-
[SW Country] (Saadiq
Enow" ) GOORTII DHULKAYAGII LA
QAYBSADAY- Casharka X, XI iyo XII-aad :
Posted on 12 Oct 2002.
GOORTII DHULKAYAGII LA
QAYBSADAY- Casharka XII
-"Saadiq Enow"
Xilligii iswaydaarkii
labada qarni ee 18-aad iyo 19-aad, ilaa iyo bartamihii qarnigii
19-aad, dhaqdhaqaaqii ganacsi iyo kii ciidameed oo ay dowladaha
shisheeye ka wadeen xeebaha badaha iyo xuduudda dhulka engegan
ee Soomaaliya, ma noqon mid gayaysiiya in ay ina gumeeyaan.
Inkasta oo ujeeddada dhaqdhaqaaqu uu ahaa damac gumaysi-doon,
misana waxaa hor taagnaa jahliga ay kaga sugnaayeen nolosha
gudaha ah ee Soomaalidii xoolo-dhaqatada ahayd.
Ma jiraan qoraalo cayilan oo si faahfaahsan inoogu sawira
noloshii siyaasadeed oo ay lahaayeen dadkayagii Soomaaliyeed ee
xilligaas noolaa. Waxaase jira sheekooyin dhaxal-gal ah oo ay
wariyeen daŽwaynta Soomaaliyeed, kuwaas oo buuxinaya qoraalada
wax ka tilmaamaya xaaladihii ay dadkayagu ku sugnaayeen
wakhtigaas.
Xilligaas, dalka Soomaaliya gudihiisa, waxaa ka
hana-qaaday maamul beeleedyo ay reer miyigayagii la
kufaa-kacayeen si ay ugu gaaraan mudasho dowlad-goboleed ama mid
qaran. Waxaa maamuladaas laga xusi karaa :
1. Maamulkii Garaad Xirsi oo
ku magac dheeraa Wiil-waal (Bartire).
2. Maamulkii Imaamadii Abgaal, sida
Cismaankii II-aad, Maxamadkii II-aad
iyo Axmadkii III-aad.
3. Suldaan Xirsi Amaan (Habar-Yoonis).
4. Suldaanadii Gelledi, sida suldaan
Maxamud, suldaan Yuusuf, iyo
suldaan Axmad.
5. Boqorkii Majeerteen Maxamuud
Yuusuf (Maxamuudkii IV-aad) oo ku magac dheeraa
Maxamuud Xawaadane.
Inkasta oo bulshooyin kuwaas lamid ah, oo isu habeeyay
qaab beeleed, ay xilligaas dacallada Soomaaliya ka muuqdeen,
misana labo beelood oo qura ayaa ku guulaystay in ay xiriir la
yeeshaan dhaqdhaqaaqii ganacsiga caalamiga ahaa ee xilligaas
jiray. Beelahaasi waxay ahaayeen beesha Gelledi oo iyagu
xiriirkoodu uu sii marayay maamulkii Xamar ka dhisnaa iyo
beelaha Majeerteen oo iyagu si toos ah ula xiriiri jiray
xarumihii ganacsiga caalamiga.
Haddaanu wax ka xusno labadaas maamul, waxaa jira in
Suldaan Axmad Yuusuf (1848-1878) uu
ahaa suldaankii ugu dambeeyay xilliyadii wacnaa oo ay taariikhda
ku yeelatay boqortooyadii Gelledi. Suldaanku wuxuu ku dhintay
kacdoon ay Biyamaalku kaga cabanayeen cadaadiskii siyaasadeed ee
maamulkii suldaanku uu ku hayay bulshadii degaanka. Dagaalkaas
lagu dilay suldaanka wuxuu ka dhacay meel la yiraahdo
Aw-Shaafac oo ku dhow degmada Marka,
sanadkii 1847-kii. Suldaan Axmad
wuxuu xiriir siyaasadeed iyo mid ganacsiba la lahaa suldaankii
Sensibaar oo markaas ka talinayay Xamar. Xiriirkaas oo uu ku
helay kaalmo dhaqaale iyo mid ciidan ayaa sababay xasilloonidii
maamulkii aabihiis iyo kii awoowihiis. Waxaa kale oo jiray
ciidamo reer Sensibaar ah oo ku sugnaa degmooyinka Xamar iyo
Marka, kuwaas oo dhinacooda ka cadaadin jiray dadka Soomaalida
ah. Heesaha dhaqan galay ee inoo muujinaya cadaadiskaas
siyaasadeed ! ! waxaa kamid ah tixdan ay Biyamaalku tiriyeen
xilligaas :
Inta askar, inta Axmad
Allow Ilaahoow
Intee aadsaheynaa .
Waxaa kale oo ay taariikhdu reebtay, markii
Suldaan Axmad la dilay dabadeed,
sheeko dhex martay gabar uu suldaanku dhalay iyo nin Biyamaal
ah. Gabadha suldaanku dhalay ayaa magaalada Marka waxay ku
aragtay nin Biyamaal ah, markaas baa iyada oo aabaheed
waydiinaysa, ayay hees waxay ku tiri :
Shucbaale aan kuu gadaa aad shuun ku xiiratee
Shaqo aan kuu xiraa aad ku shoobtidee
Shood bun aan kuu tumaa aad sharuursatee
Aabow Shooblahayga ma ii sheegi kartaa .
Ninkii Biyamaal, isaga oo gabadhii u jawaabaya ayuu wuxuu
yiri :
Shucbaalahaaga ad shuun ku xiiro
Shuqadaada adlee ku shoob
Shantaada bun adlee sharuurso
Aabow shooblahaaga an kuu sheego
Aw-shaafac aa shufta looga gooyey
Humbow waraabaa hambuuqahaayay
Haad boorraa hirrigey ku haayay
Hablahaynaa har-haraatihaayay
Hirka maanyaa hab-dhabow ku haayay .
Boqortooyada waqooyi-bari ayaa markii ay beelihii Harti
degaan ku kala keceen waxay ku hartay beelaha Majeerteen,
waxayna kaga duwanayd tan Gelledi, iyada oo ahayd mid gun ah oo
salka ku haysa degaan xiriir daŽwayn la lahaa ilbaxnimooyinkii
ka abuurmay dunida cirifyadeeda, sida Afrika, Hindiya, Shiino,
Beershiya, Babilyon, iyo kuwii Carabta sida Yemen, Suuriya iyo
Masar (Peter A. Clayton 1997. pp.
1-120). Haddaanu dib u milicsano xiriiradaas,
waxaanu helaynaa raad xoog badan oo ilbaxnimooyinkaasi ay ku
reebeen degaanka. Magacyadii degaanka loo yiqiin waxaa kamid ah
dhulkii ganacsiga, dhulkii udgoonka, dhulkii hodantinimada,
dhulkii caanaha iyo malabka. Masaaridii hore ayaa iyaguna
degaankaas u yiqiin dhulkii Eebe ee barakaysnaa (Ibid.
pp. 106 - 7).
Majeerteenku, waxay dhaxleen boqortooyadii Harti ee
qarniyadii dhexe ku guulaysatey dhismo maamul talo-wadaag ah,
hanaankiisa siyaasadeedna ay urursanayd, kaas oo lahaa xeer iyo
kala danbayn. Boqortooyadan oo ay hoggaaminayeen
oday-dhaqameedyo ayaa waxaa ku bahoobay beelo isir-wadaag ah.
Shareecadda diinta Islaamka ayaa u xeer ahayd, boqorka iyo
xaashaadiisuna (ag-joogayaashiisu) waxay matalayeen muŽasasadda
ugu saraysay ee dowladda. Nadaamkoodu wuxuu ahaa nadaamka
dowlad-ummadeed Nation - State,
taas oo beel kasta iyo xubnaheedu ay dhankooda ka xoojinayeen
danaha guud. Boqorku wuxuu lahaa la-taliyayaal ka yimid beelaha
kala duwan iyo duqay la yiraahdo Gar-cas,
kuwaas oo ka xaajooda arrimaha la soo dersa noloshooda. Magaca
Gar-cas wuxuu ka taagan yahay garka
oo xinni lagu caseeyo.
