Casharkii XV-aad
Waxaa jiray qodob
kale oo aanan ka miisaan yarayn kan biya-mareenka Suways oo
sababayay hooshka ku dhacay dadkayagii iyo dalkayagii
dabayaaqadii qarnigii 19-aad. Qodobkaasina waa dhawaaqa
qowmiyadaha masiixiga ah ee nala deriska ah ay ugu gacan
haadinayeen xoogaggii gumaysiga. Taas oo xambaarsanayd
mashruuc siyaasadeed oo ay ku dahsoon tahay beer-laxawsi
diineed. Ujeeddaduna waxay ahayd damaca da da wayn oo ay ku
doonayeen in ay noqdaan awooda keliya absolute
power ee degaanka ka jira. Qowmiyadahaas ayaa
qarnigii 19-aad waxaa u kacay maamullo ay hoggaanka u hayeen
niman ruug-caddaa ah oo garanayay sida looga faa iidaysto
xaaladaha la soo dersay degaanka. Nimankaas waxaa laga xusi
karaa labada boqor ee kala ah Kasai
Haile (Theodorus II)
iyo Haile Malakut (Menelik
II). Waxay xilliyadoodii ku guulaysteen in ay! !
xiriir wanaagsan la yeeshaan caalamkii masiixiga. Dadaalkii ay
ku bixiyeen in ay helaan xiriirka dowladaha reer Yurub ayaa
waxaa kamid ahaa wufuud joogto ah oo ay u dirayeen dhamaan
caasimadihii Yurub. Xiriirka ay ku guulaysteen labadaas boqor
ayaa wuxuu yahay qodob aan la ilaawi karin marka laga hadlayo
taariikhda madow ee lagu kala dhantaalay dalka iyo dadka
Soomaaliyeed iyo burburka dhaqan-wareega leh ee helay
caadooyinkii da da waynaa oo ay qarniyada badan awoowayaal ku
macaasheen.
Xiriiradii badnaa oo
ay Xabashidu la yeesheen dowladihii Yurub waxaa kamid ahaa
xiriir ay la yeesheen boqortooyadii dalka Ruusiya. Haddaanu
mataal u soo qaadano xiriirkaas, waxaanu helaynaa kaalmada
hagar la aanta ah oo ay Xabashidu meelaha kala duwan ka
heleen, taas oo sababtay in ay ka qayb qaataan gumayntii
ummadaha la deriska ahaa oo ay Soomaalidu ugu horeeyaan.
Xiriirkan oo ku yimid gacan-haadis ayaa wuxuu bilowday mar
wafdi wadaaddo ah oo matalayay kaniisadaha Abasiinya ay
booqasho ku tageen magaalada Beyt Al-Maqdis Juresalem,
iyaga oo ujeeddadoodu ahayd in ay soo barakaystaan kaniisadda
muqaddaska ah ee halkaas ku taal oo ay leeyihiin dadka
aaminsan caqiidada Orthodox-iga.
Dabadeed waxay meeshaas kula kulmeen baadari wayn oo Ruush ah
oo la yiraahdo Uspensky,
kaas oo dhankiisa ka hoggaaminayay wafdi baadariyaal ahaa oo
ka socday dalkiisa. Kulankaas oo dhacay sanadkii ! ! 1848-kii,
ayaa wuxuu dhaliyay in wada-hadalkii ay yeesheen labada
kooxood uu sabab u noqdo in ay isku mowqif ka qaataan khilaaf
ka taagnaa baadariyadii kaniisadda oo ku saabsanaa hoggaanka
maamulka kaniisadda. Kaddib markii wadaaddadii Ruushka ay
codkoodii siiyeen wadaaddadii matalayay kaniisadaha Abasiinya,
ayaa hoggaankii kaniisadda waxaa qabtay baadari Amxaar ah.
