|
||||
Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.
“Bulshada
Rayidka”, Waa Tee, Waa Tumaa? Maxamed
Xaaji Caddoow London,
England - Email: mohamedadow@hotmail.com Weer
magaceedda “Bulshada Rayidka”, waa weer beryahan danbe
hadal-haynteedu socotay, balse macnaha iyo nuxurka ay
xanbaarsantahay ay dahsoonyihiin oo ayan si dhab ah u muuqan. Sidaa
aawadeed baana halkudhegga maqaalkan uu u yahay “Bulshada
Rayidka, Waa Tee, Waa Tumaa?. Wuxuuna maqaalkan u dhuun daloolayaa
“Bulshada Rayidka” waxa ay tahay macno ahaan iyo fikrad ahaanba
iyadoo gunaanadka
iyo gebo-gebada maqaalkuna ay duluc
u noqon doonto ka jawaabidda sua’aasha ah: Sow waxa loogu yeero
“bulshada rayidka” ah ee Soomaaliyeed” kama dhigna dallad meel aan
roob iyo cadceed toona ka
jiran dul heehaabaysa? Heer
caalami ahaan, hadal-haynta
fikradda “bulshada rayidka”
ah waxay muhiimad yeelatay muddo haatan
laga joogo 20-tan sanadood, siiba waxaa lala xiriiriyaa
mawjadihii is-daba-joogga
ahaa ee dimuqraadiyaynta ee uu
hannaanka dumuqraadiyaddu ku faafay
wadamadii hore loogu dhaqi jiray nidaamka keli-talisnimada oo ka
bilowday Ameerikada Laatiinka ah (Ameerikada Koonfureed, Ameerikada
Dhexe iyo Meksiko), iyo Yurubta Bari, kuna sii baahay dunida soo koraysa
inteeda kale. Waxaana loo arkay bulshada rayidka mid wax badan ka
taraysa moosidda iyo xadaynta awoodaha dawladaha ka jira dalalka ay ka
jiraan nidaamyada
keli-taliska
ah, xoojinaysana awood-siinta shacabka, hubantina ka dhigaysa hirgelinta
xisaabtan iyo
dabagal siyaasadeed, iyo kor u qaadidda tayada xukunka (xukun-wanaag). Macno ahaan waxaa adag in si sugan loo qeexo
bulshada rayidka ah, maxaa yeelay waxaa loo qeexaa siyaabo kala duwan.
Balse waxaa jiraa qeexid guud oo ah: Kooxo
amaba jamciyaad abaabulan oo gooni ka ah dawladda qaran oo aanay
xukuumad u talin oo iyaga is xukuma, haystana isu-talis iyo
xukun-hoosaad xagga xiriirka (cilaaqadka) ay la leeyihiin dawladda oo ay
si mutadawicnimo ah (si iskaa ah) u dhiseen (abuureen) xubnaha bulshada
(mujtamaca) si ay u gaaraan una daafacaan danaha (masaalixda) ay uu
miiganyihinn (u
ololaynayaan, u
doodayaan), qiyamkooda (mabaadii’ida xukunta hab-dhaqanka) iyo
waxyaalaha goonida loogu garto (Si
aad u daalacato tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan doodda la xiriirta
siyaabaha kala duwan ee loo qeexay bulshada rayidka, eeg Gordon White,
“Civil Society, Democratization and Development (I): Clearing the
Analytical Ground”, Democratization (Autumn, 1994) pp. 375-390). Noocyada
kala jaadka ah ee ururrada bulshada rayidka ah waxaa ka mid ah kuwa ku
xusan taxdan hoose: 1.
Ururrada Bulshada Ururrada
bulshada waxaa ka mid ah: naadiyada dhallinyarada; kooxaha amaba
naadiyada isboortiga; ururrada ardayda; jamciyaadka dugsiyada
(iskuullada) iyo ardayda jaamacadaha ka baxay. 2.
Ururrada
u adeega danaha gaarka ah Ururrada u
adeega danaha gaarka ah waxaa ka mid ah : ururrada ay leeyihiin
xirafadlayaasha amaba ururrada meheradaha ku dhisan; ururrada amaba
ittixaadka shaqaalaha; ururrada beeralayda; jamciyaadka ay leeyihiin
ganacsatada yar yar (tusaale ahaan kuwa waratada ah), ururrada ay ku
bahoobeen shirkadaha waawayn, iyo bangiyada, iwm; ururrada xoogsatada
muruq-maalka ah (waa kuwa qabta shaqo uu qof walba uu qaban karo oo aan
u baahnayn xirfad amaba tab maskaxeed gaar ah). 3.
