19 May 2007 04:15

SOMALIA WATCH

 
 
  • [SW Column] (Yamayska  ) Waa Kuma Mudane Khaliif Ciise Mudan?   :Posted on [05/19/07 04:15 ]

Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.


 Waa Kuma Mudane Khaliif Ciise Mudan?  

Yamayska - Baaristaan iyo diyaarinta warbixintaan waxaa ka qayb qaatay wariyayaasha Yamayska oo la xiriiray  ilo xog-ogaal ah oo kala jooga  Mineapolis, Washington DC, London,  Australia, Malysia, Dubaay, Shaariqa, Cujmaan, Boosaaso, Qardho, Garoowe iyo Gaalkacyo

 

Taariikh Nololeedka:

Khaliif Ciise Yuusuf (loo yaqaan Kalif Isse Mudan, Khalif Isse Yusuf, Khaliif Ciise Mudan, Khaliif Ciise Yusuf Mudan) waa nin ganacsade ah asal ahaanna ka soo jeeda gobolada Puntland. Khaliif wuxuu ku dhasay Qardho bartamihii qarnigii hore ee sannadihii kontomeeyadii; wakhtiga dhalashadiisuna ma sugna.

 

Intii ay jirtay dawladdii hore ee Soomaaliya Khaliif waxa uu ahaa duuliye ka tirsanaa ciidamadii cirka ee Soomaaliya laga soo bilaabo sannadkii 1971kii; wuxuuna ka soo qayb qaatay dhammaan howlgalladii ciidamada cirka hadday ahaan lahayd dagaalladii Soomaaliya iyo Itoobiya iyo kuwii sokeeye ee dhamaadkii siddeetanaadkiiba.

 

Khaliif oo dhalashadiisu tahay Soomaali ayaa ku-safra baasaboor Itoobiyaan ah; Khaliif wuxuu kaloo magac dahsoon ku-haystaa sharciga daganaanshaha Ingiriiska (United Kingdom Residence Permit). Baasabooradaas iyo waraaqaha safarka ayuu Khaliif Ciise hadba kii duruufta ku habboon u isticmaalaa safarradiisa tirada badan ee uu ugu kala gooshka adduun-weynaha.

 

Ganacsiga & Kheyraadka Badda

Mudane Khaliif Ciise oo ah ganacsade wayn, siyaasi iyo waliba boqre/boqor-sameeye (Kingmaker), ayaa xiriiro kala duwan la-leh shakhsiyaad isugu jira ganacsato, Isimo iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ka soo kala jeeda degaamada kala duwan ee Soomaaliya.  Dadka ka soo jeeda Puntland ee ay xiriirka baaxadda wayn leeyihiin ayaa waxaa ka mida Jaamac C Jaamac oo ay madaxwayne u doorteen 11 ka mid-ah 63ka isin ee Puntland. Shakhsiyaadka kale ee ay aadka isugu dhowyihiin Khaliif kana soo jeeda Puntland ayaa waxaa kamida Ganacsade Mud. Cabdullaahi Xaaji Khayr (loo yaqaano Cabdullahi Xaaji Danbi) aadna loogu yaqaano ganacsiga mukhaadaraadka, sababo arintaas la xiriirana kal hore looga soo musaafuriyay waddamo shisheeye.  Dhinaca kalena, dadka aan ka soo jeedin Puntland ee xiriirka wayn ka dhexeeyo Khaliif iyo Cabdullahi Xaaji Danbi, ayaa waxa kamida ganacasade Maxamed Daylaaf oo ah nin aad ugu xiran KMG ka Carta, qaraabo hoose na la ah C/Qaasim Salaad.

 

Ganacsiga Mudane Khaliif Ciise waxaa ka mid-ah Shirkadda Diyaaradaha Damal ee u-kala gooshta Soomaliya iyo Isu-Taga Imaaraadka; hoteelka wayn ee Panaroma kuna yaal bartamaha Boosaaso; warshado iyo ganacsiyo yar-yar oouu gaar u leeyahay ama lala-leeyahay.

 

Ganacsiga Khaliif waxaa kamid ah shirkadda PIDC (Puntland International Development Corporation) oo uu saamile ka yahay.  Shirkaddaan oo ay xarunateedu tahay caasimadda Cumaan ee Masqat  ayaa waxaa ay wadaagaan nin ajnabi ah, magaciisana la yiraahdo Mud. Richard Simmons. PIDC waa shirkaddii u dhaxeeyasay maamulka Puntland iyo shirakadda HART Group-Somalia oo qandaraas loo siiyey in ay ilaaliso, isla-markaana maamusho kheyraadka badda ee Puntland. HART Group waxay kaloo mas'uul  ka ahayd tababarka iyo maamulka ciidankii badda ee Puntland, halka ay  PIDC gacanta ku haysay maamulka mushahaarada ciidamada badda iyo qalabkoodaba.