Kasokow nadaamka dhaqaale ee sakada (iyo sadaqada) oo ahaa
hanaan ay la wadaageen dadyowga islaamka ah, gaar ahaan
Soomaalida xoolo-dhaqatada ah, ayaa waxaa u dheeraa xoolo laga
soo ururin jiray beelaha xilliga brwaaqadu jidho oo lagu
magacaabi jiray Sedo ama
Ammaan. Xoolahaasi waxay ahaayeen
waxa ugu fudud oo xoolo-dhaqatadu ay xilliga barwaaqada ah ku
taageeraan dowladda. Waxaana kamid ahaa hargaha xoolaha iyo
subaga. Xoolahaasi inta la ururiyo ayaa la dhoofin jiray,
markaasaa lagu soo beddelan jiray waxyaabaha ay boqortooyadu uga
baahan tahay dibadda.
Boqor Maxamuud Yuusuf (Maxamuud-kii
IV-aad) oo ku magac dheeraa
Maxamuud Xawaadane, oo xilligii maamulkiisu uu ku beegan
yahay 1796 - 1815, ayaa wuxuu guulo ka muujiyay hanaankii
dhaqan-dhaqaale ee boqortooyada. Taasina waxaa sababay xiriirkii
ganacsiga caalamiga ahaa oo boqortooyadu ay toos ula fal-gashay.
Dalalka ay xiriirka la lahayd oo doonyaha boqortooyada sida
tooska ah uga ganacsan jireen waxaa kamid ahaa Xijaas (Jidda),
Yaman (Cadan), Cumaan (Masqad),
Ciraaq (Basra), Hindiya (Goa),
Sensibaar (Sensibaar) iyo
degmooyinka Afrikada Bari sida Mombasa
iyo Laamo. Hor u kaca uu gaaray
ganacsigii beelaha Majeerteen ayaa wuxuu sababay in xilligaas uu
kamid noqdo xilliyada ay taariikhda boqortooyadaasi ugu baraa! !
re iyo beryasamaad wacnayd. Degmada Xaabo
oo ahayd magaalo-madaxdii maamulka ayaa si xoogan u camirantay.
Xilligaasi waa wakhtiga ay baxday maahmaahdii sawaaxiliga ahayd
oo oranaysay (Laamo kamaa Xaabo)
taas oo ganacsatada reer Laamo ay
ku faanayeen in degmadooda ay lamid tahay degmada
Xaabo. Qasiido diini ah oo geeridii
boqorka dabadeed uu tiriyay Xaaji Cali
Majeerteen ayaa inoo tilmaamaya xoolaha uu maamulkii
boqor Maxamuud-kii IV-aad ka helay
xiriirkii ganacsiga caalamiga ahaa. Xaajigu wuxuu yiri :
Aaway Xaawiyo Aadan xeryahay degaayeen
Xandulliyo maxaa laayey Xirsi Faaraxii hore
Maxamuud Xawaadane sow Xaabo lama dhigin
Aaway xoolihiisii xeryagaaladuu dhalay
Waxse lagama xaaleyn xor kafniino maahee .
Xiriirka ay la lahaayeen degaanka Xijaas, waxaa ganacsiga
u weheliyay xiriir diini ah oo adag. Sida laga wariyay
daŽwayntii beelaha, boqortooyadu waxaa u dhaqan ahayd, sida
ummadahii islaamka ahaa ee xilligaas noolaa, in ay sanad walba
xilliga xajka ari badan u qaadaan dhulka barakaysan oo ay
xujaydu isugu imanayaan. Ujeeddadu waxay ahayd in laga qayb
qaato soo dhowaynta dadka soo xajinaya. Xiriirkaas adag ayaa
wuxuu dhaliyay in goor hore ay degaanka boqortooyadu ku faafto
aragtidii diniiga ahayd ee lagu bandhigayay hufnaanta kelinimada
Eebe ee uu Shiikh Maxamad Cabdi-wahaab
odayga ka ahaa. Waana arrintaas sababta gobolladaas ay
xilliyadaas hore ugu yaraayeen aragtida diineed ee khuraafiga
ah. Waxaa jira gabay uu Sayid Maxamad
Cabdulle Xasan tiriyay ee uu ku caayayo
Boqor Cismaan, tixihiisii waxaa
kamid ahaa mid uu cuskinayo arintan, waxayna ahayd :
Awal-buu Wahaabi iyo ahaa weled najaaseede .
Maxamuud Xawaadane iyo Boqor Cismaan, waxaa u dhexeeyay
saddex boqor oo labo kamid ah la dilay, sidaan bayna isugu
xigeen :
Maxamuud-ka IV-aad 1796 - 1815
Cismaan-ka II-aad 1815 - 1842
Yuusuf-ka
IV-aad 1842 - 1844
Maxamuud-ka
V-aad 1844 - 1860
Cismaan-ka
III-aad 1860 - 1927.
Sanadkii 1815-kii, geeridii boqor
Maxamuud Xawaadane dabadeed, beelihii talo-wadaagta ahaa
waxay ku heshiiyeen in ay caleemo saartaan
Cismaan Maxamuud oo kamid ah wiilashii boqorka. Waxaa
xusid mudan in Cismaan uusan ahayn
curadkii odayga dhintay, doorashadiisuna ay salka ku haysay
raacid dhaqan daŽwayn oo ay beeluhu la wadaagaan qabaaŽilka
Daaroodka ah. Taas oo ah in mudnaanta siiyaan wiilka ay ku
curato gabadha u dhalatay beelaha Dir.
Xilligii boqor Cismaan-ka II-aad
waxaa baahday xasilloonidii siyaasadeed gudaha degaamadii uu ka
talinayay. Xasilloonidaas ayaa dad-waynihii beelaha waxay siisay
fursad ay ku abuuraan mashaariic ay kula tacaalayaan hor u
marinta noloshooda dhaqaale. Waxaa kamid ahaa kobcinta farsamada
kalluumaysiga. Kalluunkii badnaa oo sanadahaas la jillaabtay
ayaa wuxuu dhaliyay in degaanka uu ku hor maro aqoonta farsamada
lagu qallajiyo kalluunka si loo kaydiyo. Dabadeed qayb
kalluunkaas kamid ah waa ay dhoofin jireen, qayb kalena waxay ka
iibin jireen bad-maaxyadii la socday doonyihii badnaa ee ku soo
shiraacan jiray dekadaha dabiiciga ah oo ay degmooyinku
leeyihiin.
Iyaga oo ka faaŽiidaysanayay addoomadii laga soo
iibsanayay ganacsatadii reer Cumaan, ayay dhulka biyaha leh,
sida dooxada Dharoor, ka fuliyeen mashaariic beero. Inkasta oo
xilligaas la beeray haruur badan, misana timirta ayaa waxay
ahayd jaad cusub oo abuurkeeda aanan dhulka Soomaalida horay
looga aqoon. Timirtii uga baxday abuurkii ay kala yimaadeen
dalka Ciraaq, ayaa raadkeedii wuxuu si xoog badan uga muuqdaa
degmooyinka xeebta ah oo xilligaas la deganaa sida Murcanyo,
Geesalay, Xaabo, Baargaal iyo Caluula. Waxaa in la xuso mudan
34-ka tuulo oo hoos yimaada degmada Caluula, badankoodu in ay ku
tallaalan yihiin dhir badan oo ka farcamay beerihii timirta ee
xilligaas la abuuray. Oday degaamadaas ku nool oo la waraystay
ayaa wuxuu yiri :
" Dhirta timirta ah ee degmooyinkaas ka baxa, miraha ka
daata ee aanan la anfacsan, haddii la habeeyo waxay ku filaan
lahaayeen Soomaaliya oo idil ".
