- Title: [SW News](Various MogPress) MR. "PRESIDENT", BURN
THAT FAKE MONEY!
- Posted by/on:[AMJ][Wednsday, February 14, 2001]
Interim
government confiscates[NOT BURNED] fake bank notes
BBC Monitoring
Service - United Kingdom; Feb 14, 2001
The interim Somali prime minister, Dr Ali Khalif Galayr, held a
news conference in Mogadishu yesterday. The premier disclosed that
his government had confiscated a good portion of the fake currency
printed recently and brought to the country by some Mogadishu
businessmen. The amount impounded was 60bn Somali shillings. The
businessmen will be compensated for the expenses they incurred in
printing the money, the premier said. However, the premier declined
to give details of the government's compensation plan.
He said the businessmen had agreed not to repeat the act of
printing money again, failure to which the government would take
stern legal action against those found indulging in the unethical
move.
The government was making arrangements to print its own bank
notes to counter the printing of fake bank notes by some
unscrupulous business people.
"We are concerned about the economic damage and social
sufferings the fake currency has caused the people. The move was
also a big blow to the interim government and we cannot tolerate a
repeat of similar incidents," the Premier Galayr said...
Source: Xog-Ogaal, Mogadishu, in Somali 14 Feb 01 p*
______________________________________________________________________________
Dowladda KMG oo la wareegaysa 60 bilyan oo ka
mid ah lacagihii ay soo daabacdeen ganacsatadu
Ra'iisal
Wasaaraha Dowladda KMG ah, Dr. Cali Khaliif Galayr ayaa sheegay inay
la wareegayaan 60 bilyan Sh. So. oo ka mid ah
lacagihii been abuurka ahaa ee ay dhowaan keeneen ganacsatada
magaalada Muqdisho.
Shir jaraa'id
oo uu galabta ku qabtay Hoteel Ramadaan ayaa Dr. Cali Khaliif waxa
uu ku xaqiijiyey in wada hadallo ay xalay yeesheen isaga iyo qaar ka
mid ah ganacsatii lacagta keensatay ay is afgarad buuxa ka gaareen
in qayb lacagta ka mid ah lagu wareejiyo dowladdiisa.
Waxa uu
sheegay Ra'iisal Wasaaruhu inay arrintan furdaamiyeen Guddi uu isagu
madax u yahay oo dowladdu ay u saartay inay arrinta sicir bararka
wax ka qabtaan, waxaana uu sheegay oo kale inay weli dhab ka tahay
eedeyntii ay u jeediyeen kooxihii soo daabacday lacagta. "Mabda'
ahaan waa laysla oggolaaday in 60 bilyan oo shillin Soomaali ah ay
nagu soo wareejiyaan, wixii farsamo ahna waxaa dhammeystiraya
guddiga" ayuu yiri Cali Khaliif Galayr oo xusay inay
weli ku howlan yihiin soo daabicista lacag cusub oo lagu beddelo
shillin Soomaaliga .
"Waxaan
ka sii tabaabusheysanaynaa inaan lacag kale dalka la soo gelin,
haddii la soo geliyana aan sharciga la tiigsanno, waxaanan ballan
qaadaynaa inaan ka hor tagayno annagoo kaashanayna shacabka iyo
caalamka" ayuu yiri Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah oo ku
cel celiyey inay doonayaan inay xakameeyaan sicir bararka iyo
lacagaha dalka ku soo qulqulaya. Mar aan weydiinnay in lacagtan
macmalka ah ee ay la wareegeen oo hakisay howlihii ganacsiga ee
suuqyada dalka ay iyaguna ku beddelan doonaan doollar iyo in kale,
waxa uu sheegay inaanay suuqa soo gelin doonin.
"Waxaanu
doonaynaa inaan ku bixinno kharashyada dowladda" ayuu
yiri.
Waxa uu
tilmaamay Cali Khaliif in lacagtan ay la wareegeen ay kharash celin
uga sameyn doonaan ganacsatadii soo daabacatay, arrintaasina waxay
qayb ka ahayd ayuu yiri heshiiskii aan xalay wada gaarnay.
Ra'iisal
Wasaaruhu, waxaa kaloo uu shirka jaraa'id ka sheegay in si degdeg ah
ay ku magacaabayaan Guddoomiyaha Bankiga Dhexe.
