyadoon aan soo koobayo waxaana iiga soo baxay arimahan: 

  1. Mar walba inay reer Sool lahaayeen mowqif siyaasadeed ka duwan siyaasadda Waqooyi Galbeed. Taan waxaan u daliil ah waagii isticmaarka Engiriisku haystay dhulkaa, reer Sool waxay raaceen Sayid Maxamed Cabdule Xasan iyo xornima doontkii.
  1. Markii Xisbiyo Siyaasadeed Ka abuurmeen goboladaa deriska ah  Meesha ay ka jireen dhowr xisbi sida: SNL oo ka jirtay Waqooyi Balbeed, dhinaca Sool waxaa ka jiray xisbi la oran jiray Dhulka oo isu bedelay USP oo ay isku bahaysteen, sadex qaabiil oo Soomaliyee oo kala ah Gudabiirse, Warsangeli iyo dhulbahante.
  1. Markay SNM u sacabo tumayso kala go’ dalka reer Sool waxay kor u taagayeen Calankii Soomaliweyn, iyagoo ku hal qabsaday “calkaa shangees le ah iyo gobanimada sharfta le anaa shafku u tumaaya”.
  1. Markay Soomaliland lasoo baxday lacag ay si gaar u leyihiin, reer Sool waxaa ka socotay lacagtii qarakiin Soomaliyeed.
  2. Markay Maamulka hargaysa doonayeen inay ku abuuraan cadownimada ka dhexeysa Ummada Soomaliyeed waxay bartama Haygaysa ka sudheen Taalo ka samaysan diyaarad miig ah oo tusaale u ah wixii maamuklii kelitaliyhii Maxamed Siyaad yahay mid ay laqabaan Soomalida inteeda kale. Si loogu abuuro dadka nacayb ku aadan walaalahood Soomaaliyeed. Ubadka sookoraya ay ku garaadsadaan taariikha madow.
  1. Reer Sool waxay ka tanaasulayeen mowqifyo badan si ay usoo noqoto qaranimadii Soomaliyeed marka loolan siyaasada bilowday, dib ugu laabo heshiisyadii nadab raadinta Soomaaliyeed. Waxaana weli reer Sool taariikh u ah, Gabayadii C/laahi Suldaan Timacade, “Kanna Siib kanasaar” oo aysan gebiahaanba maqli Karin Siyaasiyiinta iyo Maamulka ka jira hargaysa. Sidookalena Talooyinkii  Axmed Guray, Dhagaxtuur, Haawo Taako, Sayid Maxamed Cabdule Xasan iyo SYL, oo intuba ka turjumayaan midnimada iyo xaq u dirirka ummadda Soomaliyeed

Markay arintu halkaa tegtay, oo Soomaliland si kale wax uga keeniwayday Sool,  ayay  bilaabeen inay iibsadaan ashkhaas magac u yaalo ah, oo ay shicaar uu u ahaa “war maruun I dheh anaa reer Sool ah”. Taasina maaha wax maanta ku cusub Soomaliya oo waa siyaasad ay ku shaqaystaan Qabqablayaasha iyo kuwo danaha gaar ahba leh.   Hadaba akhristoow waxaa yaab ah inaysan weli Maamulka hargaysa ka quusan inay Sool noqoto meel hoostimaada. 

Dhinca arimaha Dibadda: Maamulka Hargaysa wuxuu aduunka lamaray Khariiradii Isticmaarka isagoo leh waxaan ahay “British Somaliland” doonaya inay beer laxawsi ka helaan caalamka, nasiib daro Brithishkiina diid. Oo maanta ma jiro wadan keliya oo aqoonsaday riyadii SNM. Waxa keliya ee ay caalamka kasoo heleen waa Hayaad samal fal (NGO’s)oo kusoo qulqulay Waqooyi Galbeed.  Siyaasad xumada maamulka Hargaysa waxay Hay’adahaa xarunta ka dhigtay Hargaysa ku yiraahdaan  markay doonaan inay Sool u soo gudbaan, maaha meel nabadi ka jirto, ha tegina, nabadii ma damaanad qaadi karo!, bal u fiirso laba aflayta maamulka Hargaysa. Mar waxay ku oranayaan angaa maamulna, marna nabad maaha ha teginba!!!!. 

