19 May 2007 04:16

SOMALIA WATCH

 
Column
  • [SW Column]( Aardoon Dirir)  BEEN ABUURKA PUNTLANDPOST & PUNTLANDSTATE WAA FAL DAMBIYEED DACWAD MUDAN!! :Posted on 24 May 2002

Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.


 BEEN ABUURKA PUNTLANDPOST & PUNTLANDSTATE WAA FAL DAMBIYEED DACWAD MUDAN!!

 "aardoon diri" <burashadley@hotmail.com>


> Ku :- Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland
> Og :- Puntlandpost & Puntlandstate


> Marka hore waxaan hambalyo iyo  bogaadin u soo dirayaa reer PL sida
> xikmadda leh ay sida sahlan ugu soo cesheen maamulkoodii iyadoo ay
> maanta ciidamada amniga Pl iyo odayaasha Bari gaar ahaan Degmada Qardho ay
> muteysteen bilad dahab ah.
>
> Arrintaasna waxaa dhab ah in ay ku noqotay filan-waa kuwa wanaagga
> la jecel PL iyo waliba kuwa xumaanta jecel cadawgana ku ahaa nabadda
> iyo maamulka halkaas ka jiray.
>
> Waxaana mucjiso aheyd sida dhibka yareyd ee looga takhalusay kuwii u
> adeegayey kuwa xumaanta iyo xaqdarada wali ka wada Kismayo iyo  meelo
> kale ee Somaliya ah.
>
> Haddaba, waxaa jira  websites la abuuray Carte ka dib, si sharciga
> saxaafadda ka fogna waxyaabo sal iyo raadna laheyn ka qorayey Pl.
> Haddana waxeyba gaareen heer ay sawir nin Talyaani ah Xamar ka qaaday
> ay ku soo sawiraan Puntlandpost & Puntlandstate iyagoo ku andacoonaya
> in sawirka marxuumka meydka ah uu yahay nin ka mid ah dadkii lagu
> xasuuqay Qardho!
> Been abuurkaanna dadka qaarkiis ayuu qalday  sida nin maqaal ku qoray
> Puntlandstate uguna magac daray "In response to Mr. Jangeli's"  oo soo  tixraacay sawirkaas sidii uu yahay mid authentic ah!
> Waxaana la og yahay in wax ka dhacay Qardho ayan jirin Madaxweynahuna
> uu marti sharaf ku ahaa daarta Boqorka ee Issimka ugu mudnaanta badan
> gayiga Puntland.
>
> Waxaase nasiib wanaagga ah in ALLSOMALI ay beenisay jiritaanka sawirkaas
iyo  nin ku mahadsan baaritaan uu ku sameeyey sawirkaas soona
> helay halka laga soo qaatay oo ah website Talyaani ah oo horay sawiro
> ka soo qaaday dagaalkii Xamar.
>
> Sidaas darteedna, waxaan wasaaradda sharafta leh u soo jeedinayaa in ay
> arrintaas ay ka qaado tallaabo sharci ah oo aan filahayo in  ay
> dad badani ka badbaadin doonto wax xuma sheegga iyo in  websiteskaan
> loo xiro sidii Al-barakaat  sababaha soo socda awgeed :-
> 1-Iyagoo meel uga dhacay sharciyada saxaafadda maxaa yeelay waxay
>   caadeeysteen in aan war aan jirin ay qoraan walibana u dhaqmay sidii
>   "Raadiyihii Huutuugga" ee isku dirka iyo aloosidda dagaalka dadka
>   wada dhashay!
> 2-Iyagoo meel uga dhacay sharciga "Copy right"ka  oo ay tahay goortaad
>   sawirka ka diiwaan gashan sharcigaas  aad rabtid in daabacdo waa in
>   aad horta heshaa ogolaanshaha milkiilaha.
> 3-In aad la xiriirtaan milkiilaha si dacwad wada jir ah uga qaadaan
>   dambiilayaasha.

>
> Ugu dambeeyntii waxaan rajeeynayaa in si dhakhso ah aad arrintaan ugu
> hawl geli doontaan.
>
> Shaqo Wacan!

> Aardoon Dirir


[Column]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:03 AM. Webmaster HomePage