- Title: [SW News] (Xiddigta Benadir) General Jilacow of Godka
- Posted by/on:[AMJ][Saturday, Sept. 2, 2000]
Jan.
Jilacow:
Jan.
Axmed Jilacow Caddow oo ka mida saraakiisha ka qeybga-shay shirka
Jabuuti ee ka mid ahayd guddigii loo saaray dhismaha ciida-mada ee
shirka Jabuuti hadana ka mida guddiga Madaxweyne C/-qaa-sim u
magacaabay nabadgelyada Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in shirka
Jabuuti uu ku dhacay jawi wanaagsan, inkastoo uu ahaa shir aad u
adag.
“Dowladdu
dalka oo dhan ayay dowlad u tahay, Boosaaso iyo Hargeysana waa
tegi kartaa, dalkana kama jirto meel Viso loo qaato, wa-xa wax
diidan waa shaqsiyaad wafd-iyo badan ayaana dhulkaas ka yim-id”
ayuu yiri Jan. Jilacow oo la wey-diiyay in dowladda Dr. C/qaasim
ay tahay mid K/Soomaaliya ay leedah-ay maadaama maamulo xoog leh
ay ka jiraan Somaliland iyo Puntland oo dowladdu ka howlgeli karin.
Jan.
Jilacow waxa uu sheeg-ay in qaab waanwaan iyo wadahada-lna lagula
dhaqmayo kuwa ka soo horjeeda shirka Jabuuti ujeedada maamulka
cusubna aysan ahayn in dagaal wax lagu doono, “Dabcan waa la is
difaacayaa haddii lagu soo weeraro” ayuuna yiri.
Janaraalka
oo la weydiiyay in maamulka cusubi uu wax ciidan ah hadda heysto,
waxa uu sheegay in ciidamadii tirada badnaa ee soo dho-weeyay ay
xoog u yihiin shacabka oo dhanna uu difaacayo dowladda.
“Hadaladaas
waa boroboga-ando dadkuna xaq ayay u wada leey-ihiin maamulka
dalkooda, dadka la doortay waa waaya arag maamul soo maray oo ka
soo shaqeeyay hay’ada-ha dalka, hadda qofkii aan waaya
ar-agnimadaas lahayn waa qasab inuu eed sheegto” ayuu yiri Jan.
Jilacow oo ka jawaabayay in maamulka cus-ub ay u badan yihiin
haraagii Siyaad Barre, “Anagu si KMG ah ayaan ho-wsha u wadnaa,
ka soo qaad aniga waan duqoobay inaan nasto ayaan jeclaan lahaa,
cid waaya aragnimada aan leeyahay leh oo howsha aan u dhiibo
haddii aan helayo waan soo dhoweyn lahaa” ayuu yiri Jan. Axm-ed
Jilacow.
Sidee
u aragtaa doorashadii Madaxweynaha iyo tii Guddoomiya-ha
Baarlamaanka, waxaa jira warar sheegaya in xeer jajab iyo heshiis
hoose ku dhaceen? Oo la weydiiyay waxa uu uga jawaabay “Wallaahi
ta-rtanku waa cadaa, caalamka oo dhan ayaana eegayay oo qiray inuu
si xor ah u dhacay balse wixii naga qarso-on oo mara hoosteed ku
jiray anigu ma ogi”.
Janaraalka
oo aynu weydiin-ay sababta keentay inay hal musha-rax ku midoobi
waayaan beelaha Muddulood jagadii Madaxweynaha, waxa uu sheegay
inay taasi ugu wac-neyd isu tanaasul la’aan, “Markii ho-re
waxaa halkan laga tegay iyadoo aan muwaafaqo la ahayn waana la
ogaa inaan guul laga keeneyn” ayu-una yiri.
Su’aal
ahayd yaa iska leh oo aad saareysaa guul darrada beesha ka soo
gaartay inay jagada Madax-weynaha hesho, waxa uu ka yiri “Eeda
waxaan saarayaa muwaafaqo darrada halkan lagala tegay, waxaan
xasuustaa beelo badan oo mar kasta lagu soo laab-laabanayay oo
lagu guubaabinayay inay midoobaan mu-sharaxiinta beesha Muddulood
si ay codkooda u siiyaan haddii Boqoradii ay isku dayeen inay
xaliyaan oo ani-gu aan ka mid ahaa raggii arrintaas ku jiray xal
waa loo waayay natiijad-una waxay noqotay sida dhacday”.
