|
||||
Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW. Qaxootiga reer Puntland baa burburinta Puntland loo adeegsaday maxamud jagne <djagne@hotmail.com>
Dadka reer Puntland ee ku noolaan jiray Xamar ilaa Hargaysa balaa ku habsatay maxaa yeelay waxaa laga soo barakiciyey Guryahoodii waxaa la dhacay Maalkoodii waxaa la kufsaday Gabdhahoodii intaana loogama daba harin ee xataa Magaalooyinkoodii ayaa Maalin cad laga soo dhaqaaqiyey.waxaana loo gaystay gumaad. si ay Gumaadka lala maagan yahay uga nabad galaan Waxaanay Dadku u kala qaxeen afarta Jiho iyo Shanta Qaaradood ee Aduunka, Meesha marka kuwii Dibada u qaxeen ay Qaxootinimo u heleen sidaasna ay Dagaalkii sokeeye iyo Gumaadkii lala maaganaa uga fogaadeen, Caruurtoodii iyo Haweenkoodiina ay Gabaad ugu heleen waxay kuwii Gudaha joogay ku khasabtay in ay Cadowgaa iska difaacaan iyo in ay raadiyaan si ay Caruurtooda iyo Haweenkooda ugu heli lahaayeen Gabaad ay Cadowga u soo mici lisanaya uga galaan, waxayna dhisteen Maamul iyaga u gaar ah oo Cidamadiisa iyo Hay´adihiisa wata, Maamulkaas oo loogu Magacaabay Puntland wuxuu noqday Hoy nabadeed, Dhufays adag oo Cadowga looga Dhuunto iyo waliba bartii Saadka iyo Sahayda kismanyo. Maamulkaasi wuxuu cadowga ku noqday laf dhuun galay waxaanay ogaadeen Cadowgu in aanay reer Puntland ciilikarin in ay iyagu is ciilaan mooyee, taas ayaana kaliftay in ay ku dhaqmaan Siyaasada ah Mas maxaa laga dilaa oo ay Geed dheer iyo Geed gaaban u fuulaan, God kastana u galaan, Sidii ay Maamulka Puntland u burburin lahaayeen. Waxaase isku daykasta iyo dibin daabyo kasta oo Puntland lala maagana Hal Bacaad lagu lisay ka dhigtay isku Duubnida ay Dadka gudaha Puntland jooga isku duuban yihiin. Isku day badan ka dib waxay ogaadeen in aanay Dadka gudaha Puntland jooga dagnaan ka helayn, taas yaana keentay in Cadowga Puntland Biidhi qaatayaal reer Puntland ah oo Burburka Puntland ka qayb qaataan Dibadaha ka baadi qoobaan, iyagoo waliba Baadi goobkoodii ku jiheeyeen Dalalka Qaadka aadka looga cuni sida Kinya oo ay iyada markiiba ka keleen Kooxdii Kismanyo ku qayishay iyo Ingiriska iyo Holland iyo Waqooyiga Qaarada Maraykanka oo iyagana laga helay Kooxaha Puntland birta saaray. Sababaha keenay in meelahaa Qaadka aadka looga cuno laga helo Dadka Kismanyana bixiyey, Puntlandna burburiyey waa Dadka oo badanaa labo Kooxood u ku kala qaybsan oo kala ah. · Koox Qaadka cunta oo waxay Dad iyo Dal aduunyo dan ka leeyihiin jirin badanaana si Sheekada Qaadku aanay u xumaan Cadowga Puntland u marxabeeyaan dabadeedna sidaas ku aamina waxa ay Cadowgu Puntland ka sheegayaan oo markaas iyaga oo Dacaayadaas iyo waxa Warbaahinta Cadowga ka maqleen ku duulaya iyo xoogaa Lacag ah oo la siiyey sidaas uga qayb qaataan Burburinta puntland waxaanay Kooxdaas badana Majaalista Qaadka ka soo qoraan Baaqaq iyo Tacsi dhiilo Colaadeed xambaarsan. · Iyo Koox Qaad diid ah oo Alitixaad iyo Ururada Xagjirka ah ka tirsan sidaasna iyaga