Waxaa kale oo xilligaas ku beegan hal-abuur mashruuc
biya-xireen ahaa oo uu fikraddeeda iyo naqshaddeeduba lahaa oday
kamid ahaa odeyaashii beelaha Majeerteen, kaas oo la oran jiray
Catoosh Cigaal Aadan. Mashruucan oo
kamid ahaa mashaariicdii dhaqaale oo xilligaas ay Majeerteenku
fuliyeen ayaa waxaa laga hir-geliyay gobolka Mudug, gaar ahaan
ceelka Roox ee degmada Gaalkacayo
kaga beegan dhanka waqooyi-galbeed. Mashruucu wuxuu xambaarsanaa
fikrad lagu xakameynayo, dabadeedna looga faaŽiidaysanayo biyaha
badan ee ka soo dhaca dhulka la yiraahdo
Oogo ee ku soo qubanaya togga
Dhoodaalay, kuna libdha dhulka la yiraahdo
Ciid. Sidaa darteed qorshaha
Catoosh oo ahaa ujeeddo badan ayaa
wuxuu isugu jiray mid lagu keydinayo biyaha si loona cabo,
beerana loogu waraabsado. Dhan kale, waxaa naqshadda mashruucan
kamid ahaa in la ! ! baneeyo ciidda u dhexeysa meesha ay biyaha
toggu ku dhamaadaan iyo dhulka daaqsimaha ku wanaagsan ee ku
yaal bariga gobolka. Inkasta oo howlihii mashruucu ay si
wanaagsan u bilowdeen, misana waxaa hakiyay
Catoosh qudhiisa. Taasina waxay ka
dambeysay markii loo sheegay hadal uu yiri nin kamid ahaa howl-wadeenadii
mashruuca. Sida daŽwaynta beesha laga wariyay, hadalka uu ninku
yiri wuxuu ahaa :
" Ilaah iyo Catoosh baa nagu diriray, dhanka Catoosh baanu
u badanay ".
Hadalkaas wuxuu ka dambeeyay xilli ay wakhtigii salaaddu
gashay oo ay howl-wadeenadii damceen in ay tukadaan, markaas baa
Catoosh ku yiri :
" Hadhow baanu tukanaynaaye, howsha wada ".
Catoosh markii la gaarsiiyay hadalkii ninku
yiri, wuxuu guddoonshay in shaqada halkeedaas lagu joojiyo,
isaga oo ka xumaaday in Eebe la garab dhigo. Mashruucaas oo
hindiskiisa iyo fulintiisaba qiimo wayn ku fadhiyay ayaa sidaas
ku hakaday. Buur u dhexaysay toga iyo ceelka
Roox oo la jebiyay ayaa waxay tahay
raad muuqda ee lagu xuso shaqadii adkayd ee mashruucaas.
Sanadkii 1842-kii, boqor Yuusuf Cismaan (Yuusuf-kii
IV-aad), ayaa talada kula wareegay guddoon ay isku
raaceen beelihii talo-wadaagta ku ahaa nadaamkan, taasina waxay
ka dambaysay markii uu aabihiis dhintay. Maamulkii boqor Yuusuf
ma raagin oo sanadkii 1844-kii ayaa meel u dhow degmada Geesalay
lagu dilay isaga oo keligiis soo baxay. Sida la wariyo, dilkaasi
maahayn mid siyaasadeed, balse waxaa la tilmaamaa in ay sababtu
ahayd is-quursi labo beelood oo isir wadaag ah. Xilliga boqor
Yuusuf la dilay, Maxamuud oo ahaa curadkiisii waa uu yaraa.
Sidaa darteed ayaa beelihii waxay isku raaceen in inta Maxamuud
uu ka qaan-gaarayo, adeerkiis oo ah Nuur
Cismaan uu boqortinimada sii hayo. Muddo shan sano dhan
dabadeed, Maxamuud Yuusuf ayaa gaaray xilligii uu ku hanan lahaa
taajkii aabihiis. Munaasabaddii boqor Maxamuud Yuusuf (Maxamuud-kii
V-aad) lagu caleema-saarayay ayaa waxaa ka gabyay nin
boqorka adee! ! r u ahaa oo la oran jiray
Cumar Maxamuud Yuusuf. Isaga oo tilmaamaya khalad
siyaasadeed oo uu ku arkay maamulkii aabihiis, ayuu
Cumar Maxamuud wuxuu uga digay in
uu maamulkiisa ka ilaaliyo rag aanan tayo lahayn, kuwaas oo
hunguri maahee aanan wax kale ula socon. Gabaygii
Cumar Maxamuud waxaa kamid ahaa
tixdian :
Maxamuud hadal igu laf ah luqunta ii jooga
Oo adiga kaa laalanoo aan la ladi waayay
Majeerteenku ways wada luroo waa is laariyaye
Libiqsiinadaaduu arkaa laab qabowsigaŽe
Allow laaca kici buu lahaa laba lugoodluhuye
Ma goortaad laxaad yeelataa lumay islaameedku
Laqamada ka soo leexo iyo nimanka looyaane
Luqmad nin u goŽaayaa war yuu libinta kaa seejin
Hadday
talada kuu soo legdaan dhowr nug laba leexi
LaŽda jeer ay soo joogsadaan loolka ha u qaadin
Oo boqor gun baa lagu laraye hayska kala liijin .
|
GOORTII DHULKAYAGII LA
QAYBSADAY
- Casharka XI
Dowladda Talyaaniga oo iyaduna uu damac ka galay in ay gumaysato
qaybo kamid ah dhulka Soomaaliyeed ayaa sahamadeedu waxay ka soo
horeeyeen ciidamadii Xabashida ee boobka iyo dhaca inoogu yimid
dabayaaqadii qarnigii 19-aad. Sahamadii Talyaaniga waxay degaanka soo
gaareen bartamihii qarnigii 19-aad. Dowladda Talyaaniga marka ay
guddoonsatay in ay ka qayb qaadato nadaamka boobka k dhisan ee gumaysiga,
ma eeyan lahayn qorshe cad oo ku saabsan dhulkii ay qabsan lahayd.
Sababtu waxay ahayd Talyaaniga oo aanan kamid ahayn dowladaha ku
gaamuray hanaanka siyaasadeed ee Imberiyaaliyadda, sida Ingiriiska iyo
Faransiiska. Balse waxaa jirtay, in markii uu inoo yimid ay dowladda
Talyaanigu curdan ahayd oo ay jirtay 10 sano oo qura.
Waxaa xusid mudan, taariikhda daŽda wayn oo Talyaanigu ku abtirsado
ee ka soo jeedda boqortooyadii Roman Impire,
in ay dadkii Talyaaniga ahaa dhaxalsiisay, dabayaaqadii qarnigii 18-aad,
in ay u kala fadhiyaan dhowr dowladood oo kala maamul ah, kuwaas oo
qaybo kamid ah gobolladoodii ay haysteen dowlado shisheeye oo la deris
ah. Maamulladii xillgaas ka jiray Talyaaniga waxay ahaayeen sidan :
1. Boqortooyada Sardinia
: Waxay
ka talinayasay gobollada koonfureed, dhulka ka hooseeya magaalada
Roma. Waxaa kale oo ay ka talinaysay
jasiiradda Sicilia iyo degmooyin ku
yaal waqooyi-bari ee dalka Talyaaniga. Waxaa maamulkan kamid aha
boqortooyadii Sardinia oo ka
koobnayd saddex gobol Piedmont,
Liguria iyo
Sardinia. Waxaa kale oo degmooyinkeeda kamid ahaa
Solfarino,
Verona iyo Villa Franca.
2. Boqortooyada Lombardia-Venetia
: waxay ka talinaysay waqooyiga iyo waqooyi-galbeed. Waxay ahayd
boqortooyo awood ku lahayd badda, sidaa darteed bay muddo dhowr qarni ah
waxay hoggaaminayasay ganacsiga dunida. Degmooyinkeeda waxay ahaayeen
Venetia, Milan,
Austa, Novara,
Torino, iyo
Genua.
3. Boqortooyada Naples : Waxay ka
hoosaysaa degaanka dowladda Papal-ka,
waana gobol ku yaal xeebaha galbeedka ee dalka Talyaaniga.
4. Dowladaha Papal-ka : Waxay ku
yiileen bartamaha dalka Talyaaniga, waxayna ahayd dowlad ay baadariyadu
u taliyaan. Waxay caqabad ku ahayd halgankii lagu mideynayay Talyaaniga
tan iyo intii Roma laga qabsaday
sanadkii 1870-kii.
5. Dowladda Austria : waxay
haysatay degmooyinka Treuto iyo
Bolzano oo ku yaal waqooyiga.
6. Faransiisku wuxuu ka haystay gobolka
Savoya ee ku yaal waqooyi-galbeed iyo degmo lagu magacaabo
Nizza.
Waxaa kale oo jiray maamullo yaryar oo ka dhex muuqday degaanka
Talyaaniga. Waxaa kamid ahaa :
1. Boqortooyada Perma-Piacenza,
oo ka talinaysay labada degmo Perma
iyo Piaceza.
2. Boqortooyada Modena, oo
iyaduna ka talinaysay labada degmo ee ah Modena
iyo Massa.