Uspensky
wuxuu ahaa nin aragti sare leh, markii uu socdaalkii ka
laabtay, wuxuu dowladdiisii kula taliyay in ay taageerto
boqortooyada Xabashida si ay geeska Afrika ugu faafto diinta
Krishtaanka ah, gaar ahaan mad-habta Orthodox-iga,
taas oo looga hor tegi karo awoodda boqortooyada Cismaaniyadda
ee Islaamka ah ee ku xooggan degaanka. Baadarigu wuxuu
wafdigii Xabashida ka qaatay aragti ah in dalkoodu yahay
saldhig ilbaxnimo xambaarsan oo ay Ruushku u baahanyihiin si
ay Afrika ugu faafshaan caqiidadooda, isla markaasna u noqon
karta saldhig siyaasadeed iyo mid ciidameed ee dabiici ah.
Baadarigaas oo aanan
arintii intaa kaga harin ayaa wuxuu bilaabay in uu qoraallo ka
sameeyo boqortooyadii Abasiinya, taas oo uu dadkiisa ku barayo
ahmiyadda diineed iyo midda istraateeji oo ay u leedahay
dalkooda iyo diintooduba. Qoraalladaasi oo ahaa kuwo aad u
qiimo badan, ayaa waxay saldhig u noqdeen wixii ahaa
dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo mid ciidameed oo ay maamulladii
boqorradii Ruushka iyo dowladdii shuuciga ahayd ay ka
sameeyeen geeska Afrika. Taasna waxaa muujinaya markii la eego
tallaabooyinka siyaasadeed ee aanan is beddelin oo maamulladii
kala duwanaa, ee Ruushka soo maray, ay ka qaateen dhacdooyinka
kala duwan oo ay la kulmeen dadyowga ku nool geeska Afrika. (Web-ka
SomaliNet Magazine, kala soco casharrada dagaalkii 1977-kii
iyo mowqifkii dowladdii USSR).
Xiriirkii Ruushka iyo
Xabashida ee bilowday wuxuu keenay kalsooni ah in 1855-kii
boqorkii Xabashida Imbraadoor Thewdor
II uu waraaq u diro qeysarkii Ruushka ee la oran
jiray Alexander II oo uu
ku codsanayo in dagaal lagu qaado magaalada Qudus oo laga
xoreeyo gacanta dadka muslimka ah, kaas oo ay howlihiisa iska
kaashadaan ciidamo isugu jira Xabashi iyo Ruush. Qeysarka
Ruushku xilligaas diyaar uma uusan ahayn dagaal baaxad wayn oo
meel dalkiisa ka dheer uu ka galo, waayo waxaa dalkiisa ka
socday dagaalkii buuralayda Kafkaas oo ay wadeen
kacdoonyahanno reer Jejniya ahaa ee uu hoggaaminayey shiikhii
caanka ahaa Shiikh Shaamil. Waxaa
kale oo kaalmada Ruushka xayirayay fogaanshaha waddada uu wax
u marin lahaa, waayo xilligaas weli lama furin biya-mareenka
Suways.
Imbraadoorkii
Xabashida mar kale ayuu qeysarkii Ruushka waraaq u soo diray
sanadkii 1862-kii, laakiin markan waxay ahayd codsi ku saabsan
in loo fidiyo taageero ciidan oo uu ku difaaco
boqortooyadiisa, waxaase dhacday in aanan looga jawaabin,
waayo Ruushka xilligaas dagaalkii Cremean
War ayuu Turkida kula jiray.
Inkasta oo Ruushku
uusan Xabashidii waxtarin, misana waxaa uu mar kasta la socday
xaaladda ay boqortooyada Abasiinya ku sugnayd. Dhacdooyinka
waaweyn ee Aasiinya ka dhacana waxaa lagu soo qori jiray
wargeysyadii xilligaas dalka Ruushka ka soo bixi jiray.
Dhacdooyinka ay wargeysyadaas soo qoreen waxaa kamid ahaa
dagaalkii la magac baxay Arogi
oo ciidamo Ingiriis ahi ay boqortooyadii Xabashida ku
burburiyeen kuna qabsadeen Maqdalla oo magaalo-madax ahayd.
