|
||||
Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW. J Cumar C.
Barre Qodobkaan
oo ah aragtidayda gaar, aanna sheeganayn madhaafaanimo, noocaydoonto ha noqotee, kana xor
ahayn, dhimanaansho, ilduuf iyo dhaliil, waxaan ku eegi doonaa: dulmar xiriirkii
Soomaaliya iyo dowladaha aduunka u xoogweyn; mururgga Soomaaliya iyo madinimadeeda;
duulaan shisheeye; lumin masuuliyaddii qaranimo, dhankuu ka istaagidoono USA maanta
arinta Soomaaliya; Soomaaliya, qabyaalad iyo hoggaamiyeyaasha dagaalka sokeeye; Xilka dhaqaalaha Soomaaliya iyo xal daawo maxaa u
noqonkara mururga Soomaaliya. Tobankii sano ee u dambaysay qarnigii 20 aad iyo bilowga
qarniga 21 aad, Soomaaaliya, sidii qarnigii 19 aad dhammaadkiisii iyo qarnigii 20 aad
bilowgiisii bay markale waxay noqotay dal ka cayr ah nooc kasta ee difaac dano Qaran! Dadka soomaaliyeedna wuxuu noqday mid ka caagan nabadda, nagaanshaha iyo
mirohooda. Taasina waxay halis joogto ah ku noqotay soomaalida iyo lahaansheheeda;
Adduunka intiisa kalana, markaan waxay ku tahay dhibaato joogto ah oo aan wali xal loo
hayn[1], Kali - Madax
la Madi Soomaaliya wali waa kali- qardajeex Madi sokeeye iyo daris dhab ahaan badbaadiya aan lahayn. Sidii dhicijirtey shantii qarni ee u dambaysay kun sanaadkii dhawaan dhamaaday iyo laga yaabee kahorba, ayaa haddana dalkaani noqday Goob arena Dagaal noocyo badan, gaar ahaan yool bar tilmaameedka 1 aad ee dalka maanta adduunka oo dhan ugu xoogweyn uguna hodonsan, laakiin Soomaaliya kuma aha wax cusub in dowladda aduunka ugu xoogweyn ugu Hodonsan kusoo duusho; Duug-cusub Purtuguesformer power in the
Indian Ocean region,Abyssinia-Ethiopia Oman,Great Britain,Italian impiries,
France, Italia, USSR and USA Republics kuligood midba moogiisii wuxuu ahaa ama
hadda yahay xogga 1aad ee adduunka ama xoogga 1aad ee gobol, kuligoodna wadar ama kali
waxay tos, dadab, si buuxda ama qayb ahaan bareer ama qarsoodi ugu soo duuleen una
waxyeeleeyeen soomaalida iyo lahaan sheheeda[2]. Marka dhankaas arinta Soomaaliya laga eego
wax cusub ma noqonayso, goodiga, qabanqaabada duulaan, weerarka dhaqaale, dagaalka qalabka
warfaafinta, siyaasadda, diblomaasiyada iyo nooc dagaal kasta oo kale; Laakiin, haddii U.S.A., isticmaalo
ceego dhaqaale, gacan ka hadal ciidan, dagaal warfaafin iyo isgaarsiin,cadaadis
siyaasad iyo diblomaasiyad, takoor bulsho, cadaawad diimeed, isku dir iyo kala geyn
beelaha soomaalida, kuligood lid ku ah soomaalida iyo lahaansheheeda, nuxrurkoouna yahay
ciqaab aargoosi oo ku began dhacdadii Muqdisho 1993, mudan marin ,socialization
iyo dhamaystir madixii ka qabyoobay hawlgalkii
Tesk Forces-UNOSOM[3] 1992-1995, Soomaalida iyo lahaansheheeda waxaa
soo foodsaaridoona, nagaansho laaan raagta, khatar jiritaan iyo murug hor leh oo ay
adkaandoonto in la soxo haddiiba isku daygiisu suurogalo, waana mid muda Lumin Soomaaliya waxay lumisay
masuuliyaddii ismaamuliddii qarannimo, waxaana adduunku ugu yeeraa failer
State waana De facto, USA oo isugu yeera - Mighty & Kind- awoode iyo
same, Soomaaliya ugama baahna in uu ku soo
duulo oo hub iyo taaktiko cusub lagu jitaabiyo, laakiin waxay u baahantahay saaxiibo xor