Waxaa xusid mudan, inteeyan howl gelin saraakiishii iyo
siyaasiyiintii u halgamay midaynta dowladahan iyo abuurka dowlad dhexe,
waxaa jiray niman aragti dheeraa Idealists
ee u dhashay Talyaaniga, kuwaas oo reebay tallaalkii qowmiyadeed iyo kii
midnimo. Taasina waxay ka dambaysay fikradihii dhaxal-galka ahaa oo ay
dad-waynaha u reebeen, taas oo ay ku fahmeen qiimaha dowladnimada iyo
qarannimadu leedahay. Maqaawiirtii reebay aragtidaasi, saddexda nin ee u
waawaynaa waxay ahaayeen :
Ludovico Antonio (1672 - 1750) : Wuxuu ahaa taariikhyahan,
wadaad mad-habta Roman Catholic,
macallin. Wuxuu ku noolaa magaalada Modena,
halkaas oo uu kaga tegay aragtidiisii qowmiyadeed.
Alfieri Vittorio Conte (1749 - 1803) : Wuxuu ahaa gabyaa
ka dhashay qoys hanti leh. Wuxuu socdaal ku tegey dalal badan oo Yurub
kamid ah mddadii u dhexeysay 1767 - 1772. Wuxuu halgan u galay in uu
kobciyo dareenka qowmiyadeed iyo midka waddaninimo ee dad-waynaha
Talyaaniga ah. Wuxuu isu haystay in uu yahay nebi loo soo diray in uu
dib u soo nooleeyo ruuxdii qowmiyadda Talyaaniga.
Genovesi Antonio (1712 - 1769) : Wuxuu ahaa filosoof,
dhaqaalyahan. Wuxuu horseede ka ahaa in dad-waynaha Talyaaniga ay
afkooda qortaan, halka ay adeegsanayaan qoraalka afka laatiinka.
Aragtidii ay raggaasi reebeen ayaa Talyaanigii waxay gaarsiisay in
muddo gaaban (1851 - 1861) ay ku guulaystaan in ay xal u helaan
khilaafaadkii siyaasadeed ee dhex yiil dowladihii kala tagsanaa
dabadeedna ay ku midoobaan dowlad dhexe. Ogow oo in la hor mariyo ragga
hal-aburka leh ee aragtida xambaarsan waa arrin ay ku khasban yihiin
ummad waliba oo doonaya in ay dowlad noqdaan. Waana arrinta ay
soomaalidu isugu luga duwan laŽyihiin
Talyaaniga, markii ay sugeen qarannimadoodii oo ay noqdeen dowlad
Yurub laga xushmeeyo ayay kamid noqdeen saamilaydii adduunka boobka ku
hayay, gaar ahaan geeska Afrika. Haddaanu muuqaal ka bixinno xaaladdii
qallafsanayd ee uu Talyaanigu ku jiray intuusan inoo iman, waxaanu
helaynaa sidatan.
Sanadkii 1796-kii dagaalkii baaxadda waynaa ee
Napoleon Ponabarte uu ku qaaday ummadihii ku noolaa
qaaradda Yurub, maamulladii ku jabay dagaalladaas waxaa kamid ahaa
boqortooyadii Sardinia, markaas oo
boqorkoodii uu is-dhiibay. Napoleon Ponabarte
oo doonayay in uu Yurub dhamaanteed gacan ku dhigo ayaa markiiba wuxuu u
tallaabay maamulladii kale ee Talyaaniga iyo dhulkii laga haystay, gaar
ahaan Leobardi iyo
Venetia. Markii uu
Napoleon Ponabarte iyo ciidamadiisii
ay u tallaabeen Afrika (Masar) ayaa ciidamadii
Austria, iyaga oo ay weheshaan ciidamo ka socday dalka
Russia waxay dagaal ku soo qaadeen
gobolladii Talyaaniga, halkaas oo ay soo celiyeen dhamaan maamulladii
horay u jiray. Napo! ! leon markii
uu Yurub ku soo laabtay, dowladihii uu ku duulay waxaa kamid ahaa kuwii
ay Austria ka dhiseen dalka
maamullada oo ay kamid ahaayeen kuwii Talyaaniga. Dagaal ka dhacay meel
la yiraahdo Marenga, sanadkii 1800,
ayaa lagu jebiyay ciidamadii Austria.
Sidaas ayaa Talyaanigii mar kale wuxuu kamid noqday maamulkii
Faransiiska. Waxaa jiray gadood uu dad-waynuhu ku diidanaa qaar kamid ah
maamulladii ka jiray Talyaaniga, kuwaas oo mar kasta la caburin jiray.
Waxay fursad heleen xilligii ay socdeen dagaalladii
Napoleon. Markii ay ciidamadii
Napoleon gacanta ku dhigeen
gobolladii Talyaaniga. Nimankii gadoodka ahaa ayaa waxay horseedayaal ka
noqdeen maamullo ay Faransiisku ka dhiseen qaybo kamid ah degmooyinkii
Talyaaniga. Maamulladaas waxaa kamid ahaa kuwo laga dhisay waqooyiga
Itaalya, sida
Liguri, Salpini
iyo Cispandani.
Sanadkii 1804-tii, Napoleon wuxuu
isa saaray taajkii Embraadoorka, ku xigeenkiisii wuxuu u doortay wiil ay
xaaskiisu dhashay oo la yiraahdo Eugene de
Beaharnais. Itaalya oo maamulkiisii kamid ahaydna wuxuu waali
uga dhigay Joseph Ponabarte.
Sanadkii 1815-kii, ciidamadii Napoleon
waxaa lagu jebiyay dagaalkii Waterloo,
boqorkii Austria ayaa wuxuu fadhi u
qabtay dad matalayay dhamaan maamulladii Talyaaniga horay uga jiray iyo
kuwii gadoodka waday oo Napoleon
gacan-saarka la lahaa. Fadhigaasi wuxuu ka dhacay
Vienna magaalo-madaxdii Austria.
Fadhigii waxaa ka soo baxay sidatan :
Victor Emanuel II oo ahaa boqorkii
Sardinia, wuxuu helay dhamaan dhulkii uu ka talin jiray.
Boqorka Austria wuxuu helay
Lombardia iyo
Venetian.
Baadarigii u talinayay dowladdii Papal-ka,
wuxuu helay magaalada Roma iyo qayb
kamid ah dhulka ku yaal bartamaha Itaalya.
Fernand I , wuxuu isna boqor ka noqday koonfurta Itaalya
iyo jasiiradda Sicilia.
Nimankii kacaanyahanka ahaa waxay lumiyeen maqaamkii siyaasadeed oo
ay tiigsanayeen kaddib markii ay ku qadeen fadhigii. Markaas baa waxaa
bilawday in uu soo shaac baxo dhaqdhaqaaq abuurmay xilligii ay ciidamada
Napoleon ka talinayeen degaanka,
kaas oo la oran jiray Carbonari oo
la macna ah Dhuxulley. Dhaqdhaqaaqan oo ay ku bahoobeen dad-wayne u
badan dabaqadda dhaexe, gaar ahaan saraakiisha ciidamada iyo ragga ka
shaqeeya xafiisyada dowladaha, ayaa wuxuu dalbanayay in dalku yeesho
dastuur lagu dhaqmo iyo in dadka Talyaaniga ahi ay yeeshaan dowlad mid
ah.
Kacdoonkii dalka Spania, sanadkii
1820-kii, ayaa wuxuu xoojiyay dhaqdhaqaaqii
Carbonari. Taasi waxay xasilooni darri ku keentay qaar kamid
ah maamulladii Talyaaniga, gaar ahaan kuwii waaweynaa sida
Sardinia iyo
Neaple. Boqorradii labadaas maamul waxaa lagu khasbay in
ay dastuur sameeyaan. Sanadkii 1821-kii, boqortooyadii
Austria ayaa faraha la soo gashay
arrimihii gudaha ee labadan maamul si ay u badbaadiyaan nadaamkii
dhisnaa. Waxaa halkaas lagu muquuniyay kacdoonkii iyo raggiisii.
Sanadihii xigay waxaa dalka Talyaaniga ka dhacay gabood-fal badan oo
lagu cadaadinayay xubnihii ururka. Qaar badan oo kamid ahaa waa la
laayay, kuwo kalena dalka ayay isaga carareen. Waxaa arrintaa weheliyay
hoos u dhac dhaqaale sababtay in saboolnimadu ay ku baahdo degaanka.
