Garasho Xumida
by A/salam Mox'ud Jama
salwe1@hotmail.com
Horyaalka qisada caanka ka ah
Soomaaliya -marka laga hadlayo garasho xumida-
iyo Madaxweeyne Geelle waxa ay iska shabahaan laba shay inta
aan garanayo,
waxase u dhexeeya farqiyo badan balse anigu aan ka xusayo mid qura
inta
kalena aan u deeynayo akhristaha in uu ku jimicsado.
Soomaalida iyo
jilayaasha kale ee qisadana waxbay iska shabahaan waxna waa
ku kala duwan
yihiin. Bari baa waxa la yiri waxa jiray oday ay reerkiisu
uga tiirsan
yihiin dhinacyo badan siiba xaga maamulka, qorshaynta iyo wixii
caqliyaba.
Reer ku sabool buu ahaa, marka dhan la iska dhigo wixii maantaas
la soo
ugaartana, reerku wuxuu hanti ka lahaa ceesaan iyo dhari.
Odaygii oo safar
ku maqan baa waxa la yiri tii ceesaan aheeyd dharigii reerka
madaxa la
gashay, reer kii ayaa isku dayay in ay mushkiladda maareeyaan oo
ay
ceesaanta iyo dhariga kala furdaamiyaan. Way u caal waayeen.
Waxa talo ka
fursan weeyday in la sugo odaygii reerka illaa awalba isaga ayaa
howlaha
murga kala fur furi jiraye. Odaygii hadduu yimid waa loo
waramay meesha ay
xaaladi martay, arinkii maarayntiisana waa lagu wareejiyay.
Odaygii isaga
oo ka yaaban reerka caqli xumadooda dhanka kalena is leh bal adigu
dushaa
amarada ka bixi si lookala furdaamiyo ceesaanta iyo dhariga isla
markaana
reerku ay ugu tababartaan xallinta mushkiladaha ayaa amray in
ceesaanta la
bireeyo oo madaxa la jaro, fikraddii waa loo guuxay waxana lagu
dhaqaaqay
fulinteedii iyaga oo la yaaban sida ay ku dhaaftay arintan sahlan.
Markii
halkaa la marayo ayay reerkii arkeen in wali madaxii ceesaanta iyo
dharigii
isku jiraan. Odaygii ayaa loo soo noqday talona la
weeydiistay, inta uu
odaygii gacanta tuuray korna u dhawaaqay ayuu si caro ku jirto
wuxuu ugu
amray in dhariga dhagax lagu dhufto oo la jabiyo. Sidii baa
la yeelay
reerkiina uu arintii ku maareeyay, iyadoo ay la tahay in
ceesaantii iyo
dharigii lakala badbaadiyay. Odaygii oo garka salaaxaya ayaa
inta iskala
jiiday waxa uu yiri
"BAL REERKAA HADDAAN KA DHINTO
AMA KA DHEERAADO YAA U TALIN LAHAA"
Haddaan u soo noqdo labada meelood ee ay iska shabahaan
garashada
madaxweeyne Geelle iyo odaygii reerka waa tan horee in ay isla
yihiin bani
aadam. Tan labaadna waxa ay tahay miraha ama biyo dhaca
garashadooda.
Garashadii odayga aragnay halkii ay ku danbeeysay inkasta oo ay
taabanaysay
qooys yara. Tan Geelle oo ay iska cadahay halka ay Soomaali
u waddo waxaan
ka xumahay in aanan garaneeyn inta eey le ekaan doonto
saameeynteeda iyo
xuduudkeedaba.
Arinta aan jeclahay in ay ku kala duwan yihiina waa waxa loo
yaqaano
garashada ama caqliga. Odaygu in kasta oo uu garasho xumaa,
haddana wuu
dadaalay oo hor ilaaheey wixii uu u arkay caqligiisana siiyay ayuu
reerka ku
maamulay natiijadu waa halkeedee, markaana odaygii wuxuu qaatay
laba ajir,
ajarkii dadaalka iyo kii shaqada. Madaxweeyne Geelle maaha
nin aan horay u
aqaanay, arinka uu maanta noola yimid ka horoowna ma arag wax kale
oo aan ku
qiimeeyo caqligiisa. Haddaanse tan hadda taagan wax ka soo
qaado, anoo aad
uga xun, jeclaanna lahaa in aan u hadli karo sidaan si ka
duwan-
madaxweeynuhu ma muujin caqligii xaaladda ku haboonaa.