ka ah naaro-afuufnimo, lugooyo iyo kuwiirsi; fal ahaana ula diyaara gacansiin dhab ah, ku
waa soo qayb ka qaadan kara soocelinta qaranimadii Soomaaliya iyo ismaamulid
masuuliyad hanasho laaanshaha dalka iyo dadka, doorashaduna markaan waxay hortaal Mr Mighty & kind USA; Soomaaliya daawo uma noqonkarto, umana
baahna in hogaamiyayaasha dagaalka sokeeye in kamid ah loogu yabooho aqoonsi
ama in si kale shisheeye u xushay loogu yeero wakiiladii dhabta ahaa ee soomaaliya,
laakiin waxay Soomaaliya, dariskeeda iyo adduunka intiisa kaleba u baahanyihiin in
Soomaalida lafteedu hoos ilaa kor soo xulato ciddii masuuliyadeeda ay ku aamini lahayd, adduunka dibaduna ku taagero taas oo uu
joojiyo yeeriska, shuruuda danagar ahaaneed iyo gacan kula jirka arimaha guriga
Sooomaaliya; Markale maxaad tiri? 1947-1949, 1977-1978, 1992-1995[4], United States of America, waxaa horyimid : aaya katalinta iyo gumeysi ka xorayn Italians Colonia;taageerid ayaa katashi Soomaalida Ethiopia rabitaan laaanta ugu hoos nool; difaaca Soomaaliya; badaadin malaayiin soomaaliyeed oo dagaal sokeeye, abaar iyo barakac halisgaliyeen, goaano qaadashadii, meelmarintoodii iyo nuxrurkoodii dhamaad taariikhdu waa diiwaan galisay, soomaaliduna ma ilaawin; 11.09.2001-, markale
qadiyada soomaaliyeed waxay hortimid United States of America, Waxaan shaki kujirin in
jawaabtu ayna kabadan doonin maya ama haa, laakiin waatee weeye iswediintu, waxaan hubaa
inta Soomaalida ugu wax garad iyo masuulsan in ay ka argagexeen, kana xunyihiin,
aafadii 11.09.2001, haddii cid soomali dhalashadeedu tahay ay lug ku lahaydna ayna wakiil
ka ahayn dalka iyo dadka soomaaliyeed, sababtaas iyo kuwo kale dartoodna ay haboon tahay,
miidaanday, taxadar iyo tixgalin tilaabo kasta oo dibadu u qaadayso dhanka Soomaaliya,
xiriirna la yeelan karta dhacdada aan kor ku soo xusnay, gaar ahaan USA; Siday ila tahay,
xaaladda maanta Soomaaliya ku sugantahay qayb ahaan nuxrurkeedu waa dalagii uga soo
goay abuurkay shalay beeratay; Maqnaantii fal caqli fogaan-arag maamul, faham saxa
ee masuuliyad Qaran, wadaag doonis iyo diidmo heer dal ee difaac Qaran, dhawris
madooyinkii nolosha, heer humarka dhaqan dhaqaale, taariikh fiisiko-joqoraafiyeed
iyo fahamka adduunka dibada dhammaantood, waxay waalid u noqdeen murugga iyo ur-waaga
maanta dalkaan ka jira, arimahaasi waxay kaloo mado, cimilo fuf iyo dhiiragalin siiyeen
Nitooxsiga, Gumaadka, Duminta qofka iyo lahaanshihiisa, sidoo kale waxay
dhiiragalin siiyeen kala hororsiga ku diinka mudan ee maanta ka jira Soomaaliya, gaar
ahaan kala hororsiga xukunka, dagaalka, boobka, dilka, duminta, daadinta dhiigga
dadweynaha, nabaadguurinta iyo dabargaynta dagaanka iyo kunoolihiisa Qabyaaladi dugsi malha waxay
dumisa mooyaanee Timocade Fiisiko-bulsho-dhaqaale ahaan,
Soomaaliya waxaa hogaamiyeyaasha dagaalka sokeeye iyo taageerayaashoodu u qurbeen ama u
kitfeen beel-beel, reer-reer iyo qoys-qoys, waxaana burburay hanaankii fiisiko joqoraafi
xirir ee horay dalka uga jiray, xiriirkii soojireen dhaqan-dhiig, waxaana badalay
qaadanwaa ku faafay dhammaan qaybaha nolosha bulshada; Maqnaanta madooyinkii isu gudbin, kala