Sidoo kale maamulka Hargaysa wuxuu maal iyo mood ku bixiyay inaysan BBC kasoo hadlin arimaha gobolkaa (kaliya waxay uga hadlaan si meel katirsan Somaliland i.e waqti doorasho sooscoto IWM) si aan loo ogaan xaqiiqda ka jirtaa aagaas. Hadaba bal iswedii akhristoo maxaa ku kalifay maamulka Hargaysa labo aflaynta jogtada ah!!!!!!!! 

Inkastoo maamulka Hargaysa marwalba ku maaweeliya shicibka horumarka iyo nabada ka jirta inay iyagu hindiseen. Hadana deriskoodu waxay qayb libaax ka qaateen in soohdimahood oo idil ka sugnaato xasilooni waarta. Hadii la eego dhinaca Awdal, Sanaag iyo Soolba waxay marwalba diyaar u yihiin inay si wada jir ah u sugaan nabadda. taasina waa taariikh soo jireen ah oo ka dhexaysa Gobolaadaas. Waa taariikh Deris, Xigto-wadaad, Xididnimo, iyo Walaaltinimo ka dhexeysa ummadda. Waxaana dhidibada u aasay waa Cuqaasha, Isimada, Salaadiinta iyo Ruug Cadaadga goboladaas. Ileen Siyaasi kaa afbadane, taasi waxay keentay in la kalasaari waayey wixii ay dadku siwada jira ah u sameeyaan, iyo waxay siyaasiyiintu qabteen.

Hadaba Akhristoow, heshiisyadaasi maaha kuwo siyaasi ah, ee waa kuwo ka dhexeeya qabaaisha degan jiidaas si ay u helaan nabad waarta islamarkaana aysan dhulkaa uga bilaaban xasilooni daro, dhib u keenta dalka iyo dadka.   

Hadii al eego dhacdadii Laascaano bilowgii bishan December-2202,  waxaa la orankaraa maamulka Hargaysa (NOT Shacabka) wuxuu ka baxay balamihii nabadda ee ka dhexeeyay Walaalaha Soomaaliyeed  ee degan gobolaadaas. Bal akhristoow u fiirso laba dhacdo siday ula tacamuleen reer Sool.    

  1. Madaama reer Sool, ay maamul lawadaagaan Putland mar uu isku dayey C/laahi Yuusuf inuu booqasho ku tego Sool waxay Isimadu kula taliyeen inuusan iman L/caanood si ay u ilaaliyaan nabadda gobolka is lamarkaana ay uga fogaadaan xasaasiyad soo cusboonaata, taana waxaa asal u ahaa C/laahi Yuusuf iyo qaar ka mid ah Isimada dhulbahante oo khilaaf ku wajahan maamul goboleedka Putland ka dhexeeyay.
  1. Marka la eego dhinca maamulka Hargaysa, waxay reer Sool sidoo kale ka digeen in aan dhulkooda la keenin wax ku saabsan doorashooyinka Soomaaliland maadaama aysan lawadaagin wax maamul ah.  Beryihii ina Cigaal noolaa wuxuu oran jiray war baadiyaha intaan la tegtaan GEELJIRAHA kasoo buuxsha ileen wuxuu ahaan nin yaqaan Siyaasadee. Sidoo kale axsaabta ka bilaabatay Waqooyi Galbeel i.e UDUB, KULMIYE… etc. waxay sanaadiiqda kasoo buuxsan jireen meelaha xoolaha biyo cabka ugu hayaamaan, meel aan joogin wax wax akhriyaa, duurka iyo geel jire dhexdiis.

