Tifaftiraha
sare ee xarunta wararka Sahan Maxamed-deeq
Cabdulqaadir Bosaaso - Buntilaan 7, feb.
Cabaar ka dib markii aan idaacadda BBC-da
qaybteeda Focus on Africa aan ka dhageysanay
fiidnimadii 7da bishan warar xaqiiqda ka fog
oo kana beensheegaya xaaladda dhabta ah ee
Buntilaan oo ay waaydan danbaba BBC-du caado
ka dhigatay oo uu ka mid ahaa war ku saabsan
in la afduubay Marwada Madaxweynaha BL Xaawo
Cabdi Samantar (ciridyaanbo) iyo Dr. Maxamed
Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ka mid ah guddiga
Joogtada ah ee Baarlamaanka Buntilaan ayaa
waxa xarunta Wararka ee Sahan soo Galay Dr.
Gaagaab, waxaana na dhex martay sheekadan
waraysiga ah.
Oo Maxamed miyaan lagu afduubin, goormaa
lagu soo daayay? Ayaan waydiinay abaara 8dii
fiidnimo Mar uu Dr. Maxamed Cali Yuusuf
Gaagaab noogu soo galay xarunta wararka ee
sahan isaga oo kaligiis ah, wuxuuna ku
jawaabay; "suuqaaan ka maqlay, in
idaacada BBC-da iyo kuwa muqdisho iyo qaar ka
mid taageerayaasha carte oo awood barabagaan
raadinaya arintaas ay maleegeen, waxaanan xog
ku helay in warkaani ka mid yahay qandaraasyo
dhawr ah oo ay lacag ku bixiyeen xubno ka mid
ah madaxda kooxda Carte, taasoo ujeedkeedu
tahay in khalkhal nabadgelyo iyo xasilooni
daro looga abuuro Buntilaan, si caalamkana
loogu tuso meel fawdo ah sida Muqdisho,
qandaraas qaatayaasha oo isugu jira qaar u
dhashay Buntilaan iyo kuwo reer Muqdisho ah oo
hirgalinta falalkaasi fure u yihiin kala
qaadashada lacagtaas ayaana faafinaya beentaas
iyo beena kale oo badanba. Waxaase aad ceeb
iila ah oo wax laga xishoodo ah in BBC-du
noqoto fuliyaha ugu weyn ee qandaraaskaas."
"Marwadii madaxweynaha Buntilaan Xaawo
Cabdi Samantar iyada ka waran? Ayaan iyadana
Gaagaab waydiinay, wuxuuna taas kaga afceliyay
"Goor dhawayd ayaan kaga soo kacay qolka
ay degan tahay, ee Hoteel huruuse, aad ayayna
u qososhay markii aan u soo galay, waxayna si
kaftan ah ii waydiisay in BBC-da iyo
internetyada Muqdisho ay ina afduubeen"
markaas ayaan ugu jawaabay "Beentu waa
faanka kooxda Carte iyo taageerayaashooda"
Gaagaab mar aan waydiinay su’aal ahayd;
Hadda ma jiraan wax ahnidaro ah oo aad
dareemaysaa? Ayaa waxa uu ku jawaabay, "Haddaan
amaandaro dareemayo ama ay ka jirto Buntilaan
saacadan anoo kaligay iyo gaarigayga ah ma
imaadeen xafiiskiina, iyada ayaana cadayn
kuugu filan, aniguna waxa aan halkan u joogaa
in aan dadka u akhrino afkaarta ay ka qabaana
ka dhageysano Dastuurka cusub ee loo
diyaarinayo Buntilaan, anigoo ka mid ahay
guddi heer dawladeed ah oo loo xilsaaray"
Oo Gaagaab waxaa la idinku dhaliilayaa in
Dastuurka aad soo qaaday macnihiisu yahay,
ciyigii wa ka baryay iyo mid u dhadhamaya anaa
qoraya, anaa qalaya, annaa qaybinaya, anaana
doorasho raba, taas maxaad ka oranaysaa? Ayaan
mar kale su’aalay Dr. Gaabaab isaga oo taas
ka jawaabayana waxa uu yiri "dastuurkani
waa kii Mustaqbalka ee ma aha mid maanta
kaliya lagaga tashanayo, waxaana xil ka saaran
yahay sixidiisa iyo turxaan bixintiisa qof
kasta oo daacad u ah jiritaanka Buntilaan, ma
aha jiritaanka xukuumadda iyo dhawrkayaga nin
ee gudigga ah, ma jiro qof hubba in uu noqon
doono kan dastuurka wax ku hogaamin doona ee
waa mid loo siman yahay. Dadaalka aan haatan
wadnaana waa mid horudhac ah oo adduunka
dimoqraadiga ah xataa uusan wali ku dhaqaaqin,
taasoo ah in diyaarinta dastuurka oo sida
caadiga ah xilkiisa la saaro koox khuburo ah
oo haddii la rabo la soo ijaarto in aanaan
isku koobin diyaarintiisa ee aan talada guud
ee dadweynaha ku biirino taasoo ah qodob aan
ku dhignayn axdiga Buntilaan ee ah go’aan
guddigu gaaray si hadhow dastuurka dadka loo
soo bandhigayaa u noqdo mid aragtida
dadweynaha la jaanqaadi kara, dadkuna waxa ay
hadda xaq u leeyihiin in ay ku daraan
aragtidooda si looga saaro wixii dhan loo arki
karo, hadhaw marka la dhameeyana waxay xaq u
leeyihiin in ay diidaan ama ay qaataan xilliga
aftida"
Aroornimaddii 6-da bishan ayaan markii ugu
horaysay ka maqlay qof igala soo xiriirar
dalka dibadiisa oo ii sheegay in uu idaacadda
Horn Africa ee Muqdisho ka soo hadlayo ina
waydiiyay in aan uga waramo afduubka marwada
Madaxweynaha iyo xiisado kale oo ka oogan
Buntilaan, waxaana u sheegay in aanan waxba ka
ogeyn, aana u dhaqaaqayo in aan soo hubiyo,
inyar kadibna waxa aan ka soo laabtay Hoteelka
ay degan tahay Marwada Madaxweynaha BL oo la
yiraahdo Huruuse Hotel kadib markii nin masuul
ah oo halkaas ka shaqaynayay ii sheegay in ay
qolkeeda ku jirto.
Dr. Gaagaab waxa uu hadda degan yahay
Hoteel Guul oo lagala xiriiri karo Taleefanka
ah (002525234744) halka hoteelka kalana uu
Taleefankiisu ka yahay (0025252345558)
Dhanka kalana guud ahaan amniga iyo
xasiloonida magaalada Bosaaso ayaa ah mid ka
mid ah kuwa ugu degan caalamka maanta, waxa
kaliya ee ugu weyn ee la tilmaami karaana waxa
weeye Maamulkii la doortay oo gudan waayay
xilkii ay ummaddu ka sugaysay isuna
diyaarinaysa sidii ay wax uga badali lahaayeen
hanaanka siyaasadeed ee Buntilaan marka laga
reebo 12 nin oo loo xiray in ay ahaayeen
abaabulayaashii mudaharaad Gabar dhalinyaro ah
oo aan wax loo dilo galabsan ay ku dhimatay
xayn ciidanka Booliska ahina ay ku dhaawacmeen.
Maxaabiistaas oo aan wali maxkamad la hor
keenin.
Sahan Information Center
Bosaaso