19 May 2007 04:21

SOMALIA WATCH

 
Column
  • [SW Column] ( M.Jagne)  Sir Culus........U DHABO GALID SHIRQOOLKii SHIRKA KENYA KA DHACAY.......Af Wax Cunay Xishoo Waa Xaalada Kenya Hadda Haysata......... ..... :Posted on 07 Feb 2004

Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.


Sir Culus: xirirka ka dhaxeeyey is badalka Shirka kenya iyo aqoonsiga

somaliland

Markii ay soo Siyaaday in Shirka Kenya ka soo baxayso Dowlad Fedaraal ah oo

Somaliland kala mid dhigaysa Dowlad Goboleedyada jira sida Puntland iyo

Dowlad Gobeleedka Koonfur Somaliya(baydhabo) waxay Jabuuti bilowday in ay si

bareer ah aqoonsi Somaliland ugu ololayso iyo in ay Itoobiya iyo Kenya ku

qanciso in Shirka Kenya lagu doorto Qof ogol in Somaliya la qaybiyo meeshana

laga saaro Awoodaha ka soo horjeedsan karaan kala qaybinta Somali.

Qorshahaasi Jabuuti oo kali kuma koobnayn ee Muuse Suudi ayaa isna sheegtay

in uu rabo in uu Daarood Kabo laŽeg u galayo wuxuuna intaas ku daray mar uu

BBCda Laanta Afsomaliga u waramayey ;,Somaliya in uu Isaaq oo kaliya wax uga

ogol yahay", sidoo kale Cabdiqaasim ayey caday in uuna labo Dowlado Dowlad

Goboleedyo oo Koonfur iyo Waqooyi la yiraah wax ka qabin waxaasi ugu danbayn

lagu qanciyey in uu kala goŽa taageer. sidaas ayey ku dhacday in kulamo

badan oo Jabuuti ka dhacay oo dhexmaray Somaliland iyo Cabdiqaasim iyo

Somaliland iyo muuse Suudi in lagu dajiyo Qaabkii ciidan ahaan iyo Siyaasad

ahaan Puntland Booska looga saari lahaa.

Waxaana la goŽaan saday in Ciidan ahaan ay Jabuuti iyo Somaliland iska

kaashanyaan sidii Puntland loo burburin lahaa meesha Siyaad ahaan la qaaday

talaaboyin Puntland Siyaasid ahaan lagu goŽdoominayxo waxaana Talaaboyinkaas

ka mid ahaa

1. Dilkii Ninka Ingiriiska ahaa oo la hubo in uu ahaa Shirqool Siyaasadeed

oo Somaliland fulisey sida Puntland loogu masabitay

2. Sidoo kale sida OLNFtii Hargaysa lagu qabqabtay Qabiil ahaan ay Saxaafada

Hargaysa ay Puntland ula xiriirisay si Itoobiya looga dhaadhico in uu Cadow

Somaliland iyo Itoobiya ka dhaxeeya jiro oo la yiraah Daarood.

3. iyo in Shirka Kenya faraha loo galiya Dad ogol in Somaliya labo loo kala

saafo, waxaanay Cabdiqaasim iyo Muuse Suudi saxeexeen in ay kala goŽa ogol

yihiin

Qorshaha cusub ee ay Jabuuti keentay ee ah in Somaliland la aqoonsado waxay

keentay in ay Wadamada Dariska ah oo iyagu u arkaan in kala goŽa Somaliya

dan ugu jirto in ay bilaabeen in ay Siyaasadoodii Shirka ku saabsanayd wax

ka badalaan, sidoo kala waxay fikradaasi ku dhiirigalisay Wadamada reer

Galbeedka ah oo u arkayeen in ay Midnimada Somaliya muqadas tahay in ay

Barlamaankooda aqoonsiga Somaliland kaga doodaan, talaabadaas oo kala goŽa

somaliya ka dhigaysa in uuna mardanbe xaaraan ahayn.

Waxaa kale oo cad in uu jira xirir xoogle oo ka dhaxeeya

1. firin fircoonida Safiirka Ingiriska ee Shirka Nayrobi jooga

2. iyo is badalka shirka kinya ka socda uu is badalay

3. iyo dooda Barlamaanka Ingiriiska ka socota ee aqoonsiga Somaliland ku

saabsan.