Waxaa xusid mudan in Ruushku uu ahaa dowladda horseedka ka
ahayd ololihii Ingiriiska Yurub lagaga qaaday oo looga soo hor
jeeday in uu gumaysto dhulka uu Xabashida kaga qabsaday
dagaalka Arogi. (Ku
noqo casharkii X-aad ee Goortii ...........).
Muddadii u dhexesay
1847-1906, Ruushku wuxuu geeska Afrika u soo diray 14 arahood
oo isugu jiray cilmi-baaris iyo jaajuusnimo. Hadafka uu ka
lahaa waxay ahayd in boqortooyada Ruushka ay hanato kalsoonida
boqorradii Xabashida, gaar ahaan Menelik
II. Ujeeddada dhabta ah oo arintan ka dambaysayna
waxay ahayd in uu gumeysto Abasiinya iyo ku xeeraneheeda.
Laakiin wuxuu watay tab u gaar ah oo ka duwan tabtii
dowladihii Yurubta galbeed ee degaanka ku sugnaa. Ruushku
wuxuu Xabashida u muujiyay caadifad diineed iyo iskaashi
" walaalnimo ", wuxuu ugu mar-marsiinyooday
cilmi-baaris degaan iyo dad, isaga oo taageero u fidinayay
dad-weynihii reer Abasiinya.
Furitaankii
biya-mareenka Suweys dabadeed, Ruushkii waxaa u soo dhowaatay
waddadii uu kala xiriiri lahaa boqortooyadii Xabashida.
Xilligaas waxaa geeska Afrika ku loolantamayay xoogag gumeysi
oo reer Yurub ah sida Ingiriiska, Fransiiska, Talyaaniga iyo
Jarmalka. Ruushka oo ujeeddadiisa gumaysi-doonka ah ku
qarinayay midda xiriirka diineed ee Abasiinya ayaa kordhiyay
arahyadii uu geeska Afrika u dirayay. Kaniisadaha Ruushka ayaa
taakulo u fidin jiray ragga socdaalka ku aadayay Abasiinya.
Ragga xilligaas ka qaybqaatay socdaaladii noocaas ahaa waxaa
kamid ah dal-mareen la yiraahdo N. I.
Ashinov, kaas oo markii ugu horeeysay yimid
Abasiiniya sanadkii 1885-kii. Ashinov
oo socdaalkii uu galay dartiis ku helay magac iyo sharaf ayaa
markii uu dalkiisii ku soo laabtay wuxuu noqday shakhsiyad
muhiim ah. Nin oday ka ahaa golaha sare ee baadariyada
Ruushka, ayaa wuxuu Ashinov
la xiriir! ! iyay qeysarkii xilligaas ka talinayay Ruushka Alexander
III. Sanadkii 1888-kii, qeysarkii Ruushka ayaa Ashinov
wuxuu hoggaamiye uga dhigay mashruuc uu ku doonayay in uu ku
dadaalo in uu saldhig mustacmaradeed kaga helo meel kamid ah
xeebaha badda Cas. Ashinov
wuxuu soo hoggaamiyay arah ay xubnaheeda kamid ahaayeen
baadariyaal siyaasiyiin ah, waxaana lagu daray nin ka tirsan
qoyska reer boqor, kaas oo qeysarka walaalkiis ahaa lana oran
jiray Sergei.
Bishii disember
1888-kii ayaa arahdaasi waxay ka soo baxeen magaalada Odessa
ee ku taal badda Madow. Raggaasi waxaa weheliyay qaybtii ugu
horreysay ee kamid ahayd 175 doonyood oo kuwa shiraaca ah oo
isugu jiray kaalmo ku socotay Abasiinya iyo qalab ciidan oo uu
qeysarku ku doonayay in uu degaanka wax kaga hoosho.
Markii ay doonyihii
gaareen xeebta Tajuura, ayaa maamulkii Faransiiska oo
xilligaas degaanka ka jiray dhibsaday falka Ruushku ku kacayo.
