Casharkii
XVI-aad
Dadka Soomaaliyeed, iyaga
oo tiradoodu ay ahayd dhowr boqol oo kun oo keliya, ayaa waxay
nasiib u yeesheen in ay xigsadaan dhulka ballaaran oo ay maanta ku
nool yihiin. Isla markaas waxaa u suurogashay in beel kasta ay
dhankeeda ka ilaaliso afkii iyo dhaqankii ka dhexeeyay. Arintaas,
Eebe ka sokow, mahaddeeda waxaa iska leh geel-jirteenii hore,
kuwaas oo dadaal badan kula tacaalay si ay calaf iyo biyo ugu
helaan xoolaha ay dhaqan jireen. Waxaa xusid mudan, markii ay
gumaystayaashu damceen in ay ina gumaayaan, horaankiiba waxay
inaga soo galeen labada degaan ee xeebaha cirifyada ku yaal.
Kuwaas oo kala ah koonfur iyo waqooyi-galbeed. Sababtuna waxay
ahayd degaamadaas oo xiriir toos ah la lahaa xarumihii wax ka
hoggaaminayay ilbaxnimadii degaanka tiil. Xarumahaasi waxay
ahaayeen jasiiradda Sensibaar iyo degmada Harar. Inkasta oo damaca
gumeystayaashu uu mid ahaa misana soo kala horeyntooda waxaa
sababab u ahaa say u kala dowlad-sanaayeen. Dhanka Sensibaar waxaa
inaga soo gala! ! y Ingiriis, Talyaani iyo Jarmal. Damaca Harar
waxaa ku yimid Faransiis, Ingiriis, Talyaani iyo Xabashi.
Haddaan ku hor marno
Faransiiska, waxaanu helaynaa in xilligaas uu si muuqata inoola
soo dersay. Sanadkii 1862-kii ayuu calankiisii suray degmada
Obokh. Taasina waxay ka dambaysay heshiisyadii uu la dhigtay
Beelaha Cafarta ah ee degaanka ku nool. Wixii muddadaas ka
dambesyay Faransiisku wuxuu kordhinayay dhaqdhaqaaqa ay
doonyihiisa ka wadeen degmooyinka xeebta ku yaal ee Waqooyiga
Soomaaliya ee u dhexeeya labada degmo ee Obokh iyo Xiis.
Degmooyinkaasi waxay xilligaas hoos imanayeen maamulkii Turkida.
Taasi waxay kalliftay, xiriirka uu Faransiisku la samaynayay
dadyowgii degaanka in uu si qarsoodi ah u dhaco. Waayo wuxuu ka
cabsanayay xoogagga Yurub ee degaanka kula hardamayay in ay ka
hooshaan hantida badan ee ka tiil dhulalkii uu maxmiyadaha ka
samaystay ee ku yiil qaaradaha Afrika iyo Aasiya. Sidaas buuna ku
awoodi waayay in xilligaas uu kaga dhawaaqo wax maxmiyad ah
gobollada Soomaaliya ee uu lugta kula jiray.
Muddadii 11-ka sano ahayd
oo Masaaridu ay ka talinayeen meelo kamid ah Soomaaliya,
Faransiiska iyo qorshaha uu ka lahaa degaanka ayaa mar walba soo
dhowayn ka helayay saraakiishii Masaarida ahaa ee ku sugnaa
degaanka. Inkasta oo arintaasi ay ahayd fursad qiimeynteeda
lahayd, misana ma noqon mid Faransiiska u hiilisa, waayo waxaa
jiray carqalad hor taagnayd mashruuca uu Faransiisku ku
dedejinayay in uu gumaysto gobollada Soomaaliyeed ee uu isha ku
hayay. Carqaladdaasi ayaa waxay ahayd dhibaato siyaasadeed oo ka
haysatay gudaha dalkiisa, taas oo sababteedu ay lahayd khasaaro
baaxad weyn ee ciidamadii Nepoleon-kii
III-aad ka soo gaadhay duulaan uu ku qaaday dalka
Meksiko sanadkii 1862-kii. Dagaalkaas oo lagu magacaabo The
Battle of Puebla
ayaa waxaa isaga hor yimid 6000 oo ciidan Faransiis ah iyo 2000
oo u badan beeralaydii ku dhaqnayd tuulada Puebla.