Sanadkii 1830-kii waxaa dhacay kacdoonkii la magac ba! ! xay
july revolution, oo ay horseedayaal
ka ahaayeen Carbonari. Waxaa uu
xasilooni darri ku riday degmooyin ay kamid tahay
Emilia oo uu baadarigu ka talinayay. Ciidamadii
boqortooyada Austria ayaa mar kale
maquniyay kacdoonkii.
Labadaas fashilaad ee ku timid ururkii
Carbonari ayaa sababtay in ururkii uu baabaŽo bartamihii
sanadihii 1830-aadkii. Wuxuuse u xuub siibtay urur cusub oo la yiraahdo
Dhallinyarada Talyaaniga Giovane Italia,
kuwaas oo uu oday ka ahaa Giuseppe Mazzini
oo kamid ahaa dhuxllaydii. Ururku wuxuu xoog saaray xagga dicaayadda,
maadaama ay ku fashilmeen gacan ka hadalkii. Waxaa dhinac socday
dhaqdhaqaaq kale oo ay rag muxaafid ahi abaabuleen, waxaana oday ka ahaa
Vincezo Gioberti. Nikaas oo isaga
qudhiisu qabay aragtida midnimada Itaalya ayaa wuxuu kuwa kale kaga
duwanaa, baadariga wayn oo uu u arkay in uu yahay nin ay dad-waynaha
Talyaaniga isugu iman karaan. Aragtida V.
Gioberti iyo raggiisii ayaa xoogowday sanadkii 181846-kii,
markaas oo duqa baadariyada loo doortay Pius IX,
kaa! ! s oo wax badan debciyay sharciyadii diinta. Magaca baadarigan
ayaa wuxuu kamid noqday halheysyada qaranka, markaas oo ay hanaqaaday
hal ku dheggii ahaa (Vivo Pio Nono).
Dhaqdhaqaaqyadaas oo ka turjumayay baraarugii siyaasadeed ee lagu
mideeyay Talyaaniga ayaa lagu magacaabaa
Risorgimento (dib u noolaansho).Waxaa kale oo eraygan la oran
jiray wargays uu soo saari jiray xilligaas nin kamid ahaa dhuxllaydii
lana oran jiray Camillo di Cavour.
Daabacaadda wargayskan waxaa la bilaabay 1847-kii,0 wuxuuna xambaarsanaa
aragtida baraaruga dib u noolaanshaha siyaasadeed.
Sanadkii 1848-kii, kacaanyahanadii ayaa tallaabo siyaasadeed horay u
qaaday, taasina waxay ahaatay markii ay ku gulaysteen in ay fadhiyo ka
helaan maamulkii dowladaha iyo kaniisadda.
Camillo di Cavour ayaa bishii julay ee sanadkaas wuxuu kamid
noqday barlamaankii Piedmont,
halkaas oo uu uga gudbay in uu oday ka noqdo dowladdii
Sardinia. Wuxuu markiiba bilaabay in
uu ka shaqeeyo hor u marinta dhaqaale ee
Sardinia. Waxaa kale oo uu ku dadaalay in uu dowladdiisa ka
dhigo mid sugan, isaga oo ay isku aragti noqdeen xubnaha barlamaanka ee
muxaafidka is-beddel doonka ah. Siyaasadii dibadda, wuxuu ku guulaystay
in uu cunaqabateeyo dowladdii Austria.
Taasina waxay dhacday markii uu ciidamo u diray dagaalkii
Kremean War, isaga oo la dhinac ahaa
dowladaha galbeedka Yurub. Kalsoonidii ! ! uu halkaas ka helay ayaa
waxay dhalisay in uu la kulmo boqorkii Faransiiska
Napoleon III, kaas oo u ballan qaaday in uu kaalmo buuxda
la garab is-taagayo haddii Sardinia
ay xoog ku soo ceshato dhulka kaga maqan
Austria. Boqorku wuxuu hiiladaas ku tilmaamay mid cadaalad ah
markii lagu eego indhaha diblomaasiyada. Waxaa kale oo uu u sheegay in
aragtida dad-waynaha Faransiiska ah iyo kuwa Yurubna ay sidaas tahay,
weliba ay ka sii xag-jiraan. Waxaa kale oo boqorku ballan qaaday in uu
uga kacayo gobolka Savoya ee
Faransiisku haystay iyo degmada Nizza.
Sanadkii 1859-kii ayaa ciidamadii Sardinia,
iyada oo ay weheliyaan ciidamo Faransiis ah, waxay ku duleen
Austria. Dagaalo lagu goŽay ayaa
waxay ka dhaceen Magenta,
San Martino iyo
Salferino. Natiijadii dagaaladaas
ayaa ahayd in ciidankii Austria ay
jabaan.
Markii guushaasi la helay ayaa ciidamadii Faransiiska si lama filaan
ah ay uga baxeen dagaalkii, iyaga oo heshiis xabad-joojin ah la dhigtay
Austria. Faransiisku ma doonayn in
dalka Talyaanigu is raaco. Khiyaanadii uu Faransiisku ku sameeyay
Sardinia ayuu
Camillo di Cavour isla casilay.
Waxaa jiray rag badan oo kamid ahaa dhaqdhaqaaqii gobanimo- iyo
midnimo-doonka ahaa, kuwaas oo ku mitiday aragtidii ay qabeen. Waxaa
raggaas kamid ahaa Giuseppe Garibaldi,
kaas oo masuul sare ka noqday ciidamadii
Mazzini sanadkii 1949-kii. G.
Garibaldi, sanadkii 1850-kii, wuxuu urursaday rag naftooda
hurayaal ah oo tiradoodu ay ahayd 1070 nin. Wuxuu duulaan ku qaaday
Sicila, halkaas oo muddo labo
toddobaad ah uu ku qabsaday. C. di Cavour
oo xilligaas ku soo laabtay hoggaankii siyaasadda
Sardinia ayaa ka aamusay weerarka
Garibaldi iyo xasillooni darrida ay ku keentay noloshii
Sicilia. Dhowr maalmood dabadeed
markii uu G. Garibaldi haystay
jasiiraddii S! ! icilia ayuu wuxuu u
muuqday nin yeershe (dictator) ah oo
hantay hoggaankii Sicilia. Bishii
agosto 1860-kii, Garibaldi wuxuu ku
soo duulay Neaple, halkaas oo ay
ciidamadiisii si baŽan u bililiqaysteen.
Camillo di Cavour, oo ka walwal qaba falka
Garibaldi iyo xasillooni darida ay
degaanka ku keeni karto, ayaa ku gulaystay in uu ogolaysiiyo boqorkii
Sardinia (Victor
Emanuel II) in la mideeyo ciidamada boqortooyada iyo kuwa
Garibaldi ee iskaa wax u qabsada ah.
Bishii oktoober, ciidamadii isku-dhafka ahaa ayaa waxay ku duuleen
bartamaha Itaalya. Markii ay hanteen Sicilia
iyo gobolladii dhexe ayaa Victor Emanel II</! !
I> loo caleemo saaray in uu yahay boqorkii Itaalya. Dhowr bilood
dabadeed waxaa dalka oo idil ka dhacay afti loo codeynayay midnimada
Itaalya. Labo degmo ayaa ka maqnaa aftidaas, waxayna ahaayeen
Roma oo uu baadarigu fadhiyay iyo
Venetia. Mmarkay taariikhdu ahayd 17/ 3-
1861-kii ayaa si rasmi ah barlamankii oo fadhigiisu ahaa magaalada
Torino looga dhawaaqay midnimada Itaalya.
Dabadeed Camillo di Cavour iyo raggii
dowladda kula jiray ayaa Garibaldi kala
wareegay howlihii ciidamada. Waxaase jirtay in
Cavour uu markiiba geeryooday. Sanadkii 1866-kii, dagaal ayaa
wuxuu dhexmaray Itaalya iyo Austria.
Inkasta oo ciidamadii Talyaaniga la gaarsiiyay dhaawac xun, misana
dagaalkaas ayay ku hanteen degmada Venetia.