badalosho, xiriir iyo adeeg, waxaay de facto u abuurtay kala biskood ku dhacay
qaybihii fiisiko ee dhulka Soomaaliya loo kala kitfay, taasna waxay sii murgisay shaqada waaxyaha Soomaaliya; Hanaankii nolal adeeg ee burburay
meeshiisii waxaa badalay murug[6], qoqobyo qabyaaladeed danaysi gaar ahaaneed,
kuwaasoo ku salaysan: bulsho ahaan cadaawad qabyaalad iyo shalay dhineceedii xumaa,
dhaqaale ahaan xoog fiisiko, sharcidaro, (suuq
madow, maafiyanimo dhaqaale iwm); Siyaasad ahaan maandayow, qardajeex, nafjeclaysi,
axmaqnimo (idiotism); Ciidan iyo Dhaqan ahaana beel-beel, reer-reer iyo qoys-qoys[7]; Haddii arimaha aan kor ku soo sheegnay
ay yihiin kuwo caad yaala oo muran ka xor ah (axiom), isku qabsiga madaxnimada maamul
dagaan-beeleedyada ama sheegashada dawlad beeneedyada iyo wakiilnimada
sharcinimo ee lagu sheeganaayo in lagu matalo qaranimada Soomaaliya miyeyna
ahayn kuwo sii murginaaya dhibaatada dalka iyo dadka Soomaaliya?, shisheeyaha la kala
safan kooxa aan kor ku xusnay ma badbaadinaayaan mise waa dabar goynayaan soomaalida iyo
lahaansheheeda? Jawaabaha suaalahaan waxaan
hordhigayaa jiilka iyo xilqabadka Soomaaliya, aragtidayda arintaan ku aadaan, marka si
kooban loo dhoho qoraalkaan ayaan ku soo bandhigay; Sikasta
arin horay ha u ahaatee, hanaanka dhismo iyo hanaanka shaqo ee Soomaaliya hadda ku
sugantahay, waxay ina tusayaan fiisiko-joqoraafi ahaan: 1) In Beel iyo dagaankeed kasta ay
iskood godoon uga yihiin dagaamada iyo beelaha dalka intiisa kale marka la eego soo
jireenkii hore; isla markaasna laftooda isdiid ka dhex jiro, 2) In Maamulka dagaan kasta
muuqaal iyo mudashaba yahay laba wajiile afkana qoysgooni inta kale ka madax banan! yahay,
fisiko-joqoraafi iyo bulsho-dhaqaale ahaana si aan habaysnayn ugu xiran yahay dalka
intiisa kale; 3) In maamulada dagaanada beeluhu ayna lahayn awood buuxda ee hanasho
masuuliyadda dagaankooda, dadka iyo lahaanshihiisaba, marka la eego xiriirka dalka
intiisa kale iyo dibadda dalkaba; Haddaba haddii arintu sida aan kor ku
soo sheegnay tahay, qoqobyada ku dhisan rabitaanka iyo doonista hoggaamiyaasha
dagaan-beeleedyada, hoggaamiyayaasha dagaalka sokeeye iyo taageerayaashooda Nabadda,
nolosha, iyo furdaaminta murugga gurigeena maxay faaiido u leeyihiin? Siday ilatahay, qoqobyada qabyaaladdu
sahal iyo deg-deg bay ku abuurmeen, laakiin laguma baabiin karo sahal iyo deg-deg,
waxayna u baahanyihiin wakhti, halgan, dulqaad iyo ugu yaraan rabitaan midaysan, waayo sii
jiritaankoodu waxaan khasaaro ahayn ma soo kordhindoono; dhan kalana waa in aan
xusuusanaa, xuduudka Qabyaaladdu wuxuu ku shuxay gudaha dhuuxa iyo maskaxda dad badan;
Sidoo kale xoog fiisiko laguma ilaalinkaro jiridiisa oo deg deg ama daahid waa kii
isdhalan badala; Xal Marka xalka ugu wanaagsn ee xuduudka
qabyaaladda ee dalka iyo dadka kala dhexyaal looga dhexsaari karo ayey ilatahay qoyb kamid
ah in ay noqonkarto: In dagaan kasta aw abuuro, Nabadayn
heer dagaan, qoys iyo beeleed, dhaqaale furan oo xor ka ah khasbid, cabsi iyo kali lahaan
qalabka wax soo saarka, suuqyada, badeecadaha iyo adeegga heer walba ee dagaan-beeleed; Sida dad badni ogyahay badeecadda