Waxaa horay u jiray arin ay dowladaha wax boobayay ku
heshiiyeen, taas oo ahayd, qoladii meel ku habsata in aanan
lagu qabsan. Sidaa darteed, ayaa bishii febraayo 1889-kii,
Faransiisku wuxuu ka fursan waayay in uu bambooyin la dhaco
halkii uu Ruushku damacsanaa in uu mustacmarad ka dhisto.
Dhacdadaas ma eeyan xumayn xiriirkii wanaagsanaa ee ka
dhexeeyay Ruushka iyo Fransiiska. Kaddib markii ay xiisaddii
qabowday ayaa dowladdii Fransiiska waxay oggolaatay, arahdii
Ruushka iyo kaalmadii ay wadeen in ay u gudbaan Abasiinya.
Waxaa kale oo ay ka cudurdaaratay falkii dhacdada, iyaga oo si
rasmi ah Ruushkii saamaxaad u weydiistay. Wasaaraddii arrimaha
dibadda ee Ruushka waxay eedeeyeen Ashinov
oo ahaa ninkii socdaalka hoggaaminayay. Eedda uu Ruushku Ashinov
dusha ka saaray waxaa ! ! u sabab ahayd isaga oo u baahnaa
xiriirka Faransiiska, waayo xilligaas wuxuu ku jiray dagaalkii
Cremean-ka, Ingiriiska
ayaa ka dhinac ahaa, sidaa darteed ayuu Faransiiska ugu
baahnaa. Waxaa kale oo iyaduna Ruushka khasbayay in
Faransiisku fadhiyay irida keliya ee uu Abasiinya u soo maro.
Bishii oktoober
1889-kii waxaa Abasiinya yimid wafdi uu hoggaaminayo Leut.
Col. V.F.Mashkov oo ka socday dowladdii Ruuhka.
Wafdigu waxay la kulmeen boqorkii Xabashida Menelik
II, kaas oo ay la yeesheen wada- hadallo sir ah oo
aad loo ilaashay, taasina waxay u muuqaal egtahay wada
hadalladii ay yeesheen saraakiishii Itoobiya ka talinayay iyo
dowladdii Soofyeetiga bartamihii sanadihii 1970-aadkii. ( The
Horn of Africa from War to Peace, p. 65 - 68. Paul B. Henze.
London. 1994).
Col. Mashkov
markii uu ku laabtay dalkiisii, bilowgii sanadkii 1891-kii,
ayaa waxaa lagu maamuusay billad sharaf uu siiyay qeysarkii.
Waxaana mar kale loo doortay in uu hoggaamiyo arah Ruush ah oo
u socdaalaysa Abasiinya. Arahda waxaa marakan la socday
baadari la yiraahdo Tikhon
oo ka tirsan golaha sare oo ay lahaayeen baadariyada Ruushka. Mashkov
wuxuu sii qaaday qoryo badan iyo rasaastoodii si uu ugu
hadiyeeyo Menelik. Markii
uu Abasiiniya yimid, Mshkov
waxaa u suuragashay in uu ku nagaado illaa iyo bartamihii
1892-kii. Muddadaas ayuu wuxuu diraaseeyay fursadaha ganacsi
ee dalkaa ka jira. Mashkov
waxaa uu oggolaaday codsi ka yimid boqorkii Xabashida ee ahaa
in ciidamada loo tababaro. Muddadii ay joogeen wafdigan
Ruushka ah, waxaa ay kulamo la yeesheen baadariyadii Orthodo!
! x-iga ee degaanka ka wadaaddada ahaa. Col.