Ururrada
adeeg bixiyayaasha Ururrada adeeg
bixiyayaasha ah waxaa ka mid ah; ururrada bixiya adeegyada (khidmaadka)
ay u baahnyihiin kooxaha
bulshada. 4.
Ururrada ku dhisan iskaa wax u qabso Ururrada ku
dhisan iskaa wax u qabso (is-xilqaanka, mutadwicnimada) waxaa ka mid ah:
ururrada ay leeyihiin dadka
ood-wadaagta (deriska, olloga , jiiraanka, jaarka) ah oo ay ku bahoobeen
dadka wada deggan goob amaba xaafad, iwm; ururrada iskaashatooyinka,
ururrada aan xukuumiga ahayn (aan
wax lug ah ku lahayn dawladda)
ee ka hawlgala xagga horumarinta. 5.
Kooxaha miiganayaasha ah Kooxaha
miiganayaasha ah waxaa ka mid ah: kooxaha xuquuq-u-dirirka ah;
ururrada u dooda daryeelka deegaanka; ururrada haweenka; ururrada matala
una dooda xuquuqda ubadka (ciyaalka, caruurta, awlaadda); ururrada dadka
naafada amaba curyaanka ah u dooda; ururrada u dooda kooxaha soo
galootiga ah (muhaajiriinta), iwm. 6.
Ururrada xagga dhaqanka/diinta/isirka Uururrada noocan
ah waxaa ku jira: jamciyadaha xagga diinta (caqiidada); ururrada
qabaa’ilka (beelaha); kooxaha xagga afafka (luqadaha); ururrada fanka
iyo suugaanta; ururrada u taagan sare
u qaadidda diinta iyo dhaqanka kooxo gaar ah oo soo jireen ahaa muddo
fog. 7.
Dhaq-dhaqaaqyada
Bulshadeed Dhaq-dhaqaaqyada
bulshadeed waxaa ka mid ah ururrada u dhaq-dhaqaaqa danaha kooxaha xagga
isirka (jinsiga, sinjiga, , haybta, qabiilka, beesha, midabka,
iwm) iyo kooxaha danaha deegaannada ay leeyhiin u dooda. Haddaba
marka aan u soo laabanno su’aashii maqaalka ee ahayd: Sow waxa loogu
yeero “bulshada rayidka” ah ee Soomaaliyeed” kama dhigna dallad
meel aan roob iyo cadceed toona ka jirin dul heehaabaysa, waxaa mudan in
milicsi
yar la cawl jalleeco, fikraddan
bulshada rayidka ah goortay Soomaaliya ka curatay. Sidii
hore loo soo xusay fikrada bulshada rayidka ah waxay heer caalami ahaan
si wayn u soo shaac baxday 20-tan sanadood ka hor, inkastoo asal ahaan
fikradda bulshada rayidka ay tahay mid 20-tan sanadood ka fac wayn. Taasoo
laga turjuman karo in
fikradda bulshada rayidka ah ay ka hanaqaadi lahayd Soomaaliya
bilowgii sannadihii
sideetamaadkii. Dabcan waxaa
xilligaas Soomaaliya ka jiray jabhado hubaysan oo qori ku dirir oo si
militeri ah (ciidan ah) oo aan rayid (madani ahayn) ugu dagaallamayay
mabaadii’idii amaba dan beeleedkii ay u jireen si ay xukunka ugu
tuuraan taliskii militeriga ahaa taas
oo meesha ka saaraysa haba
yaraatee sheegasho ururro bulsho rayid ah, sababta oo ah ururrada
bulshada rayidka ah tubta ay u maraan ka yool gaaridda danahooda amaba
mabaadii’idooda waa tub nabadeed oo rayid ah. Sheegis
uma baahna in jawigii siyaasadeed ee cabburiska ku dhisnaa ee dalka
Soomaaliya ka jiray xilligii sideetamaadkii uusan saamixi lahayn
unkashada amaba soo if-baxa ururro bulshadeed oo rayid ah oo ka madax
bannaan dawladda sida ku qeexan kor. Dabcan way jireen ururrro
iskaashato iyo ururro iskaa wax u qabso ah, kuwo dhallinyaro, kuwo
haween oo haddii ay ka madax bannaanaan lahaayeen xukuumadda lagu sifayn
kari lahaa ururro
bulshadeed oo raiyd ah, balse uruurradii
jiray waxay ahaayeen garab ka mid ah garabyadii
aaladda u ahaa
siyaasadahii “dan-wadaagta” ku dhisnaa ee wixii loogu yeer jiray
“Hanti-wadaagga Cilmiga ku dhisan”. Markii
horraantii sanadkii 1991-dii uu
soo af-jarmay xukunkii keli-taliska ahaa, ee ahaa caqabadda ugu wayn ee
hortaagnayd curashada ururro bulsho rayid ah oo dhab ah oo madax bannaan
ayaa waxaa iyadana meesha ka baxday dawladdii qaran. Waxaana taa
xigay fawdo iyo kala danbayn la’aan miyir-doorsoon
ku riday bulshadii oo ilaa iyo
maantadan taagan, taas oo
loo aanayn karo sababta ay
muddo sii horraysay oo ka mid ah
horraantii sannadihii sagaashamaadkii ay u soo fufi waayeen ururrada
bulshada rayidka ah maadaama
xilligii sii horreeyay ee ka danbeeyay buruburka hannaanka dawladnimo ee
Soomaaliya uu qiiq badan oo is-xasuuq iyo gumaad qabiil ah uu dalka
hareeyay iyagoo ururrada bulshada ka hanaqaaday Soomaaliya muddadii ka
danbaysay dabayaaqadii sannadiihi sagaashamaadkii oo uu qaacii
yulyulayay yara damay.Waxaana mar uun cirka isku shareeray tirada
noocyada kala duwan ee ururrada bulshada
rayidka ah. Waxayna aad uga dhex muuqdeeen oo ay magac iyo muhiimad gaar
ah ku yeesheen Shirkii Carta ee ka dhacay Jabuuti.