iyo adeegu markey nabad galyo haystaan ma yaqaaniin qalo, ganacsade kasta meeshii, goortii
iyo ninkii uu ka faaiidayo waa sokeeyihiis, intii karaankiis ahna wuxuu tagayaa meel
kasta oo uu gaaro, kala badalashadana waxaa feer socda, sahano, horsed, isbarasho,
gaadiidlaha, xawaaladlaha, daaweeyaha, baraha, dhisaha, tumaha, tolaha qoraha, taleefoonle
iyo adeegayaasha kale ee bulsho, iyaguna sidoo kale, waxay
diyaar u yihiin in qof iyo meel kasta oo ay ka faaiidayaan badeecadooda adeeg
ka iibiyaan, waxayna isku xire kale u noqonaayaan dagaanada iyo beelaha kala qoqoban, si
aan muuqanna waxay u tirtirayaan xuudduudka qabyaaladda; waxayna soo celinkaraan wada
dagidii, iska gurrsigii, is dhexmarkii wada shaqaysigii iwm; Haddaba markii, dagaanba dagaanka kale badeecad iyo adeeg isdhaafsi la yeesho, waxaa bilaabanaaya is dhexmar bulsho, isbarasho, is aamin, heshiisyo laba dhinac ama kabadan, maalgalin, maadin dano (maslaxado), waxaa abuurmaaya shaqooyin; Aan isweydiinee dhaqaalaha Soomaaliya,
mayahay mid hawshaas fulinkara? Inkastoo waayahaan dhaqaalaha
Soomaaliya uu ku naafoobay dagaaladii sokeeye ugana dartay diidmada dalalka khaliijku
diideen xoolaha Soomaaliya iyo dhacdadii 11.09.2001, haddana hadduu hoggaan toosan helo,
bilow fiican waa u noqon karaa hawshaas; Dhaqaalaha dalkaani dhismo ahaan wuxuu ka koobnaa
5 qaybood oo waaweyn: 1) Dhaqaale xoolo-beero; 2) Dhaqaale adeeg; 3) Dhaqaale badeed; 4)
Dhaqaale awood dadeed iyo; 5) Dhaqaale warshado; Warshadihii dalku waxay noqdeen fiisiko
ahaan hawlgab, waayo wax dagaalkii fisiko
ahaan ku burburay iyo wax shay ahaan la bilili-qaystay! ayey noqdeen, taasna waxaa door
weyn ka ciyaaray dalka oo dhaqaale iyo
siyaasadba u dhisnaa One State City; Xoolihii waxay noqodeen kuwo ay kala
jabsadeen col, cudur iyo abaar, dhulbeereedkii dalka ugu wanaagsanaana wuxuu noqday goob
dagaal; dhaqaalhii badduna wuxuu noqday mid gacanta u gala (Pirates) shisheye iyo maafiya
gudaha ah; Awooddii dadkuna waxay noqotay mid
ku wiiqanta ciidamaynta bulshada, tababar iyo tacliimayn laaan iyo siigurid
kaadarkii hore, geeri, geedi ama gabow darteed Dhib iyo culayskasta hajiree, nabadaynta iyo abuurida bilow dhaqaale furan, waxay suuro galin kartaa, bilow joojin dagaalka sokeeye, dagaalada siyaasadeed, dagaalada dhaqaale, dagaalka bulsho ee ka dhexsocda kooxa xukunka ku loolamaaya, waxay yarayn kartaa fara galinta dibaadda arimaha guraga soomaaliyeed, waxay xorayn kartaa (resources) aad u badan oo loo isticmaali karo nolosha horumarinteeda; Sidoo kale waxaa meesha ka bixi lahaa
been sheegashada: madxnimo[9],
dowladnimo, wakiilnimo ee ka jirta dagaamada beelaha soomaaliyeed oo dhan[10],
waxaa wadadu u banaanaan lahayd ninka/gabadha oraah iyo falba wax ku kordhinkara
badbaadinta soomaalida iyo lahaansheheeda; Sidoo kale waxaa maddo heli lahaa abuur maamul
dowlad soomaaliyeed oo dagaan kasta iyo beelkasta
doorkooda ka qaataan una arkaan toodii; Haddii sidaan aan u hawl galno, aduunka
dibadu wuxuu helikaraa, meel wakhti , wakiil rabitaan caad yaal ah oo ku saabsan arimaha