Jan.
Axmed Jilacow oo ka hadlayay inta ay ku qaadan karto dhismaha
ciidamo Soomaaliyeed oo xoog leh waxa uu sheegay inay fud-udahay,
wuxuuna caddeeyay inaan loo baahneyn ciidamo shisheeye.
Dhinaca
kale wuxuu sheegay Janaraalka inaysan magaalada Bay-dhaba noqoneyn
caasimad arrintaa-sna ay ahayd soo jeedin oo kaliya oo laga gudbay
meelna la iska dhigay.
Guddi
loo magac…
Muqdisho:
[Xiddigta Banaadir]
Guddi
ka kooban saraakiil sare ayaa loo magacaabay dib u dh-iska
ciidamada dalka qeybahoo-da kala duwan, guddigaas oo ah kii ugu
horeeyay ee uu sameeyo Madaxwe-ynaha KMG ah ee cusub Dr. C/qaa-sim
Salaad Xasan waxaa la magac-aabay shalay kahor intii uusan ka anba
bixin Muqdisho.
Guddiga waxaa ka mida Jan. Ma-x’ed Nuur Galaal, Jan.
Axmed Jila-cow Caddow, Jan. Cali Ismaaciil, Jan. Cusmaan Sh. Axmed,
Jan. Max-’ud Kaahiye Barre iyo xubno kale.
Jan.
Axmed Jilacow oo ka mida guddiga ayaa wargeyskan u sheegay in
howsha guddigu ay bila-abatay isla markaana ay ujeedadoo-du tahay
diyaarinta qaabkii dib loo-gu unki lahaa ciidamada, isagoo she-egay
inaysan wax la’aan ahayn mar la weydiiyay inay heystaan
dhaqaal-ihii ay arrintaas ku fulin lahaayeen.
______________________________________________________________________________________________
dhambaal
CABASHO AH OO ku socda madaxweynaha KMG. ee cusub
Beelaha
Jidle iyo Dagood-iye oo ka mida Beelaha Sooma-aliyeed ayaa Qoraal
cabasho ah u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Dr. C/qaasim
Salaad Xasan, iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo
dham-aan duubabka Nabadda ee Beelaha Soomaaliyeed kana qeybgalay
shi-rkii Carta.
Qoraalkaas
waxa uu u qornaa sidan:
Waxaan
mahadnaq u jeedinaynaa Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar
Geelle iyo dowladiisa sidoo kale waxaan mahad u celinaynaa
shacabka reer Jabuuti inagoo uga mahadnaqeyna sidii xilkasnimada
iyo geesinimada lahayd ee
ay ugu gurmadeen waalaalahood
Soomaaliyeed sidii ay uga taakuleyn lahaayeen ka bixida dhibaatada
ku habsatay mudada tobanka sano ah iyo dib u soo celintii qarankii
burburay.
Sidoo
kale waxaa mahad-naq mudan dhammaan
ergooyinka metelaya beelaha Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay
dib u dhiskii qaranka Soomaaliyeed.
Intaa
kadib waxaan nahay Ugaasyada, Aqoonyahano, Siyaa-siyiin,
Culumaa’udiin, dhalinyaro iyo haween ka tirsan beelaha JIDLE oo
ku nool wadanka gudih-iisa Itoobiya , NFD wadamada Carabta, Yurub,
America iyo Kanada. Waxaan aad uga xunnahay sidii loo qeybiyay
xubnaha Baarl-amaanka oo aan ku saleysneyn si cadaalad ah,
sababtoo ah waa wax lagu qeybsaday beelo inta halkaas ku kulantay
iyo inta maqanba mana jirto cid aan xubinteeda la siin.