Guul-darradii ku t! ! imid ciidamadii Faransiiska, waxay sababtay
in uu dalka Faransa ka dhaco gadood dad-wayne. Arimaha ay
dhacdadani dhaawaca u gaysatay ayaa waxaa kamid ahaa damicii
Faransiiska ee xowliga ku socday oo gumeysi-doonka ahaa ee ku
wajahnaa geeska Afrika. Waxaa xusid mudan, xilliga uu dhacay
dagaalkan oo ku beegan 5-tii bishii mey, ayaa dalka Meksiko waxaa
looga dabaal-degaa si aanan loogu dabaal-degin maalintii
madax-bannaanida. Khilaafka labada dal wuxuu ka dhashay Meksiko oo
bixin diiday lacago dayn ah oo lagu lahaa (Cingo
di Mayo by Esmeralda Pulido).
Dhaqdhaqaaqii Faransiiska
ee xeebaha waqooyiga Soomaaliya ayaa dhowr sano dabadeed
caadigiisii ku soo noqday kaddib markii ay dowladdii ka soo
kabatay khasaarihii kaga yimid dagaalka. Howlaha uu xilligaas
Faransiisku ka waday waqooyiga Soomaaliya wuxuu daah uga dhigayay
mashruc shirkadeed oo muhimaddeedu tahay ganacsi. Mashruucaas
waxaa markiisii hore bilaabay nin dal-mareen ahaa oo la yiraahdo Denis
de Rivoure, kaas oo isku deyay in uu shirkado ka
aasaaso gobolka. Caqabadihii siyaasadeed ee dalka gudihiisa ka
jiray awgeed ayuu Denis wax
gacan ah uusan kaga helin dhankii dowladda. Sidaas buu arrinku u
xayirraa illaa uu dhacay heshiis kale oo dhexmaray dowladdii
Turkida iyo dowladdii Masar. Heshiiskaas oo labada maamul ay kala
saxiixdeen 15/ 7- 1874kii, ayaa wuxuu caddaynayay in Turkida ay
degaanka waqooyiga Soomaaliya uga hareen maamulka dowladda Masar.
Taasina waxay ku dhaafsadeen in Masaaridu ay sanad wal! ! ba ku
soo shubaan khasnadda dowladda Turkiya qaraami gaaraya 16.000 oo
geniga Masar ah. (Barkhat : 1974. p. 479).
Denis de Rivoure
oo ahaa nin karti
badan, ayaa dadaalkii qof-ahaaneed ee uu bixiyay wuxuu dhaliyay in
Faransiisku ay Obokh ka sameeyaan labo shirkadood markuu sanadku
ahaa 1881-kii. Waxay kala ahaayeen Compagnie
Franco -Ethiopienne iyo
Societe Francaise d Obock. Isla markaas Obokh
waxay xarun u noqotay ganacsigii ka dhexeeyay dowladdii
Faransiiska iyo Boqortooyadii Abasiinya. (S.
Touvalli. Somali Nationalism. 1963. p. 39).
Waxaa isna jiray Arthur
Rimbaurd oo ahaa gabyaa caan ah, kaas oo sanadkii
1980-kii u tegay Menelik,
isaga oo ujeeddadisu ahayd ganacsi. Ninkaasi wuxuu doonayay in uu
iibsado qaxwe iyo xabag, kuwaas oo uu ku doonayay in uu Menelik
kaga beddesho qoryo iyo rasaas. Waxaa xusid mudan, qoryaha
kumanyaalka ahaa oo uu ninkani bixiyay in ay kamid ahaayeen
waxyaabaha Menelik u sahlay in
uu Soomaalida ka qabsado dhulka baaxada wayn ee lagu magacaabo
Ogaadeenya. (Obokh 1862-1891. By Josef
Kessel).
Sanadihii 1882-kii iyo
1883-kii, waxaa jiray xiisado siyaasadeed oo ka aloosmay meelo
kamid ah dhulkii uu Faransiisku gumaysanayay, gaar ahaan kacdoon
ka dhacay Indo-china iyo
dagaalo ka aloosmay Madagaskar.