Sababtu waxay tahay
Geelle waa nin Soomaali ah, yaqaanana ama kala garan kara waxa
Soomaali mari
kara iyo waxa aanan mari karin. Waa nin aan qiyaasayo in uu
illaa waqtiyo
hore arimaha dalka dariskiisa ka dhacaya la socon jiray. Waa
ninka kaliya
ee heli karay-helayna- taageerada inta badan dadka Soomaaliyeed,
taasoo aanu
wada ognahay sida ay muhiim u tahay. Waa nin garanaya sidoo
kale sida ay
muhiim u tahay fursadda noocaan oo kala ah sida ay Soomaali weeyn
qaranimadeedii muhiim ugu tahay. Intaasoo dhan oo jirta ayuu
madaxweeynuhu
iyadoo la oran karo mar hore ayuu beeylihiyay hoowshiisii kaga
aadanayd
Soomaaliya, waxa uu mar qura nala soo dhexgalay riyo dad waalan
marna
danbiilayaal ahi wataan. Ogeebay Geelle ma isticmaalin
garashadiisa ee waa
la isticmaalay si loogu fuliyo riyada. Taniba haddeey
madaxweeynuhu ka
suurtoowday fili maayo in uu wax sidaa u sii ridan soo kordhin
lahaa xitaa
haddii uu isticmaalo caqligiisa iyo garashadiisa.
Inta aanan u galin xiriirka Soomaalida iyo jilayaashii kale ee
sheekada
ayaan waxaan jeclahay in aan wax yar ka xuso waxa ay culimada
nafsigu ka
yiraahdeen caqliga iyo garashada. Waa laba arin oo isku
xiran waayo
garashada qofka waxa ay ku xiran tahay inta uu gaarsiisan yahay
caqligiisu
(IQ). Saddex darajo oo asaasiya ayeey ukala qeeybiyeen
heerarka garashada.
Qofbaa waxa uu gartaa natiijada soo socota inta uunan ficilku
dhicin oo waa
qofka ugu caqliga sareeya,. Qofkalena waxa uu wax gartaa
inta uu ficulku
socdo waana qofka uu caqligiisu dhex dhexaadka yahay. Qofka
heerka
saddexaadna waxa uu wax gartaa marka uu ficilkii dhamaado oo ay
xeero iyo
fandhaal kala dhacaan, waaba hadduu garto e.
Haddaanu u soo noqono qisadii iyo Soomaalida, horta ugu horeeynba
farqiga
ugu weeyni waa anaga oo ceesaanta uga duwan caqliga, oo waxanu
kalanahay dad
iyo dugaag. Hayeeshee dad baa qisadaba ku jiray kuwaasoo
sidaan soo
aragnayba kari waayey in ay kala saaraan ceesaanta madaxeeda iyo
dhariga.
Markaa su'aashu waxay tahay dadkaa iyo Soomaalida maanta maxay
kukala duwan
yihiin?
Qorshihii Madaxweeyne Geelle dadbaa markii horeba ka leexday in
kasta oo ay
caqliyado kala duwan arinkooda ku saleeyeen. Madaxda kooxaha
hubeeysan ee
Koonfurta Soomaaliya waa ay diideen iyaga oo aan marnaba raalli ka
aheeyn in
ay Soomaaliya ka dhalato dawlad si ay u sii wataan macaashka badan
ee iyaga
iyo saaxiibadood ajnabiga ahi ka helaan bur burka Soomaaliya iyo
daroogada
la sheegay in dalka sida baaxadda leh looga beero. Iyo in
aanan marna loo
soo raacan wixii ay ka geeysteen goobo badan oo dalka ka mid ah.
Shardiga
kaliya oo markaa dhankooda looga heli karo ogolaasho si qaran loo
dhisana
waa tiiyoo ay dawladda iyaga gacanta ku hayaan sida malaha tii
Gen. Noriega.
Markaa iyagu waxaanu oran karntaa xaalkoodu waa tan ay
carabtu uga
maahmaaheen
"MASAA'IBU QOWMIN LI QOWMIN FAWAA'ID"
taasoo u
dhiganta ayaan filayaa maahmaahda Soomaaliyeed ee ah
"QAYLADII SOO YEERTA QOLAYSAN UGA DARIN"
Dhawaaqa Geelle waxa iyaguna dhagaha ka furaystay Somaliland.
Qoladani waxa
ay dadka u sheegaan in ay yihiin dawlad ka go'day Soomaaliya.
Siyaasaddu
saan la soconaba waa gorgortan, mar haddaad gor gortamaysana qofna
ma
istaago halkii u ahayd kama danbeeysta. Soomaaliland waxa ay
quud
daraynayaan in ay Koonfurta Soomaaliya kula gor gortamaan hab
Juqraafiyeed,
oo ah in maamulka dalka loo qaybsado Waqooyi iyo Koonfur.
