19 May 2007 04:31

SOMALIA WATCH

 
Column
  • [SW Column] (Courtesy of  Yamayska.com) Warbixin: Dr. Dasuuqi, Siyaasadda Ururka & Saldhigga Cusub  :Posted on Dec 20, 2002

Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.


Warbixin: Dr. Dasuuqi, Siyaasadda Ururka & Saldhigga Cusub
______________
Dhaqdhaqaaq Siyaasadeed & Mid Milatari oo ka Bilowday Xamar iyo Eldoret
______________________________

 

Gaalkacyo - 19 Diseenber 2002 (Yamayska) - Kusimaha madaxa urur siyaasadeedka al-Itixaad ee Bariga Afrika, Dr. Dasuuqi - isla markaana ah xildhibaan kooxda CARTA, oo bilahaan saldhig ka dhigtay madasha shirka dib-u-heshiisiinta, Eldoret - ayaa indhawaalaba wuxuu ku mushquulsanaa dib-u-habaynta siyaasadda Ururka, kobcinta xiriirka Ururka, dib-u-dhiska dhaqaale iyo waliba raadinta taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba.

Dhakhtarka oo badanaa waqtigiisa ku dhameeya shirar aan loo kala-kicin habeen iyo maalin, ayaa haddana waxaad ku arkaysaa bannaanka Hotel Siriwika asagoo sida musharixii markasta salaamaya dadka soo galaya iyo kuwa ka baxaya hoteelka. Waxaad dareemaysaa in salaantu aysan macna la'aan ahayn, oo qofkii salaan kula raaga Dhakhtarka, habeenkii haddaad meel kale ka weydid, waxaad ka helaysaa guriga Dr. Dasuuqi. Intaas kaliya ma ahee, waxaa baryahaan sii badanaya hogaamiyayaasha si toos ah iyo si dadbanba isugu dhiibaya aragtida ku-simaha Ururka, Dr. Dasuuqi.

Hadaba su'aashu waa: waa maxay ajendaha Dr. Dasuuqi iyo tan Ururka ee Eldoret? Dr. Dasuuqi yuu matalaa, yaa maamula Dhakhtarka, yaase lacageeya? Jawaabuhu ma wada sugna, maamulka ururkuna ma cadda oo badanaa dad yar ayaa ka war haya, laakiin illaa xad ma qarsoona qorshaha Ururku, lagana soo bilaabo shirkii CARTA, ajendaha ugu horeeya ee Ururku wuxuu ahaa inuu qabto majaraha siyaasadda Soomaaliya, haddusan qabanna, si kalsooniyi ku dheehantahay, uu cid kale ugu dhiibo.

Nasiib wanaag amaba nasiib darro, hadba say kula tahay, ajendihii Ururka ee CARTA waa dhicisoobay, ayadoo dhanna Eldoret baa lagu aasay. Si kastaba ha ahaatee, dhib kastana - haba ugu horayso tan la dagaalanka argagixisada - ha soo food-saarto Ururku, haddana marna ma uusan kala daadan Ururku. Waxaaba la dhihi karaa, xag dhaqaale mooyee, xag siyaasadeed, la dagaalanka argagixisadu ugamaba darin Ururka.

Dhaktarka oo asxaabtiisa ay ka mid yihiin Shiikh Cumar Faaruuq, oo hadda aan Xamar ka bixin, iyo Shiikh Maxamed Abdiraxmaan Kaariye, oo Oregon, USA, ku xiran, arrimo la xiriira la dagaalanka argagixisada, iyo Kor. Daahir A
weys oo wali la la'yahay, kuna jira liiska Cusama Bin Ladan, waxay ka mid ahaayeen tiirarka Ururka, qaarkoodna waxayba ku jireen golaha wakiilada kooxda Carta ee iskood isu soo magacaabay tan iyo markii ay kooxdu isa soo dhistay bartamihii 2000. Waxay kaloo saddexduba kamid yahiin xubnaha sar-sare ee urur diineedka Al-Itixaad. Badanaa hogaamiyaayasha Ururka, inta la soo masaafuriyey mooyee (Sh. Cumar Faaruuq), ama inta xir-xiran (Sh. Kaariye), badanaa intii kale ama dagaal bay ku dhinteen, amaba waa la raadinayaa oo magacyadoodu waxay ka dhex-muuqdaan liiskii dadkii lagu xiriiriyay argagixisada adduunka, ayna baahiyeen dawladaha safka hore uga jira la dagaalanka argagixisada.

Dhibkaas jira awgiis, badanaa maamulkii ururka ee awal is qarin-jiray, sida Dhaktar Dasuuqi, waxaa khasab maanta noqotay, si ay u difaacaan jiritaanka Ururka, inay safka hore soo istaagaan. Hadaba maxaa ka mid ah ajendayaasha Dhaktarka iyo tan Ururka ee maanta khasabtay inay safka hore soo istaagaan?

Shirka Dib-u-heshiisiinta Edloret waa mid maanta rajo wayn galiyay shacabka Soomalida, badanaa hogaamiyayaashooda iyo maamul goboleedyada u doodaya habka federaalka, haba ugu horayso DGPL (Puntland); laakiin hadana waa mid rajo la'aan ku abuuray Ururka iyo taageerayaashiisa meel kastaba ha joogeene. Maanta oo Ururku jeclaan lahaa in Cabdiqaasim Salaad Xasan uu safka hore, si qarsoodi ah, ugu fadhiyo ururka, way suurtoobi wayday siyaabo badan awgood. Hadaba arrini waxay ka fursan wayday in lala dagaalamo shakhsiyaadka iyo maamulada sababay in Ururku curyaamo.