 

Dabeecadda Qandaraaskii HART Group iyo Xiriirka Dawladda

Dawlad Goboleedka Puntland ayaa dhammaadkii 1999kii iyo bilowgii sannadka 2000, qandaraas u siisey PIDC-da Khaliif Ciise in ay wakiil uga noqdaan macluumaadka iyo dakhliga la-filayo inuu ka soo xeroodo shirkadda HART Group. Ansaxinta heshiiskaas waxaa saxiixay madaxwaynaha Puntland isagoon la-tashan baarlamaanka dawladda. HART Group ayaa qirtay inuu yahay afar milyan oo doolarka maraykanka ah dakhliga PIDC uga soo xerooday shirkadda HART Group. Qaybta ku aaddan dawlad goboleedka, marka laga jaro dullaalka PIDC, mushaarooyinka iyo qalabaynta ciidanka, ayaa la-filayay inay noqoto milyan iyo bar doolarka maraykanka ama boqolkiiba 38%.  PIDC iyo maamulayaasheeda ayaan illaa iyo hadda siin maamul goboleedka Puntland qaybtii uga beegnayd dakhligaas.

 

Cabdullahi Yuusuf, madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland, oo ay xasarad siyaasadeed oo aad u kululi gudaha uga furan tahay, ayaa wax-yaabaha uu eersaday, mucaaradkiisuna aad ka u isticmaaleen waxaa kamid ah, sida ayan PIDC wax xisaab celin ah u sameeyn iyada oo barlamaanku in badan maamulka ka codsaday in uu arintaas banaanka u soo saaro, haseyeeshee uu maamulku codasay in arintaas dib loogu dhigo dhow jeer. 

 

Korneel Jaamac Cali Jaamac oo Khaliif iyo xulufadiisu u doorteen jagada hogaanka Puntland ayaan isaga innaba wax rajo ah laga qabin inuu wax uun xisaabtan ah kala horyimaado Khaliif.  Si-kastaba ha ahaatee, Khaliif Ciise illaa iyo hadda lagama hayo xisaabtan ama macluumaad ku saabsan xoolihii iyo xisaabtii ka dhaxaysay reer Puntland ee uu wakiilka uga ahaa laguna aaminay.

 

Bilowgii 1999kii, ayaa xiriir xagga duullimaadka ah oo ay aad uga soo wada shaqeeyeen Puntland iyo Itoobiya, waxa uu maamulka Puntland qandaraas ku siiyay in Shirkadda Dayuuradaha ee Damal ay noqoto diyaaradda kaliya ee qaadata xuquuqda duullimaadka ee u dhexeeya Puntland iyo Itoobiya iyada oo la is la meel dhigay xuquuq xadidan oo ay ku shaqeeyso, duruufo amni awgood (‘National Carrier with Restricted Landing Rights’).  Nasiib daro, Khaliif Ciise ayaa maya iyo diiday midna kula dhici waayay saaxiibadiis reer Muqdisho, isagoo duulimaadkii ugu horeeyay ee Damal oo dariiqiisu ahaa Boosaaso-Addis Ababa iyo Addis Ababa-Boosaaso kaliya, si lama filaan ah ugu badalay Addis Ababa-Muqdisho-Boosaaso! Eed la’aan, Itoobiya oo horay ugu digtay, uga afeefatay, heshiisna uga saxiixatay khatarta dhici karta haddii la badalo dariiqa duulimaadka, ayaa isla maalinitiiba ka mamnuucday diyaarad Puntland laga leeyahay in ay soo caga-dhigaato Addis Ababa.

 

Dhinaca kaluumaysiga, Khaliif Ciise Mudan ayaa baryahaan danbe sidii loo magacaabay Korneeyl Jaamac Cali Jaamac aad ugu hawlanaa sidii uu u burburin lahaa ganacsatada ka kaluumaysata xeebaha Bari, ee aan haysan ruqsaddiisa ama tan Jaamac taasoo ku fadhida qiime aad u sareeya. 

