19 May 2007 04:27

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] (QARAN) Magacaabid Guddi Nabadgelyo
  • Posted by/on:[AMJ][Tuesday, August 29, 2000]

 

Madaxweyne C/Qaasim oo magacaabay Guddi Nabadgelyo Qaran.

 

MUQDISHO, Jimce, (HornAFrik):

Wareegto uu shalay ka soo saaray magaalada Muqdisho ka hor intii aanuu ka ambabixin ayuu madaxweynaha ku meel gaarka ah Dr. C/qaasim Salaad Xasan ku magacaabay guddi nabadgelyo Qaran oo ku meel gaar ah uuna guddoomiye u yahay Jen. Maxamed Nuur Galaal, ayna xubno ka yihiin Jen. Cali Ismaaciil, Jen. Axmed Jilicoow Caddow, Jen. Cusmaan Sheekh Axmed (Badmaceeye), Axmed Sheekh, G/sare Maxamuud Kaahiye Barre (Luga-god) iyo xubin kale oo aysan magaceedu na soo gaarin. Guddigan ayey howshiisu tahay sugidda nabadgelyada dalka oo dhan, iyagoo howshooda ka billaabi doona magaalada Muqdisho.

(QARAN PRESS)

___________________________________________________________________________________

 

Sabti  2-da Sitembar   2000     3-da Jamadul Tani  1421

Wadanka

WAREYSIYO KALA GEDISAN OO LALA YEESHAY MADAXWEYNAHA CUSUB EE SOOMAALIYA

Akhristayaal inaga oo inta ugu nuxurka badan ka soo qaadanayna ayaanu idiin soo gudbinaynaa wareysiyo kala gedisan oo ay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan la yeesheen idaacadaha HornAfrik iyo BBC iyo Telefishinka Al-Jazira ee dalka Qadar, waxayna wareysiyadaasi u dhaceen sidan:

S: shacabku ma aysan joogin dhammaan Jabuuti oo ahayd meeshii lagugu doortay, sidaas darteed maxay kugu aamini karaan, shacabka Soomaaliyeed oo dhibaatooyin xukuumadeed horey u soo maray?.

J: waxay igu aaminayaan waxa laysku aamino oo ah waxa ay aaminsan yihiin oo ah Kitaabka Alle soo dejiyey oo aan ku dhaartay inaan sharaftooda, dantooda iyo maslaxadooda dhowro, wax intaas ka weyn oo laysku aamini karo ma jiraan.

Waxay igu aaminayaan qowlka aan leeyahay iyo ficilkeygu sida ay isku waafaqaan inay eegaan, waxay igu aaminayaan inaysan howsha keligeey iiga harin ee talo, waano iyo duco iskugu daraan aniga, xukuumadda iyo golaha shacabka.

Waxay igu aaminayaan markaad howsha dabada ka hayso oo aad wax ka maamulayso nin gaar ah inaad ku aaminto inaan loo baahnayn, anigu waxaan ahay adeege, adeegahaagana howsha waa lala maamulaa.

S: dad ayaa aaminsan Golaha Baarlamaanka iyo dadka madaxda ah ee aad adigu ku jirto inay yihiin dadkii ka tirsanaa dowladdii la riday ee Maxamed Siyaad Barre oo laga tirsanayo eedo badan oo ay ugu weyn tahay inay dhibaatooyinkii dalka ka dhacay iyadu mas’uul ka ahayd inta badan?.

J: dadku saddex fac ayuu ahaa, kuwii xoriyadda wax ka soo hooyey oo ay hadda ka joogaan dad yar oo da’ ah, racii labaad oo ah kuwii la hana qaaday 21-kii sano oo aan anigu ka mid ahay, 9-kii sano ee ka horeysay iyo faca saddexaad oo ah intii 21-kii sano ka dambeysay.

Kuwii ugu horreeyey waa howl gab, kuwa labaadna dan baa tiri inay mas’uuliyad garabka u ritaan kuwa saddexaadna waa kuwa loo gogol xaarayo, dadkii 21-ka sano shaqeynayey waxay isugu jireen dad ummadda dambiyo ka galay iyo kuwo shariif ahaa oo dalkooda iyo dadkooda jeclaa una shaqaynayey.

Shacabka Soomaaliyeed ayey u taallaa inay doortaan kalana xushaan oo ciddii shariif ahayd oo aan wax gaysan ay u sii shaqayso qofkii dambi ka galayna sharciga hortiisa keenaan.

Ma jiro nin hebel la yiraahdo oo Soomaali ah ama gabar heblaayo la yiraahdo oo aqoon leh oo aan 21-kii sano ka mid ahayn maamulkii jiray, maamul qof leeyahayna ma ahayn ee wuxuu ahaa mid Qaran, sidaas daraadeed waxkasta waxay u yaaliin shacabka, dadka la yaqaan oo dhan ee hadda ummadda ka dhex muuqda dowladdii ayey la soo wada shaqeeyeen, tusaale Maxamed Ibraahin Cigaal ka mid buu ahaa mar danjire ayuu ahaa, marna rugta ganacsiga ayuu joogay, C/llaahi Yuusuf ka mid buu ahaa, wakaalad ayuu madax u ahaa markii dambena taliye ciidan ayuu ahaa.

S: Goormaad maga caabaysaa Ra’iisul wasaaraha?.

J: mar dhow ayaan magacaabayaa, laakiin madaxweynaha shaqadiisu waxay ka billaabataa maalinta la dhaariyo markii lay dhaariyeyna waxaa ka soo wareegay maalmo yar waxaanna shaqada ka bilownay inaanu dadkeenii soo salaanno, waxaa labaysa inaan calankeenii qaadno oo adduunka meel kasta ka taagno, labadaas howlood ayaa yar hakiyey mudadii aan la tashan lahaa Baarlamaanka taasoo aasaas u ah magacaabidda Ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaaruhu nin aan anigu ku riyoonayo ma ahan ee waa akhlabiyada baarlamaanka nin wata oo heli kara kalsoonida golaha shacabka, ninkaasna waa in lagala tashado dadka laga rabo aqlabiyadda.

Maalmaha soo socda wafdi ka socda golaha baarlamaanka iyo madaxweynuhu (isaga) waxay tagayaan shir dalalka Jaamacadda Carabta wasiirradooda arrimaha dibaddu ay yeelanayaan, waxaan kaloo la shiraynaa madaxweynaha Masar Xusni Mubaarak dabadeedna waxaan u gubaynaa shir madaxweynayaasha adduunku isugu imanayaan oo ka dhacaya dalka Mareykanka ee magaalada Newyork, halkaas oo lagu xusayo Qarniga 2000.

Waxaa Isku soo duway: Maxamed Cali Salaad (Saadaq)

(QARAN PRESS)

 


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:14 AM. Webmaster HomePage