Waxaannu ka
hortagaynaa ayuu yiri in sicir bararkan uu sii baaho. Hadalka Cali
Khaliif, waxa uu ku soo beegmay iyadoo uu maanta hoos u dhacay
qiimihii sarrifka doollarka Mareykanka.
Waxa uu maanta
marayey 100-ka doollar 1,500,000, halka magaalada Kismaayana lagu
soo warramay inuu ka ahaa 1,570,000. Gobollada Waqooyi Bari ayaa
iyagana lagu soo warramay inuu maanta suuqyada magaalada Boosaaso
iyo Garoowe cirka isku shareeray doollarku.
Suuqyada
ganacsi ee magaalooyinka gobollada ayaa waxa ay ku jaango'an yihin
suuqa ganacsi ee Muqdisho ee Bakaaraha, doollarkuna waa sheyga
keliya ee koontaroola is beddelka ganacsiga dalka.
Aqoonyahannada
magaalada Muqdisho ayaa ka deyrinaya xaaladda sicir bararka ah ee
dalka soo food saartay. Prof. Maxamuud Cali Daahir (Prof.
Guure) oo macallin qaanuunka ka ahaa kuliyaddii Gahayr oo
aan waraysi kala yeeshay arrintan, waxa uu ii cabiray in lacagahan
ay sababayaan abaar kulul oo la mid ah tii loo yiqiin Caga-barar ee
1992-kii ku dhufatay dalka.
Waxa uu
sheegay Professor-ku inay mas'uuliyadda lacagahan leeyihiin
maafiyada caalamiga oo ku adeeganaysa buu yiri kooxo ganacsato
Soomaaliyeed ah, waxaana uu caalamka ugu baaqay inay wax ka qabtaan.
Dhanka kale, kulan gaar ah oo irduhu u xiran yahay ayaa arrinta
sicir bararkan waxaa shalay qolka u soo xirtay Madaxweynaha KMG ah,
Cabdiqaasim Salaad Xasan, Ra'iisal Wasaaraha Cali Khaliif Galayr iyo
Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdalla Deerow Isaaq.
Kulankan, waxa
uu ka dhacay Madaxtooyada dowladda KMG ah, mana laga bixin wax
faahfaahin ah, waxaase la sheegay inay si adag uga doodeen sidii loo
wajihi lahaa lacagaha been abuurka ah. Kulanka saddexda nin oo
socday muddo afar saac ku siman, kama soo bixin wax go'aamo ah,
iyadoo shalay iyo maantaba dadweynaha magaalada Muqdisho uu si
darran u sii saameeyey sicir bararkan xooggan, waxaana lagu arkayaa
dariiqyada inay soo bateen dadka tuugsada iyo kuwa gaajada la dhac
dhacaya.
Maxamed Xaaji
(Ingiriis)
Muqdisho, Soomaaliya
_____________________________________________________________________________
DAWLADA KGM OO LA WAREEGTAY LACAGO BEEN
ABUUR AH 14 Feb 2001 at 09:02
| (Somalinet)
Ra'iisul Wasaaraha dowladda KMG ah Cali
Khaliif Galer ayaa shaaca ka qaaday in
dowladda KMG ah ay la wareegtay lacagihii
been abuurka ahaa ee ay dalka dibaddiisa ku
soo daabacdeen ganacsatada bixisa qarashka
ay isticmaasho dowladda KMG ah.
Cali Khaliif oo shalay Hotel
Ramadan ugu warramayey Saxaafadda
taageerta Dowladda KMG ah ayaa sheegay in
lacagta ay la wareegeen ay dhan tahaylixdan
bilyan oo shilin Soomaali ah, wuxuuna
caddeeyey in ganacsatada lacagtaas keensatay
la siin doono kharashkii ka galay soo
sameysashada lacagta. Wuxuuna intaas
raaciyey in ganacsatadu ay u ballan qaadeen
in aysan mar dambe soo sameysan doonin wax
lacag ah.
Ra'iisul Wasaare Galeyr wuxuu sheegay in
hadda wixii ka dambeeya sharciga lala
tiigsan doono ciddii soo sameysata lacag
cusub, hase ahaatee ra'iisul Wasaaruhu wuxuu
iska indha tiray in tillaabo laga qaado kuwa
sida joogtada ah u keenayey lacagtan oo uu
weliba abaal gudka uga dhigayo in dib loogu
celiyo hantidii ka gashay soo daabacashada
lacagtaas.
