Adeerow beelaha Harti ayaa iyaguna ka qayb qaatay hayaankii
ay xoolo-dhaqatadeenii ku dhul fidsanayeen. Abaaro iyo colaado ka
dhacay degaanka ay beelahan ku nool yihiin, qaybtii hore ee
qarnigii 19-aad, ayaa loo aanaynayaa qaxa ay qaybo kamid ah la
aadeen galbeedka iyo koonfurta Soomaaliya. Dagaalada waawayn oo
xilliyadaas ay Hartigu isku laayeen waxaa kamid ah mid dhex maray
Majeerteen iy Dhulbahante. Waxaa xigay mid dhexmaray Warsangeli
iyo Majeerteen. Labada dagaalba waxay ku xusan yihiin gabaygii
guubaabada ahaa ee uu xilligaas beeshiisa u tiriyay Aw-Muuse
Ismaaciil. Tixihii gabaygaas waxaa kamid ahaa :
Dadow heehe caaqibo miyaa xarigi loo duulshay
Ma waxaan diidayaa uumiyuhu dan uga rayn waayay
Dacartaan hortii xiray miyaa la igu soo daayay
Ciil iyo hammi aan dumin miyaa la igu daardaaray
Inaynu diir kharaarrahay miyaa uunki laga daahay
Dagaal inaynu hoog dhigi miyaa dad ina moodaynin
Ma waa xukun Ilaah deyay waxeer nalaga doonaayo !
Dagaaladan waxaa ka horeeyay kuwo in muddo ah ka dhex aloosnaa
beelaha Majeerteen dhexdooda, kuwaas oo ay sababeen dil loo
gaystay Boqor Yuusuf Cismaan iyo wiilkiisii Boqor Maxamuud Yuusuf Maxamuudkii
III-aad. Labada boqor waa Boqor Cismaan aabihiis iyo
awoowihiis.
Hayaanka ay colaadahan iyo abaaruhu sababeen ayaa hayaamadii ay
beelaha kale ku soo qaxeen wuxuu kala mid ahaa isaga oo sidii hir
oo kale dhowr xilli oo kala duwan soo kacay. Isla markaasna wuxuu
ku khilaafsanaa waddooyinka uu soo maray oo isugu jiray bad iyo
berri. Adeerow sida ku xusan sheekooyinka daŽwaynta reeraha,
dadkii Hartiga ahaa oo ka qayb galay hayaankii ugu horeeyay waxay
qaxeen wakhti ku aaddan 20-kii sano ee u horeeyay qarnigii 19-aad.
Dadkaasi waxay ka qayb qaateen dagaallada lagu magacaabo Dagaalkii
Ajida ee lagu kiciyay dadyowgii Oromada ahaa ee ku noolaa
degaanka Juba. Degaanka degmada Jilib ayaa saldhig u ahayd beelaha
soomaaliyeed ee hayaanka ahaa. Beelahaasi waxay isugu jireen
Biyamaal, Harti, Ogaadeen iyo Tunni.
Bartamihii qarnigaas ayaa hirkii labaad ee reeraha Hartiga uu
soo kacay. Arrintaasi waxay ka dambaysay markii doon laga lahaa
degmada Xaafuun ay ku xumaatay meel kamid ah xeebta gobolka Jubada
Hoose. Dadyow meesha degganaa oo Baantuu ahaa ayaa ku soo duulay
doontii iyo dadkeedii, kuwaas oo dadkiina laayay hantidiina dhacay.
Rag dilkaas ka baxsaday ayaa qaylo-dhaan gaarsiiyay degaankii ay
ka yimaadeen dadka la laayay. Dabayaaqadii sanadihii 1860-aadkii
ayaa 14 doonyood oo ciidan saaran yahay waxay duulaan ku yimaadeen
degaamada xeebaha ah ee Juba. Adeerow waxaa xusid mudan in
xilligaas uu degaanka ka talinayay suldaankii reeraha Wiitu ee la
oran jiray suldaan
Axmad Bin Fumoluuti Nabahani. Suldaankaas oo ku magac
dheeraa Siimba ayaa sanadkii 1862-kii
wuxuu isku dayay in uu saldanaddiisa ku ballaariyo koonfurta
Soomaaliya. Xilligaas waxaa maamulka suldaanka hoos imanayay dhowr
qowmiyadood oo kamid! ! ah qowmiyadaha Sawaaxiliga ah, waxaa kamid
ahaa Booni iyo Watoro oo labaduba ay ahaayeen Baantuuga Soomaaliya.