4. iyo waliba ka aamusida raaliga u eg ee ay itoobiya shirka ka aamustay.

Waxaana si cad u qeexaya inuu jiro xiriir ka dhaxeeya in Isbadalka Shirka

Somali Kenya uga socda iyo qarsoon

1. ka saarida Magac Dowlad Goboleedyada iyo Maamul Gaboleedyada laga saaray

heshiiskii khayaanada ahaa ee 29 1.2004ta la saxeexay si loogu gogol xaaro

wax waqooyi iyo koonfur la yiraaha ama Somaliland iyo Somaliya la yiraahdo

meeshana looga saari lahaa maamul goboleedyadii kale.

2. afduubka Qasabka ah ee ay shirka kenya ku wado iyo handadaada ay madax

qaar u soo jeedinayso gaar ahaan kuwa ay is leedahay way ka hortagi karaan

kala goŽa waxana laga yaabaa in ay meeshodu ku xirto si kala goŽa Somaliya u

soo dhaqsado.

3. u xaqlinta barerka ah ee ay Kenya u xaglinayo raga Jabuuti oo kala goŽa

Somaliya u ololaynaysa xirirka la leh ayaa ku tusaysa in uu jiro qorsha kala

goŽa somaliya ku saabsan oo kenya qanciyey.

Haddaba waxaa cad in Weerarka Somaliland ay Puntland ku hayso iyo Dooda

Barlamaanka ingiriiska ka dhacday ee aqoonsiga Somaliland ku saabsan iyo

waliba wax kala wareejinta iyo Shirqoolka Keshiiskii la kala saxeexday ka

dhacay in ay isku wax ku tusayaan oo ah sidii loo xakamayn lahaa awoodaha

kala goŽa Somaliya ka horimaankaraan iyo sidii loo soo saari lahaa kuwa

Saxeex in ay kala goŽa ogol yihiin laga hayo.

Waxaana cad in ay Qarshayaal qarsoodi ah ama culays Wadamada reer Galbeedka

ah ka yimid keenay in ay Itoobiya iyo kenya Talada Shirka Jabuuti u daayaan

si loo hirgaliya kala goŽa Somaliya waxaanad arkaysaa in ay Itoobiya laf

ahaanteedu is badalkaas Siyaasadeed isu diyaarinayso oo ay Xirirka ay

Somaliland la leedahay sii xoojinayso.

Marka waxaa cad in uu shirka kenya isu badalay shirkii qaybinta qaranka

somaliyeed waxaan arintaas ka danbeeya Wasiirka Arimaha dibada ee Jabuuto oo isagu laf ahaantiisu Isaaq ah

__________________________________________________

U DHABO GALID SHIRQOOLKii SHIRKA KENYA KA DHACAY

Waxaan qiyaasayaa in Dad badan uu humaag kaga jiro, sida Shirkii Shirqoolka

ahaa ee Safari Park Hotel ka dhacay uu u dhacay iyo sida ay ku timid in ay

is khilaafaan Qoraalkii la saxeexay iyo wixii lagu heshiiyey. Waxaana loo

baahay yahay si aan u ogaano sida wax u dhaceen in aan marka hore bal dib u

jaleecno Safarkii uu Maxamad Cabdi Afay Xamar ku tahay markii uu

Cabdiqaasim Shirka ka biyo diiday. waxaana la dhihikaraa wuxuu ahaa

Safarkaasi safarkii Shirka Kenya majarihiisii ka leexiyey keenayna in uu

Shirku Sanad in ka badan Cabdiqaasim iyo Muuse Suudu u qabirnaado.

Markii Maxamd Cabdi Afay uu Xamar ka soo laabtay wuxuu Saxaafada u sheegay

,,in Cabdiqaasim nabad diyaar u yahay, haddii la saxo wixii khaldamay in uu

Cabdiqaasim Shirka ka soo qayb gali doono". Eraygaa ka soo baxay Maxamed

Cabdi Afay wuxuu ka yaabiyey dhamaan Dadkii markaas dhagaysanayey oo

ogaayeen in uu Cabdiqaasim Shirka uga baxay si uu u minjo xaabiyo.