 

Dhacdadii ugu danbaysay ayaa ahayd tii Febraayo 2002. Kadib markii Khaliif Ciise ka war helay in ganacsade AbdiWali Cali Taar ay maraakiibtiisu ku jidho badda, ayuu Khaliif la xiriiray Korneel Jaamac, asagoo codsanaya in dawladdu joojiso dadka sida xaq-darrada ah uga kaluumaysnaya gobalka Bari ee Puntland. Korneel Jaamac oo fulinaya amarkan cusub ayaa isla markiiba wacay walaalkiis oo ah madaxa qaar kamid-ah ciidamo-beeleedka lasoo dhoobay Boosaaso, amarna ku siiyay in lasoo xir-xiro maraakiibta sharci darrada ku joogta xeebaha Bari.

 

Korneel Jaamac walaalkiis oo usaguna gees ka fulinaya amarka cusub ayaa markiisa amray in laba laash matoorada loo daaro, lana soo qab-qabto maraakiibtaas. Iska-hor-imaad hubaysan kadib, waxaa meeshii ku dhintay nin ka mid-ah ciidamo-beeleedkii Korneelka, halka laba kalena ku dhaawacantay, khasaaro xoog lehna uu soo gaaray labadii laash.

 

Khaliif Ciise oo usagu markaa qurbaha ku sugnaa, ayaan illaa iyo hadda wax war ah ka soo-saarin dhibkan cusub ee ka biloowday xeebaha gobalka Bari, iyo iska-horkeenka beelaha wada dhashay ee gobollada waqooyi bari oo dhan.

 

Safarradii Xajka

Diyaaradda Damal oo ahayd diyaaradda kaliya ee dadka Puntland iyo kuwa goballada dhexe ba ay isku hallayn-jireen, ayaa wakhtiga Xajka u daabuli-jidhey Xujeeyda magaalada Jiddah. Xajkii 1999kii, ayaa Khaliif wuxuu qaadey Xujeey badan oo Soomaali ah, una badnaa reer Puntland. Sida caadadu ahayd, waxaa Xujayda laga-qaadi jirey kharashka duulimaadka iyo kharashaadka kale ee ku baxa inta ay gudanayaan waajibkooda.  Maadaama shaqaalaha Damal loo sii hormariyay lacagtoodana, ayaga ayuu qorshuhu ahaa in ay  fududeeyaan soo gelinta, socdaalka iyo dhaafinta xujayda.

 

Nasiib darro, Xujeyda oo markii la isku daro lacagta ay bixiyeen lagu qiyaasay $300,000 ayaan cidina u sameeyn wax tas-hiilaad ah, hadday ahaan lahayd bixinta lacagihii la xiriiray hawl-fududeeynta amaba soo gallida waddanka. Xujaydii waxay ku xayirmeen afar maalmood garoonka diyaaradaha gudahiisa, iyagoo ku khasbanaaday in ay dul seexdaan kuraasta iyo shamiitada garoonka.

 

Mulkiilaha Damal Airlines, Mudane Khaliif Ciise, ayaa laga raadiyay Dubaay si uu wax uga qabto dhibta Xujayda. Nasiib darro, Khaliif lagama helin Dubaay, ee wuxuu ka sii aadey Malayshiya, si uu uga sii aado Australia oo sharci loogu sheegay; markii la helayna wuxuu ku jawaabay “diyaaradu maba duuli karto, oo ma ay dul mari karto Cummaan.” Damal oo lagu lahaa lacagta dulmarka oo gaaraysa $25,000, loona arko diyaraad ay Puntland leedahay, ayaa waxaa kharashkii bixiyey maamul goboleedka Puntland.

 

Mudane Khaliif sidii buu ugu soo noqday dalka; wilina lagama-hayo wax tafaasill ah iyo wax xisaab celin ah toonnah.

 

Hubka iyo Been-abuurka Lacageed

Khaliif Ciise oo aad iyo aad ugu xirnaa Maamulka Cabdullahi Yuusuf, runtiina la oran karo maamulkaaba ka danbeeyay abuuriddiisa iyo maal-galintiisaba, ayaa hadana wuxuu awood u yeeshay inuu noqdo ganacsadaha kaliya ee lagu aamino saxiixii lacagta Soomaliyeed maamulku dhaxlay.

 

Saxiixaas oo maamulku ku soo daabacay lacago kutala-galku ahaa inay badalaan kuwa sii dhamaanaya, ayaa wakhti yar kaddib waxaa loo gudbiyey ganacsade Maxamed Deylaaf iyo xulufadiisa reer Muqdisho. Intaasna kumaba ekaane, Khaliif Ciise wuxuu arintaas uga sii gudbay daabacaadaha lacagaha been abuurka oo aan cidna loogu aabbo-yeelin, lagu-lana xisaabtamin, sida lawada ogyahayna, lagu furtay dhaqaalihii maatada Soomaaliyeed iyo tii ummadoo dhanba. 