Arrimahaas ayaa waxay
kallifeen baahida xooga leh oo Faransiisku uu u qabay in uu
saldhig ciidan ku yeesho meel u dhexeysa Faransa iyo Indo-china,
haklaas oo uu ka taakuleeyo ciidamadiisa jira bariga-fog iyo
Madagaskar. Wixii muddadaas ka horeeyay ciidamada Fransiiska waxay
adeegsanayeen saldhigga ay ciidamada Ingiriisku ku lahaayeen
magaalada Cadan. Taasina Fransiiska waa uu ku khasbanaa mooyee
maahayn arrin uu ku qanacsanaa. Sababtuna waa lacagaha badan oo
cashuurta looga qaadayay iyo sida xun oo loola dhaqmayay. (S.
Touvalli. Somali Nationalism. 1963. p. 39).
Dowladdii Fransiiska
waxay guddoonsatay in ay degmada Obokh ka dhigato saldhig
ciidameed oo ay ka taakuleyso dhulalka gudaha ah oo ay doonaysay
in ay gaarsiiso maamulkeeda. Ninka howshan fulinteeda loo xil
saaray waxaa la oran jirey Leonce Lagarde.
Ninkaasi oo isaguna ahaa nin isku darsaday karti iyo hal-abuur,
ayaa dadaalkii uu galay wuxuu mira-dhal yeeshay sanadihii 1884-kii
iyo 1885-kii, markaas oo uu heshiisyo la sameyestay Suldaankii
Gobad iyo Suldaankii Tajuura isaga oo ka codsanaya in eyan
ciiddooda u oggolaan cid aanan ahayn Fransiis, kuwaas oo ilaalin
doona suldaanka dadkiisa iyo dhulkiisa. Xilliga uu Faransiisku ku
jiray dadaalka noocaas ah, waxaa jiray dayac-xumi ay ku sugnaayeen
ciidamadiisa degaanka joogay. Waxaa arintan inoo tilmaamaya A.
Rimbaud oo kamid ahaa ganacsatadii Obokh. 10/ 9-
1884-kii, ayuu A. Rimbaud xaaskiisa
waraaq u diray. Waxaa qoraalkiisii kam! ! id ahaa :
" Obokh waxaa ku
sugan markab kamid ah kuwa ciidamada ee Faransiiska. 65 kamid ah
70-ka askari ee saaran waxay la xanuunsan yihiin qandho daran.
Sarkaalkii hoggaaminayay shalay ayuu dhintay
". (Obokh 1862-1891. By Josef Kessel).
Sanadkii 1881kii,
Faransiisku wuxuu damcay in uu degmada Obokh ku wareejiyo
maamulkii dowladda Masar, dabadeedna uu aqoonsi u raadiyo. Markii
ay arintan soo shaac baxday ayaa Ingiriiskii wuxuu ka baqay in
wareejintan ay dhaawac u gaysato saldhiggii uu Cadan ku lahaa iyo
waddooyinka ku yaal gudaha Soomaaliya oo ay u soo maraan sahayda
uu ku raashimo ciidamada u fadhiya Cadan iyo shaqaalaha la socda
doonyaha badan ee halkaas u maraya.
Damaca ay dowladda Masar
muujisay oo ay ku doonaysay in ay dhul maxmiyad ah ka hesho
Soomaaliya wuxuu ka caraysiiyay dowladdii boqortooyada Ingiriiska.
Ingiriisku waxay soo saareen baaq ay ku caddeynayaan in ay la
noqonayaan aqoonsigii ay Turkiya siiyeen ee ahaa in la xushmeeyo
madaxbannaanida qabaa ilka soomaaliyeed ee dega gobollada
waqooyi-bari iyo waqooyi-galbeed. (The
map of Africa by treaty, third edition, ed. Sir Edward Hertslet.
Vol. II. Pp. 614-617 Lndon 1909).
Bartamihii sanadkii
1882-kii, Ingiriisku wuxuu qaaday tallaabo adag oo uu kula
dirirayo raadadkii dahsoonaa oo Faransiisku uu kaga shaqaysanayay
degaanka waqooyiga Soomaaliya. Qodobkan ayaa wuxuu xoojiyay in
Ingiriisku qabsado gebi ahaan dalka Masar. Arrinta u saamaxday
howshan ayaa waxay ahayd kacdoon hubaysan oo dowladdii Masar kaga
yimid dhankii dad-waynaha. Kacdoonkaasi waxaa hoggaaminayay
sarkaal la yiraahdo Axmad Al-Curaabi.
