19 May 2007 04:21

SOMALIA WATCH

 
Column
  • [SW Column] ( Show all headersmaxamud jagne) Shirka Kiinya in ay Al-itixaad (Carte) iyo BBCda Laanta Afsoomaaligu burburiyaan ma ku gulaysan doonaan??????.:Posted on 10 March 2003

Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.


Shirka Kiinya in ay Al-itixaad(Carte) iyo BBCda Laanta Afsomaligu burburiyaan ma ku guulaysan doonaan??????.

Show all headersmaxamud jagne <djagne@hotmail.com>

 

Qof kasta oo la socday siyaasada Al-itixaad (Carte) wuu sugayey goŽaanka ay galabta, oo ay bishu tahay (09.03.2003) gaareen. Go’aankaas waxay Al-itixaad (Carte) ku cadeeyeen in aanay shirka Somalida lagu heshiisiinayo ee Kiinya ka socda mar danbe ka qayb galayn iyo in ay goosteen in ay shirka ka baxeen. 

Mana ahan goŽaankaasi wax lala yaabo maxaa yeelay waxaa la ogaa in ay Carte qorshaynayeen sidii ay shirka u burburin lahaayeen, waxaase dadka oo dhan la yaab ku noqotay sida ay BBCda Laanta Afsomaligu qorshahaas la ogaa ee aan ninna ka qorsoonayn ugu qiil dayeen iyo sida ay BBCda Laanta Afsomaligu goŽaanka Carte sabab aan jirin oo ah Ciidamo Itoobiyaan ah ay Soomaaliya soo galeen ugu samaysay iyada oo waliba la wada ogyahay in aanay ciidamo Itoobiyaan ah iyo cid kale oo Soomaaliya soo gashay jirin. 

Warkaas been abuurka ah ee ay BBCda Laanta Afsomaligu samaysay waxaa lagu soo beegay markay Carte ku dhawaaqeen in ay shirka ka baxeen waxaana looga gol leeyahay oo kaliya in caalamka lagu ogaysiiyo in ay Carte shirka ka baxeen iyo waliba in aduunka oo hadda Ciraaq ku mashquulsan markay maqlaan colaad kale ayaa Soomaaliya ka jirta oo ciidamo Itoobiyaan ah ayaa Somaliya soo galay in aduunku goŽaanka Carte ee shirka ka bixida ah si gaar ah ugu dhaga taago, sidaasna Carte ugu suurto gasho in ay goŽaankooda khaldan garawsho aduunka ugaga helaan.

 Ujeedada kale ee warkaas been abuurka ah BBCda Laanta Afsomaligu iyo Carte uga gol leeyihiin waa in ay ku qariyaan kala qaybsanaanta Kooxda Carte soo kala dhex gashay iyo in lagu masaxo laguna beeniyo war saxaafadeedkii ay soo saareen Kooxda Carte ka tirsanaan jirtay, laakiin hadda door bideen in ay  danta guud dhowraan, kuwaas oo sheegay in aanay waxba ka jirin waxa Itoobiya iyo wadamada dariska ah lagu masabidayo iyo in eedaynta wadamada dariska ah loo soo jeedinayo la rabo in marmarsiinyo looga dhigto qorshe mar hore lagu soo talagalay oo ah in shirka la burburiyo. 

Ma ahan markii koobaad ay BBCda Laanta Afsomaligu war been ah soo tabiso ee waxay boqol jeer oo hore ciidamada Moorgan ee u Dagaalamaya xoraynta Kismanyo ku tilmaamaan ciidamo Itoobiyaan ah oo Somaliya soo galay, sidoo kale RRA da intii aanay kala jabin iyo ciidamada SNF/SRRC da ayey BBCda Laanta Afsomaligu Boqol jeer oo hore iyana markasta ku tilmaamijirtay ciidamo Itoobiyaan ah; taas oo keentay in ay hadda dad badani aaminaan in BBCda Laanta Afsomaligu u taqaan ciddii Carte ka soo horjeedaba ciidan Itoobiyaan ah oo Somaliya soo galay. 

Dhinaca burburinta Shirka Kiinya ka socda waxay BBCda Laanta Afsomaliga, Carte iyo G8 si wadajir ah oo aan qarsoodi lahayn uga wada shaqeeyeen sidii ay shirka u burburin lahaayeen, waxayna si ay taas u gaaraan ay Carte adeegsadaan warbaahinta Al-Barakat laga dhaxlay ee ka jirta gudaha Somaliya ee casriga ah iyo BBCda Laanta Afsomaliga oo la hubo in ay Al-itixaad wax ka dhexeeyaan. 

Inkasta oo ay Al-itixaad hadda cadaadiska aduunka ee soo fuulay dartiis ay ciida isku rogeen ciiryamana isku qariyaan oo ay sidaas darteed door bideen in ay Siyaasada Somaliya daaha gadaashiisa ka daadihiyaan, hadana Waxaa hubaal ah in ay yihin awood aan la dhayalsan karin oo dhulka dhigi kara guulaha laga sugayo Shirka Kiinya ka socda in ay ka soo baxaan. 