Degmada hartay oo Roma ahayd ayaa wakhti dheer qaadatay in ay soo raacdo
maamulkii dhexe ee Talyaaniga. Sababtu waxay ahayd baadariga oo halkaas
fadhiyay iyo Faransiiska oo ciidamo ku taakulaynayay. Garibaldi ayaa
markale soo urursaday ciidamo naftooda hurayaal ah. Xagaagii 1870-kii,
ciidamadaasi waxay ku soo duuleen Roma. Inkasta oo ay difaac wanaagsan
muujiyay ciidamadii baadariga oo dacallada magaalada fadhiyay, misana
ugu danbaytii difaacoodii waa la jebiyay. Baadarigii waynaa, kaddib
markii uu diiday in uu ka qayb qaato difaaca magaalada, ayuu wuxuu u
baxsaday Vatican. Halkaas oo uu ka soo jeediyay iftadiisii ahayd, dadka
aaminsan mad-habta Catholic in eeyan cod bixin, kana qayb qaadan howlaha
siyaasadda. Iftadaasi ayaa dowladda waxay uga darnayd in uu baadarigu
dagaalamo, waayo arrintan ayaa muddo wax! ! ay hor taagnayd in lagu
guulaysto sidii loo heli lahaa xisbi siyaasadeed oo dalka taladiisa lagu
wareejiyo.
(Count. C. Arrivabene. Italy nder Victor Emmanuel. 1862. I:349-353)
iyo (Swedish National Encyclopedia 1993. Vol. 10 p. 28-31)
Casharkii X-aad
> > Xoogaggii gumaysiga ee reer Yurub, inteeyan u hirgelin
siyaasaddoodii ku
> > wajahnayd Soomaaliya ee boobka ku dhisnayd, qowmiyadaha masiixiga ah
ee
> > Soomaalida la deriska ah waxay ahaayeen kuwo aanan urursanayn. Waxay
> > lahaayeen maamul-goboleedyo kala madax-bannaan, kuwaas oo is-maandhaafka
> iyo colaaddu ay dhaqan u ahayd, taariikhahooduna waxaa ku xusan
inbadana oo
> > kamid ah dagaalada maato-dooxa ah oo ay isaga hor yimaadeen.
Gobolladaasi,
> > mid waliba wuxuu lahaa maamul u gaar ah, isla-markaasna waxaa mid
waliba
> > gudaheeda ka taagnaa khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.
Bartamihii
> > qarnigii 19-aad, maamul-goboleedyadu waxay u dhisnaayeen sidatan :
> > 1. Gobolka Tigraay : Waa gobolka u xiga dhanka waqooyiga, waxaana ku
> noolaa
> > dadka ugu badnaa uguna ilbaxsanaa. Waa gobolkaas halka laga soo
abaabuli
> > jiray duulaamadii Soomaalida kaga iman jiray dadyowga masiixiga ah.
> > Dhismaha dhulkooduna waa mid sareeya oo buraly ah.
> > 2. Gobolka Baqamaar (Amxaaro) : Waxaa loo yaqaan dhulkii casaa,
sababtuna waa tira-badnida dadka Amxaarada ah ee lagu laayay dagaaladii
ay la
galeen qowmiyadaha muslimka ah oo ay Soomaalidu kamidka tahay. Gobolku
waa
> buralay, wuxuuna ku yaal koonfurta gobolka Tigray. Dhanka galbeed
wuxuu xuduud la
> > leeyahay Suudaan.
> > 3. Gobolka Goojam : Macnaheedu waa dhulkii mdullada. Wuxuu ka
hooseeyaa
> > gobolka Baqamaar, waana dhul biyo badan oo waxaa ku yaal harada
Taana
iyo webiga Niilka Bey-madow (The Blue Nile). Dadka gobolkan waxay ku
caan
> yihiin deeq iyo geesinimo.
> > 4. Gobolka Wallo : Wuxuu ku yaal koonfur-bari gobolka Tigray,
waxaana ku
> > nool qowmiyado muslim ah. Gobolku wuxuu si joogto ah ula kulmi jiray
> > duulimaadyo kaga imanayay boqorrada masiixiga ah, kuwaas oo dadaal
ugu
> jiray in ay gaaleeyaan dadka muslimka ah ee isgu jiray Oromada iyo
Cafarta.
> > 5. Gobolka Shawa : Degaanka gobolkan wuxuu ahaa halka ay ka curatay
> > ilbaxnimadii dadkii reer Ayfaat ee ka horaysay tii reer Awdal.
> > Ilbaxnimadaasi waxaa curiyay dadka muslimka ah ee geeska Afrika ku
nool.
> > Dagaalkii Axmad Guray dabadiis, markii la naafeeyay Soomaalidii,
muddo
nus qarni ah ka bacdi ayaa Xabashidu si tartiib ah ula wareegeen
degaankan.
> > Gobolkaasi wuxuu ku yaal bartamaha dalka Itoobiya, waana dhul
sareeya oo
> > roobabku ay ku badan yihiin.
> > Qowmiyaadkaas masiixiga ah horay uma yeelan maaml dhexe oo ay
heshiis ku
> > yihiin, balse waxaa u dhexeyn jiray dagaalo ay guushu kaltan u ahayd.
> > Midnimada gobolladaasi iyo muuqaalka hanaanka dowliga ah oo
Itoobiyada
> > maanta ay haysato, tallaalkeedu wuxuu ka dambeeyay aragti
siyaasadeed ee
> uu ku dhul fidsanayay ninka la oran jiray Kasay Xayle, kaas oo
bartamihii
> > qarnigii 19-aad, gabood-fal badan dabadeed, kamid noqday ragga
tilmaaman
> ee iska dhaxlay hoggaanka siyaasadeed ee qowmiyadkaas masiixiga ah.
Aragtida
> > Kasay Xayle uu ku mideeyay gobollada ay masiixiyiintu degaan, ma
eeyan
> > dhaafsiisnayn xukun raadis. Ninkaasi wuxuu ku koray agoonimo.
Aabihiis,
> > Xayle Gorgas, wuxuu dhintay sanadkii 1827-kii, isaga oo Kasay uu
wiil
yar yahay. Hooyadiis waxay iibin jidhay daawo lagu magacaabi jiray Kooso
oo
> > Amxaarada ay isaga daween jireen dixiriga ka dhasha hilibka
cayriinka ah
> oo ay cunaan. Isaga oo yar ayaa hooyadiis waxay u dirtay tuulo lagu
magacaabo
> > Dayr ee ku taal galbeedka gobolka Amxaarada, halkaas oo ay doonaysay
in
uu ku barto curaafyaysiga. Adeerkiis oo halkaas deganaa ayaa kafaala
qaaday
> > noloshii wiilka agoonka ah. Adeerku wuxuu oday u ahaa koox shufto ah
oo
> boob iyo dhac ku hayay ganacsatada muslimka ah ee deganaa xuduudda
Sudaan.
> Kasay isaga oo wiil yar ah ayuu ku biiray kooxdii adeerkiis, waxaana
xiiso
> geliyay
> > nolosha shuftaysiga ah oo uu adeerku odayga ka ahaa. Kasay, muddadii
uu
> > shuftada la dhaqmayay ayuu wuxuu muujiyay geesinimo iyo xeel-dheeri
> dagaal, taas oo ay u bogeen kooxdii shuftada ahayd. Arrintaasi waxay
sababtay in
> > Kasay uu hoggaamiye u noqdo shuftadii kaddib markii uu adeerkiis
> geeryooday.
> > Markaas buu bilaabay in uu kordhiyo boobkii iyo bililiqaysigii uu ku
hayay
> > dadyowgii la deriska ahaa ee isugu jira muslimiinta iyo Amxaarada.
> > Dhibaatooyinkii badnaa ee uu geystay darteed, Kasay wuxuu ku helay
magac
> > baxay. Boqoraddii xilligaas ka talinaysay gobolka Amxaarada Waizar,
ayaa
> > Kasay waxay u magacawday in uu oday ka noqdo ciidamadeeda, kaddib
markii
> ay gabadheeda u guurisay. Dabadeedna af-gembi ayuu taladii kagala
wareegay.
> > Intaas gama harine wiil ay dhashay oo la oran jiray Raas Cali, ayuu
> Aashaca ku dilay sanadkii 1853-kii. Kasay wuxuu markiiba dagaal ku
qaaday
gobolka Goojam oo uu ku guulaystay in uu qabsado kaddib markii uu is-dhiibay
> > boqorkoodii ahaa Ras Bayrogosh. Boqorku wuxuu u yimid Kasay isaga oo
> madaxa ku sida dhagax wayn si uu u muujiyo daciifnimo iyo is-dullayn.