dalkaan, waxaana dhanka Soomaaliya iyo adduunka dibaduba xal u heli lahaayeen nitooxsiga,
kala hororsiga iyo kali ku takrifalka sharci daro ee arimaha soomaalida iyo
lahaansheheeda; Hoos ka soo dhis iyo Dhex isugu
imow Ugu dambayn nabadaynta iyo badbaadinta
Qoran soomaaliyeed markaan sida kaliya ee ay ku suuro gasho, ilamaha dawlad la
aqoonsanyahay baan ahay!, dhulaw kaama kaco xukun
dagaan-beeleedka ama waa goostay iwnm; Laakiin nabadaynta iyo badbaadinta
soomaalida iyo lahaansheheeda, siday ilatahay, waxay ku suuragalikartaa, hoos ka soo
dhis iyo dhex isugu imaad; Sababaha diidaya markaan kor ka soo
dhis Soomaaliya, waxaa ka midnoqonkara: Caddaawada dhiig, hanti, aragti, awood yarida
dhanwalba, qoqobka dagaanka qabyaaladeed iyo faragalinta dibadda darteed; suuro galna
maaha in shir inta kooxo isugu yimaaadaan, maalmo gudohood Soomaaliya kor ka soo
dhisaan, aragtidaana waxaa cadayn u noqonkara kulamadadii, shirarkii, wadahadaladii
iyo heshiisyadii hogaamiyaasha dagaalka sokeeye[11]
dhexmaray in kabadan 10 jeer, iyo in ka badan 10 sano; Waaya aragnimadaan oo inaan layeelan ay ka wanaagsantahay, waxay nabaraysaa in badbaadinta Soomaaliya hoos ka soo dhisid ku imaankarto, laakiin siiwadida kor ka soodhisid ay maandayow, qardajeex, wakhti dhumis, khasaaro iyo naaro afuufnimo dibada ah tahay, Laakiin waxaan rajeynayaa, in bisaylka soomalida ee maanta iyo masuulnimada adduunka intiisa kale dhakhso ay daaweyn buuxda ugu heli doonaan mururgga Soomaaliya. ?? ??? ? ? Jiil iyo masuuliyad waa isma huraan, nuxrur iyo diiwaan galna waa lagama baaqsadaan dooro madhaafaan badbaado soomaalida iyo lahaansheeda, noqona libin kugeeraar [1] Boutros
Boutros-Ghali: Unvanquished A U. S. U.N. Saga, I.B. Tauris Publishers, London,
1999, pp.53-60, 94-102 [2] Abdi Sheik-Abdi: Divine Madness Mohamed Abdulle hassan
(1856-1920)Zed Books Ltd, Londn & New
Jersey, 1993, 28-181 pages [3] S/26317,
17 August 1993, No 93-44535 (E) 170893 , 1-31 pages. [4]
Jeffrey, A. Lefebvre: Arms for the Horn: U.S. Security Policy in Ethiopia and Somalia
1953-1991, University of Pittsburgh Press, 1991, 32-52;
175-275 pages; Herman, J. Cohen: Intervening in Africa:Superpower peacemaking in Troubled
Continent, An ADST-DACOR Diplomats and Diplomacy Book; Macmillan Press Ltd, 2000, 1-16,
197-228 pages [5] William, H. helin: The Horn of Africa// in Refugees II, 1990, No
72, 19-21 pp. [6] Yvette, Pierpaouli: Kenya: Hunger everywhere // in Refugees VII,
1992, No. 90, 8-11 pages [7] Jefrey, Herbst: States and Power in Africa, Comparative Lessons
in Authority and control, Princeton
University Press, New jersey, 2000, 254-255 pages [8] Herman, J. Cohen: Intervening in Africa, Superpower Peacemaking
in a Troubled Continent, Macmilan
Press Ltd, London, 2000, 197-217 pages [9] Abba, Eban:
Diplomacy for the Next Century, Yale University Press, New Haven & London, p.136. [10] Ibid [11]
Boutros, Boutros-Ghali: Unvanquished
, 54 p., 94 p.; UN/A/48/850/Corr,1, 26
February 1994, 94-10688 (E) 030394
03/03/94, 1-31 pages |
||||
Copyright © 1999 by somaliawatch.org. All Rights Reserved. Revised: 19 May 2007 05:03 AM. Webmaster HomePage |