Watoro waxay ahaayeen dad isu tegey oo addoomo ahaa, kuwaas oo
meelo kala duwan ka soo baxsaday, kaddib markii ay u adkeysan
waayeen noloshii addoonsiga. Dadkaasi waxay ku noolaayeen
tuulooyin ku yiil dhulka howdka ah ee u dhexeeya koonfurta
Soomaaliya iyo waqooyi-bari Keenya. Reeraha kale ee Booniga ahaa
waxaa xilligaas hoggaaminayay nin la oran jiray Bin
Bahero ee u dhashey reeraha Avatulla. Waxaa la yiraahdaa,
ninkaasi wuxuu ahaa Soomaali (Baajuunta Soomaaliya). Avatulla
waxay kamid yihiin 8-da jifi oo ay Baajuunta Soomaalida u qaybsan
yihiin, waana reerka ugu weyn. Sidaa darteed baa Bin
Bahero wuxuu damcay in uu mideeyo dadyowgii Wiitu iyo Booni
oo ay nadaam qura iyo magaalo-madax mid ah ay yeeshaan. Waxay
magaalo-madax u doorteen mid kamid ah tuulooyinkii Wiitu ee ku
yiil dhulka howdka ah, taas oo magaceeda l! ! a oran jiray Balawa.
Adeer ! duulimaad is-daba joog ah ayaa Baantuugii kaga yimid
dhanka badda, kaas oo ay horseedayaal ka ahaayeen raggii
aano-doonka ahaa. Dhul daaqsinka ku wanaagsan iyo xoolo badan ayay
Hartigu ku qabsadeen dagaaladaas. Waana xilligaas goorta uu reebay
nin waayeel ahaa oo la socday ciidamada, ooraahdii oranaysay :
Waamo iyo waayeelnimo ayaa ii kulmay
.
Dagaalladaasi waxay sababeen hayaan baaxad wayn oo beelaha
Harti ay horseedayaal ka noqdeen, kaas oo xoolo-dhaqatadii
soomaaliyeed ay la beegsanayeen koonfurta dhulka u dhexeeya labada
webi ee Juba iyo Taana. Dabayaaqadii qarnigii 19-aad hayaankii
reerahan ayaa wuxuu gaaray degaanka ay ku taal buurta la yiraahdo Mount
Kenya oo 180 km. u jirta Nayroobi, halkaas oo illaa maanta
ay ka muuqdaan waababkii ay xoolaha ku xeraysan jireen iyo
meelihii ay ciidamadooda fadhiyi jireen. Waxaa xusid mudan in
aasaaska degmada Siyelow Isiolo ay
kamid tahay degmooyinka ku aasaasmay dhaqdhaqaaqii hayaamadii
xoolo-dhaqatadeena, gaar ahaan kuwii Hartiga.
Adeer ! degaanka Juba waa dhimbisha ay ka dami wayday dagaalada
sokeeye ee dalkeena ka aloosan sanooyinkan danbe. Sida la filayona
waa degaanka ugu dambeeya oo ay nabadi ka unkami doonto, haddiiba
la helo caqli qiimeeya macnaha nabaddu leedahay. Sidaa darteed waa
ay haboon tahay in aanu fiiro gaar ah ku eegno taariikhda dhulkan.
Magaca Hinter-land ayaa wuxuu yahay midka ay taariikhyahanadu u
yiqiineen dhulka u dhexeeya webiga Juba iyo webiga Taana. Wuxuuna
kamid yahay degaamada qiimaha gaarka ah leh marka laga hadlayo
taariikhda geeska Afrika. Ninka la yiraahdo J.
de V. Allen oo macallin ka ah jaamacadda Nayroobi ayaa
wuxuu xusay, natiijooyinkii laga helay diraasaadkii lagu sameeyay
degaankan, in ay noqdeen kuwo iska hor imaanaya. Macluumaadkaas
iskhilaafsan xal baa loo heli lahaa hadii saddex arrimood ay
cadaan lahayd :
1. Taariikhdii boqortooyadii Shunguwaaya,
oo ahayd saldanad ay Baantuugu lahaayeen qarniyadii dhexe.