NASIIBXUMO taa waxaa iska indho tiray ina Riyaale oo run ahaantii ay kadambeeyeen dad dano gaar ah leh. Kuwaasoo ku caraynaye hadaad nin u qalma Madaxtinimo tahay teg Sool [typical suicide].  Dadka Siyaasadda indha in dheeyaa waxay ku tarjumeen inay dadka qaarkii doonayeen inuu ku dhinto Laascaanood, ka dibna talada is fudud ula wareegaan!!!!!!

Taloxumo iyo turaantur loo dhigay awgeed waa kee yimi Laascaanood, wuxuuna soo galay isagoo aan la tashan Odoyaashu ka taliya dhulka. Wuxuuna kusoo degay guri ay lahaayeen dad ay macrifo ka dhexayso.  Taa waxaa laga garankaraa, hadii waxay maamulka Hargaysa ku andacoodaan sax tahay, muxuu ugu soo degan waayey guri ka mid ah Isimada reer Sool (oo badankood leeyihiin guryaha magaalada ugu bilicsan), Ilaa hadana lama hayo hal isin oo yiri war ina Riyaal anaa keenay iska daaya, laankiinse waxay arintu tegtay, war naftiisa badbaadsha wuxuu ka dhashay dad wanaagnaga dhexeeyee. Halkay SNM xisbi ku sheega isu bedeshay, ku dhici wayeen inay soo racaan, nasiib wanaag wuxuu ku laabtay Hargaysa isagoo bed qaba. Inkastoo uu abuuray xiisan dad ku dhinteen. 

Akhristow waxaa Soomliweyn ku waa jib ah inay walaalahood reer Sool u aqoonsadaan inay yihiin kuwa maanta isku haya wadanka.  Inay u baahan yihiin in walaalahood degan gobolada kale ay ku taageeran (maaha dagaal) inay hayadaha Safalku (NGO’s) aadan oo ay tahay meelaha wadan ugu nabada roon. Inuu gobolku yahay dhul taariikhi ah, una baahan in dib loogu noqdo wixii ku saabsan Taariikhdii Daraawiisha (sida Taleex iyo Ayl). Iyana waxaa muhiima inay Soomliweyn ogaato inaysan SNM iyo xisbiyada magacyada kale lakala baxay i.e UDUB, KULMIYE (tolow yuu kulmiyey!!)..etc. aysan si run ah uga turjumayn mowqifka shacabka Waqooyi Galbeed. Keliya ay ku xiran tahay xasilooni ka dhalata gobolada maanta qasan sida caasimadii Muqdisho.  Inay diyaar u ahaadaan Soomaaliweyn in googol u dhigaan Walaalahooda saluugsan kaalintii ay kula haayeen midowgii labada gobol. Maskaxdana marwlba lagu hayo heestii soomliyeey toos oo oranaysay “Luqadiinaa Tu waaxid Ahoo, Arladiinaa Taako-ahoo SINA  kuma kalategaysaan”   


Fiiro Gaar ah: Akhristoow Qoritaanka iyo ka hadalka arintan waxaa igu qasbay markaan arkay qoraale faro badan oo dhinac u xaglinayey, inaan ka tuse arinta dhinca kale. Gaar ahaan,  war saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Xisbiga KULMIYE ee Hargaysa, C/casiis Samaale iyo Maqaalka uu soo qoaray MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA) | KARACHI, PAKISTAN MAWQIFKA SOMALILAND IYO MEERMEERKA REER SOOL .  In kastoo ay iyagu qariyeen hawiyadohooda, anigu waxaan ku abtirsadaa dhulka Sool waxaana ku noolahay magaalada Toronto. Waxaan rejeynayaa inuu qoraalkaugu uu noqdo mid ku dhisan waaqic taariiskhi ah kana fog caadifad qabiil. Sidoo kale waxaan rejeynayaa in wixii dooda ah laygala doodu, aana ahay qof laabtiisu u furan tahay dood cilmiyeed caafimaad Qabta.  Cali Odowaa, Student of Public Administration Political Science

Caliodowaa@hotmail.com

 


[Column]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:19 AM. Webmaster HomePage