|
||||
Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW. Xadgudubyada Xuquuqul Aadamaha ee Xamar ka Dhaceen yaa la gala xisaabtamaa? m.jagne <jagne3@hotmail.com> Markii la fiiriyo
Baaxada Xadgudubyada Xuquuqda Aadamaha ee min Xamar ilaa iyo Kismanyo ka
dhaceen walina ka socdaan waxay ahayd mar hore Somaliyana in laga furo
Maxkamado u dhigmaan kuwii la saaray Mas´uulintii ka danbeeyeen
Isirgoynadii ka dhaceen Ruwaanda, Jarmalka iyo Yuguslaafiya. Maxaa yeelay
Dagaalka Somaliya ka socda Qaab dabargoyneed buu leeyahay, mana ahan
waxa dhacay wax la iska Indho tirikaro ama la iloobikaro ilayn waxaa cad
oo aan Cidna ka qarsoonayn Noocyada Xadgudubyada Dalka ka dhaceen iyo
Dadkii gaysteen. Waxaase
jiraan isku dayo Danbiilayaasha lagu dadayo, Danbigiina lagu dafirayo
waxaanad arkaysaa kuwii Danbiga ugu badan Dalka iyo Dadkaba ka galeen,
mas´uulna ka ahaayeen Musiibada Somaliya ka dhacday oo adeegsanayaan
Oodhaahda tiraa „Qumayo intaadan Qumayo oran bay Qumayo ku tiraa“.,
oo Farta ku fiiqayaan Dad kale kuna eedaynayaan in ay Xuquuqda Aadamaha
ku xadgudbeen. Warbaahinta
iyo Ururada isku magacaabaan kuwa Xuquuqul Aadamaha difaaca ee Xamar
ayaa Hab Danbiilayaasha lagu qariyo heleen, waxayna Dilka, Kufsi iyo
Afduubka min Kismanyo ilaa iyo Xamar ka dhaca Madax ka saaraan Mooryaan
aan meel loo raaco lahayn, meesha Mas´uulintii ay Mooryaantu midiidinta
u ahaayeen aanay magacaabin.waxayna warbixinada u soo qoraan sidatan. 1.
Waxay sheegaan in Xamar Xaafad ka mid ah Dad lagu afduubay ama
lagu dilay mana soo hadal qaadaan Hogaamiyaha hoostiisa Dadka lagu
haysto ama lagu dilay. 2.
Sidoo kale Maalishiyo ayaa Dad dishay, afduubtay, dhacday ama
Dumar kufsatay ayaa Hadalka lagu soo koobaa la mana sheego Heybtooda
Malishiyooyinkaa, Madaxdii wadatay.iyo Mas´uulintii soo direen. Waxaana
Sawirka Guud ee ay Saxaafada iyo Ururada Xamar bixiyaan kaaga soo baxaya
in Xamar tahay meel Mooryaani haysato oo aan Mas´uulin joogin. Sawirkaase
ma sii raago markii Sad ama Siyaasad laga hadlayso oo meeshii ay
Mooryaantu haysatay waxay yeelataa Mas´uuliin iyo Hogaamiyayaal aan
Hoostooda laga hadlikarin, la´aantoodna aan waxba meeshaas laga samayn
karin, waxana la sheegaan in Hogaamiye Hebal Aagaas ka taliyo, wixii ka
dhacana isagu mas´uul ka yahay wixii Kaalmo iyo Siyaasad ahna ay tahay
in isaga la gala hadlo. Isla waqtiga
ay Warbahintaasi iyo Ururadaasi oo kaashanaya BBCda Laanta Afsomaliga ay
sidaas ugu dadaalayaan in ay Danbilayaasha
Xamar qariyaan, Musiibada min Xamar ilaa iyo Kismanyo ka
dhacdayna Mas´uuliyadeeda ay Mooryaan u saaraan waxay dhinaca kale isku
