Dr. Xasan Maxamed Nuur [Shaargaduud] oo
shir saxaafadeed ku qabtay xaruunta CARTA
by BAYDHABO PRESS
ARTA August 20, (BP)- Dr. Xasan Maxmed Nuur [Shaargaduud]
guddomiyaha ururka RRA ahna hogaamiyaha ergadda qowmiyadda Digil iyo
Mirifle ee ka qeybgalaysa shirka nabadeynta Somaaliyeed ee CARTA
ayaa saakay shir loogu talo galay warbaahinta iyo saxaafada ku
qabtay xaruunta uu ka dhacayey shirka xubnaha golaha baarlamaanka.
War saxaafadedkaa ayuu Dr. Xasan Maxamed Nuur [Shaargaduud] ku
sheegay in shirka Somaalida haatan uga socda CARTA uu burburay ayna
burburiyeen shirgudoonka Carta iyo kooxo kale oo dano gaar ah ka leh
shirka rabina dawlad Somaaliyeed oo ku dhisanta dariiq sax ah iyo
cadaalad. Hadaba sababaha soo socda awgeed waxaan aragnaa in shirkan
uu ku socdo burbur:
1- In shirgudoonka iyo Dawlada Jabuuti aysan wax ka qaban talooyin
badan oo ay ergadda Digil iyo Mirifle u gudbiyeen, wax jawaab ahna
laga siin wax ka qabashada talooyinkaas.
2- In la magacaabay 20 xubnood oo dheraad ah oo lagu soo kor dhiyay
xubnaha baarlamaanka, taas oo wax u dhintay isku dhelitirka xubnaha
baarlamaanka.
3- In kooxo Somaaliyeed oo maamulka shirka gacanta ku haya ay weli
ka muuqato cadaawd ay u qabaan qowmiyadda Digil iyo Mirifle isla
markaana ay faraha ku hayaan guddiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin
guddiga xeer hoosaadka baarlamaanka.
Waxaa kale oo la soo sheegay in Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud]
uu maanta ka baxay shirkii golaha baarlamaanka uga socday magaalada
CARTA ee dalka Jabuuti.
Hadaba arimahaan ay ka midka yihiin 20 ka xubnood ee uu Geelle
qeybiyay ayaa dad badan ay horey uga digeen in ay shirka ku keeni
karto burbur hadii aan wax laga qaban.
dhinaca kale shirka oo aan taagero ka haysan maamulada
Puntland
iyo
Somaliland ayaa laga cabsi qabaa in
aysan waxba ka socon hadii maamulka RRA uu kala noqdo kalsoonida
taasoo ayaa la yiri keeni karta in dawlada Somaaliyeed ee lagu soo
dhiso CARTA ay noqoto dawlad gobaled la mid ah maamulada kale ee ka
jira Somaaliya.
Arinta colaadinta ee uu war saxaafadeedka maantay ku sheegay Dr.
Xasan ayaa iyadana horey loo sii sheegay in kooxaha ay dawlada
Jabuuti gacansaarka leyihiin ay ka shaqeynayaan sidii uu maamulka
RRA uga bixi lahaa shirka, si ay markaas ugu fududaato gaarista
qorshahooda ah qabashada Madaxtinimada dalka Somaaliya.
(BAYDHABO PRESS)