Waxaana maanta Soomaaliya ka jira ururro aan cadadkooda la soo
koobi karin oo u dooda mabaadii’i , afkaar iyo xuquuq aad u kal
fog-fog oo kala jiho u
socda ah, sida Ururka Garoobyada Soomaaliyeed iyo kuwo kaloo fara-badan
oo aan maqaalkan lagu soo koobi karin. Inkastoo
ay ururro far-badan oo Soomaaliya ka jira ay sheegtaan in ay yihiin
ururro bulsho rayid ah, bilkeedada amaba tijaabada dhabta ah ee looga
baahanyahay in ay ka gudbaan waa labo tijaabo oo kala
ah: ururrada bulshada rayidka ah ma abaabulanyihiin?; qiil amaba
sabab ay u jiraan ma
leeyihiin maadaama aysan Soomaaliya ka jirin dawlad qaran oo shaqaysa oo
taabagal
ah? Waa
tan horee, xagga abaabulka, Soomaaliya maanta kama jiraan ururro bulsho
rayid ah oo abaabulan. Abaabulan waxaa loola jeedaa, leh qaab-dhismeed
hoggaan oo cad oo ku dhisan sharciyad, tartan xor ah, la xisaabtan iyo
dabagal iyo mansab (jago) muddadeedu xaddidantahay; leh Shir –sanadeed
lagu dhagaysto warbixinno ku saabsan wadciga iyo xaaladda ururka,
shirkaasoo ay ka soo qayb galaan xubnaha ururka, shirkaaso noqonaya
hay’adda siyaadada iyo madax bannaanida leh, ahana tan ugu sarraysa
ururka, oo haddii loo baahdana dib loogu soo doorto amaba xilka lagaga
wareejinayo madaxda ururka ka dib loolan doorasho oo xor ah, cadaalad
iyo fursad simanna ku dhisan; leh dastuur (axdi) iyo xeerar hoosaadyo
qeexaya xeerarka xubinnimada ururka, xeerark doorashada madaxda
iyo saraakiisha ururka; leh xeerarka anshaxa iyo asluubta ururka;
leh xeerar hoosaadyo furdaamiya wixii muran ah ee dhaca marka uu ururka
dhexdiisa is qabto; leh xubno joogto ah oo xajmi (baaxad iyo laxaad
caqli-gal ah) leh, xubnahaasoo diwaan gashan.Waxaa hubanti ah in uusan
maanta Soomaaliya ka jirin urur bulsho rayid ah oo xitaa tookh ahaan u
sheegan kara in uu buuxiyay mid ka mid ah arrimaha kor ku xusan. Marka
aan u soo laabanno arrinta laabad ee ah maqanaanshaha dawlad qaran oo
shaqaysa oo taabagal
ah, waxaa meesha ka cad oo aan
daliil u baahnayn in aanay Soomaliya ka jirin dawld heer qaran ah oo
awood ku muquunin karta shacabka (dabcan waa muquunin sharci ah), lehna
awood ay ugu taliso xuduudaha iyada u
cayiman heer caalami ahaan. Marka maadaama ay xaaladda maanta
Soomaaliya ka jirta ay tahay fawdo, ciidamo gaar loo leyahay, shacab si
iskaa ah oo aanay dawlad wax lug ah ku lahayn u maaraynaya nolol-
maalmeedkooda waxaa lama huraan ah in la is waydiiyo wuxuu yahay doorka
ay buuxin karaan amaba waxay u taaganyihiin waxa loogu yeero bulshada
rayidka ah maadaama fikradda gun-dhigga u ah fikradda bulshada rayidka
ah ay salka ku hayso in awoodaha dawladda lagu oodo mooro (xero) oo la
helo bulsho xor ah oo ka madax banaan faragelinta aan sharciga ahayn ee
ka timaadda dawlad qaran sida dhacda
marka aysan jiran bulsho rayid ah oo abaabulan, taasoo ka
dhiganta bulsho qafilan oo cabbursan oo ay dawladdu cagta mariso. Sida
ka muuqatta Shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee haatan ka socda
dalka Kenya ururrada sheegta in ay yihiin bulshad rayidk ah waxay malaha