Maxamed Muxiyadiin cali - Muqdishu,
Soomaaliya
|
|
|
_____________________________________________________________________
Bannaanbax ka socda guriga
mid ka mid ah ganacsatadii soo daabacday lacagta been abuurka ah
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail: Ingiriis@yahoo.com
Feb 12 (HOL) - Dibadbax qalalaase wata ayaa hadda ka socda
afaafka hore ee guriga uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho mid ka
mid ah ganacsatadii muddooyinkanba soo daabacayey lacagaha been
abuurka ah oo ah ganacadade Xuseen Goleey.
Dad caraysan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa
waxa ay gubayaan taayerro, waxaana gurigiisa u gudbaya qiiq, boor
iyo sawaxan. Waxa ay dadku ku qaylinayaan "le'da adiga
iyo carruurtaadaba."
Dad ku dhow dhow ganacsadaha. waxa ay ii sheegeen inuu
gurmad weydiistay qaar ka mid ah ganacsatadii kale ee lacagahan la
soo daabacatay oo uu ka mid yahay ganacsade
Maxamed Cabdulle Deylaaf. Gurmadka ayaa la filayaa
inuu si degdeg ah gurigiisa ku soo gaaro.
Dadka bannaanbaxa wada, waxaa ka mid ah Faadumo C/llaahi oo
horey u soo kexeysatay lix carruur ah oo ay dhashay. Iyadoo ilmo ay
indhaheeda ka qubanayso, korna u qaylo dhaaminaysa ayaa Faadumo C/llaahi
waxa ay inkaar iyo habaarba isugu daraysaa ganacsadaha oo isagu
deggan magaalada gudaheeda, halka kuwa kale ay duleedka magaalada
kala deggan yihiin.
Xuseen Goleey, waa
qandaraas qaate ka lacagaystay sannadihii ugu dambeeyey hay'adda ICRC.
Waxa uu ka mid yahay ganacsato fara ku tiris ah oo ku heshiiyey inay
lacago iskood u soo daabacdaan.
Ganacsade Goleey, waa xubin ka mid ah
ganacsatada taakuleysa dowladda KMG ah. Bishii Disembar ee
sannadkii dhowaa waxa uu ka shaqeeyey inay isu soo dhowaadaan
Madaxweynaha KMG ah Cabdiqaasim Salaad iyo hoggaamiye kooxeedka
Xuseen Xaaji Bood. Markii kulankoodu uu dhammaaday ayuu ganacsaduhu
noo qaybiyey qoraalkii ay sida wadajirka ah u soo wada saareen
dhinacyadaas.
Ra'iisal Wasaaraha dowladda KMG ah, Dr. Cali Khaliif Galayr ayaa
dorraad noogu sheegay shir jaraa'id in haddii ay soo caddaato inay
lacagtan leeyihiin Maxamed Cabdulle Deylaaf iyo Xuseen Goleey ay
dowladdu qaadanayso mas'uuliyadda lacagtan iyo sicir bararkaba ah.
"Haddii labada ganacsade ay ku lahaadaan lacagta qayb yar
ama 20% iyo wixii la mid ah mas'uuliyadda dowladdu ma laha"
ayuu yiri Dr. Cali Khaliif Galayr oo sheegay in intii ay lacago been
abuur ah soo daabacan lahaayeen dad iyaga mucaarad ku ah ay u
dhaanto inay soo daabacaan dad ay qaban karaan, waa sida uu hadalka
u dhigaye.
Dhanka kale, waxaa maanta magaalada Muqdisho tiigsaday meeshii ugu
sarreysay qiimaha doollarka Mareykanka. 100-ka
doollar ayaa waxaa lagu sarrifayey suuqa weyn ee
Bakaaraha 1,540,000 oo shillinka
Soomaaliga ah.
Cabdi Aadan oo ka tirsan dukaanka sarrifka doollarka
ee Farayare ayaa waxa uu ii sheegay in sababta uu doollarku heerkaas
u gaaray ay tahay iyadoo suuqa ay soo galeen warar sheegaya in
ganacsatadii la timid lacagtu ay ku tala jiraan inay kuwo kale
keenaan.
Dhaqdhaqaaqa ganacsi ee suuqa ayaa gebi ahaanba maanta oo dhan
go'naa. Dadka bakhaarrada leh ayaa suuqa gudihiisa waxa ay iigu
sheegeen inay wax ku iibinayaan doollar oo ay joojiyeen shillin
Soomaaligii.