 

Khaliif Ciise oo lagu tiriyo inuu yahay ragga xiriirka  toos ka ah la-leh ‘hoosaska aan la-arag lana maqal’ ee Bariga Dhexe, siiba Yaman iyo dalal kale oo Carbeed; iyo waliba Bariga Yurub, siiba Bulgaariya iyo faracyada dowladdii hore ee Yuguslaafiya, ayaa maamulku qandaraas ku siiyay soo iibinta hubka, ayadoon marnaba la-iswaydiin sida uu Khaliif u-isticmaalay lacagaha iyo hubka faraha badan ee uu mas’uulka ka ahaa soo-iibintooda iyo soo-dejintoodaba. Khaliif oo aad loogu eedaynayo inuu dhagar wayn ka galay dadka reer Puntland iyo ragiisiiba, ayaad mooddaa inuu god walba u galay sidii uu ku tir-tiri-lahaa awoodda dhaqaale iyo tan ciidan, sifo uu uwiiqo awood kastoon isaga la-jirin, si uu taa u xaqiijiyana Khaliif wuxuu bilaabay inuu hubeeyo amaba lacageeyo qaar ka mid-ah beelaha gobalka Bari iyo nawaaxigiisa; iyo waliba ururada xag-jira ee dhamaan geyiga Puntland ku teedsan.

 

Khibraddaas uu ka helay soo iibinta hubka, ayaa iyadu ka-dhalisay geyiga Puntland, siiba gobolka bari, xasarad xoog leh, loogana dareemay in Khaliif iyo xulufadiisuba, si kutalagal ah, qolana u hubaynayaan kuwo kelana uga iibsanayaan hubka; taasoo si aan shaki ku jirin u saamaysay dheellitirkii xoogagga beelaha  reer Bari, keentayna in uu gobolku galo xaalado colaadeed iyo soo gocosho aanooyin hore.

 

 

Khaliif Ciise oo haatan ku sugan (marka la diyaarinayo baaritaankaan) magaalooyinka Mineapolis iyo Washington DC, ayaan illaa iyo hadda wax war ah ka soo-saarin dhibka ka biloowday gobollada Puntland, iyo aanada asaga loo haysto ee iska horkeenka beelaha wada dhashay ee gobollada waqooyi bari.  Markasta oo Khaliif su'aal laga weeydiiiyo arimaha murugsan ee ka taagan Puntland, raadka u ku leeyahay iyo xiriirka ka dhexeeya isaga iyo Carta waxuu uga baxaa "anigu waxaan ahay nin ganacsade ah, wax badanna kama ogi arimaha siyaasadda ee dalka Soomaaliya guud ahaan iyo tan Puntland gaar ahaan.

 

Xiriirkiisa Reer Carta & Cali Khaliif Galleydh

In-kastoo waqtigii uu baaritaan-kan socday, Khaliif Ciise la la xiriiray lana waydiiyay su'aalo uusan markaa garan sababaha loo waydiinayo, haddana waa uu ka gaabsaday in uu wax ka yiraahdo xiriirka isaga iyo kooxda Carta, gaar ahaan ganacsatada xiriirka dhow la leh KMG Carta, haseyeeshee waxa uu si wayn u tilmaamay xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya isaga iyo Cali Khaliif Galaydh tan iyo intii uu Galaydh ka soo guuray Syracuse, NY, soona dagey Abu Dhabi, Siteenbar 1997kii.

 

Asaaskii Carta kadib,  hillaadda bishii Maarso ee 2001da , waxaa Imaaradka, siiba magaalada Cujmaan kulamo xiriir ahi ku dhex-mareen rag ay isku keeneen  Khaliif Ciise Mudan iyo Cali Khaliif Galaydh oo isagu si cad idaacado badan oo ay ku jirdho tan BBCdu ku sheegay in ay xiriir dhow la leeyihiin mucaradka Puntland kana shaqeeynayaan sidii loo baddali lahaa maamulka Cabdullaahi Yuusuf ee ku kacsanaa kooxdiisa Carta.  Shirarkaasoo  ajandahiisu ahaa sidii looga hortagi lahaa maamulka Cabdullaahi Yuusuf ayaa waxa lagu dajiyay qorshe leh dhinacyo siyaasadeed iyo mid dhaqaale, iyada oo qorshaha lagu daray in lala kaashadao fulintiisa muwaadiniin kale oo reer Puntland ah iyo waliba ururo xag-jira oo kala daggan gudaha iyo dalalka dibadda, kuwaas oo lagu soo beer laxawsaday dagaallo geyiga ka dhacay 1993 kii oo sababihii ay u dhaceen iyo raadkoodiiba waa hore la isla meel dhigay bulshaduna ka caafimaadday raadkoodii.  Dadka ugu muhiimsanaa ee shirarkaas qaban-qaabiyay kana qayb-galay ayaa waxaa kamid ahaa ninka lagu magacaabo Dr. Cartan oo isagu ahaa milkiilaha mid kamida guryihii ay shirarku ka dhaceen. 