> > Guulahaas is-daba jooga ah ayaa sakhrad ku riday Kasay, markaas buu
wuxuu ku fekeray in uu ku duulo boqortooyada daŽda wayn ee Tigray, taas
oo hadduu
> ka guulaysto, hoggaankeeda diineed darteed, uu ku heli karo in uu
degaanka
ka noqdo Embraadoor. Kasay muddo badan kuma qaadan in uu isu diyaariyo
> > duulaanka Tigrayga. Dagaalkii dhexmaray labada qolo, Tigraygii waxay
ka
> > muujiyeen geesinimo iyo aqoon dagaal. Hadduusan jireen boqorkooda
Dedjakh
> > Awbi oo daŽdiisu wayneed, waxaa adkaan lahayd in ciidamadooda la
jebiyo.
> > Dedjakh Awbi oo geed ku hoos nasanayay ayaa waxaa helay cidamadii
Kasay,
> > halkaas oo ay ku dileen. Ciidamadii Tigrayga, markii ay ogaadeen in
> > boqorkoodii la dilay waa ay kala furfurteen, dabadeedna halkaas ayay
ku
> > jabeen. Kasay, oo ahaa nin gacan adag wax ku maamula, ayaa
geesiyaashii
> reer Tigray inta gumeeyay sidii addoomadii ula dhaqmay. Dabadeed wuxuu
u
> > dhaqaaqay gobolka Wallo oo aanan xilligaas lahayn tabar ay isaga
caabiyaan
> > ciidamada Kasay. Wallo oo ay degganaayeen dad muslimiin ah,
ciidamadii
> > Kasay, waxay ula dhaqmeen si ka qallafsan gobolladii kale. Dhaca iyo
dilka naxariis-darrada ah waxaa u weheliyay in lagu khasbo in ay
diintooda
> > beddelaan oo ay gaaloobaan. Kasay ma uusan cafin gobolka Shawa ee ka
haray degaankii masiixiyiinta, balse sida uu kuwii kale ugu soo duulay
ayuu
> > iyadana xoog ugu qabsaday, halkaas oo uu ku dilay boqorkii Shawa
Sahle
> > Salaase oo ahaa Menelik aabihiis. Menelik oo markaas la oran jiray
Xayle
> > Malakuut, isaga oo 10 jir ah ayaa maxbuus ahaan loo kaxaystay. Kasay
> markii
> > uu ku guuleystay in uu hanto gobolladii masiixiyiinta dhamaantood
iyo
> weliba dhul siyaado ah oo ay lahaaeen muslimiin ah reer Oromo, ayuu
markay
> > taariikhdu ahayd 7/ 2- 1855-kii wuxuu isa saaray taajkii
Embraadooiyadda.
> > Markaas buu wuxuu la baxay Empire Asaay Tewdros (Tewdros II). Sidaas
buu
> > Embraadoor ku noqday wiilkii agoonka ahaa, shuftada ahaa, aqoonta
keliya
> oo uu lahaana ay ahayd curaafyaysi. (Barkhat : 1972. 521-524.).
> > Asaay Tewdros, gacantii adkayd oo uu wax ku maamlayay darteed ayuu
wuxuu
> ku waayay in taariikhdiisii loo qiimeeyo sida boqorrada kale ee iska
dhaxlay maamulladii soo maray degaanka maanta Itoobiya loo yaqaan.
Waxaase la
> hubaa in uu dhisay xoog ciidan oo hanaanka urursanaantooda ay saraysay.
Dadka
> > tirada badan oo uu dagaallada ku laayay ka sokow, Asaay Tewdros
wuxuu
> laayay dad badan oo rayid ahaa kana mid ahaa dadwaynihii uu odayga u
ahaa.
> GoŽaamo
> > uu boqorkaasi soo jeediyay ayaa waxaa kamid ahaa in la reebo
ganacsiga
> > adoonsiga iyo in dowladdu ay la wareegto dhulka beeraha ku wanaagsan
oo
ay kaniisaduhu lahaayeen. Hirgelintii goŽaamadaasi ayaa dadka badankood
lagu laayay. Bahalnimadii boqorkan waxaa tilmaamaya, 2000 oo qof oo uu
aano
> ahaan
> > u dilay mar ay niman shufto ahi dileen qonsulkii Ingiriiska u
fadhiyay
> > magaalo-madaxdi boqorka Maqdella Sir. Walter G. Bladown, sanadkii
> 1862-kii. Boqork, ganaaxa intaa leŽeg ee uu u gaystay dadkiisii wuxuu
ku doonayay
in uu wanaag u muujiyo Ingiriiska si uu kaalmo ciidameed uga helo.
> > Asaay Tewdros, bilowgii xukunkiisa waxay dhambaallo iswaydaarsadeen
> > boqoraddii Ingiriiska ee caanka ahayd Queen Victoria, iyaga oo
hadiyado
> isu diraya isla markaasna is-dhaafsaday ereyo macaan oo ay ku
xoojinayeen
> > saaxiibtinimada labada qoys iyo labada maamul. Qoraal kamid ah kuwii
uu
> > Asaay u diray boqoradda ayaa sidatan ahaa :
> > " Magaca aabaha, wiilka iyo ruuxda dahiran. Ilaah keliya oo saddex
muuq
> ah. Ka socota : Midka la soo saaray isaga oo harsanaya naxariista Eebe,
> boqorkii boqorrada, Embraadoorkii Itoobiya.
> > Ku socota : Viktooriya-da sareysa, boqoradda Ingiriiska.
> > Aabayaashaya waxay ilaaween abuurahoodii, markaas buu awooddii ka
> wareejiyay gacantoodii oo wuxuu ku wareejiyay Gaalla iyo Turki.
Laakiin Eebe aniguu
i helay oo dhulka iga soo qaaday, taladii Embraadooriyaddana anuu ii
gacan
> > geliyay si aan u xukumo. Eebe wuxuu igu manaystay awood xaggiisa ka
> ahaatay, taas ayaa ii suuragelisay in aan soo ceshado dhulkii
aabayaashay
> > ............. ". (The Blue Nile. by Alan Moorhead).
> > Qoraalladaa quruxda badn ayuu boqorku ku waydiistay boqoradda in
laga
> > kaalmeeyo xagga dhismaha ciidamada. Wuxuu si gaar ah u codsaday
rasaas
iyo
> > rag khubaro ah oo aqoon u leh culuumta dagaalka, isaga oo ku
> > beer-laxawsanaya, sidii boqorradii ka horeeyay iyo kuwii ka
dambaayayba,
> in
> > ay ku hareeraysan yihiin ummado muslimiin ah. Waraaqahaasi ma noqon
kuwo
> isu
> > soo dhoweeya labadii maamul. Sababtu waxay ahayd, boqorka Amxaarada
wuxuu
> > doonayay in uu dekadda Masawac ku duulo oo qabsado si uu u helo irid
uu
> > dunida kala xiriiro. Ingiriiska arintaas ma doonayn, waayo wuxuu
dhowrayay
> > heshiiska wanaagsan oo uu la lahaa Turkida iyo Masar. Waxaa xusid
mudan
in
> > xilligaasi uu ahaa intaanan weli la furin kanaalka Suweys. Inkasta
oo
> > Ingiriisku uu fariisin ku yeeshay Cadan, Faransiiskuna Obokh, misana
> > dowladaha Turkida iyo Masar ayaa ku gacan sareeyay degaamada ay
maraan
> > biyaha badda Cas. Sidaa darteed, xafiiskii Ingiriiska u qaabilsanaa
> > siyaasadda dibadda maŽuusan siin wax qiimo ah codsigii boqor Kasay.
> Boqorkii
> > Amxaarada, wuxuu ka xumaaday sida loo yasay, iyadoo xataa aanan wax
jawaab
> > ah lagu soo celin. Haddaba si uu culays u saaro Ingiriiska, isuna
muujiyo in uu dowlad yahay, ayuu wuxuu xabsiga u taxaabay dad Ingiriis
ahaa oo ku
> > noolaa dalkiisa. Waxaa kamid ahaa qunsulkii Ingiriiska u fadhiyay
Maqdella
> > Cap. Charles Cameron, isaga oo markaas ka soo laabtay dalka Masar oo
uu
> howl ugu maqnaa.
> > Ingiriiskii iyaga oo ka xumaaday falka boqorka Xabashida ayuu wuxuu
> > diyaariyay ciidan ku duula dowladda uu boqorku dhistay.
