19 May 2007 04:20

SOMALIA WATCH

 
Column
  • [SW Column] ( maxamud jagne) Qorshaha Cusub ee Puntland lagu burburin rabo iyo kooxaha isu bahaystay iyo Ujeedooyinka laga leeyahay  : Posted on 5 Mar 2003

Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.


Qorshaha Cusub ee Puntland lagu burburin rabo iyo kooxaha isu bahaystay iyo Ujeedooyinka laga leeyahay

maxamud jagne <djagne@hotmail.com>

 

La yaab ma leh in ay waayahaan danbe Wufuud Liibiya, Masaari iyo kuwa isku magacaaba Ururada Bulshada Rayidka ee Carte iyo Alitixaad ku sii qulqulaan Somaliland qaar ahaan markay maqleen in Maryo Calas Puntland ka soo horjeeda halkaas ku sugan yihiin iyo waliba markay ogaadeen in Maryo Calastaasi yihiin kuwii Jamac Cali Jamac oo ay Liibiya taakulayn siinjirtay markay Puntland dhexdeeda ka dagaalamijireen. 

Taagerada Liibiya ay Kooxda Jamac Cali Jamac siiso waxay soo baxday oo si cad loo dareemay markay Dowlada Liibiya burburisay Heshiiskii ay Itoobiya Cabdulaahi Yusuf iyo Jamac Cali Jamac ka dhex waday, kaas oo haddii uu hirgalilahaa Dhiig badan oo Maanta daatay baajin lahaa.

 

Waagaa Liibiya si ay Heshiiskaas u burburiso waxay Jamac Cali Jamac u balan qaaday in haddii uu Heshiiskaas diido ay siin doonto Lacag waagaas lagu sheegay Shan Malyan oo Doolar, waxayna hayd nasiib daro iyo naxdin reer Puntland iyo inta nabada jecelba ku habsatay markii Jamac Cali Jamac Heshiiskaas dhaqaale ka doorbiday, sidaasna ku dhumiyey fursad qaali ahayd oo suurto galin kartay in xungurufaha Puntland ka jiray Dagaal laŽaan lagu dhameeyo.

 Iyadoo marka Liibiya gorgortankaas fulinaysa waxay waagaas Hub, Saanad iyo Dhaqaaleba maryo Calasta Jamac Cali Jamac u soo marsiisay dhanaca Carte iyo Somaliland iyo waliba dhinaca Ururada Bulshada ee Alitixaad sida INXA, sidaas ayey isaga kaashadeen Carte, Somaliland, Liibiya, Alitixaad iyo Masar Abaabulkii iyo maal galintii Dagaaladii Dhiiga badan ku daateen ee ka dhacay Puntland gaar ahaan kuwii ka dhacay Qayaadsamo iyo Dhuubo.

 Wada shaqaynta Carte, Liibiya iyo Somalailand iyo waliba Faragalinta Somaliland ay Puntland ku hayso wuxuu soo baxay siina siyaaday tan iyo intii Wafti Carte ka socday oo uu hogaaminaya Bood ay tageen Somaliland waxayna Dad badani aaminsan yihiin in ay waagaa Heshiis hoose oo la qarinayo wada gaareen.iyo waliba in heshiiskaas Qodobka ugu muhiimsan yahay burburinta Puntland.

 Waxaana jiritaanka Heshiis hooseedkaas caday u ah tagidii uu Cade Muuse Somaliland tagay ka hor intii uuna Puntland imaan iyo in yar ka dib tagidii uu Bood Hargaysa tagay, sidoo kale Saldhig ka dhigashada ay Maryo Calasta Jamac Cali Jamac Somaliland Saldhig ka dhigteen markii Puntland laga soo saaray, iyadoo la wada ogyahay in ay Kooxda Jamac Cali Jamac Siyaasad ahaan Carte raacsanayn ayaa makhraati ma doonto u ah in Carte iyo Somaliland is kaashi ka dhexeeyo iyo in ay burburinta Puntland ka midaysan yihiin. 