Sidoo kale, dadka ganacsatada danyarta ah ayaa waxa ay iyaguna niyad
xumo ka muujiyeen wax ku kala iibsiga doollarka oo ay sheegeen inay
tahay mid la degaysa dhaqaalahooda.
Magaalada Muqdisho, dadku dhammaan, waxa ay ka xun yihiin imaanshaha
lacagtan oo noqotay arrin ay dadku kaga soo horjeesteen dowladda KMG
ah, iyadoo ay badatay mucaaradka ka horjeeda. Dadku waxa ay afka ku
hayaan madaxda dowladda iyagoo ku dhalleeceynaya inaysan u jiir
naxaynin shacabkooda.
Golaha Baarlamaanka KMG ah ayaa maalinta berri ah shir degdeg ah oo
aan horey loo sii qorsheynin waxa uu isugu imaanayaa Hoteel
Ramadaan, waxaana uu kaga hadlayaa arrinta lacagtan, iyadoo
la filayo inay Dowladda KMG ah weeraraan.
Horey ayaa Guddoomiyaha Goluhu, Cabdalla Deerow Isaaq, waxa uu ku
hanjabay inay kalsoonidooda kala noqonayaan Dowladda KMG ah. Waxaa
kaloo uu farta ku fiiqay inaysan dowlad sii sheeganaynin iyadoo
shacabku ay gaajo iyo macluul qarka u saaran yihiin.
________________________________________________________________
Counterfeit Somali banknotes worth 90bn
shillings arrive in Mogadishu
Feb 12 (Qaran) - Somali currency banknotes totaling almost 90bn
shillings owned by Somali businessmen arrived yesterday and on
Saturday [10th February] at the Ballidoogle
airport, Shabeellaha Hoose Region.
Three planeloads of banknotes which were being awaited by Muhammad
Deylaf - a prominent businessman involved in the
counterfeit currency, which has been arriving in the country
especially in the south and northeastern regions - were stored in a
special warehouse at the airport.
The money exceeds last Thursday's consigment which arrived at the
Ballidoogle airport, and caused one of the worst cases of
hyperinflation in recent memory. Most of the cash was brought into
the city last night after midnight and was destined for warehouses
near Mogadishu port. It has become common practise for businessmen
to retain banknotes at the Balligoodle airport whenever there is
public anger on the matter.
The businessmen who brought the money are financiers of the
interim government. This matter has brought a fierce debate between
the interim government, which has distanced itself from money, and
the parliamentary Speaker.
The market is still reeling from last Thursday's inflation and it
is expected that the new banknotes from Ballidoogle would double the
inflation rate. Reliable reports say that other consignments of
banknotes would soon arrive at the airport.
____________________________________________________________________________________
Counterfeit currency still flooding
into Somalia. - Tuesday, 13 February, 2001
Somalia looks to be on the brink of massive inflation after new
batches of counterfeit banknotes were delivered to local businessmen
over the weekend, the Somali newspaper `Qaran' reported on its
website on Monday.
The notes flown into Ballidoogle airport in the Shabeellaha Hoose
region total almost 90bn Somali shillings, or about 34m
US dollars.
Most of the cash, which was ordered by businessmen funding
the interim government, will be sent to warehouses in the capital,
Mogadishu.
A batch worth about 3m dollars which arrived on Thursday sparked
"one of the worst cases of hyperinflation in recent
memory", the newspaper said, and more deliveries are expected.
Source: Qaran
___________________________________________________________________________________
EU, CARE IYO ICRC OO LAGU EEDEEYEY INEY LUG
KU LEEYIHIIN LACAGAHA FAALSADA AH 11 Feb 2001 at 11:09
| (SomaliNet)
Xidhibaan Maxamed Cumar Maxamed (Maxamed
Dheere) oo xubin ka ah golaha
Baarlamaanka Soomaaliyeed ee KMG ah ayaa
shaaca ka qaaday in qaar ka tirsan hay'adaha
Samafal iyo Ururrada Caalamiga ah ee ka
howlgala Soomaaliya ay ku lug leeyihiin
Lacagta been abuurka ah ee ay dalka
dibaddiisa ku soo daabacdeen qaar ka tirsan
ganacsatada Soomaaliyeed.
