19 May 2007 04:16

SOMALIA WATCH

 
Column
  • Title: [SW Column] ( Courtesy AllPuntland) ASSIYAASA WIC - Maxay Tahay Shirkadda Al-barakaat ?
  • Posted by/on:[AAJ][10Sept 01]

Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.


ASSIYAASA

Maxay shirkadda Al-barakaat uga qeyb gashay qabsashadii hoggaamiye kooxeedka beesha Ceyr ee Kismayo 7/8/2001.

Marka ay isa soo tareen wararka sheegaya iney ciidamada Al-Barakaat & tiknikadooda ay ka qeebqaateen qabsashada Kismaayo, oo ilaa & haddana ay ku suganyihiin Gegida diyaaradaha Kismaayo, ayaa Xisbiga Shacabka Waamo “Wamo People Party” u xilsaaray:- Wamo Intelligent Department, waaxda loo tababaray dabagalka bangiyada & shirkadaha xawaaladaha waxayna soo diyaariyeen warbixintan:-

1)     Xafiiska Al-Barakaat ee Nairobi, dalka Kenya waxaa mas’uul ka 4 qof oo ay qaraabo la ah guddoomiyaha shirkadda Axmed Cali Jimcaale, waxeyna kala yihiin (b) Maxamud Jimcaale Cawaale – gudoomiye (t) Bashiir Cali Jimcaale (j) Nuur Yuusuf Diini (x) Xasan Cali Cusmaan.

Afartaan waxey si wadajir ah ugu shaqeystaan lacagaha ammaanada ee shirkadda loo dhiibto oo hadda inta ay hayaan lagu qiyaasay 1milyan & bar oo ay leeyihiin qaxooti doonaya iney isboonsar ku iibsadaan ama ay ku dhoofaan iyagoo adeegsanaya waddada isxambaarka & ganacsato aan nidaamka dalka Kiinya aan waxba ka aqoon.

Lacagahaas waxey badeeco kaga keensadaan Baankook & Dubaay, dekadda Kismaayo ayaa laga soo dejiyaa ama Marka, dabadeed gawaari ayaa lagu soo qaadaa oo waxaa la soo gudbiyaa magaalada Nairobi iyagoo kala fakada  canshuurta Waaxda canshuuraha ee dalka Kiinya, dabadeed waxaa badeecaddaasi lagu iibiyaa dukaamada ku yaal dhismayaasha:- (1) Mubaarak (2) Amco (3) Al-Amiin & kuwo kale oo ay weli baaris ku socoto.

Markey 4 taasi maqleen inuu isbaheysiga SRRC uu kusoo siqayo Kismaayo ayaa waxey go’aansadeen iney ganacsigooda waddada uu soo maro & dekadda uu kasoo degaba ayaan gacantooda ka bixi sidaa awaadeed waxey ku wargeliyeen xarunta maamulka Al-Barakaat (Dubaay) iney lagamamaarmaan tahay iney ciidamadooda & tiknikadooda ay ka qeebqaataan dagaalkaasi.

Haddaba su’aasha isweydiinta leh waxa weeye waa iyaga sheegtee iney yihiin wadaaddo Al-Itixaad ah yaa u banneeyey iney ku ganacsadaan hanti ammaano loogu dhiibtay? Yaase u banneeyey dhiigga Muslimiinta iyo dhulboobka?!!!!!

Dadka ammaanada u dhiibtay ma ka warqabaan in lacagtooda ay halis ku jirto oo lagu ganacsado iyagoo aan ogolaansho la weydiisan? faa’iidada ka soo baxda lacagtooda hub lagu iibsado si dad Muslimiin ah loogu laayo?!!!!!!!!! 

4ta qof aynu ka soo sheekeynay waa dad ceynkee ah

1)     Maxamed Jimcale Cawaale:- waxaa ku dhacay xanuun qabsiimada ka xiray, oo si quman cunnada uma qaadan karo.