Ujeeddaduna waxay ahayd in Masar laga xoreeyo maamulka khariban oo
ay qoysaska ajnabiga ahi (Baashawaat)
iska dhaxlaan. Sidaasna waxay ka muuqataa hal-hayska ah Dalka
Masar waxaa leh dadka reer Masar, kaas oo ah mid ay
adeegsanayeen saraakiishii horseedayaasha ka ahaa kacdoonka.
Dhaqdhaqaaqii Al-Curaabi ayaa wuxuu
wiiqay xooggii ciidamadii dalka. Xilligaas waxaa Masar boqor ka
ahaa Towfiiq Al-Khadawi oo ahaa! !
curadkii Ismaaciil Al-Khadawi. Towfiiq
wuxuu hoggaanka dalka qabtay 26/ 6- 1879-kii. Waxaa xusid mudan in
xilligaas, tiro badan oo kamid ahaa ciidamada Masar ay dalka
dibaddiisa jireen, oo waxay ku yaacisanaayeen dalalka la deriska
ah sida Suudaan, Eriteeriya iyo Soomaaliya. Sababtaas ayay
dowladdii Masar isaga caabiyi weyday kacdoonkii Al-Curabai.
Dabadeed dowladdii ayaa taageero ciidameed ka codsatay Ingiriiska
iyo Faransiiska.
Dowladdii Ingiriiska oo
fursad qaali ah u araktay codsiga taageero-doonka ah, ayaa ciidamo
u dirtay Masar, kuwaas oo horraankoodii ay bambooyin la dheceen
magaalada Aleksandriya markay taariikhdu ahayd 12/ 8-1882-kii.
Maalintaas ayay Masar u bilaabatay taariikhda gumaysiga ee uu
cimrigeedu ahaa 74 sano. Sidaas ayaa maamulkii Towfiiq
Al-Khadawi uu iridaha ugu ooday
maamulkii uu dhisay awoowihiis Maxamad Cali
Baasha. Inkasta oo Ingiriisku uu soo celiyay maamulkii Towfiiq
Al-Khadawi, misana wuxuu ahaa mid maqaar-saar ah, oo
taladii dalka waxaa si toos ah gacanta ugu dhigay nin Ingiriis ah
oo la yiraahdo Evelyn Baring,
kaas oo horay u qaabilsanaa howlaha la xiriira maal-gelinta
mashaariicdii ay Ingiriiska iyo Faransiiska ka wadeen Masar.
Ingiriiska oo ujeeddooyinkuu dalkan u qabsaday ay kamid ahayd in
uu Soomaaliya ka soo saaro ciidamada ! ! Masar ayaa markiiba soo
saaray ciidamadii galay waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya. (Swedish
National Encyclopedia. 1993. Vol. 5, p. 301).
Markii ay Masar ka baxday
xeebihii Soomaaliya, waxaa kordhay damacii dowladdii Ingiriiska oo
xilligaas fadhi ku lahayd Cadan. Bishii july 1884-kii Ingiriisku
wuxuu si isdaba joog ah u qaaday tallaabooyin diblomaasi ah oo uu
ku qorshaynayo qabsashada waqooyiga Soomaaliya. Wuxuu bilaabay in
uu dib uga laabto xushamaddii diblomaasiyadeed ee uu u hayay
sheegashada maamulka Cismaaniyadda degaamada soomaaliyeed ee ku
yaalla badda Cas. Isla markaas Ingiriisku wuxuu Turkida ogaysiiyay
in uu xushmaynayo salaadiinta iyo maamullada ka jira degaamadaas.
Turkida dhankooda, markii hore kuma eyan qancin fara-gelinta
siyaasadeed oo degaanka ku soo korodhay. Sidaa darteed baa waxay
istusiyeen in ay lagama maarmaan tahay in ay qaadaan tallaabo ay
arrinkan kaga jawaabayaan. Ingiriiska oo mar walba ka
tallaabadiisu ahayd midda horeysa ayaa inteeyan Turkidii wax
tallaabo ah qaadin, wuxuu ku guulaystay in uu maamullo ka sameeyo
qaar kamid ah degmooyinka Soomaaliyeed ee ku yaal badda Cas, gaar
ah! ! aan Seylac iyo Berbera. Turkidu markii ay arkeen in
Ingiriisku ay ka go an tahay hanashada degaankan, waxay door
bideen in ay dhankooda ka debciyaan xiisadda oo ay Ingiriiska uga
haraan degaanka. Sababtuna waxay ahayd dagaallada badan oo
xilligaas dibad iyo gudaba ka haystay maamlkii Cismaaniyadda,
kuwaas oo wiiqay dhaqaalihii iyo siyaasaddii dalkooda. Halkaasna
waxaa ku baaqday awooddii wayneed oo degaanka looga heybeesanayay.
