|
||||
Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW. Shirkii
Kenya Shindhaaf buu ku dhicisoobay. "jagne
dahir" <jagne3@hotmail.com>
Dowlada
Kenya waxay magacowday Safiir cusub oo la shaqayn doona Dowlada
Somaliyeed ee aan wali dhalan, waxana isna horay u jiray Safiir ay
Dowlada Kenya u xilsaartay in uu Shirka Shindhaafay Dowlad ka dhaliyo. Madama
aanay wali dhalan Dowlada lala shaqayn rabo waxay Labada Safiir isku
qabsadeen ka dhalintii shirkaas, waxana isku dhexyaacay Xilkii ay labada
Nin iyo waliba Xilkii Dowlada Kenya iyo IGAD ay kala lahaayeen, taas oo
dhalisay in uu isbadalo Qaabkii iyo Xowligii uu Shirku u socday iyo
waliba in uu Shirku gabi ahaanba istaago oo ay lunto kala Danbayntii
Shirka IDAG looga danbaynjiray. wuxuuna
sidaas Shirkii ugu sifoobay oodhaahta tiraa Doon labo
Naakhuudo leh way dagtaa. Labada
Safiir waxay kala yihiin Maxamad Cabdi Afay oo Xiriir fiican Cabdiqaasim
la leh, Shirkii Cartana ka qayb galay, Awoodna u yeeshay in uu Wasaarada
Arimaha Dibada ee Kenya ka gado wuxuu Cabdiqaasim rabo iyo Safiirka
Dowlada Kenya ay Shirgudoonka Shirka u magacowday kiplagath, kaas oo
isagu raba in uu Shirku guulaysto iyo in Somalida inta badan la
tixgaliyo. Labadaas
Naakhudo wuxuu midkasta leeyahay taageerayaashiisa tusaale ahaan Maxamad
Cabdi Afay wuxuu taagero ka haystaa Wasaarad Arimaha Dibada ee Kenya
Dowlada Jabuuti Kooxda Cabdiqaasim iyo in yar oo Ururad Bulshada Rayid
ka mid ah, Meesha kiplagath uu taageero ka haysto Somali inta badan,
Ururad Bulshada Rayid ah inta badan,G8 , SRRS, DGPL, Kooxda Carte
Garabka Xasan Abshir iyo Deerow iyo Xubnaha ugu firinfircoon Gudiga IGAD
ee Shirka loo xilsaaray Haddeerna
xaqiiq ahaan waxa Shirka wadidiisa isku haystaa oo keenay in uu Shirku
dhinac u dhaqaaqi waayo waa Wasaarada Arimaha Dibada ee Kenya oo amartay
in la fuliyo Shuruudaha uu Cabdiqaasim rabo ama in shirka lagu kala tago
iyo Gudiga IGAD Shirka u xilsaartay oo qaba in la tixgaliyo GoŽaamadii
la kala saxeexday. Amarka
IGAD kor uga yimid ee ay
Wasaarada Arimaha Dibada ee Kenya ay bixisay ee ah in la qaato sida
Cabdiqaasim rabo wuxuu ka dhashay booqashadii uu Maxamd Cabdi Afay
Muqdisho ku tagay iyo kulan Sadexgeesood ahaa oo intii uu Kiplagath
Jeneva ku maqnaa dhexmaray Wasaarada Arimaha Dibada Kenya iyo Wakiilka
Cabdiqaasim Cali Baashi iyo Safiirka cusub ee Kenya Maxamad Cabdi Afay
iyo waliba kulan kale oo kaas ka danbeyey oo dhexmaray Wakiilada Jabuuti
Shirka u jooga iyo Wasiirka Arimaha dibada ee Kenya iyo Maxamed Cabdi
Afay. GoŽaanka
Kulamadaas ka soo baxay waxay laba dible u xireen Wakiilka Shirka Kenya
u qaabilasan kipligath oo aan Awood u lahayn in uu GoŽaan Wasaarada
Arimaha Dibada ee Kenya ka soo baxay ka hor yimaado iyo isaga oo ay ku
agad tahay in uu Somalida inteeda kale iyo Wakiilada IGAD ku qanciyo in
dhamaan GoŽaamadii la gaaray hal mar la tuuro si Cabdiqaasim Doonta loo
soo saaro iyo waliba waxkasta siduu Cabdiqaasim u yeeriyey in loo qaato waxaa
arinta sii murgiyey GoŽaamada Dowlada Kenya ay Cabdiqaasim ka yeeshay
oo ah kuwo aan marna la aqbalikarin gaar
ahaan markii la fiiriyo Nuxurka Qobada Cabdiqaasim laga ogolaaday oo ah ·
In marka hore la
badalo Xasan Abshir iyo Deerow laguna badalo Rag cusub oo Cabdiqaasim
matalaan iyo in wax laga badalo Qaabka guud ee Shirka. ·
In la kordhiyo
Tirada Hogaamiyeyaasha Shirka soo laga buuxiyo Koox uu Cabdiqaasim wato. ·
In la badalo
Hogaanka Ururada Bulsha oo la keeno kuwo Cabdiqaasim raacsan. ·
In Somaliland
laga keeno Dad uu Cabdiqaasim wato si uu Cabdiqaasim Aqlabiyed u helo. ·
In Kiblagat lagu
badalo Maxamad Cadi Afay si loo fushado Qorshayaal qarsoon. Mana
ahan xiriirka
Maxamad Cabdi Afay iyo Cabdiqaasim mid qarsoodi ah waxaan laga garan
karaa ·
Khadbadii uu
Maxamed Cabdi Afay ka jeediyey Xafladii Safiirkii hore ee Masar lagu
sagootineyey markuu yiri Cabdiqaasim Shirku in uu guulaysto ayuu
rabaa iyadoo la wada ogsoon yahay in Cabdiqaasim rabo in uu shirku
burburo. ·
Khudbadii uu
Madaxweynaha Kenya Shirka Kampala ka jeediyey ayaad ka garanaysaa in
Dowlada Kenya Warka Shirka Wasaarada Arimada Dibada ka qaadato ee aanay
gudiga IGAD ka qaadan. ·
Ku dhaganaansha
Jabuuti iyo Cabdiqaasim ay ku dhagan yihiin in Kiplagad la badalo ayaad
ka garan in ay rabaan in Maxamd Cabdi Afay Booskaa loo dhiibo si ay ugu
shubtaan Shirka. ·
Tixgalin laŽaanta
Dowlada Kenya ay tixgalin la dahay Somali inta badan ee Dowlada u ooman
Sanad in ka badana Shirka fadhiyeen ayaad ka garn in Kenya ay ka talo
baxday Hogaamiyeyaasha shirka joogaan. Marka Maadaama Heshiiska Cabdiqaasim lala gaaray uuna Somali inta badan u cuntamin oo aanay ogolaanayn in waxkasta Sanad ka dib Eber laga soo bilaabo oo waliba Hogaamiyaal cusub hadda la falkiyo waxaa hubaal ah in Shirkii ugu dheeraa ee Somali loo gabtay in uu Shindhaaf ku dhicisoobay waxaana hubaal ah in ay Masuuliya Burburka Shirkaas Madax u ridanayso Dowlada Kenya iyo Maxamad Cabdi Afay oo Wasaarada Arimaha dibadana ee kenya ku qanciyey in la qaato talada Cabdiqaasim oo ah mid Shirka lagu burburinrabo. |
||||