Haddaba
waxaa la yaab leh in beeklaha JIDLE iyo DAG-OODIYE aan waxba la
siin, waxaa isweydiin leh beelahaas miyeysan ahayn dad
Soomaaliyeed oo xaq u
leh inay xubintooda qaataan?.
Haddaba
taasi waxaan uaragnay cadaalad xumadii wadanka burburisay oo
umadda Soomaaliyeed halkaasi dhigtay. Waxaan is lahayn waaya
aragnimadii laga dhaxlay dhibaatadii iyo burburkii ku dhacay
umadda Soomaaliyeed oo ay keeneen dagaaladii sokeeye waa laga
waantoobi doonaa oo dib uma dhici doonto cadaalad xumo danbe,
laakiin arrinta ku dhacday labadaa beelood JIDLE IYO DAGOODIYE waa
cadaalad xumo tii ugu darneyd oo umad laga galo, maxaa yeelay
iyagoo gogoshii magaaladii Carta fadhiya ayaa hortooda xubnihii
lagu qeybsaday iyagiina lagu qadiyay oo wax la’aan la dhigay.
Arrintan
waxay na tusisay in si gaar ah loo qadariyay oo xubno badan la
siiyay dadkii qeybta weyn ka qaatay dagaaladii sokeeye, haddii
guddigii xubnaha Baarlamaanka qeybiyay sidaa cadaalad darada ah
wax u qeybiy-een ma arki waayay madax-weynaha Jabuuti beelahaas
dulman isagoo murtidiisu mar kasta ahayd “Beelaha Soomaaliyeed
dhammaan way u dhan yihiin dowladda la dhisi doono”, hadddaba
miyeysan labadaas beelood Soomaalida ka mid ahayn?!!
Waxaan
u jeedinaynaa madaxweynaha Ku meelgaarka ah C/qaasim Salaad Xasan
inuu arintan wax ka qabto maadaama uu sheegay in dowladiisu tahay
tii dadka dulman iyo kuwa taagta daran u adeegaysay ee aysan ahayn
Dowladii Ninkii xoog leh ayaa Xabagta goosta.
Waxaan
kaloo beelaha Hawiye gaar ahaan beelaha gugun-dhabe u soo
jeedinaynaa in arri-ntaas dhacday ay dib uga fiirsadaan taasoo
taariikh dheer reebi doonta.
Dadka
dhambaalkan qoray ee ku saxiixnaa waxaa ka mida
Prof.
Maxamed Ibraahim Faarax [Biriq], Dr. Axmed Cumar Maxamud [Axmed
Qal], Dr, C/ladhiif Sh. C/laahi, Sheekh Maxamud Xaaji Cali, C/rashiid
Bashiir [Ardon], Axmed Nuur C/laahi Dheen, Sheekh Cumar Cali [Faaruuq],
G/sare Axmed Sheekh C/laahi Dr. C/naasir Bille Maxamed, C/fatax
Axmed Muumin, C/qaadir Xuseen Xasan [Carabey], Cabdi Irad Jirow,
Maxmud Bille Maxamed, Shukri Maxamed Xuseen, C/qaadir Maxamed
Faarax, G/sare Maxamed Cilmi Faarax, Saynab Xuseen Xasan,
Maxmed Ismaaciil Cali, Nuur Cali Aadan, C/casiis Axmed
Aadan, Barre Cali Shamura, Axmed
Mad yare, Maxamed Cali Aadan, Cabbaas Macallin Xaaji, Maxamed Cali
Aadan [Taxi], Maxmed Cabdi Xasan,
Cabdi Axmed Jirow, C/qaadir Axmed Muumin, C/qaadir Maxamed
Cusmaan, Ibraahim Xuseen Xasan C/kariim Maxmed Cabdi, Faarax Axmed
Muumin, C/qaadir Carab Uleex, Dheera Cabdi Xaruun, Maxamed C/qaadir
Axmed C/naasir Xersi Takhal, Maxamed Cabdi Ugaas, Inj. Maxamud
Nuur Diiriye, Muuse C/samad Ugaas, Cali Xasan Diiriye, C/naasir
Maxmed Cabdi [xadde], Maxamed Bille Maxamed, C/qaa
[
News] |