Kama soo wareegin wax badan markii uu Cabdiqaasim soo dirsaday Cali Baash oo

Shuruudo uu Cabdiqaasim Shirka ku xiray wada. waxaanay Cabdiqaasim iyo

Maxamed Cabdi Afay sheegeen in dhamaan Qodobadii la isku diidanaan ay isku

afgarteen, taas oo keentay in uu ugu danbayn Cabdiqaasim Shirka ku soo

laabto. laakin wixii ay Wasaarada Arimaha Dibada ee Kenya iyo Cabdiqaasim ay

ku heshiiyeen wuxuu ka hirgaliwaayey Hogaamiyaasha Shirka jooga iyo Wadamada

Safka hore ee IGAD iyo waliba Kiplagat, taas oo keentay in uu Cabdiqaasim

Shirka wajigabax kala tago.

Waxayse Wasaarada Arimaha dibada ee Kenya ay markiiba isku howlisay sidii ay

u soo caro celin lahayd waxayna u balan qaaday mar labaad in wuxuu tabanayo

loo fulinay, laakin markaana waxaa ka horyimid qaybo IGAD ka mid iyo

hogaamiyaasha shirka joogaan oo kaashanaya kiplagat.

Wixii intaa ka danbeeyey waxay cabdiqaasim, jabuuti iyo maxamed cabdi afay

ay xooga saareen sidii ay kepligat u badali lahaayeen iyo sidii ay itoobiya

shirka ugu saari lahaayeen waxana taas ku taageeray warbaahinta beesha

cabdiqaasim faraha ugu jirta sida BBCda laanta afsomaliga iyo IRIN oo

cabdiqaasim walaalki ka shaqiiyo iyo warbaahinta guda ee ay labadaas

hayŽadood wax ka falkiyeen.

Is jiidiid badan iyo dhaleecayn badan oo Jabuuti iyo Cabdiqaasim ay Kiplagat

u jeedinayaan ka dib wuxuu Safarkii ay Maxamad Cabdi Afay iyo Wasiirka

Arimaha Dibada ee Kenya ay Jabuuti ku tageen keenay in ay jabuuti iyo kenya

isku afgartaan in Hogaamiyaal been abuur ah la sameeyo, si Cabdiqaasim iyo

Muuse Suudi loo qanciyo. Fikradaas waxaa la geeyey Shirkii Kampal ka dhacay

ee madaxda IDAG ay isugu yimaadeen waxaan Madaxdii Shirka joogtay laga

dhaadhiciyey in daawada Somaliya sidaas ku jirto

Sidaas yaa Shirka Safari Parka hotel loo soo diyaariyey waxayna

madaxweyanaha uganda ku noqotay yaab markii uu fahmaya in ay wixii loo

sheegay iyo sida wax u jiraan ay is khilaafsan yihiin wuxuuna ku raacay

fakirkii ay kooxda shirka ku nagaa ay qabeen wuxuuna diiday hogaamiyeyaashii

been abuurka ahaa.

waxaana ka maqnaanshaha madaxweynah uganda uu xafladii xiritan natiijadii

ka soo baxday shirkii uu furay loo aanaynayaa, Fahamka uu fahmaya meesha

uu qasku ka socdo oo ah wasaarada arimaha dibad ee kenya.

Dagidii Safari Park Hotel

Inkasta oo markii Madaxweyanaha Uganda uu Shirka furay lagu heshiiyey in

tirada hogaamiyaashu ay 24kii hore iyo cabdiqaasim noqdaan haddana waxa

hotel safari park la dagaan 25 hogaamiye oo IGADna u qoondaysey iyo

hogaamiyaashii been abuurka ahaa oo wasaarada arimaha dibada kenya iyo

jabuutina ay dajiyeen, taas oo ka makhaarti ka caysa sida ay wasaarada

arimaha dibada ee kenya ay ugu goŽnayd in tirada hogaamiyaasha la kordhiyo.

Safari Hoteel iyo siday wax u dhaceen.