Mashkov iyo raggii la socday, si joogto ah ayay
dalka ugu dhex safreen iyaga oo diraaseynayay wax kasta oo
nolosha dadka Reer Abasiinya ay ku salaysnayd. Dowladihii
gumeysiga ahaa ee degaanka ku tartamayay, kagana soo horeeyay
Ruushka ayaa il gaar ah ku eegayay dhaqdhaqaaqa Mashkov
iyo raggiisu ay ka bilaabeen degaanka. Laakiin Mashkov
ayaa mar walba ku andacoonayay in dhaqdhaqaaqiisu uusan ku
saleysnayn wax gumaysi-doon ah, balse socdaalkoodu uu yahay
cilmi-baaris oo qura. Markuu Mashkov
ku laabtay dalkiisii wuxuu bilaabay in uu qoraallo ka sameeyo
Abasiinya. Qoraalladaasi waxay ku bixiyeen qeysarkii Ruushka
in ay Abasiinya noqoto qayb kamid ah istraateejiyada
siyaasadeed ee dowladdiisu leedahay.
Sanadkii 1893-kii,
sarkaal Ruush ah oo la yiraahdo A. V.
Eliseev ayaa wuxuu ku soo dhex dhuuntay ciidamadii
Mahdigii Suudaan. Sarkaalkaas ayaa intuu lebiska carbta qaatay
wuxuu ku guulaystay in uu isu ekeysiiyo daraawiishtii Mahdiga.
Muddo aanan badnayn dabadeed ayuu ku khasbanaaday in uu dib u
laabto isaga oo ka baqay in uu fashilmo dabadeedna la dilo.
Inkasta oo Eliseev uusan
gaarin magaalada Umdarmaan oo ahayd xaruntii Mahdiga, misana
muddadii yarayd ee uu ku dhex jiray ciidamada Mahdiga waxaa u
suurogashay in uu soo ururiyo akhbaar ku saabsan xaaladdii ay
ku sugnaayeen ciidamada Mahdiga. Wuxuu tilmaamay in ciidamada
Mahdiga eeyan ahayn kuwo ku guuleysan kara in ay dowlad
dhisaan. Eliseev markii uu
ka baxsaday daraawiishtii, ayaa isaga iyo rag la socday waxay
ka tallaabeen xuduudda Abasiinya. Waxay gaareen magaalada
Harar oo xilligaas ka wareegtay gacantii mslimiinta, uu! ! na
ka talinayay hoggaamiyihii ciidamada Xabashida Ras
Makonnen. Kaddib markii magaalada si wanaagsan
loogu soo dhoweeyay arahdii, ayaa Ras
Makonnen wuxuu ragga martida ah u sheegay in Menelik
uu xiiseynayo xiriir adag oo uu la yeesho dowladda Ruushka,
weliba uu doonayo in uu wafdi u dirsado dalka Ruushka. Eliseev
oo si wayn u xiiseeyay khabarka ka soo yeeray saraakiisha
Xabashida, ayaa markiiba wuxuu guddoonsaday in uu dalkiisii
dib ugu laabto si uu dowladdiisii u gaarsiiyo arrinkan,
isaguna uu noqdo xiriiriyaha labada dal. Raggii la socdayna
wuxuu u diray in ay Addis-ababa aadaan iyaga oo uu oday uga
dhigay sarkaal kale oo la yiraahdo Cap.
Leontiev.
Bilowgii bishii mey
1895-kii, Eliseev wuxuu ka
helay qeysarkii oggolaansho ah in uu la kulmo wafdi Xabashi ah
oo la sugayay in ay booqasho ku yimaadaan dalka Ruushka.
Xilligaas waxaa dalka qeysar ka ahaa Nicholas
III. Dhowr maalmood dabadeed Eliseev
si kedis ah ayuu u dhintay. Geeridaasi ma noqon mid hakisa
dhaqdhaqaaqii diblomaasiyadeed ee tallaalka u ahaa xiriirka
Ruushka iyo Aasiinya.
Bishii Juun 1895-kii
waxaa dalkii Ruushka ku soo noqday Leontiev
oo uu weheliyo baadari weyn oo kamid ahaa kuwii horay ula
socdaalay, kaas oo la yiraahdo Efrem.
