Md. Cali Mahdi Maxamed iyo xubno kale oo
dacwad u gudbiyay Madaxweynaha Jabuuti
by BAYDHABO PRESS
CARTA August 19, (BP)-Md. Cali Mahdi Maxamed oo ka mida xubnaha
golaha cusub ee Baarlamaanka iyo xubno kale ayaa dacwad u gudbiyay
Madaxweynaha DAWLADA Jabuuti kulan ay la yeesheen toddobaadkii hore.
Xubnahaas ayaa dacwooyin koodu ku saabsanayen eex iyo faragelin ay
ka tirsanayeen dowladda Jabuuti, iyagoo sheegay inay taageereyso mid
ka mida musharaxiinta loolanka kaga jira shirka Somaaliyeed ee CARTA,
waxayna cadeyeen in dawlada Madaxweyne Isaaciil Cumar Gelle ay
taagersantahay Mr. C/qaasim Salaad Xasan oo ay sheegeen inay u
fidisay tashiilaad xoog leh.
(BAYDHABO PRESS)
http://network54.com/Forum/