mabda ahaanba ka tahay in ay Puntland burburiyaan maxaa yeelay Madaxdoodii oo dhan waxay fadhiyaan Xamar.waxaana amar lagu siiyey in ay Puntland burburiyaan, Waxayna si ay taas u gaaran soo qaban qaabiyaan Maqaalada iyo Tacsiyadaha Colaada xambarsan oo ay wabila ka soo saxeexan Dadka Qaadka u fadhiya.. Iyaga oo Cadowga Puntland si gaar ah labadaas Kooxood sidii ay Dad uga helilahaayeen Culaska u saareen ayaa haddana waxaa jira labo Kooxood oo kale oo yagana noqdeen kuwa uu Cadowga ka soo Ururiyo xataa Wadanada aanu Qaadku ka jirin waana · Koox Saban Samaadkii badanaa Xamar iyo Hargaysa ku noolaayeen, dana ka lahayn in ay Puntland jirto iyo in kale, kuwaas oo ay Daltabyadii dibada ku qabsatay ilowsiisay Dhibkii Xamar iyo Hargaysa ka soo gaartay,.waxanay Daltabyadu ay Xamar iyo Hargaysa u hayaan gaarsiisayna heer ay Dhalanteed rumaystaan oo ay iska dhaadhiciyaan in Xiriirkii Dadka ka dhaxayjiray wali sidiisii yahay ama ku soo noqon doono. waxaana Maskaxda Kooxdaas wali ka dhisan Magaalooyin Xaafado, Guryo iyo xiriiro Bulsho oo waa hore burburay, sidaas ayey iyaga oo Dhalanteedkaa dhab ka dhigtay u xusul duubtaan sidii ay Xamar iyo Hargaysa ugu noqon lahaayeen, si ay taas ugu suurto gashana waxay diyaar u yihiin in ay Puntland Jiscin iyo Sahay ahaan u sii iibsadaan. waxaanay Kooxdaasi dibaha ugaga yimaadaan oo kaliya in ay Puntland wax ka burburiyaan.si ay Xamar iyo Hargaysa soo dhawayn uga heli lahaayeen. · Iyo koox Sabankii Siyaad Bare soo barteen in ay Soor quureed qaataan oo waxay iyagu markasta Boorsada ku sita Beeshoodo oo ay ka beeciyaan Cidii Lacag ama Jago siinaysa, kamana fakirn ama dan kama laha haadaanta ay Dadka ay ku danaysanayaan ku habsan doonta. Kooxdaasi waa jalayaal oo waxay la jal yihiin Cidii Jeebka u buuxisa. Iyagoo Cadowgu reer Puntland afartaas Kooxood dibadaha ka soo kaxaysteen ayey ku guulaysteen in ay Puntland Bowdka uga soo dhacaan oo ay isku Duubnidii Gudaha Puntland ka jirtay dhaawacaan. Waxaana si dhaawacaas markasta loo danqiyo Cawoga Puntland tidceen Warbaahin Aduunkoo dhan ku teedsan oo ay ka mid yihiin Homepageyo Magac reer Puntland maqaar saar ahaan u wata oo badanaa Xamar laga leeyahay iyo Raadyayaal Qaarkood Caalami yihiin sida BBCda Laanta Afsomaliga iyo kuwo FM ah oo ay dhamaantood Cadwoga Puntland leeyihiin. Dhamaan Warbaahintaas waxay u adeegsanayaan sidii ay Ray´ga dadka reer Puntland u khaldi lahaayeen, iyo sidii ay u heli lahaayeen Dad dibadaha jooga oo dayeysan oo ay duufsadaan, kuwaas oo Sheekada Haadba Haad kici ka dhigayaan oo Dadka gudaha Puntland sidaas maamulkooda uga horteenaya, taas oo keenaysa in uu cadowgu gaaro siduu rabay. Hadaba waxaa cad in Puntland dibadaha laga burburiyey ee reer Puntlandiga Gudaha joogow yow idiin rarin Qof aan idiin furi doonin oo yaanay idin qixin kuwo iyagu Qoxootinimo haysta. |
||||
Copyright © 1999 by somaliawatch.org. All Rights Reserved. Revised: 19 May 2007 05:18 AM. Webmaster HomePage |