Waxaa kale oo weheliyay wafdi ballaaran oo ka socday boqorkii
Xabashida Menelik. Ninka
hoggaaminayay waxaa la yiraahdaa Raas
Damtew. Inkasta oo xubnaha wafdiga dowladda Menelik
ay isugu jireen baadariyaal iyo saraakiil sare oo rayid iyo
ciidanba leh, misana waxaa muuqatay, saldhigga socdaalka
wafdigu in ay ahayd adkaynta xiriirka diineed ee labada
maamul. Kaniisaddii Ruushka ayaa baadariyadii Xabashida, iyada
oo u muujinaysa maamuus heerkii ugu sareeyay, waxay siisay
darajo mudnaan diineed ah ee mad-habta la yiraahdo Slavophils.
Wafdigii waxaa loo daawasho geeyay meel ay ciidamada ku
sameynayeen dab-rid. Waxaa kale ! ! oo loo daawasho geeyay
qaar kamid ah wershadihii hubka u soo saari jiray dowladda
boqortooyada. Wafdigii, dhowr jeer ayay la kulmeen
saraakiishii sare ee ciidamadii boqortooyadii Ruushka.
30/ 6- 1895-kii
wafdigii Xaashida waxay la kulmeen qeysarkii Ruushka Nicholas
III, halkaas baa Raas
Damtew wuxuu qeysarkii ku guddoonsiiyay dhambaal uu
uga siday Menelik. Sidaas
baa boqortooyadii Xabashida waxaa ugu suurto gashay in ay
xiriir toos ah ula yeelato dowladdii Ruushka.
Wafdigii markuu
laabanayay, boqortooyadii Ruushka ayaa waxay ku dartay Cap.
Leontiev, si uu uga mid noqdo la-taliyayaasha
boqorka Xabashida Menelik.
Sarkaalkaas ayaa markiiba wuxuu kamid noqday gole uu Menelik
u magacaabay in ay qorsheeyaan qaabkii loo soo afjari lalahaa
khilaaf taagnaa oo ka dhexeeyay boqortooyadiisa iyo
Talyaaniga. (Sheekada Khilaafkan,
casharada danbe kala soco).
Dabayaaqadii sanadkii
1895-kii, waxaa kordhay khilaafkii ka dhexeeyay Talyaaniga iyo
Xabashida. Waxaa xusid mudan in Talyaanigu uu xilligaas ku
sugnaa degaanka oo Eriteriya uu fariisimo ku lahaa. Markaas
baa waxaa bilowday dagaallo goosgoos ah oo dhexmara ciidamada
Talyaaniga iyo kuwa Xabashida. Dagaalladaas waxay ku
dambeeyeen jabkii Talyaaniga kaga dhacay dagaalkii taariikhiga
ahaa ee Cadawa 2/ 3-
1896-kii. Menelik oo guul
wayn ka helay dagaalkaas ayaa markiiba ogeysiiyay qeysarkii
Ruushka iyo madaxweynihii Fransiiska. Dhambaalladuu u diray
ayuu ku qoray sidan :
" Sidaas
saaxiibayaal noogala qayb qaata farxadda guushayada ".
Inkasta oo taariikhdu
eeyan xusin, misana qaar kamid ah aqoonyahannada wax ka qoray
taariikhda dagaalkan ayaa waxay tilmaameen in ay suuragal
tahay in Cap. Leontiev uu
ka qayb qaatay naqshaddii ay Xaashidu ku galeen dagaalkii Cadawa,
taasina ay kamid ahayd sababihii uu Talyaanigu ku jabay.
Markii uu dagaalkaasi dhacay, Menelik
wuxuu Cap. Leontiev siiyay
billad sharaf uu ku magacaabey Dejazmach,
dabadeedna dib ayuu u soo diray si uu qeysarkii Ruushka u
gaarsiyo codsi ah in uu dhex-dhexaadiyo isaga iyo Talyaaniga.
Saraakiisha Ruushka ayaa xilligaas waxay Xabashida siin jireen
hub. Waxay u fureen xeryo ay ku taababaraan ciidamada Menelik.