u arkeen hogaamiye-kooxeedyad in ay yihiin humaaggii dawld qaran. Taana
bulshada rayidka ah way ku gefeen oo waxay arkeen wir-wir iyo
dhaan-dabagaale. Dawlad qaran oo hogaamiye-kooxeedyada laga dhawrana
waxay la mid tahay oraahdii Soomaaliyeed ee
oranaysay “diinkii dhaanshay” Haddaba
gunaanadkii
iyo gebo-gebadii, jawaabta
suaa’asha dulucda u ahayd maqaalkan ee
ahayd: Sow waxa loogu yeero bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed
kama dhigna dallad meel aan roob iyo cadceed toona jiran ku dul
heehaabaysa? waa haa, waayo, waa ururro aan aababulnayn oo magac u yaal
ah, oo an lahayn qaab-dhismeed hoggaan oo cad oo sharci ah ee ku dhisan
tartan xor ah, mana uu jiro la xisaabtan iyo dabagal iyo mansab (jago)
oo muddadeedu xaddidantahay; ma jiro Shir –sanadeed lagu dhagaysto
warbixinno ku saabsan wadciga iyo xaaladda ururka, shirkaasoo ay ka soo
qayb galaan xubnaha ururka, shirkaaso noqonaya hay’adda siyaadada iyo
madax bannaanida leh, ahana tan ugu sarraysa ururka, oo haddii loo
baahdana dib loogu soo doorto amaba xilka lagaga wareejinayo madaxda
ururka ka dib loolan doorasho oo xor ah, cadaalad iyo fursad simanna ku
dhisan; ma laha dastuur (axdi) iyo xeer hoosaadyo qeexaya xeerarka
xubinnimada ururka; ma laha xeerarka doorashada madaxda iyo saraakiisha
ururka; ma laha xeerarka anshaxa iyo asluubta ururka; ma laha xeerar
hoosaadyo furdaamiya wixii khilaaf ah ee dhaca marka uu ururka dhexdiisa
is qabto; ma laha xubno joogto ah oo xajmi leh oo diwaan gashan. Maadaama isu-tagga ururrada tirada badan ee la isku yiraahdo bulshada rayidka ah loogu yeero dallad ayay munaasib ku tahay in lagu misaalo dallad ku dul heehaabaysa meel aan roob iyo cadceed toona ka jirin. Cadceedda amaba roobku waa ereyo macnahoodu maldahanyahay (sarbeeb ah) oo loola jeedo in dawladdii qaran ee uu cabburiska, kadeedka, cadaadiska, dulmiga iyo qamciga ka iman lahaa aysan meeshuba oollin oo aysan jirin oo cabburisku uu ka yimaado kooxo si gaar ah u hubysan oo aan mas’uul iyo xil-kas ahayn, illeen dallad muraad baa loo qaataa ee shoob iyo xarrago looma qaatee. Sidaa aawadeed waxaa la habboon ururrada sheegta in ay metalaan oo ay wakiilasho ka haystaan bulshada raydika ah in aanay si aan ula-kac amaba ku tala-gal ahayn aysan sharciyad aanay mutaysan u siinin hogaamiye-kooxeedyada oo ay dib isu saxaan, oo ay dib isu abaabulaan, sharciyad iyo mataalad xaq ah ka helaan xubnaha ay magacooda huwanyihiin, haddii kale waxay isu horseedi doonaan in ay dhaxal u yeeshaan magac-xumo, sumcad-beel iyo sharaf-xumo waarta. Si taa looga baaqsado ururrada bulshada rayidka ah waa in ay si xeelad ku jirta ay ugu tabaabushaystaan dib u soo noolaanshaha dawlad qaran ee Soomaaliyeed oo ah wakhtiga ku habboon ee aan sinna looga maarmin in ay jiraan ururo bulsho oo rayid ah oo abaabulan oo u babac-dhigi kara xuquuq-boob ay ku kacdo dawlad qaran. |
||||
Copyright © 1999 by somaliawatch.org. All Rights Reserved. Revised: 19 May 2007 05:19 AM. Webmaster HomePage |