|
||||
Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW. Sirta Erayga Daaroodka Waqooyi ka danbaysay. maxamud jagne <djagne@hotmail.com>
Tan iyo intii uu fashilmay Weerarkii ay Dowlad Gobeleedka Somaliland (DGSland) ku soo qaadeen Magaalada Laascaanood ee ka tirsan Dowlad Gobeedka Puntland(DGP) iyo Fashilkii ku dhacay Sheegashadii sharci darada ahayd ee ay DGSland Sool, Sanag iyo Buuhoodle ku sheegan jirtey, iyo waliba xajiinta ay guud ahaan reer Puntland Magac Somaliland ka qaadeen, waxay keeneen in Eray cusub oo loogu wanqalay Daaroodka waqooyi uu Erayada Siyaasada Somaliya loo isticmaalo ku soo biiro. Eraygaa oo sida muuqta Dhicisnimo ku dhashay waxaa laga filayey in uu dhayo Dhaawicii Sheegashada Somaliland ee Sool, Sanaag iyo Buuhoodle soo gaaray, iyo in uu daweeyo xajiinta sii kordhaysa ee Magac Somaliland laga qaaday, iyo waliba in uu isu hilow iyo xusuus ku salaysay waagii Ingiriis Wadanka qaybshay abuuro. Waxaa kale oo lagu tala galay in Erayga Daaroodka Waqooyi uu Erayada dhumacda wayn ee Hartinimo, Daaroodnimo, Isirwadaaga, Puntlandnimo iyo Somalinimo dheelitir u noqdo iyo in uu waliba Erayadaa dareen kala qaybsanaan iyo kala qoqobnaan ah ka dhex abuuro, sameeyana sawir Somaliya oo labo qaybood kala ah mid Waqooyi ah iyo mid Koonfur ah, sidaasna laba Daarood oo labada barbar la kala jira loo falkiyo · Mid Isaaq doon Waqooyi la yiraah la saaran yahay oo Bada Somaliland la yiraah dul sabaynaysa. · Midna Hawiye, D&M iyo Beelaha Huwanta ah ee kale doon Koonfur la yiraah la saaran yahay oo iyana Bada Somali koonfur la yiraah dul sabaysaysa. Inkasta oo ay Waqooyi afarta Jiho midkood tahay, meel kasta aad taagan tahayna ay jirto meel Waqooyi kasii ah oo sidaas aanay Waqooyinimadu meel goŽan ugu istaagin, lahayayna macno kale oo aan Jihaynta ahayn oo uuna erayga waqooyi ahayn wax Dad si gaar ah isu xijisiinkara ama xigtanimo iyo is lahaansho dheeri ah abuurikara, haddana wuxuu Erayga Waqooyi waagii hore intii Somali Somali ahayd noqday, astaan intii uu Ingriisku gumaysanjiray lagu tilmaamo iyo Taalo Dadka xusuusisa xiligii la soo maray ee Xanuunka badnaa. Wuxuuna Waagaa Erayga Waqooyi kamid noqday Erayada dhalinyaradu Suuqa ku isticmaalaan sida Baysaan, Ciyaal Xaafad IWM, mana uuna lahayn duluc Siyaasadeed, sidaas ayaana Eraygaa ujeedo laŽaan loo isticmaalijiray, meeshana lama soo dhigan in ay Dadka qaarkiis Erayga Waqooyi Qadiyad Siyaasiya ah oo Ujeedo Dhul balaarsi xambaarsan. ka dhiganayaan iyo in Dadi isku dayayaan in ay Somali Waqooyi iyo Koonfur u kala dhan balan.iyaga oo adeegsanaya Eraygaa, daliilshanayana Taariikhdii Xanuunka badnayd ee Somali soo martay. Laakin Samaysashadii Calanka kale iyo soo bixidii Magac Somaliland iyo ku dhawaaqidii lagu dhawaaqay in waqooyi Dowlad kale oo Somaliya ka goŽday tahay waxay Dheeha ka qaadeen Dhuuxa Siyaasadeed ee Eraygii dhayal dhayalka loogu dhawaaqi jiray ku dhex jirtay. Markii Dhuux Siyaasadeed ee Erayga si fiican loo dhuuxay Didmadii Gadaha cusub ee Eraygii Waqooyi la soo baxay ka dhalatay wuxuu soo nooleeyey Xiriiradii ma Guuraanka ahaa ee wada Dhalasho, dhaqan iyo Dhiig ee Dadka reer Puntland Ingiriiska ka hor ka dhexeeyey, walina ka dhexeeya, waligiisna ka dhaxaydoona. Xirirkaas oo isagu afarta Jiho midkoodna ku xirayn wuxuu Boorka ka jafay Taariikhda Guunka ahayd ee Ingirka ka GuŽweyn ee reer Puntland bidhaansadaan, Taariikhdaas oo 4500kun oo sano ka hor lagu qiyaaso waxaa daadiya oo Daafaha ka jooga Dacdaradana ka dhowra Dareenka Somalinimado.oo isagu daŽ yar oo dardartiisa wata.Dunidana caan ka ah.. Xiriiradaas Dhaqameed, Taariikheed, wada Dhalasho ee Puntlandnimo iyo Somalinimo ku dhidban waxay meesh ka saareen isku Duubnaantii iyo midnimadii afarta jiho Midkood laga raadinayey iyo Beer laxawsigii waqooyinimo lagu hoos qarinaayey oo qaybi Salka ku haysa.. Hadaba iyada oo arintu marka sidaas tahay oo aanay afarta Jiho Midkood oo la cuskadaa aanay ku filayn in ay furdaamiso Dowlada Somaliland ee dhalan la, Weererkii ina Reyaale uu Laascaanood ku soo qaadayna uu keenay in Markii Magaca Somaliland la soo qaado Dadka qaar si noqdaan, ayaa Marka si taas loo furdaamiyo la sameeyey Magaca Daaroodka Waqooyi. Sidaas ayuu Erayga Daaroodka Waqooyi Magac u yaal Erayga Somaliland ugu yahay, una badalay Erayga Somaliland ee ku fashilmay in uu Midnimo dhaliyo, waxaana Eray looga gol leeyahay in Somalilandnimada si sibiq ah la isu hoos galiyo, Puntlandnimada iyo Somalinimadana meeshaa lagu bireeyo. Laakiin Maanta nasiib wanaag taasi dhicimayso, arintuna waxay u egtahay Dowladii dhalan waysa Daaroodka Waqooyi ku waalatay, Waqooyi Daad qaaday Daarood cuskay. |
||||
Copyright © 1999 by somaliawatch.org. All Rights Reserved. Revised: 19 May 2007 05:19 AM. Webmaster HomePage |