 

Waa yar kadib, xilligii burburkii Puntland, loona yaqaan xiligii ‘kun-iyo-kitaab-ka,’ Khaliif-na ahaa raggii Garoowe kula dhex-meeraysanayay shandadaha uu doolar ku  ka buuxo, ayaa waxaa si cad loola socday in xiriiro qayaxan ay ku dhexmaraan guriga Khaliif Ciise ee Shaariqa iyo kan Dr. Cartan ee Cujmaan qaar kamid ah Isimada laga qaddariyo Puntland (oo markaasi ay xurguf siyaasadeed dhextiillay iyaga iyo maamulka Cabdullaahi Yuusuf) iyo madaxdii kooxda Carta oo uu matalayay ra'iisul wasaarihoodii markaa Cali Khaliif Galaydh.   Cali Khaliif iyo Khaliif Ciise Mudan midna wakhtigaa ma qarin xiriirka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya iyaga iyo madaxda dhaqanka ee Puntland iyo Somaliland, iyaga oo sheegay in ay ku haminayaan in ay doorashooyin ka dhici doonaan labada kayaan, kadibna si dar-dari ku jidho la isugu xiri doono Soomaaliya oo dhan, oo markaa Cali Khaliif ka dhaadhacsanayd in uu waligii ra'iisul wasaare u ahaan doono.

 

Ilo ku dhow-dhow Cali Khaliif ayaa Yamayska u xaqiijiyey in Khaliif Ciise, si toos ah iyo si dadbanba, ula shaqeeyey una taageeray ajendaha Cali Khaliif, ee uu gadaal ka soo riixayay Maxamed Daylaaf. Isla ilaha wararkaan mar ay xiriir la sameeyeen Cali Khaliif, waxna ka weydiiyeen ajendahoodii hore iyo say maanta u fadhiyaan sagxad cid-la’ah, ayuu Cali jawaabtiisii ku soo gaabiyay “khalad waa dhacay, waase la sixi-doonaa.”

 

Dib-u-heshiisiinta Puntland

Khaliif Ciise oo aragtidiisa guud ee uu la-dhexmaro bah-waynta Puntland, iyo tiisa gaar-ahaaneed ee ku kooban kooxdiisa gaarka ah, ayaan shaki ku jirin in ay yihiin  “kaaf iyo kala-dheeri,” taasoo keentay su’aasha ah: Waa kuma Khaliif Ciise Mudan?

 

Saan horeba u baahinnay, Khaliif markii uu la-kulmay qaar ka mid-ah qaban-qaabiyayaasha shirka dib-u-heshiisiinta Puntland, ayaan si-naba la isugu afgaran wax  aan dhaafsiisnayn “Puntland waa in nabaddii lagu soo celiyaa!”

 

Hadaba see Khaliif u-arkaa shirkaas la sheegay in hor iyo horaan lagu heshiisiinayo Cabdullaahi Yuusuf iyo Jaamac C Jaamac?

 

Khaliif laba argtiba waa ka qabaa shirka:  Mar uu magaalada Washington DC, ugu waramayay koox reer Puntland ah oo u badnaa qaar ay isku jifo yihiin ayaa nin dhagaysayaasha kamid ahi waydiiday sababta Cabdullahi looga saari waayay Puntland, dabadeedna waxa uu ugu jawaabay "Nin wax la socda maahid, mana kala taqaanid dadka, Cabdullahi waxa uu u taagan yahay difaacaaga, haddana waxa uu kaa badbaadiyay Carta, halka uu Jaamaca aad u sacaba tumayso kaa soo iibsaday kooxda Carta yahayna nin si fudud loo adeegsan karo"

 

Aragtida labaad ee Khaliif marka uu la joogo raggiisa ayaa ah, in shirka Nairobi yahay shir ay rag rabaan say ugu seeta dheereeyaan Cabdullahi, ayagoo isticmaalaya sharci, dastuuri iyo wax aan laga aqoon wadanka; anaguna ka yeeli mayno maskii na cuni-lahaa inaan soo noolayno!

 

Hadaba, Waa kuma Khaliif Ciise; safarada qurbuhuna ma joogtay noqondoonaan, mise waaba gabo-gabo?

 

   


[Column]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:03 AM. Webmaster HomePage