Warkan oo saakay lagu daabacay Jariidadda
Maalinlaha ah ee ka soo baxda Xamar ee la
yiraahdo Muqdisho Times, ayuu xildhibaanku
ku sheegay in ay ayaan darro tahay in
hay'adihii samafalka ee u xil saarnaa samata
bixinta shacbiga Soomaaliyeed ay
shaqaalahoodii ka qayb qaataan baabi'inta
iyo dhibaatooyinka sicir barar ee lagu hayo
Ummadda iyagoo ka faa'iideysanaya
tas-hiilaadka iyo awoodaha gaarka ah ee
xafiisyadooda. "Waa ayaan darro in Xuseen
Goley oo CARE ah, Xuseen
Salaad oo ICRC ah iyo Axmed M. M.(Washington)
oo wakiil u ah EU in ay ka
qayb qaataan daabacaadda lacagta been
abuurka ah, waxaana ugu baaqayaa hay'adaha
ay u shaqeeyaan inay tillaabo cad ka qaadaan
saraakiishaas, haddii kale shacabka
Soomaaliyeed wuxuu u qaadan doonaa in
hay'adahaas laftoodu ay ku lug leeyihiin"
ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar (Maxamed
Dheere) oo isla saakay u kicitimay Tuulada
Wargaadhi oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe
halkaas oo uu uga qeyb gali doono kulan ay
halkaas ku leedahay Beeshiisa.
Maxamed Muxiyaddiin Cali -
Muqdisho-Soomaaliya.
|
|
|
___________________________________________________________________________________
SUUQYADA MUQDISHU OO SHALAY LA XIRAY 13
Feb 2001 at 09:21
| (Somalinet)
Suuqyada ugu waaweyn Magaalada Muqdisho ayaa
shalay albaabada loo laabay kadib markii
qiimihii sarrifka doollarka iyo qiimaha
waxyaabaha kaleba uu cirka isku shareeray.
Tani waxay ka dambeysay kadib markii
maalintii Axadda iyo Khamiisi ay garoonka
Balli doogle ganacsato kala soo degtay lacag
cusub oo ka mid ah lacagihii been abuurka
ahaa ee muddooyinkan dambe dalka soo
gelinayeen.
Sarrifka doollarka ayaa gaaray meel uusan
weligii gaarin, iyadoo 100-kii doollar lagu
sarrifayey 1,600,000 Sh.So.( Hal Milyan,iyo
lix boqol kun Sh.So.), sidoo kalena waxaa
kor u kacay qiimaha la kala siisto cuntada
iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah.
Shalay galab ayey ii suurto gashay inaan
Indhaheyga ku soo arko Bakhaar weyn oo u
dhow dekwdda weyn ee Muqdisho, halkaas oo
lagu dejinayey lacagahaas,dhanka kalena
Wargeyska Qaran ee ka soo baxa Magaalada
Muqdisho ayaa shalay qoray in Ganacsade
Maxamed Deylaaf uu garoonka
Balli doogle joogay markii ay soo dageysay
lacagtaas cusub.
Maxamed Muxiyaddiin Cali - Muqdisho
Soomaaliya
|
|
|
__________________________________________________________________________________________________
Bannaanbax
ka…
Burco:
[Xiddigta Banaadir]
Bannaanbax
looga soo horjeedo sicir bararka ay keentay lacagta shilin
Soomaaliga ah ee dalka la soo geliyay ayaa ka dhacay magaalada
Burco, iyadoo ay ka qeyb qaateen ganacsatada degaankaasi.
Wararku
waxay sheegayaan inay ganacsatadu ka cabanayeen lacagta shilin
Soomaaliga ah, iyagoo diiday inay qaataan lacagta cusub ee Kunka
shilin.2
________________________________________________________________
Isniin
12-ka Febraayo
2001. XIDDIGTA
BANAADIR Cad.
613-aad San.
6-aad Bogga
4-aad
WARBIXIN
KU SAABSAN WARSHAD LA SHEEGAY IN AY FARSAMEYSO LACAG SHILIN
SOOMAALI AH
Warshad
ku taala agagaarka Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho oo
dhowaan qaar ka mida Warbaahinta ay shaacisay in lagu sameeyo
lacag Shilin Soomaali ah ayaa waxaa shalay booqasho ku tegay
Saxafiyiin Soomaaliyeed oo lagu martiqaaday si ay indhahooda ugu
arkaan warshadaasi iyo waxa ay sameyso.