Waxa la dajiey hogaamiyaashii runta ahaa iyo kuwii been abuurka ahaa safiri

huteel waxaanay dhawrjeer la isku dayey in sidii labo kooxood kooxdii shirka

sii joogtay iyo kooxdii xamar ka timid loo wada hadal siiyo laakin waa lagu

guul daraystay waxaase lagu gulaystay iyada oo loo kala dab qaadayo in ay

hogaamiyaashu gaaraan heshiis oo ay isku afgartaan dhamaan qodobadii

dastuurka ahaa ee la isku mari laŽaa marka laga reebo qodobka 30 oo ay

wasaarada arimaha dibada ee kenya iyo jabuuti rabeen in hogaamiyeyaal been

abuur ah meesha lagu daro iyo in kooxda carte garabka xasan abshir meesha

laga saaro si mar kala meesha looga soo dhiraan dhiriyo dowlad uu

cabdiqaasim madaxweyne ka yahay.

Sidee qodobka 30 loo khayaameeyey

Waxaa la sameeyey dhowr qoraal oo kala gasin oo hogamiyaasha midba siduu

rabo loo qoray tusaale ahaan qoraalka maxamed dheere la tusay wuu ka gadisan

yahay midka cabdulaahi yuusuf iyo sheekh aadan madoobe la tusiyey, sidoo

kale qoraalka qanyare la tusiyey wuu ka gadisan yahan kan xasan abshir iyo

deerow la tusiyey. waxaa kale oo la qoray qoraal uu cabdiqaasim iyo suudi

iyo wasaarada arimaha dibada ee kenya ay isla ogyihiin sidaas ayaa loo yimid

meeshii heshiiska lagu saxeexayey, iyada oo hogaamiyaasha mid kasta uu u

haysto in isaga loo tanaasulay. waxaana yaabkii ugu horeeyey dhacay markii

heshiiska la saxeexayey laga waayey xasan abshir iyo deerow oo hogamiyaal

badan ogaayeen in warqadii la tusiyey ay ku jireen in ay saxeexayaasha ka

mid yihiin waxaase murankii xaflada dhexdeeda ka dhalan lahaa lagu damiyey

in ay tahay arin ilduuf ku dhacday dibna laga saxayo.

Xafladii xiritaan ka dib.

Xafladii xiritaanka ka dib waxaa Hogaamiyaasha loo keenay Warqadii been

Abuurka ahayd ee Heshiiska ku lifaaqnayd, taas oo ah Warqadii ay Cadbiqaasim

iyo Muuse Suudi ay wax ka ogaayeen.Waxaa kale oo Warqadaas wax ka ogaayeen

Beesha Caalamka oo looga dhigay in dhamaan Hogaamiyaashu ay Warqadaas isku

afgarteen. Markii Warqadaas hoos galiska ah Hogaamiyaashii aanan Warqadaas

la socon loo keenay way ku gacan sayreen in ay qaataan Heshiis is dabo maryo

iyo Ciyaal suuqayn ku dhisan ee aan is afgarad iyo isu talaasul dhab ah ku

iman. Waxaana cad in ay taas Hogaamiyaashu xaq u leeyihiin maxaa yeelay

Somaliya waxay maanta u baahantaya Heshiis dhab ah oo dhinacyada oo dhan ay

iska dhex arkikaraan, ee uma baahna Heshiis Laalush lagu kala iibsaday.

Waxaa xusid mudan in Warqadaas hoos galiska ah la qoray intii uu Wasiirka

Arimaha Dibada ee Jabuuti uu Kenya joogay, waana Warqadii markii ay

Cabdiqaasim iyo Muuse suudi ay ku qanceen, keentay in ay Shirka ka soo

qaybgalaan sidaas ayeyna u ahayn Warqadaas wax lagu heshiiyey ee ay u tahay

wax la isu hoos galiyey.

Maxaa ka dhashay khayaandaa dhacday.

Waxa dhumay kalsoonidii lagu qabi karo in ay shirka ka dhacdo dooro hufan

oo laalush iyo wax is dabo marin ka banaan waxaana cad in ay haddeerba ay

soo bexeen in qofka madaxweynaha noqonaya ay ku xiran tahay jeebkiisa iyo

dhaqaalaha uu haysto.