Ingiriisku markii uu
arkay tanaasulka siyaasadeed ee dhinaca Turkida, wuxuu bilaabay in
uu ciidan u soo diro waqooyiga Soomaaliya oo kamid ahayd meelaha u
calaamadeysnaa. Bishii augosto sanadkii 1884-kii, magaalada Saylac
waxaa ku soo xirtay markab ay saaran yihiin ciidamo Ingiriis ah,
kuwaas oo ahaa ciidankii ugu horeeyay ee gumaysiga cusub . Bishii
disember isla sanadkaas Fransiiska ayaa wuxuu qabsaday Tajuura,
Talyaaniguna Casab. Majirin wax tallaabo siyaasadeed ah oo Turkidu
ay ku muujinayeen mowqifka ay siyaasaddoodu kaga beegan tahay
boobkan ka bilowday degmooyinka Soomaaliyeed oo horay uga tirsanaa
maamulkooda. Sidaas baa Ingiriiskii waddada ugu furantay, wuxuuna
bilaabay in uu isku fidiyo degaanka. Dabayaaqadii sanadkii
1884-kii heshiisyo isdaba joog ah ayuu la dhigtay qabaa ilkii
soomaaliyeed ee degaankoodu ahaa bariga degmada Seylac. Beelaha uu
xilligaas heshiisyada la dhigtay waxay ahaayeen : Habar-Awal,
Gadabuursey, Habar-Toljeclo, Habar-Gerxajis iyo Ciise. Hesh! !
iisyadaasi waxay dheceen muddadii u dhexaysay bishii julaay
1884-kii iyo bishii janaayo 1885-kii. Dhammaan heshiisyadaasi
waxay xambaarsanaayeen ballan-qaad ay cuqaashii beelahaasi siiyeen
Ingiriiska, kaas oo lagu soo koobi karo sidatan :
" In eyan marnaba
tanaasul oggolaan, eyan iibin, eyan rahan qaadan, ama sabab kaleba
eyan maamul gumaysi u oggolaan qayb yar oo dhulkooda kamid ah, iyo
in dowladda Ingiriiska ay dusha ka ilaaliso ". (British
and foreign papers Vol. 76 pp. 101-107. The Triets William
Ridgway, London 1893).
Faransiiskii ayaa isaguna
dhankiisa wuxuu ka qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo uu kula
heshiinayay duqaydii reer Obokh, si uu u xigsado meel degaanka
kamid ah. Heshiiskaas oo dhacay 22/ 8- 1885-kii, ayaa qodobadii uu
xanbaarsanaa ay ahaayeen sidatan :
1. Saaxiibtinimo
dhex-marta Faransiiska iyo beelaha reer Obokh.
2. Suldaan Xaamid oo
hantiduu lahaa hoos geeyay Faransiiska.
3. Dowladda Faransiiska
oo aanan xaq u lahayn in ay wax ka beddesho xeerarka looga dhaqmo
degaanka.
4. Suldaan Xaamid iyo
ragga dhaxalkiisa leh oo ballan qaaday in ay Faransiiska gacan ka
siinayaan haddii uu u baahdo in uu guryo ka dhisto iyo hadduu
degaan u baahdoba.
5. Suldaan Xaamid oo
ballan qaaday in uusan wax heshiis ah la dhigan dowlado shisheeye
ah isaga oo aanan ogaysiin guddoomiyaha Faransiiska ee degmada
Obokh.
6. Suldaan Xaamid wuxuu
helayaa lacag abaal-marin ah oo gaarsiisan 500 oo farankaha
Faransa ah, 80 farankana wasiirkiisa ayaa leh.
7. Haddii labada dhinac
ay isku khilaafaan fahamka qoraalkan, waxaa dhaqan-gelaya qoraalka
Faransiiska iyo fahamkiisa.
Leonce Lagarde
.
Saxiixa sludaanka Tajuura
Xaamid bin Axmad
22/ 8- 1885. (Barkhat
: 1974. p. 480).