Suxufiyiinta
oo shalay booqday xarunta Warshadaas oo ku taala afka hore ee
Suuqa Xoolaha waxaa ay soo indha indheeyeen dhismaha warshadda
oo ka kooban toban qol, waxayna ku arkeen in laba qol ay ku
jireen qalab dhismo oo Electric ah, saddex qol ay ahaayeen
xafiisyo, hal qol oo bakhaar ah isla markaana faaruq ahaa iyo
qol warshad aan rakibneyn ay dhex taal.
Md.
Ayuub Axmed Suudi oo ah maamulaha warshadaasi isla markaana ka
mida saamileyda warshadaas oo Suxufiyiinta hor kacay ayaa u
furay dhammaan qeybaha warshadaas oo qoraaladeeda ay ka muuqdeen
inay tahay warshad sameysa Nacnaca iyo Xanjada, iyadoo dhammaan
la eegayay qeybaha ay ka kooban tahay warshadaasi.
Qalabka
warshadda ee halkaas yiilay ma ahayn mid u sameysan qaab warshad
wax shubta ama wax daabacda ee waxay ahaayeen qalab lagu far-sameeyo
Nacnaca iwm.
Maareeyaha
warshadaasi Ayuub Axmed Suudi oo weriyayaasha warbixin siiyay
ayaa shaaca ka qaaday in warshadoodu ay tahay mid ay ugu
talo-galeen sameynta Nacnaca iyo Xanjada oo ay leeyihiin
ganacsato Soomaaliyeed isla markaa-na ay la yaabeen wararka
shee-gaya inay tahay warshad same-
ysa
lacagta.
"Ma
jiro weriye noo yimid oo ka socda HornAfrik, waxaana diyaar u
nahay inaynu tusino cid kasta oo waxgarad ah iyo weriyayaasha si
loo ogaado xaqiiqada" ayuu yiri Md. Ayuub oo sheegay in
wararka la buun buuniyay ee laga faafiyay war-shadaasi ay yihiin
kuwo aan sal lahayn oo uusan garaneyn waxa loogu dan leeyahay.
Maamuluhu
waxa uu sh-eegay in warshadaasi aysan la-hayn Ciidamo badan oo
ilaaliya marka laga reebo laba nin oo goobta waardiyeysa,
dhammaan wararkii laga fidiyayna ay yihiin been abuur, isagoo
sheegay in marka la furayo warshadda lagu casuumi doono
Suxufiyiin iyo dad Soomaaliyeed oo waxgarad ah.
Md.
Ayuub Axmed Suudi waxa uu sheegay in tan iyo markii la faafiyay
wararkaasi beenta ah ay ku soo yaaceen dad fara badan oo
tuhunkaas la geliyay, isagoo sheegay in maalin kasta ay dad
tusiyaan si ay u cadaato inaysan warshaddu ahayn mid lacag
sameysa.
"Waan
ka soo horjeednaa lacagta been abuurka ah ee dalka la soo
geliyay wax lug ahna kuma lihin mana taageereyno" ayuu yiri
Md. Ayuub Axmed Suudi oo Saxaafadda u tilmaamay inaysan
habooneyn in la buun buuniyo wax aan jirin oo bulshada khalkhal
lagu abuuro.
Sidoo
kale warshad uu leeyahay ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo
iyadana la sheegay in lacag lagu farsameeyo oo ku taal agagaarka
Suuqa Xoolaha ayaa la filayaa inay dhowaan tagaan Suxufiyiinta
si ay xog-ogaal ugu noqdaan arrimahaasi. Wararka soo baxay ee
sheegaya warshado farsameeya lacagta Shilin Soo-maaliga ah oo
Muqdisho la kee-nay waxa ay ka mid tahay wax-yaabaha keenay
sicir bararka iyo kacdoonka dhaqaale ee dal-ka ka dhacay, iyadoo
ay taasi tahay buun buunin xoog leh iyo tashwiish lagu furayo
dadka So-omaaliyeed.
Waxgarad badan oo Soomaa-liyeed ayaa ka deyriyay qaabka
warbaahinta ay uga qeyb qaad-atay sicir bararka iyo kicinta Su-uqa,
iyadoo xooga la saarayo wax kasta oo keeni kara in Doll-arka
sare u kaco isla markaana ay maciishadu ciriiri sii gasho.
[
News] |