19 May 2007 04:19

SOMALIA WATCH

 
Column
  • Title: [SW News] ( Dr Osman Salad) Xaalka reer Carta u ekaa "Hooyo illayn igama kicinayn ee waad iga kacsanaysey"!
  • Posted by/on:[AAJ[15 Feb 2001]

Xaalka reer Carta u ekaa "Hooyo illayn igama kicinayn ee waad iga kacsanaysey"!

Sida lala wada socdo waxaa dhawaan soo galay magaalada Xamar lacag farabadan oo been abuur ah, taasoo maciishaddii guud ahaan dadka halkaa ku dhaqan gaar ahaanna inta badan ee danyarta ah hoos u dhigtay. Mudaaharaadyo shicibku sameeyey oo ay weheliyaan is-qabqabsi siyaasadeed ee kooxda Carta ee sheegata maamulka qaranka Somaliyeed ayaa koox uu hor kacayo ninkay u caleema-saarteen ra’iisul wasaaraha, waa Ina-Galayre, irdaha soo xirteen si ay arrinta lacagta oo eed weyn laga saarayo reer Carta ay wax uga qabtaan. Eedaynta la saarayaa waxaa ka mid ah in ragga soo dejiyey ay yihiin kuwa masruufa kooxda Carta iyo inay ka soo degtey garoonka ay sheegteen inuu "dawladda" hoos yimaado. Waxaa kaloo la yaab leh in dadkii lacagta been abuurka ah keenay, intii maxkamad arrintooda la horgayn lahaa si looga jaaseeyo falkooda dhiigmiiradka ah in "dawladdu" u celinayso wixii kharash ahaa ee ka galay!! Sow arrintu uma eka, "Wiil Waal, lugta iyo garabka leg laguugu dar!!" Sida ay ku soo daabaceen shabakaddooda internetka (http://somaligov.com/ ) waxay kooxdii Ina-Gallayr go’aamiyeen inay la wareegaan lacagtii been abuurka ahayd. Hase ahaatee qodobbada go’aankooda waxaa kaloo ka mid ahaa:

"Dawladdu waxay lacagtaa u isticmaali doontaa kharashaad iyo wixii hawlaha dawladda la xidhiidha, sida Mushahar, Shidaal IWM. Ugu danbeyntii dawladdu waxay ugu baaqeysaa shacbi weynaha Soomaaliyeed meelkasta oy joogaan inay garab istaagaan dawladooda si wada jir ahna uga hortagan falalka noocan oo kale ah."

Waxaa la yaab leh in kooxda Carta ay qirato inay lacagtu been abuur tahay, kalana wareegtey dadkii keenay, una isticmaalidoonto inay arrimeheeda ku fushato. Oo maxaa looga qaaday burcaddii soo daabacatay? Miyaysan ahayn in la gubo kuwii keenayna sharciga lala tiigsado. Malaha hunguri iyo awood darro baa diiddan. Maxay ku kala geddisanyihiin in lacagta been abuurka ah ay burcaddii keentay ay suuqa geliso iyo in dawlad-sheegatadu ay suuqa soo galiso. So arrintu uma eka hadalkii laga sheegay gabar uu nin kufsaday oo markay qaylisay hooyadeed hiil ugu timid, ka dibna inkaar qabihii gabadha kufsaday hooyadii iskula rogay. Markay gabadhii isku dayday inay iyana markeeda ka rogto inkaar qabaha hooyadeed ayay hooyadii ku tiri gabadhii, "maandhey iska daa waa ina-ragoo lama dhibee". Oraahdii gabadha ka soo fakatay baa ahayd, "Hooyo illayn igama kicinayne waad iga kacsanaysey!!" Waxaa la yaab isna sii leh waxa ay rabaan inaan ku taageerno. Ma dhiig-miirashada ummadda ee ay reer Carta iyo ganacsatada taageerta ee ku naaxday dhiigga sokeeye, jaqaysana maatada hargeheeda baan taageero ugu sii darnaa? Kolley anigu maya, adigase ma aqaan!!

Dr. Osman Salad Hersi

Quebec City, Canada


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:07 AM. Webmaster HomePage