Xubnaha DAWLADA cusub ee ku meel gaarka
oo maanta booqday magaalada BAYDHABO
by BAYDHABO PRESS
BAYDHABO Sep 1, (BP)-Waxaa maanta ka soo degay
garoonka diyaaradaha ee magaalada BAYDHABO wafuud balaaran oo ay
ka mid ahaayeen Md. Cabdiqaasim Salaad Xasan Madaxweynaha DAWLADA
KMG ee Somaaliya yo Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] iyo
xubno kale oo ka tirsan golaha baarlamaanka ee dhawaanta lagu soo
dhisay CARTA.
Wufudaas ayaa waxaa si diran u soo dhaweyay xubnaha maamulka RRA
oo ay horkacayeen guddommiye ku xigeenka kowaad ee ururka RRA Md.
Sheikh Aden Maxamed [Madoobe] iyo guddommiyaha gobolka Bay Md.
Maxamed Cali Aden [Qalinle] iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga
fulinta ururka RRA iyo maamulka gobolka.
Waxaa wafidgu ay ka dib u gudbeen garoonka ciyaaraha ee magaalada
BAYDHABO oo ay ku sugnaayen dadweeyne aad u tiro badnaa, waxaa
halkaas khudbado ka jeediyay Md. Caabdiqaasim Salaad Xasan iyo Md.
Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] iyada oo Md. Cabdiqaasim uu
sheegay in magaalada BAYDHABO uu maamulkisu tixgelin gaar ah siin
doono dib u dhisna lagu sameyn doono.
Mid ka mid ahaa dhageystayaasha khudabada Cabdiqaasim ayaa u
sheegay wargeyska BAYDHABO PRESS in uu taas Cabdiqaasim ula jeedo
xaalmarin iyo makdhaw maxaayelay ayuu yiri wuxuu ogyahay dhibkii
ay reerihisu geeysteen una geeysteen dadweynaha reer BAYDHABO iyo
degaankooda wuuna ku mahadsanyhay hadii uu ka run sheego
balanqaadkaas iyo garashada uu gartay dhibkii nalo geeystay.
(BAYDHABO PRESS)
__________________________________________________________________________________________________________
http://www.somaliainter.com/
| Magaalada
Baydhabo oo soo dhaweysay Madaxweynaha cusub
Soomaaliya |
|
Baydhabo,
01 Sep 2000 - Magaalada
Baydhabo maanta waxaa tagey wafti uu hogaaminayo
madaxweynaha KMG Soomaaliya Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Dad
badan oo lagu qiyaasay kumayaal ayaa isugu soo baxay
wadooyin magaaladaas iyagoo si weyn u taageeray dowladda
lagu dhisay shirkii nabadeynta Carta, Jabuuti.
Dr
Cabdiqaasim wuxuu tacsi iyo raali galin ballaaran u diray
dadka dega degaan Bay iyo Bakool oo silic iyo darxumo weyn
kala kulmay dagaalka sokeeyey iyo abaaro ka dhacay dhulkaa
sagaalki sanno ee burburka Soomaaliya.
Isla
maanta ayuu u dhoofay si kadiso ah xarunta Jabuuti.
Waxaana qorshaha ugu jirtay inuu tago magaalada dekadda
leh ee Kismaayo oo ay haystaan isbahaysi ka soo horjeeda
hogaamiye kooxeedka Gen Maxamed Saciid Morgan.
Dhanka
kale Maraykan ayaa si weyn u soo dhoweeyey natiijooyinkii
ka soo baxay shirkii Carta iyo dhisamaha barlamaanka iyo
doorashada madaxweynaha cusub.
Sidoo
kale wasiirka dibadda ee Kiinya Mr Bonaya Godana ayaa ka
sheegay Nairobi in dowladda Kiinaya taageersan tahay
dowaldda lagu dhisay shirkii Carta. Wuxuuna ugu baaqay
soomaalidu inay gacan ka geysato nabadeynta dalkooda.
|