Bishii maarso sanadkii
1885-kii L. Lagarde wuxuu
heshiisyo kuwaa hore lamid ah la dhigtay cuqaashii qabiilka
Ciise ee Soomaalida ah.
Dhulkii la oran jiray French Somaliland
(Jabuuti), maalintaas ayuu qaatay wejiga uu maanta leeyahay.
Fransiiska waxaa uu qabsaday dhulka xeebta ah ee u dhexeeya Raas
-Demeyra iyo Ambado. Waa uu jeclaa in uu qaato xeeb intaa ka
dheer, waxaase hortaagnaa oo uu ilaalinayay heshiis horay loo
dhigtay oo ka dhexeeyay dowladihii wax gumeysanayay. (E.
Rauard de Card, Les Traies de Protectorat Conclus Par la France en
Afrique, 1870-1895. (Paris. A. Daurand et Pedone-Lauriel, 1897)
pp. 38-43, 162-164).
Sanadkii 1886-kii,
Faransiisku wuxuu dhisay qalcadda ku taal waddada u dhexaysa Obokh
iyo Raas Bir, halkaas oo uu ugu talagalay in uu ka ilaaliyo
degmada. Arintaasina waxay ka dambaysay markii ay korodhay tirada
Faransiiska rayidka ah ee degaan ka samaystay magaalada. Isla
sanadkaas, waxaa dekadda Obokh ka soo degay doon ganacsi oo uu
shixnaddeedu lahaa A. Rimbaud.
Doonta waxaa saarnaa 2000 oo qori iyo rasaas badan. Inkasta oo
muddo la hakiyay misana markii danbe waa la sii daayay. Taasina
waxay ka dambaysay markii ay kulmeen A.
Rimbaud oo xoolaha lahaa iyo L.
Lagarde oo degmada madax ka ahaa. Hubkaas oo lagu raray
awr tiradoodu ay 100 dhaaftay ayaa markiiba waxaa loo gudbiyay
dowladdii Menelik. (Obokh
1862-1891. By Josef Kessel).
Sanadkii 1888-kii,
maamlkii Faransiiska ee Tajuura fadhiyay ayaa xaruntii u soo raray
Jabuuti. Sababtuna waxay ahayd iyada oo Jabuuti ay leedahay ceelal
biya macaan iyo xeeb gumuceedu weyn yahay. Waxaa kale oo L.
Lagarde u muuqatay in Jabuuti ay mustaqbalka loolan la
geli karto degmada Seylac oo ahayd dekadda qura oo looga adeego
magaalada Harar. Aragtidaas ayaa waxay ahayd sababta uu
Faransiisku kaga haray in uu ku loolantamo Harar, mar haddii uu
iridda u fariistay, halkaasna uu ka xukumo ganacsiga u socda iyo
midka ka soo baxaya degaanka gudaha ah oo ay Aasiinya kamid tahay.
Inkasta oo L. Lagarde uu
sanadkaas soo raray maamulkiisii, misana 50 ganacsato reer Yurub
ah oo xilligaas Tajuura deganaa ayaanan soo raacin oo dhowr sano
ka dambeeyay. Sababtu waxay ahayd shaki ka galay sida uu u
guulaysanayo mashruucan. Saddex sano dabadeed, degmada Jabuuti
waxaa ku noolaa 1000 qof oo ajnabi ah, kuwaas oo isugu jira! ! y
ganacsato, farsamo-yaqaano iyo shaqaale.
Bilowgii sanadkii
1888-kii ayaa waxaa dhulkayagii ku bilowday in loo sameeyo
diilimihii kala-teedka (Soohdimo) ee lagu dhantaalay degaankayagii
is-haystay. Waxaa la abuuray xuduuddii ugu horaysay ee dhex-marta
dhul Soomaalidu leeyihiin. Arinkaas ayaa wuxuu kamid ahaa
caadooyinka gumaystayaashu ay ku dabreen ummadaha ay hoosheen si
ay ugu reebaan raad ay facahooda dabme la dhutiyaan. Soomaaliduna
maalintaas ayuu taabtay dhaawaca ay maanta la istaagi la yihiin.
Ingiriiska iyo
Faransiiska ayaa bishii febraayo 1888-kii waxay isu gudbiyeen
nuqul uu ku qoran yahay heshiis ay ku xariiqeen diilinta u
dhexaysa degaanka Jabuuti iyo goollada waqooyi ee Soomaaliya.