Waxana sidaas ku dhumay kalsoonidii shirka loo qabay ilayn xalaal dharaar

baa la qashaaye.

Xisaabta caano layda ee carte iyo kenya.

Shirkii Carte waxaa lagu xiisaabtamay Xisaabta Caanoteelka oo ah haddii aan

wax dhisno Aduunkuna taageero waxaa suurto galaya in Wadanka la hantiyo waxa

kale oo la iska dhaadhiciyey in ay Warbaahintu Beesha Cabdiqaasim sida BBCda

Laanta Afsomaliga iyo IRIN inay keenayaan in Aduunku si Indho laŽaan Carte u

aqoonsado, laakin waxa cadaaday mudo ka dib in aan xisaabtaa Dowlad lagu

dhisikarin oo Aduunku uuna maal galinayn Dowlad aanay Dadkeedu rabin oo aan

taageero Dadkeeda ka haysan, taas yaana keentay in Dowladii Carte lagu soo

dhisay ay noqoto Had Geed waayey. Wadamadii markii uu shirku socday horey u

taageereena markay arkeen in Shirka la marin habaabiyey ayey goŽaankoodii

dib u laabteen.

sida hadda shirka kenya ka muuqatana waxa cad in uu shirku khaladii hore mid

la mida ah dhex dabaalanayaan oo ay warbaahinta cabdiqaasim oo aan halbeeg u

noqon karin rabitaanka shacabka somaliyeed ay cabir ka qaateen oo ay

iloobeen in BBCdu laanta afsomaliga iyo IRIN kalsoonidii lagu qabay dadka

badanaa ka dhimatay iyo in beesha caalamku aanay qofna ku khasbi karin in uu

qaato heshiis khalad ah oo laalush lagu sameeyey.

Mustaqbalka dowlada laalushka lagu dhise.

Haddeerba waxaa dhinta rajada laga qobo in ay Shirka wax ka soo baxaan mar

haddiiba ay wax is dabo marin iyo Laalush uu meesha soo galay waxaan jira

haddeer Hogaamiyaal Wadanka awood ku leh oo Shacab badana taageersan yihiin

oo Shirku siduu u socdo ka biyo diidsan.waxayse arintu ka sii daraysaa

markii ay doorasho dhacdo oo ilayn Hal booliya Nirig xalaal ah madhashee Qof

Laalush ku soo baxay la doorto, taas oo iyana keenidoonta in ay Qaarka kale

Shirka ka biyo diidaan, sidaas ayey waxa Kenya lagu dhoodhoobay ay ku noqon

doonaan Had Geed waayey sidii Carte.

Beesha Caalamka iyo sida ay u dhaqmidoonaan

Beesha Caalamka ee Shirka joogaan waxay u dhigmaan, Dad xaflad aroos ah ka

soo qayb galay oo markii ay Xafladu dhamaatana midba meel aadayo waxaa la

isaga kala tagayo waa Arooska iyo Aroosada waxaana cad in boqolkiiba 99%

Dadka Arooska ka soo qayb galeen in aanay Khilaafadka danbe ee Arooska iyo

Aroosada ka dhex dhaca aanay shaq ku yeelan doonin. waxaa intaa dheer iyaga

oo Beesha Caalamku dano kala gadisan kala leh oo aanay dhexdooda heshiis

ahayn, taas oo keenidoonta in markii uu markale Somaliya Dagaal ka qarxo in

beesha Caalamku la kala safato.

Haddaba waxa laga rabo in Dowlada la dhiso ay hirgaliyaan oo dhidibada u

taagaan waa Somali haddeer sida muuqatana waxaa Shirkii raraya Wadamo aan

noo furidoonin sidii Carte Jabuuti u rartay, laakin meel ay ku furto ay u

wayday.

Waxaa intaas dheer hubaalna ah in tan iyo intii ay soo baxday wax kala

wareejinta shirka ka dhacday, in Shaki laga qabo sida kenya doorasho xalaal

ah oo laalush ka maran uga dhicikarto, taas oo wixii la dhisaba dharbaaxo ku

noqon doonta.

Handadaadaha kenya.