Gaar ahaan markii la fiiriyo awooda warbaahin ee ay Alitixaad gudaha Somaliya ku leeyihiin iyo xiriirka ay BBCda Laanta Afsomaliga la leeyihiin waxaa cad oo xaqiiqa ah in ay awood u leeyihiin in ay Shirka dib u heshiisiineed ee Kiinya ka socda burburinkaraan haddii uuna aduunku si gaar ah uga feejignaan xakamayna warbaahinta ay kooxdaas leeyihiin iyo kuwa ay xiriirka la leeyihiin ee ay danahooda ku fushadaan sida BBCda Laanta Afsomaliga. 

Waxaa xaqiiq ah in Alitixaad iyo Kooxaha la halmaala ee kala ah Carte, G8 iyo Isbahaysiga Dooxada Jubo iyo BBCda Laanta Afsomaligu in ay sii ogaayeen in aanay wax guul ah Shirka Kiinya ka socda ka soo hoyneyn maxaa yeelay Shirka Kiinya aduunka oo dhan baa indhaha ku haya waxaana wadamada Shirka hagaya ka mid ah qaar ay Al-itixaad dagaal kharaar iskaga horyimaadeen sida Itoobiya oo ay Al-itixaad gudaheedana qaraxyo argagaixisnimo ah ka sameeyeen, dabadeena dagaal kharaari dhexmaray iyo Maraykanka oo Ururkaas iyo Ururada la halmaala il gaar ah ku fiirinaya ka dib markay dalkiisa bar dumiyeen iyo waliba Kiinya oo ay waayahaan danbe ururkaasi ka dhigtay meel ay howlahooda burcadnimo ah ku fuliyaan. 

waxaa kale oo isna wufuud Shirka fadhiya ka mid ah Maamulka Puntland oo uu hogaamiyo Madaxweyn Cabdulaahi Yusuf Axmed oo ay Alitixaad mudo kow iyo toban sano dagaal kharaar ka dhexeeyey sidaas darteedna ururkaas iyo kooxaha la halmaala qof qof u yaqaan. 

Hadaba in kasta oo ay Carte iyo kooxaha Al-itixaad raacsan aanay markii  horeba sidaas ugu qanacsanayn ka qaybgalka Shirka Kiinya, haddana si ay isaga sii jeediyaan indhaha aduunka oo si gaar ah u dhowrayey ayaa keenay in ay Shirka iyagoo cagajiid ah ka soo qaybgalaan.waxayna shirka yamaadeen iyaga oo ay ushu meel uga goŽantahay oo ku soo tashaday ama in ay Shirka burburiyaan ama in Shirka Carte markale Boorka looga jafo. 

iyagoo marka Qorshahaas ay ku soo talagaleen fulinayaan ayey intii uuna Shirku bilaabanba Carte iyo G8 bilaabeen in ay qoob iyo qaylo isku daraan oo ay isku dayaan in ay Itoobiya oo kooxdaas si fiican u taqaan shirkana wax ka hogaaminaysa, ka saaraan wax ka hogaaminta Shirka. Waxayna si ay taa u gaaraan isticmaaleen siyaasada dhaleecayn iyo hiifid oo ay kula kaceen wadamada dariska ah gaar ahaan Itoobiya. 

waxaa kale oo ay Carte intii Shirka Kiinya socday ku howlanaayeen in ay Isbahaysiyo cusub samaystaan iyo in ay qalqaaliyaan Shirkale oo ay rabaan in ay gudaha Somaliya ku qabtaan, si ay ugu suurto gasho in ay Shirka la tagaan meel uuna aduunku indhaha ku hayn, taas oo keenikarta in Al-itaxaad u suurto gasho sidii Carte in ay mar labaad holiyaan in ay awooda dalka la wareegaan.

 Haddaba siyaasiyiinta horay ugu kuurgalay dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Ururka Al-itixaad way sii ogaayeen in Carte oo Alitixaad matalaya u xusul duubayaan sidii ay Shirka dib u heshiineed ee Kiinya ka socda u burburin lahaayeen iyo sidii ay Shir gaar ah gudaha Somaliya ugu qaban la haayeen. 

Haddaba sida muuqata waxaa xaqiiq ah in Shirka hadda Kinya ka socda burburintiisu tahay falkii sadexaad ee argagixisnimo ee ay Alitixaad gudaha Kiinya ka fuliyaan iyo kii kumaad ee ay Somalida kula kacayaan waxaana kale oo la hubaa haddii aan la isku taxalujin in aduunka loo bandhigo qaabka u janjeere Al-itixaad ee ay BBCda Laanta Afsomaliga u shaqayso, in aan lagu guulaysan karin in Al-itixaadna Somaliya laga sifayn iyo in aan lagu guulaysan karin in laga ilaaliyo in ay xukunka Somaliya qabsadaan iyo waliba in ay Al-itixaad u suurto galayso ayagoo adeegsanay BBCda Laanta Afsomaliga in ay Shirka burburiyaan. 


[Column]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:08 AM. Webmaster HomePage