2)     Bashiir Cali Jimcaale:- waxaa isna ku dhacay gaastariikada nooca ugu xun.

3)     Xasan Cali Cusmaan:- waxaa ku dhacay dhiig kar.

4)     Nuur Yuusuf Diini :-waxaa ku dhacay sonkorow

Guddoomiyaha guud ee shirkadda Axmed Cali Jimcaale wuxuu isna qabaa sonkorow & dhiig kar. 

4tooda da’dooda waxey u dhaxeysaa 35jir ilaa 45jir, waxaa xanuunadan ugu wacan hantida ay u hayaan Bin Ladiin oo waxey kasoo saaraan oo faa’iido ah lagu iibiyo waxyaalaha qarxo & hub aadanaha ciribtira & dulmiga ay ku hayaan qaxootiga u dhiibtay amaanada oo ay si xun ugu tasarrufaan. 

Mid kastoo iyaga ka mid ah wuxuu ugu yaraan qabaa laba xaas, xaas kastana waxay dejiyeen guryo kiradoodu tahay 30,000 Ksh oo ku kala yaala xaafadaha Pangani, South C iyo South B. Xaas kasta waxay leedahay gaari u khaas ah iyo wade u gaar ah oo mushahari ah, afartooduna waxay kala wataan gawaari qaali ah sida Marsheedis, Range rover IWM.

Faa’iidada shirkadda ay ka helaan.

Boqolkii doollar oo la xawilayo markey shirkaddu cusbeyd waxaa laga faa’iidi jiray 10% oo loo qeybiyo 3 geesood, Tusaale:- Nairobi, Addis Ababa iyo Dubaay. Marka 100 doollar laga xawilayo Nairobi, loona xawilayo Addis Ababa waxaa lacagta loo sii marsiiyaa xaruunta shirkadda ee Dubaay, waxay faa’iidada u kala qaadanayaan sidatan:- Nairobi 3 doollar, Addis Ababa 3 doollar, Dubaay 4 doollar.

Markii ay shirkaddu ballaaratay 100 kii doollar waxay ka faa’iiddaa 5% oo loo qeybsho sidatan tusaale:- Nairobi US$1.5, Addis Ababa US$1.5 & Dubaay US$2.

Xafiisyada xawaaladda Al-Barakaat ee Afrika waxaa la taliye u ah:- Salaad Jimcaale Cawaale oo ku magacdheer Salaad Askari oo ka mid ahaan jirey ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya, kadib markuu la soo fakaday hanti uu xoogga dalku lahaa toddobaatameeyadii ayuu degay Mombasa dalka Kenya, wuxuuna halkaa ka furtay garaash iyo shirkad lagu magacaabo (Awale Transportation Company Ltd).

Bayaankii hore markuu soo baxay ayaa Nairobi looga yeeray si uu talo uga siiyo waxay ka yeelayaan ustaad Xuseen Cali Cilmi oo ka mid ah soo saarayaasha Assiyaasa, ugu dambeyn waxay isla garteen iney gaangis lacag siiyaan si ay uga takhalusaan. Inta badan lacaga Al-Barakaat waxay taallaa Barclays Bank.

Xawaaladaha Oromada dibadda

Taageerayaasha qurbaha ku nool ee Oromada ee dhaqaalaha ku taakuleeya jabhadaha Oromada ee la dagaashan dowladda Itoobiya, waxay taakulada u soo marsiiyaan shirkadda Al-Barakaat xafiiskeeda Muqdisho.

Fadeexad ku saabsan lacago la lunsaday

1)     Wakiilka Zaambiya ee Al-Barakaat wuxuu shirkadda ka dhacay lacag dhan US$25000.

2)     Wakiilka Rooma ee caasimadda Talyaaniga wuxuu dhacay US$40,000.

3)     Wakiilka xerada qaxootiga Kaakuma wuxuu dhacay 300,000 Ksh, sigaar ayuu geliyey dabadeed wuu ku khasaaray, hadda wuxuu joogaa xafiiska bartamaha Nairobi oo waa albaab fure.