Wixii intaa ka
shisheeyana waa ninkii suuqleeyda ahaa ee qaraha shanta shillin ah
ka
bilaabay tobanka si uu u xalaalaysto shanta, haddii uu ka kore ku
helana waa
WAXAAGA ALLA WAX KUUGU DAR. Qoladani haddii
ay sida hadda ay wax u rabto wax ku weeydo waxa ay aaminsan yihiin
in ay helayaan sicirka ugu hooseeya
ee ay wax ku doonayaan, arintu intaa kaliya kuma ekee waxa ay
waliba sii
quud dareeynayaan in tanaasulka ay ka soo tanaasuleen gooni isu
taaga ay wax
ku helaan maaddaama ay bad baadiyeen qaranimadii. Waxaad
moodaa in arintani
fulinteedii lagu guda jiro, waayo waxaad ka garanaysaa sida dadka
u dhashay
Somaliland oo runtii macnaheedu yahay Isaaq ee jooga Carta aan wax
saasa
looga soo qaadin. Malaha Markasta waxa la ogyahay in dadkani
gorgortankoodii soo socdo. Taa waxaa kuu caddeeyn kara in
markasta ay
Soomaliland madaxdeedu ku soo gaabshaan sheekada anagu waxaanu la
hadlaynaa
Koonfur mideeysan oo kaliya. Sida aan qiyaasayo
Somaliland lama gorgortami doonto marka dowladda C/Qaasim
lagu dhiso Carta, waayo waxa ay ogtahay in ayan wali
Koonfuri dhameeyn oo ay sheekadu dhicis tahay. Markaa way
iska sii sugi doonaan illaa waqti danbe, lagana yaabee in
muddadaas dhexdeeda
adduunyadu ku daasho Soomaaliya ka dibna diyaar loo noqdo in qolo
walba
meesheeda lagu aqoonsado. Ku dar intaa in reer Somaliland
aaminsan yihiin
falsafadda ah markasta oo ay mushkiladda Soomaaliya sii fogaato,
waxa soo
dhawaanaya oo isa soo taraya fursadaha aqoonsiga. Markaa
Somaliland iyadu
dhan walba meel fiican ayay u mareeysaa marka loo eego qorshohooda
siyaasadeed.
Puntland ayaa iyadana buunka Geelle yeeriyay aan
dhag jalaq u siin.
Mawqifka qoladan waa mid ku saleeysan hab waaqiciya oo aan qofna
ka
qarsooneeyn. Waa mid leh "WAR NIN WALOOWBA
OWRKAA HAKU QAADO"
Waa mid barta uu ka dhaqaaqayaa yahay in ay Soomaali qolo qolo
isku leeysay, markaana ay khasab tahay in qolo qolo loo heshiiyo.
Intaa kuma harine si taa loo gaaro waxa ay Soomaali
tusaaleeysay in wixii dhul ah iyo wixii hanti muuqda ee
lakala heeysto la isu celiyo, dabadeedna qolo walba dagaankeedii
lagu
hubsado illayn Soomaali waa istaqaane. Markaa ka dib 5000 oo
qof mawada
hadli kartee in ay qolo walba degaankeeda iyo waliba intii isfahmi
karta ay
sameeystaan maamul sharciya oo iyaga matala. Markaa ka dib
Puntland waxa ay
leedahay maamuladaas haka wada hadleen sidii qaran loo dhisi lahaa
kaasoo
ayan shaki ku jirin in uu noqon doono mid federal ah.
Arintaasi waa mabda'a
mana aha mowqif siyaasadeed oo gorgortan laga gali karo waana sida
kaliya ee
ay Soomaali ku kala nabad gali karto.
Qolooyinkaan aan kor ku soo taxay sikastaba hadafkoodu ha u kala
duwanaadee,
waxa ay garashadoodu timid intii uu san ficilku dhicin.
RRA waxaad moodaa in ay iyagu odayga Geelle ah ka
dideen markii uu ku
taliyay in ceesaanta la bireeyo oo hadda talo ayeey iskula maqan
yihiin.
Markaa waxaad mooddaa in qoladani ay arinta fahmeen intii uu
ficilku socday.
Inta soo hartay iyo alleeylehe waxaa isku mida qolooyinkii uu
Odaygii aan ka
soo sheekeeyay u talin jiray, inkasta oo iyaguna wax garan doonaan
marka ay
faraha uga gubtaan dabka oday Geelle sidii kii Jabuuti ee 91kii.
Markaa ka
dib waxaanu garan doonnaa in maahmaahda Soomaaliyeed ee oranaysa
"DAB AAN KULEEYLKIISA LA ARAG DANBASKIISA LAGAMA
LEEXDO" si loo fahmaa ay u baahan tahay caqli illaa
iyo xad ah.