Haddii aanu qafaal iyo Qof iska xir ahayn Handadaada Kenya Qiil iyo qaanun

midna ma haystaan, maxaa yeelay waxaa Maxkamad in la saaro ay tahay Ragii

Shirku Sanadka u qafaalnaa iyo kuwa Laalushka ka qaateen ee Shirka xanibeen

waxaana hubaal ah in sida Kenya ay Qaanunka uga aradan tahay aanay Beesha

Caalamku Qaanunka uga aradnayn oo intii laalush la siiyo aan Dadka ii xir la

dhihikarin.

Haddalka gunaanigkiisa.

Wali Qabyo waa halkeedii, Shirkii ugu dheeraa ee Somali loo qabtana Shindhaf

buu ku dhintay.

_____________________________________________

Af wax cunay xishoo waa Xaalada Kenya hadda haysata

Tan iyo intii uu Maxamed Cabdi Afay Xamar tagay oo la rumaysan yahay in ay

Cabdiqaasim gacan kala gaartay waxay IGAD iyo Kenya iyo waliba Beesha

Caalamku noqdeen Mindi saawir ah oo aan wax goyn karin waxayna Dowlada Kenya

ku dhaqantay sida ooraahda tiraa ,, Af wax cunay xishoo" gaar ahaan markii

la fiiriyo sida ay ula dhaqantay Ragii uu Shirku Sanadka u qabirnaa oo ay

cadahay in Dowlada Kenya aanay dhinacooda Qori ka jabsan karin waxaana taas

ku tusaya.

1. Maxay Dowlada Kenya Ragii Shirku Sanadka dhan u qabirnaa u handadi

weysay.

2. Maxay Hashiisyadii hore ee la saxeexay u tixgalinweysay.

3. Maxay Ragii Heshiiskii hore diidanaa ay talaabo uga qaadiweysay.

4. Xagee bay jirtay Awooda hadda Wasiirka Arimaha dibada ee Kenya ka

muuqata.

Timir Lafbaa ku jirta waxaase hubaal ah in Qofkasta oo Somali ah oo yaqaana

Kenya uu garankaro meesha uu ka yimid Dhaqankaa Maangadka ah iyo labo

Wajiilenimada ah ee ay Dowlada Kenya ku dhaqmayaan maxaa yeelay waxaa cad in

Kenya markii ay Cabdiqaasim iyo Suudi ay wax diidaan aan Dowlada Kenya wax

war ah laga maqlay ilayn arintu waa Af wax cunay xishooye, markii ay Madaxda

kala Warqadaha hoos galiska ah ee ay Dowlad Kenya Madaxdeedu u hoos galiyaan

diidaan ay kenya Miciyo Libaax la soo baxayaan.

War miyaanay la yaab lahayn in Kenya ay u soo maryo dhigto ragii Shirka

heerkan soo gaarsiiyey ee u soo dhabar adaygeen meesha ay kuwii Shirka

diiday ay dhoodhoobayso oo ay dhamaan waxay codsadeen u fulisay?.

Miyaanay taasi ku tusay in ay Suudi, Cabdiqaasim iyo Caato ay Shirka isku

halayn Sanad dhan uga maqnaayeen ilayn waxay ogyihiin in lama caanaanta

Caanihii daadshay oo haddii wax handadaad ah loo jeediyo ay MasŽuulin

waawayn oo reer Kenya ah Mansabkooda weeynayaan.

Haddaba ma beensan markaan maqlay Qoraaladii baa la kala badalay oo Dowladii

Kenya gaar ahaan Wasaarada Arimaha Dibada ee Kenya ayaa wax kala badashay oo

wixii lagu heshiiyey wax aan ahayn la timid waxaana cad in warqada ay

wasaarada arimaha dibada ee kenya ay soo gubiyeen uu yahay Qoraal si toos ah

Cabdiqaasim iyo Muuse Suudi u soo wada qoreen oo Wasaarada loo dhiibay

waxaana taas laga dheegan karaa Qaabka ay Waraaquhu u qoran yihiin waxaana

cad in Shirka iyo saxeexii 29kii bishii koobay ay ahaayeen Shirqool Laalush

lug ku lahaan maxaa yeelay

1. waahore ayaaba la heshiiyey ee maxaa Heshiisyadii hore loo hirgalinwaayey.

