|
||||
Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW. Muuse Suudi majaajiliiste ma ahan, Cabdile Raage ma ahan oo wuxuu sheegayo Qosol kama wado ee waa Qadiyad ay Hawiye qabaan. M. jagne <djagne@hotmail.com> Waxaan qabaa in Dad badan oo Daarood ah oo waxa Somaliya ka socda fahmin, Tiyaatarka Xamarna Majaajilooyinka Cabdile Raage ku Dhagaysan jire in ay Qosal la dhacayaan markii ay dhagaysteen Waraysidii uu Muuse Suudi BBCda Laanta Afsomaliga siiyey. Muuse Suudi hadaba majaajiliste ma ahan, Hadalkisuna dhayalsi ma leh, Aduunka maanta waxa dhacay Markii la fiiriyo wax la dhayalsankaraa ma jirin, haddana Muuse Suudi waliba waa Hogaamiye yaqaan waxay Dadkiisu rabaan kana turjumaya Shucuurtooda, Dhago badan oo Hadalkiis u dhuun daloolana jiraan. Muuse suudi waraysigaa Wuxuu ka turjumaya.fikrada ay Hawiye doonayaan in ay Dadka wax kula qaybsadaan.iyo sida ay rabaan in ay Somali u ekaysiiyaan Waxaase nasiib daro ah in ay jiraan Dad badan oo Daarood ah oo caadaystay erayga ah ,, oo ma dhicikaraa waxaasi , oo waxaa Dadkaase ma ku kici karaan, ama heedhe waa reer Badiye ama waa jahil” iyadoo sidaas ku dhayalsanaya waxa dhacay iskana Indho tiraya Dhibka wali lala maagan yahay. Xaqiiq ahaan Muuse Suudi uma baahnay in uu Hadalkaa yiraahdo maxaa yeelay sheekada ah ,,Daarood mar buu qabasho lahaa”iyo Guurawyada ka danbeeyey sida ,,Dooni raacdaya dabaalataa ar Darood Dalka iiga guur” iyo waliba Xasuuqii, Kufsigii iyo Dhacii Dadka Daaroodka Xamar loogu gaystay way ku filaayeen Qofkii Caqli leh inuu garto Meesh Cadaawado marayso. Sidoo kale sheekada ah ,,Magaalada Caynabo Lixdan jir Daarood iyo Labaatan jir Isaaq yeyna isku soo gaarin” iyo Gumaadkii Waqtigii uu Siyaad Bare baxayey Dadka Daaroodka ah ee Waqooyi Qaxootigii ku ahaa loo gaystay, way ku filan yihiin in uu Qofku ogaado waxa loo qabo iyo Heerka Cadaawadu marayso. Waxaase muuqta in uu Muuse Suudi dareemay in aanay Dadkaani sidaas wax ku dareemin, kuna khasabtay in uu markaan Darood bal si ay u ogaadaan Heerkooda uu haddalka Goga u galiyey maxaa yeelay waxa jira Dad aan wali fahmin waxa Somaliya ka dhacay iyo waxa Rag ku dhaqaaqay oo ay 12sano wadeen iyo waliba waxay magan yihiin. Haddaba Aniga ka Qof ahaan waxaan u arkaa Hadalka Muusa Suudi in Hawiye Heerkii Nacaybka Darood ka taagneeyeen oo ahaa in ay Daarood Aduunka sida Jarmalku uu yuhuuda uga tirtiri rabay, ay Daarood Aduunka uga tirtiraan in ay ka soo yara dabceen, oo ay maanta Daarood ula dhaqmi rabaan, sidii Cadaanka koonfur Africa ay waqtigii Midab Takoorkii Madowga ula dhaqmijireen, taas oo wax badan dhaanta tirtiridii ay Hawiye iyo Isaaq ku taamayeen in ay Darood ku sameeyaan, Gacmahana kula jireen. Waxayna u muuqtaa sida Haddalka Muuse oo ah Go´aankii Shirarkii maalmahaan Eldoret Hawiye ka dhex socday laga dhadhansankaro in ay Hawiye rabaan in ay Qabaa ilka Somaliya darajooyin kala siiyaan sida A,B, C, D, iwm, iyo waliba in ay Sidaan wax u qaybiyaan.
A-Hawixe wuxuu xaq u leeyahay. 1-Xaq Wadaninimo 2- Madaxwaynaha, 3- Caasumada, 4- Shaqooyinka sare B-Isaaq wuxuu xaq u leeyahay 1- Xaq wadanimo, 2-Ra´iisulwasaare, 3- Caasumada labaad, 4- Shaqooyinka dhaxe C-Digil iyo Mirifle iyo Dirta Koonfureed wuxuu xaq u leeyahay 1-Xaq Wadaninimo 2.-Xaghayno 3- Maqaaloyin cadi ah 4 Shaqaalaha hoose D Darood wuxuu xaq u leeyahay 1- Fiisada Ajnabiga 2- Wax Darajo ah xaq uma leh, wax shaqo Dowladeed ahna ma qabankaro 3- Waa in ay Doonyo dul saarnaadaan oo ay Guryo doon yaha dushooda ka dhigtaan 4-Warqad Shaqo xaq uma leh. Hadaba Anigu waxaan u arkaa in markaan fiiriyey Qaabka Midab Takoorka ee ay Hawiye rabaan in ay Somaliya ku soo rogaan in uu yara dhaam kii ay ku fakirayeen ee ahaa Daarood in MADINIMADII ku celiyo.si loo tirtiro, Waxaanad hadda moodaa in ay ogolaadeen in ay Naftu wali ku sii jirto waxaana taas u arkaa arin horumar Hawiye ah. Waxaa hubaal ah in ay Daaroodku markay waagii hore maqlaan Guuroga ah ;; Dooni raacdayaa iyo dabaalataa ar Daarood Dalka iiga guur” in ay Qosli jireen, oo aanay waagaa garan sheekada Daarood mar buu qabasho lahaa iyo Guurowgaas oo 40yadii la tiriyey in ay aasaas u noqon doono Gumaadka 90meeyadaan dhacay Waxaana cadaan ah in aanay sidoo kale haddeer garanay, in Habka uu maanta Hawiye wato in uu mar Sal u noqon Siyaasad somaliya haddii la sahlado oo aan laga hortagin Waxaana hubaal ah in uuna Muuse Suudi Cabdi Raage ahayn.hadalkana majaajilo ka wadin. |
||||
Copyright © 1999 by somaliawatch.org. All Rights Reserved. Revised: 19 May 2007 05:18 AM. Webmaster HomePage |