Nuqulkii heshiiska waakan
:
"
Waxaa sharaf ii ah wada-hadalka aan la yeeshay mudanayaashiinan,
ee ku saabsan xuquuqda Faransa iyo Ingiriiska ay ku leeyihiin
gacanka Tajuura iyo xeebaha Soomaaliyeed, taas oo ku salaysan
rabitaanka dowladda Imbraadooriyadda ah ee Faransa iyo dowladda
weyn ee Imbraadooriyadda ah ee Ingiriiska.
Kaddib markii jawi
gacaltooyo iyo saaxiibtinimo leh aanu isku dhaafsanay aragtiyaalka
aanu qabno ayaa waxaa inoo suuragashay in aanu ku heshiino arimaha
soo socda :
1. Aqoonsi, laga bilaabo
diilinta taagga ah ee ka bilaabata xeebta dhibicda ku beegan Harta
illaa Habaas-weyne. Iyada oo bartaas inta laga kaco la raacayo
waddada ay awrtu maraan ee ku dhamaata Biya-qaoobe, dabadeedna ku
dhacaysa Harar. Waddadaasi in ay ahaato diilinta u dhaxaysa dhulka
maxmiyadda Faransiiska ah iyo kan ah maxmiyadda Ingiriiska.
2. Dowladda Ingiriiska,
waxay aqoonsan tahay maxmiyadda Faransiiska ee ka dhisan gacanka
Tajuura ee galbeedka ka xiga diilinta la soo xusay, taas oo ay ku
jidho jasiiradda Muuse iyo Al-Baab oo ay degaan qabiilooyinka iyo
jifiyada horay loo soo xusay. Sidaas oo kale ayuu faransiiskuna u
aqoonsanayaa maxmiyadda Ingiriiska ee ku taal bariga diilinta
illaa tuulada Bender Siyaad, iyo qabiilooyinka iyo jifiyada dega
halkaas.
3. Dowladda Faransiisku
waxay ballan-qaadaysaa in ay reebto wax kasta oo fara-gelin ah oo
loola yimaado degaanka bariga ka xiga diilinta. Sidoo kale ayuu
Ingiriisku ballan-qaadayaa howl taas lamid ah oo ku wajahan
galbeedka diilinta.
4. Labada dowlad waxay ku
heshiiyeen in eyan middoodna isku deyin in ay Harar qabsato ama ay
maxmiyad ka dhigato, iyo in ay labada dowladood xoog uga hor
tagaan isku-day kasta oo ay dowlad shisheeye ah ku damacdo in ay
Harar ku qabsato ama sheegato in ay magaalada ku leedahay wax
xuquuq ah.
5. In labada dowladood
iyo dadka degaanka ay si xor ah uga ganacsadaan waddada awrtu ku
fusho ee u dhexeeysa Saylac iyo Harar.
6. Labada dowladood waxay
ku ballameen in ay tallaabo haboon ka qaadaan ganacsiga addoomada
iyo soo dhoofinta hubka (degaamada maamulkooda hoos yimaada).
7. Dowladda Ingiriiska
waxay ballan-qaaday in ay xushmad kula dhaqanto dadka hoos yimaada
maamulkeeda ee ama hoggaamiyayaal ah ama xubnaha beelaha ah,
kuwaas oo horay uga tirsanaa maxmiyadda Faransiiska. Sidoo kale
ayuu Faransiisku u ballan-qaaday in uu dhankiisa ka xushmeeyo
dadka raciyadda ah iyo qabaa ilka ku hoos nool maxmiyaddiisa ".
Ninka qoraalkan
diyaariyay oo ahaa danjirihii Faransiiska u fadhiyay London Waidington,
ayaa wuxuu qoraalkiisii raaciyay sidan :
" Haddii
ay dhacdo in aad waafaqdaan qoraalkan, waxaan ahaan mid idiinka
mahad celiya in aad ku soo dhowaataan, mudnaantiina, miin-guuriska
heshiiskan oo aanu soo saxiixnay annaga oo ka wakiil
ahdowladdayada sharafta leh.
9/ 2- 1888
Wasaaradda dibadda
Danjire Waidington
". (Barkhat
: 1974. 181-182).
Qoraalkan waxaa waafaqay
oo isagoo aanan xaraf laga beddelin saxiixay wasiirkii arrimaha
dibadda ee Ingiriiska Sir Salsberg.
(Ibid : 183).