2. Ilayn Heshiiskii Madaxdu gaareen waxaa lagu soo qoray wargaysyada oo

Qodob Qodob u soo gudbiyeen ee xagee ka yimid qoraalka danbe

3. Waxaa Wargaysada lagu soo qoray oo la ogaa in Xasan Abshir saxeexayaasha

ku jiray ee maxaa Daqiiqadii ugu danbaysay Magaciisa meesha looga saaray.

Inkasta ay Wasaarada Arimaha dibada ee Kenya ay ku tashanayso in Warbaahinta

Cabdiqaasim sida BBCda Laanta Afsomali iyo IRIN oo uu Cabdiqaadim Walaalki

ka shaqeeyo iyo waliba Warbaahinta Xamar in ay runta buste aanay ka soo

bixikarin ku habsiinayaan iyo in ay Hogaamiyaasha sida Caruurtii u Cabsiin

karaan haddana waxaa hubaal inta aaanay Dadku wali jawaab u helin meesha ay

ka timid Dhaqanka labo Wajeelenimada ah ee Maangadka ah ee Dowlada Kenya ku

dhaqmayso in aan Shacabka Somaliyeed laga gadikarin Dowlad booli ah, ilayn

Hal booli ah Nirig xalaal ah ma dhashee.

Waxaana xusid mudan in ay Warbaahintaasi Cartaba sidaas iyo si ka badan u

buunbuuniyeen laakin wixii ka soo baxay Carte wuxuu ka gadmiwaayey Shacabka

Somaliyeed oo Cadaalad dareen leh oo aan u dulqaadan karin wax is dabo

marin. waxaa hubaal ah in Shirka Kenyana uuna Somali ka gadmidoonin, maxaa

yeelay waxaa haddeerba dhumay kalsoonida lagu qabikaro doorasho Kenya ka

dhacda iyo sida ay Xalaal u noqonkarto Doorashada Kenya ka dhacda iyada oo

haddeer loo jeedo in ay dowlada kenya Waraaqaha is dabo marinayaan.

Haddaba waxaa cad in Shirkii Kenya ka socday uu ku caraabay Wadadii ay

mareen Shirkii Carte oo Shirqool, Jujuub, Laalush iyo Warbaahin been afuufta

lagu dhisay, laakin Runtii ku turunturoodeen oo ku kufay.

Waxaa hubaal ah in Dowlada Kenya lagu dhoodhoobi rabay ay Curdankii ku

dhadheen oo Dowlad meeshaa lagu soo dhisay aanay Somali ka hirgalayn maxaa

yeelay Saqaaro qoor qabad Biyo kuma cabto. Sidoo kale Somali Dowlada Laalush

lagu dhisay sidii Carte laguma qasbikaro, xataa haddii Caalamkoo dhan

aqoonsado.

Marka Dowlada Kenya siday doonto arintu ha ka noqotee waxa hubaal in ay ku

khaldameen Handada maxaa yeelay haddii Somaliya Maxkamad Aduunka ah la

saarayo waa horta in laga bilaabo kuwa sida Diirtii Dalka iyo Dadkiiba u

diirteen, Shirkuna Sanad dhan u qabirnaa. waxana hubaal ah haddii aanay

Kenya Muuse Suudi iyo Cabdiqaasim oo Sanad dhan Shirku u afduubnaa Maxkamad

aanay saarin, in aanay Cid kale Maxkamad saari karin haddii ay taasi

dhacdana waa dhaqan Laalush qaate iyo qafaalasho aan Qaanun haysayn.

Waxaana fiicnaan lahayn in ay Kenya marka hore Maxkamad soo saarto Raga

Laalushka qaateen ee Warqadaha kala badaleen iyo Ragii Sanadka dhan Shirka

ragaadiyeen haddii kale Handadaadeeda waxaa loo arkayaan in uu Laalush

keenay, taas oo sii abuuraysa Shaki ah: sidee Cadaalad ku noqonkartaa

Doorashada Kenya ka dhacaday mar haddii Arintu Kenya haysata tahay Af wax

cunay xishoo.


[Column]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:08 AM. Webmaster HomePage