Waxay ku kaalmeeyeen dejinta kaarto cusub ee ah dhulka uu
boqorku doonayay in uu boobo, kaas oo xuduuddiisu tahay
soohdinta Itoobiyada maant! ! a.
Sanadihii u dhexeeyay
1893-1899, khuburadii Ruushku waxay hormood ka ahayeen boobkii
ciidamada Menelik
II ay u geysteen
dadyowgii ku noolaa gobollada Yambo, Kaffa, Jimma, Caruusa,
Booran, Sidaamo iyo Ogadeenya. Markii uu wax ka dhisay
kaartada Itoobiya, Ruushku intaa ugama harin ee isaga oo
adeegsanaya kanaaladiisa diblomaasiyadeed ayuu wuxuu ku
dadaalay in dowladaha Yurub ay aqoonsadaan xuduudda Itoobiya.
Ololahaas oo uu Ruushku qaaday sanadihii 1897-1899 ayaa wuxuu
ahaa mid soo dhoweyn helay. Ruushka oo biyaha badihiisu ay
qabowyihiin ayaa baahi wayn wuxuu u qabay in uu cagaha la helo
xeebaha biyaha kulul leh. Ragga u naqshadeynayay guddoonka
siyaasadeed ayaa waxaa u muuqatay fursadda wanaagsan oo hadday
hantaan ay isku fidin karaan degaankan kulansaday badda Cas,
bad-waynta Hindiya, webiga Niil iyo harada Lake
Victoria, daadeedna ay halkaas Afrika kag! ! a
tallaabaan.
Bilowgii sanadkii
1897-kii, Ruushka iyo Fransiiskuba waxay Addis-ababa u soo
dirsadeen rag diblomaasiyiin ah oo halkaas si joogto ah u
fariista, kuwaas oo matala xiriirka dalalkooda. Ruushku waxaa
kale oo uu Itoobiya u soo diray koox caafimaad oo ka socota
Laan-khayrta Cas Red Cross,
kuwaas oo ay la socdeen shan nin oo saraakiil ah oo uu ugu
sarreeyay nin ay darajadiisu ahayd Sarreeye Guuto. Kooxda
Laan-khayrta Cas ayaa muhimaddoodu ahayd sahan ay ugu
gogol-xaarayeen isbitaal uu Ruushku ka furayay magaalada
Addis-ababa.
Bishii juun, isla
sanadkaas ayaa waxaa Addis-ababa yimid 50 qof oo kamid ahaa
shaqaalihii caafimaadka ee dalka Ruushka, kuwaas oo ahaa
kooxdii ugu horaysay ee shaqaale caafimaad ee Yurub ka socda
kana howl-gala magaalada Addis-ababa. Isbitaalkii ay
shaqaalahaasi ka howl-galeen waxaa si rasmi ah loo furay
sanadkii 1898-kii. Nin kamid ah takhaatiirtii halkaas ka
shaqeynayay ayaa wuxuu qoray qaamuus caafimaad kii ugu
horreeyay ee lagu qoro afka Amxaariga. Shan nin oo Xabashi
ahna waxaa loo soo qaaday caasimaddii Ruushka St:
Petersburg si ay u qaataan waxbarasho caafimaadka
ah, kuwaas oo soo laabtay sanadkii 1901-dii iyaga oo ay
weheshaan diblomaasiyiin Ruush ah.
Bartamihii sanadkii
1897-kii, Menelik ayaa
sarkaalkii Ruushka ahaa Cap. Leontiev
u magacaabay guddomiyaha gobolka koonfur-galbeed ee Itoobiya.
Gobolkaas oo kamid ah dhulkii uu ka boobay dadyowga la deriska
ah ayaa waxaa deggan dad cawaan ah. Guddoomiyaha waxaa la
raaciyay saraakiil Ruush iyo Fransiis ah si ay halkaas uga
dhisaan maamul hoos yimaada boqortooyada Menelik.