Ku sii qulqulida ay Ururada Bulsha ee Alitixaad ee Carte soo dhiseen ay Somaliland ku sii qulqulayaan xili Somaliland u tafaxaydaytay in ay Puntland bar goosto ayaa ku tusaya qaraha Isbahaysigaasi cusubi leeyahay. 

Isbahaysigaa Somaliland iyo Carte ee ku saabsan burburinta Puntland ma ahan mid lala yaabo Markii la fiiriyo Danaha iyo FaaŽiidooyinka ay u arkaan in ay gaarayaan haddii ay burburiyaan Maamulka Puntland maxaa yeelay waxay istusiyeeen in haddii Puntland burburto in Somaliland ay u suurto galayso in ay Sool iyo Sanaag iyo Buuhoodle goosato iyo in ay suurto galayso in Ciidamo Isaaq leeyihiin meel 15km Boosaaso, 30km Qardho iyo 8km Garoowe fariisin ka dhigtaan, sidoo kale Carte ayaa iyaguna u arkaan in Burburka Puntland keenikaro in Kismayo u xalaalowday iyo in uu keeniyo in ay hirgasho riyadii hayd in mar Bosaaso la soo bililiqaysto. 

Waxaa cad in Qorshahaasi reer Puntland Mucaarad iyo MuŽayih midna dani ugu jirin gaar ahaan markii la fiiriyo Ujeedooyinka isbahaysigaas cusub laga leeyahay oo ah in ay isu bahaysteen sidii ay Sool, Sanaag,Kismayo iyo buuhoodle maanta u qabsan lahaayeen iyo sidii ay Magaaloyinka Boosaso, Garowe iyo Qardho irida ugu soo fariisan lahaayeen iyagoo Gaalkacyana waa hore raarta u fadhiyey.

Waxaana hubaal ah haddii Qorshahaasi suurto galo in ay ku dhiiranayaan in ay la wareegaan magaaloyikaas ay kor kulaalayaan ee kala ah Garoowe, Qardho, gaalkacyo iyo Boosaaso.

 Hadda iyadoo Ujeedooyinku sidaas u cad yihiin ayaa waxaa nasiib daro ah in taageerayaasha Jamac Cali Jamac lagu sasabay in loo suurto galinayo in ay Puntland markii laga reebo Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo ay Somaliland isla rabto in inta kale ee soo harta iyagu xukumi doonaan.ama in loo suurto galinayo in ay Bari Puntland ka sii goostaan oo ay gooni u xukuntaan.

 Waxaase taageerayaasha Jamac Cali Jamac aanay garan in inta la leeyahay waa la idiin reebi oo waad xukumi doontaan in ay yihiin Magaalooyin loo jiro wax yar oo markii la doono la qabsankaro iyo in Dadka damacoodu gaarsiiyey in ay kismanyo kaa qaadaan iyo kuwa uu damacoodu gaarsiiyey in ay Baran, Laascaanood Laasqoray iyo boqolaal Magaalo oo ay Dadka reer Puntland leeyihiin kaa qaataan oo ay Sool iyo Sanaag iyo Buuhoodle sidaas kula wareegaan in aanay dhaafayn Boosaaso oo ay 15km , Qarsho 30km iyo Garoowe oo 8km u jiraan iyo waliba Gaalkacyo oo ay gudaha u fadhiyaan. 

Waxaa cad in la dajiyey Qorshe la rabo in Puntland lagu dabargoynayo oo ay Carte, Somaliland ka midaysan yihiin laakiin aanay taageerayaasha Jamac Cali Jamac wali garan in ay arintu tahay Ninkii Xaaskaaga raba Gabadhayda qaado kaama yeelo, taas oo u dhiganta Dad ku tashaday in ay reer Puntland Darabgooyaan oo iyagoo taa fulinaya ka soo saareen Xamar iyo Hargaysa kaana qaateen Kismanyo rabana in ay Sool, Saanag iyo Buuhoodle kaa qaadaan, suurto gal ahayn in ay Boosaaso, Gaalkacyo, Garoowe iyo Qardho oo ay kulaalayaan kuu dhaafayn.

 


[Column]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:08 AM. Webmaster HomePage