dayaan in ay waxa Puntland ka dhaca dhumuc uuna lahaayn u yeelaan,
waxayna wixii xunba u xanbaariyaan Maamulka Puntland. Danbi iska duga
Beelaha Xamar iyo Hargaysa daga ee Dadanta dhasheen kuma eka intaa ee
xataa waagii alle ha u naxariistee Siyaad Bare ayaa Ragii Siyaad Bare la
shaqeynayeen oo qaarkood Xabsiyad u hayeen qaarna ay Wasiiro ahaayeen
ama ay Mulatariga ku jireen oo Mus´uul ka ahaayeen wixii Wadanka ka
dhacay ayaa loogu qiil dayejiray „Hebel waxba ma uuna dhimin ee
Dhalaankiisa ayuu korsanayey ama Hebal Wadankiisuu u shaqaynayey ee
muxuu meesha ka ahaa “, waxaana isla waqtigaa Danbi iyo Eedayn Dusha
looga tuurijiray qaar aan Maamulka Meherad fiican ka hayn oo u
dhasheen Beelaha Daalacanta dhashay. Haddana wax
badan iskama badalin oo meesha waagii hore Danbilayaasha loogu qiil
dayijiray Dhalaankiisuu u shaqaytaa ee waxba ma uuna dhimin, hadda waxaa
la yiraa Dhalaankii iyagaa mooryaan ah oo iskood isu masruufaan
Danbigana galeen, , sidaas ayaan wali loo hayn Mas´uulin wixii min
Xamar ilaa iyo Kismanyo ka dhacay.la galo xisaabtamo. Marmar waxaa
kugu soo dhacaysa malaha waa dhabe Xamar ma joogaan Dad qaangaar u ah in
loo qabsado Xadgudubyadii Somaliya ka dhaceen, maxaa yeelay waxaad
arkaysaa kuwii la rabay in ay Ciida hoos u xamartaan markay maqlaan
Erayga Xadgudub Xuquuqul Aadamaha oo iyagii Eraygii ku hadaaqayaan,
isuna haysan in ay wax haleeyeen. Siday doonta
Arintu ha ahaatee Waxaa xaqiiq ah in aanay haboonay in uu qodqodo Qofi
Dhagax ka lusha Gabi uu hoos fadhiya ama in uu Dhagax tuuro Qof dagan
Guri Dhalo ah, maxaa yeelay markuu Aduunku Danbigii Somaliya ka dhacay u
soo jeesto oo uu furo Dacwada ku saabsan sidii Somaliy Xuquuqul Aadamaha
loogu xagdudbay waxaa hubaal ah in Xaqu Feeraha ka dilaacayo, Been iyo
Borobagando iyo Homepage Been lagu soo qoraana ama Urur Beeleed oo
Erayga Xuquuqul Aadamaha ka Bayac mushtara Been uu maleegay in aanay
marna Raad yeelan doonin. Su´aalaha aan
qiil marna loo lehi doonina ay ka mid yihiin 1.
Xadgudubyada Xamar ka Dhaceen yaa la gala xisaabtamaa? 2.
Yaa Masuul ka ahaa Masiiboyinka Somaliya ka dhacday? 3.
Min Xamar ilaa Kismayno ilaa iyo Baydhabo waxaa lagu dilay
Malaayiin Qof´e ee yaa dilay? 4.
Yaa ka danbeeyey Dilkii loo gaystay Siyaasiyiin, Dhakhaatiir,
Hogaamiye Dhaqameedyo, iyo Dadkii Biri ma goysada ahaa ee Xamar ilaa
Kismanyo iyo waliba ilaa Baydhabo lagu dilay? 5.
Yaa dagan Guryihii Dadka oo xalaashaday Xoolo iyo Beero booli ah? 6.
Yaa ka danbeeey kuwa wax afduubaan iyo kuwa wax kufsadaan? 7.
Yey u shaqeeyaan Dadka wax biliqaystaan? 8. Yaa Dalka Daroogo ku beeray kuweese ka dhoofiyaan? |
||||