Bishii oktoober
1897-kii , Leontiev wuxuu
ku soo laabtay Ruusiya, isaga oo soo hoggaanshay wafdi kale oo
Amxaaro ah, kuwaas oo kulan la yeeshey qeysarkii Ruushka. Leontiev
ayaa markan ujeeddadiisu waxay aheyd in uu Afrika gudaha u sii
galo. Wuxuu qorsheynayay in uu dowladda ka helo oggolaansho
iyo taageero si uu dabayaaqada sanadkaas u hoggaamiyo arah
cusub oo uu gudaha Afrika ku gaaro. Laakiin dowladdii Ruushka
arrinkaas kuma eeyan qanacsanayn. Wasaaraddii arrimaha dibadda
ee Ruushka waxay u aragtay dhaqdhaqaaqii Leontiev
mid xadkii loogu tala-galay dhaafay. Dowladdii Ruushka, oo ka
aamin-baxday Leontiev ayaa
sarkaal cusub soo magacawday in uu oday ka noqdo howlihii ay
ku taageerayeen boqorka Xabashida. Sarkaalkaas oo la yiraahdo P.
M. Vlasov ayaa la soo faray in uu la socdo
dhaqdhaqaaqa uu Leontiev
ka wado degaanka. P. M. Vlasov
wuxuu Abasiinya yimid bishii sebtember 1898-kii.
Xilligaas waxaa jiray
saraakiil badan oo Ruush ah oo howlo kala duwan u hayay
boqortooyadii Abasiinya. Waxaa saraakiishaas kamid ahaa A.
R. Bulatovich, kaas oo ciidamada Abasiinya
dhufeysyo uga dhisay waddada isku xirta Addis-ababa iyo harada
la oran jiray Lake Rudolf
ee goor danbe loo bixiyay harada Turkaana. Mashruucaas ayuu
sarkaalka Ruushka ah billad-sharaf kaga helay Menelik.
Waxaa isna xusid mudan sarkaalka magaciisa la yiraahdo Col.
L. R. Artamonov ee la-taliyaha u ahaa ciidamadii
Abasiinya ee boobka ku qabsaday gobollada koonfureed ee Baali
iyo Siidaamo. Ciidamadaas oo uu hoggaaminayay Ras
Tessema ayaa sarkaalka Ruushka ah iyo hubkii ay
Ruusiya ka heleen la aantood eeyan ciidamadiis u suurogasheen
in ay muddo gaaban ku hantaan dhulka baaxaddaas leh.
Waxaa xusid mudan
arahda Ruushka in ay si taxane ah ugu socotay geeska Afrika
muddadii u dhexeysay 1847-1906. Waxaa hakiyay arimaha ay
kamidka yihiin dagaalkii 1904-5 ee dhex maray Rushka iyo
Jabaan, kacdoonkii siyaasad, dhaqaale iyo bulsho ee ka jiray
dalka Ruushka gudihiis sanooyinkii 1903-1917, isbadalkii hab
dhaqan-dhaqaale ee dalkii boqortoyadii Ruushka ka dhacay
sanadkii 1917 iyo dagaalkii 1-aad ee adduunka.
Ogow oo muddadii uu
nadaamka shuuciga ahi ka talinayay Ruushka, xiriirkii ay
Abasiinya la lahaayeen waxba iskama beddelin. Taasina waxaa
inooga filan khudbad uu jeediyay wasiirkii Arrimaha dibadda ee
dowladdii Midowga Soofyeetiga Andrej
Gromyko :
"
Muddadii ka dambeysay markii uu guuleystay kacaankii oktoober
ee weynaa ee hanti-wadaagga ahaa, dowladda Soofyeetiga iyo
dadweynaha dalkaba, waxay si wax ku ool ah u taageerayeen
dadka
reer Itoobiya ah
xaalad kasta oo ay higsanayeen ...... ".
(The Horn of Africa from War to
Peace. P. 74. Paul B. Henze. London. 1994.).
Saadiq Enow.