Diyaargarowga
> > ciidankaan, taariikhda gumaystayaasha laguma xusin mid la nooc ah,
waayo
> > Ingiriiska cududdiisii ayuu dibadda soo dhigay. Ciidamadaas oo
tiradoodu
> ay
> > ka badnayd 33.000 oo nin waxaa hoggaamiye looga dhigay nin kamid
ahaa
> > saraakiisha Ingiriiska kuwoodii ugu qiimaha badnaa. Ninkaasi oo
magaciisa la yiraahdo Sir Robert Napier, wuxuu ahaa sarkaal sare,
wuxuuna horay uga
> qayb galay in badan oo kamid ah dagaaladii waawaynaa ee ciidamada
Ingiriiska
ay ku galeen Hindiya iyo Shiinaha.
> > Ciidamadaasi dhamaantood waxaa laga keenay dalka Hindiya, waxayna
isugu
> > jireen Hindi iyo Ingiriis. Inkasta oo 280 doonyood ay ka qayb
qaateen
> > daad-guraynta ciidanka, misana mddo dhowr bilood ah ayay qaadatay.
> > Dabayaaqadii bishii disember 1868-kii ayaa horaankii ciidamadaasi
waxay
ka soo kaceen magaalada Bombay ee dalka Hindiya, kuwaas oo bishii maarso
> > 1869-kii ka soo degay dekadda magaalada Sowla oo dhanka koonfureed
ka
> xigta
> > Masawac. Kooxahaasi hore ee ciidmada, waxay isugu jireen injineero
iyo
> > farsamo-yaqaano loogu tala galay in ay habeeyaan waddooyinkii ay
ciidamadu
> > sii mari lahaayeen. Jeneral Napier, intuusan wax duulaan ah qaadin,
> dhambaal
> > ayuu u diray boqorkii Xabashida, wuxuuna ku yiri sidatan :
> > " Boqoradda saraysa ee Ingiriiska ayaa waxay i amartay in aad si
dhakhso
> ah
> > u soo daysaan dadka aad xirateen oo wax xuquuq ah aydnaadan ku
lahayn.
> > Dadkaas oo nabad qabana waa in aad soo gaarsiisaan xeryaha ciidamada
> > Ingiriiska. Haddii aydnaadan ka jawaabin arinkan, waxaa lay siiyay
amaro
> > kale oo aan ku soo hoggaamiyo ciidan soo fara gelinaya dalkiina.
Howlaha
> > ciidamaduna joogsan maayaan illaa aan dhamaystiro muhimadda aan u
imid.
> > Boqoraddayda doonimayso in ay idin ka hor istaagto xuquuqda aad u
> leedihiin
> > hantidiina, mana doonayso in ay baabiŽiso boqortooyadiina. Waxaase
> muuqata,
> > natiijada aanan laga fursanayn ee ah dagaalka la filayo in uu dhaco
ay
> > caynkaas tahay. Mudnaantaada ! waxaad awooddaa in aad ka dheeraato
> khatarta
> > noocaas ah haddii aad maxaabiista, iyaga oo nabad qaba, si degdeg ah
ku
> soo dayso. Haddiise iyaga oo nabad qaba aadan soo dayn, haddii
dhibaatada
aad ku haysid ay sii socoto ama si ay kahdaan loola dhaqmo, idinka ayaa
arinka
ka masuul noqonaya, mana dhacayso in mar kale lays cafiyo ". (The Blue
Nile. pp. 385-386).
> > Boqorkii Amxaarada, qoraal uu arintan kaga jawaabayay ayaa waxaa
kamid
> ahaa sidatan :
> > " Boqoraddaadu waxay ku siin kartaa amar aad ku soo booqato kuwa
> cadowgayaga
> > ah, dabadeedna aad dib ugu laabato Masawac. Laakiin, mayeeli karto
in ay
> > warqaddaydii ay si rayid ah uga soo jawaabto. Idiin siidayn maayo
inta
aan
> > jawaab ka helayo ".
> > Markii uu boqorkii Amxaarada ka madax adaygay codsigii Ingiriiska
ayaa
> > ciidamadii ku soo dhaqaaqeen xaggiisii. 21-kii bishii maarso,
ciidamadii
> > waxay soo degay meel buuro dushood ah, halkaas oo ay uga muqatay
> magaaladii
> > Maqdella. Sagaalkii bishii abriil ayaa labadii ciidan waxay isku
heleen
> meel
> > lagu magacaabo Arogi, halkaas oo loogu magac daray dagaalkaas.
Ciidamadii
> > Xabashida oo goostay in ay iyagu bilaabaan dagaalka ayaa weerar soo
> qaaday.
> > Taasi waxay noqotay mid eeyan mahadin oo dhaawac xooggan ayaa ku
yimid.
> > Sababtuna waxay ahayd, hubkii casriga ahaa oo ay ciidamada
Ingiriisku
> wateen
> > ka sokow, waxay gacan ka heleen qowmiyadihii uu boqorku horay u
qabsaday
> > Oromo, Tigray iyo Shawa. Hiilada noocaas ahina waa arrin lagu yaqaan
> > maamullada ku dhisan hanaanka yeeriska (dictation) ah, kaas oo
bisleeya
> miro
> > (shacab) ay gurtaan cid kasta oo mucaarad ah. Xabashidii waxaa
maalintaas
> > laga dilay 500 oo nin, dhaawacooduna wuxuu ahaa kumanyaal. Halka
> Ingiriiska
> > laga dhaawacay labo sarkaal iyo 27 askari. Ciidamadii Ingiriiska iyo
> Hindida
> > waxay galeen Maqdella 15-kii maarso. Saddex cisho dabadeedna
magaaladii
oo
> > idil, wixii aanan kaniisadaha ahayn, dab ayay qabad siiyeen. Sidaas
baa
> > magaal-madaxdii Xabashida ay ku noqotay habaas ay dabayluhu hadba
dhan u
> > afuufaan. Embraadoor Asaay Tewdros, intaanan la qaban ayuu bastoolad
uu
> > sitay madaxa isaga toogtay. Ogow oo nolosha foolxumadaas ku ebyoota,
waxaa
> > boqorka la wadaaga ninkasta oo addoomada Eebe ku gabood-fala.
Sidaasna
> waxaa
> > ku dhamaaday taliskiisii. Ciidamadii Ingiriiskii iyo Hindida kuma
eeyan
> > daahin Maqdella iyo dhulkii Xabashida ee si degdeg ah ayay uga
baxeen,
> iyaga
> > oo ku laabtay dalka Hindiya. Sababtu waxay ahayd, ururadii
kaniisadaha
> > addunka ayaa ku kacay iyaga oo ku dacwaynaya in Ingiriisku
burburiyay
> > dowladda qura ee masiixiyadda aaminsan ee ka jidha bariga Afrika.
> > Markii uu jabay Asaay Tewdros, Ingiriiskiina uu baxay, mar kale ayaa
> > gobolladii waxaa ka bilawmay xasillooni laŽaan siyaasadeed. Taas oo
ay
> > sababeen saddex xoog oo ku hardamayay hoggaankii degaanka. Mid wuxuu
ahaa
> > Kasa Merkha oo boqor ka ahaa gobolka Tigraay, midna wuxuu ahaa Takla
> Giorgis
> > oo boqor ka ahaa gobolka Amxaarada, midka kalena wuxuu ahaa Xayle
Malakuut
> > (Menelik) oo boqor ka ahaa gobolka Shawa.
> > Waxaa xusid mudan, in Xayle Malakuut, isaga oo 20 jir ah uu ka soo
> baxsaday
> > xaruntii boqorkii Maqdella sanadkii 1865-kii. Halkaas oo 10 sano uu
> maxbuus
> > ahaan ugu noolaa. Xayle markii uu gaaray degaankii Shawa oo
awoowayaashiis
> > ay ka talin jireen, si wanaagsan ayaa loo soo dhoweeyay. Dabadeed
waxaa
> loo
> > caleemo saaray in uu boqor ka noqdo. Boqorka Tigrayga Kasa Merkha oo
ku
> xoog
> > roonaaday maamulkii gobollada ayaa markay taariikhdu ahayd 1972-kii
wuxuu
> > isu caleema saaray Embraadoor, halkaas oo uu kula baxay Yohannis IV.
Saadiq Enow.
[Country] |