Maamulada lala dagaalamayo waxaa ugu horeeya DGPL (Puntland) iyo madaxwaynahoodu, Mudane Cabdullahi Yusuf Axmed. Dagaalkii ugu horeeyay ee lala beegsaday DGPL, uuna hugaaminayay Dr. Yusuf Xaaji Nuur, uuna uga danbeeyay Jaamac Cali Jaamac waa uu fashilmay; laakiin marnaba inuu dhamaado waxaa diiday ururka, ayagoo ku dhiirri-galinaya Jaamac Cali Jaamac, oo kamid ah tiirarka ururka, inuu sii wado dagaalka.

Ururku wuxuu diyaariyay ciidamo gaaraya illa 300 oo wiil oo sii saacida ciidamo beeleedka aagga, laguna yiri diintaad amxaaro iyo Maraykan ka difaacaysaan. Intaas kaliya maahee, Ururku waxay waddanka Kanada ka keeneen Gen. Cadde Muuse, oo hadda haysta dhalasho Kanadiyaan, waddanka ka maqnaa dagaalkii sokeeye oo dhan iyo wixii ka danbeeyay. Generaal Cadde Muuse wuxuu ka soo dagay Hargeysa; raggiisii dagaalkii hore ku jabayna wuxuu ka soo uruursaday Burco. Intuu Burco ku negaa Generaalku wuxuu hal asbuuc la shirayay maamulka la magax-baxay Soomali-land, halkaas wuxuu uga sii gudbay gobolka Sanaag. Generaalka iyo taageerayaashiisu hadda waxay ku suganyihiin aagga Dhuudo, ayagoo dagaal labaad u diyaar-garoobaya. Dagaalkaas oo galay qaybtiisii labaad.

Qaybtii labaad ee la dagaalanka DGPL waxaa Eldoret ka daadihinaya Dr. Dasuuqi. Warar lugu kalsoonyahay, Yamayskuna indhawaalaba daba joogay, ayaa tibaaxaya in Ururka, shakhsiyaadka, ganacsatada iyo wadamada uu xiriirka dhow la leeyahayba ay diyariyeen lacag ku dhow $400,000 oo doolarka Maraykanka ah. Lacagtaas oo laba qaybood loo kala qaybiyay.

Waa qaybta horee, in taakulayn loo siiyo maleeshiyada Kor. Jaamac Cali Jaamac, ee uu hogaaminayo Gen. Cadde Muuse, kuna sugan aagga Dhuudo. Taakulayntaas ayaa isugu jidha hub, saanad, lacag iyo raashin. Lacagtaas oo badankeeda asbuucyadii danbe laga xawiley magaalada Nayroobi, ayaa loo kala diray Xamar, Hargeysa, Burco iyo Jabuuti. Warar kale ayaa tibaaxaya in badanaa qaybtii hubka mar hore la gaday, wixii la diray mooyee, intii danbana hadda loo diyaariyey ambabixin.

Waa qaybta danbee, in la diyaariyo, soo noqoshada Madaxweynaha DGPL ka dib, barnaamij looga takhallusayo Mudane Cabdullahi Yusuf Axmed. Barnaamijkan oo qaybtiise hore ay fashilantay wajigii hore ee shirka, ka dib markii sirdoonka Keenyaatigu ka war helay qorshahaas. Qaybta labaad ayuu Ururku rajaynayaa uuna qorshaynayaa inay ka fadudaato isku daygii hore.

Warar kale oo Yamaysku ka helay ilo u dhow-dhow booliiska Kenya ayaa tibaaxaya inuu jiro tuhun isa soo taraya, badanaana ah kan lagu helo isticmaalka teknoolajiyada cusub, kaasoo ah in Edloret ay noqotay goob laga hogaamiyo argagixisada Mombasa.

Dib-u-habaynta Ururka, hoggaanka Dr. Dasuuqi, falalka argagixisada bariga Afrika iyo socdaalka iyo daba-jooga sirdoonka Keenya, Ameerika iyo kan Itoobiya, ayaa waxay ku soo aadeen waqti xasaasi ah; waqti uu Wasiirka Difaaca Maraykanku u sheegay cidamadiisa ku sugan geeska Afrika inay u diyaar-garoobaan hawl-gal cusub ee dhanka geeska.

Hadaba su'aashu waxay tahay: maxaa isku aadiyay hogaamiyayaasha sar-sare ee Ururka, kuna sugan Eldoret iyo Nayroobi, wararka hoose, kan diyaar-garowga Maraykanka, kan sirdoonka, falalka Nayroobi iyo Mombasa, iyo socdaalka cusub ee Ururka kana bilowday Xamar, Xamar iyo Eldoret, Xamar iyo Mombasa, Kismaanyo iyo Raas-kaambooni, Raas-kaambooni iyo Mombasa, Edloret iyo Mombasa, Mombasa iyo Nayroobi, Nayroobi iyo Dubai, Dubai iyo Burco, Burco iyo Hargeysa, Burco iyo Garoowe, Garoowe iyo Gaalkacyo, iyo waliba Xamar iyo Gaalkacyo?

 

Yamayska.com baan ka soo xiganay qoraalkaan


[Column]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:18 AM. Webmaster HomePage