2. Dadka ku hadla afka Baantuuga Bantu-speakers,
goorta ay yimaadeen degaanka, iyo haday jiraan dadyoow kale oo
deganaan jiray agagaarka webiga Taana.
3. In Soomaalida iyo Oromada ay yihiin dadyowga xoolo-dhaqatada
ah ee geeska Afrika dega kuwii ugu horeeyay.
J. de V. Allen
wuxuu
tilmaamay in ay jireen dadyow xoolo-dhaqato ahaa ee ku noolaa
koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo sida la malaynayo aanan ahayn
Soomaali. Dadyowgaas oo ku hadli jiray af-soomaaliga iyo kan
Oromada, waxay degaanka ku noolaayeen markay taariikhdu ahayd 1300
- 1700 c. d. In ay muddadaas ka hor deganaayeena waa suurogal,
waxaase adag in la helo raadkoodii iyo halkii ay ku dambeeyeen.
Balse hadii aanu wax iska weydiino in ay jiraan dad haraa ah oo ka
soo farcamay nimankaas, si raad noocaas ah loo helo waxaa khasab
ah in marka horeba laŽeego qaabka dhismaha dhaqan-dhaqaale oo ay
leeyihiin dadyowgii geeska Afrika ku noolaan jiray. Adeerow hadii
aanu siguud u eegno dadka Baantuuga ah ee ku nool dalalka bariga
Afrika (Soomaaliya, Keenya iyo Tanzaaniya), waxaanu helaynaa in ay
yihiin dad luqadooda iyo dhaqankoodu uu mid yahay. Muddo badanna
waxay deganaayeen bariga Afrika. Waxaa jira arrimo ay
taariikhyahanadu si guud isugu waafaqsan! ! yihiin oo ku saabsan
dadyowga Baantuuga ah ee ku nool xeebaha koonfureed ee Soomaaliya.
Waxaa arrimahaas guud hoos yaalla waxyaabo furuuc ah oo laysku
khilaafsan yahay, waxaana kamid ah :
Yay yihiin dadkan afka Baantuuga ku hadla ?.
Xaggee bay ku noolaayeen ?.
Imisay soo jireen ?.
Aragtida ay Soomaalidu ka qabaan dadka baantuuga ku hadla waxaa
weeye in ay yihiin dad qarnigii 19-aad yimid dalka Soomaaliya,
waxaana keeney carabtii adoonsiga ka ganacsan jirtay, asalkooduna
waxay ka yimaadeen Keenya iyo Tanzaniya. Mar danbe baa waxay
noqdeen dad beeralay ah oo waxay degeen dhulka u dhexeeya labada
webi ee Juba iyo Shabeele. Dalaga ay soo saaraan waxaa iibsan
jiray ganacsatadii deganayd magaalooyinka xeebaha ku yaal sida
Xamar, Marka iyo Baraawe. Dadka Baantuuga ah ee Keenya ku nool ee
sheegta in asalkoodu uu Soomaaliya yahay waa kuwan hoos ku xusan :
1. Majikeendha : waxay degaan
bartamaha iyo xeebaha Keenya.
2. Pokomo : waxay degaan
waqooyi-bari Keenya iyo daamanka webiga Taana.
3. Qeybo Sawaaxiliga kamid ah sida
: Baajuun oo degaankoodu yahay
xeebaha waqooyi bari ee Keenya iyo Mambuuri oo
iyaguna dega waqooyiga magaalada Mambaasa.
Dadkaasi waxay sheeganayaan xilligii boqortooyadii Shunguwaaya
in ay deganaayeen koonfurta dalka Soomaaliya gaar ahaan dhanka
webiyadu maraan iyo magaalooyinka ku yaal xeebaha bad-weynta
Hindiya. Dadkaasi waxay u arkaan sharaf wayn in ay ku abtirsadaan
boqortooyadii Shunguwaaya. Waxyaabaha
laga helay meelaha la faagay ee dhulkaas kamid ah waxay
muujinayaan wax ka duwan waxa ay sheeganayaan Baantuuga Keenya.
Waxaa la qiyaasayaa in Oromadu ay dhulka ka qaaday dadyowgii Shunguwaaya
qarnigii 16-aad. Waxaa la ogsoon yahay in ay Shunguwaaya
degaankaas ku noolaayeen illaa iyo intii ka horeysay sanadkii
1600, balse ay ka hareen haraa ku noolaa koonfurta iyo dhulka
xeebaha ah.