4)     Wakiilka degmada Mooyaale ee dalka Kiinya Sheekh Muriiddi waxaa ku luntay lacag dhan 1,500,000 Ksh oo la mid ah = 15000 US doollar. Kadib markey burcad hubeysan u soo dhacday.

Hantida Al-Barakaat halkey ka soo jeeddaa? !!! Guddomiyaheeduna waa nin ceynkee ah? Halkeese xarun u ah?

§           Axmed Cali Jimacaale wuxuu ku dhashay magaalada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud, Soomaaliya. Qoyskiisa waa Duduble waxaa da’diisu lagu qiyaasaa 45jir ilaa 50jir.

Wuxuu ka qalin jabiyey dugsiyada sare ee Soomaaliya, dabadeed wuxuu u shaqo tagey bangiyadda magaalada Riyaad ee Sacuudi Caraabiya. Wuxuu ka mid noqday siddeetameeyadii ururka Al-Itixaad, magaalada Buurhakaba ayuu ka soo guursaday gabar Yaman-Soomaali ah, taasoo ku kalliftay in uu ka rukhseysto   bangiyada ku shaqeeya ribada.

Dabadeed Jamaaluddiin & Xaashi Weheliye ayuu xawaaladda u qaban jiray isagoo jooga dalka Sacuudiga ilaa ay ka dhacday dowladdii keligii taliyihii 26/1/1991.

§           Shirkadda Al-Barakaat, wuxuu aasaasay ka dib markay dhacday dowladdii Soomaaliya, waxay muddo 10sano ku dhowaad ah qabsatay 18ka gobol ee Soomaaliya ayadoo shaqooyinkeeda ay kala yihiin:

1) Xawaalad                  (2) Telefoonno (3) Internetyo (4) Shirkad Dhismo (5) Hey’ad tikidhada diyaaradaha iibisa IWM.

Makula tahay hantida ceynkaas ah in uu leeyahay qof shaqaale ahaa 26/1/1991? !!!

Jawaabtu waa maya, haddaba halkey lacagtaasi ka soo jeedaa? !!! Run ahaantii, waxaa lacagtaasi iska leh maalqabeenka Sacuudiga ee aad loo doonayo Usaama Bin Laden, oo intuu daganaa dalka Suudaan wuxuu xiriir fiican la sameystay ururka Al-Itixaadka, wuxuuna ahaa ninkii bixiyey fankii Itixaadku ay kula dirireen jabhadda SSDF Juun, 1992.

Axmed Cali Jimcaale, halkaa ayay isku barteen Usaama, wuxuuna u doortay in uu noqdo wakiilka hantida uu ku maal gashanayo Soomaaliya.

§           Xarunta Al-Barakaat, waxay ahayd Riyaad, Sacuudi Carabiya, oo markii dambe laga soo ceyriyay Axmed Cali Jimcaale, ka dib markey dowladda Sacuudiga ku tuhuntay in uu xiriir la leeyahay Usaama bin Laden, taasoo ay ugu wacneed markay dowladdu la yaabtay lacagaha faraha badan uu u kala dirayo waddamada dibadda. Wuxuu Axmed Cali Jimcaale dabadeed xarun ka digtay magaalada Dubay ee dalka Imaaraatka Carabta oo ilaa iyo maanta xaruuntiisa ah.

FG: WAMO Intelligence Department waxay diyaar u tahay in ay dalalka xiiseeya la dagaallanka hantida Bin Laden ay kala shaqeyneyso sidii loo tir-tiri lahaa maal gashiga uu gashaday dalka Soomaaliya oo ay Al-Barakaat wakiil uga tahay.

Tala bixin 

Taageerayaasha SRRC, Puntland iyo Soomaaliland ee ku nool dalalka Ingriiska iyo Mareykanka waxay tala ahaan usoo jeedinayaan iyagoo tixraacayo bayaan ay horay uga soo saareen Bangiga Burcadka isu baddalay ee Al-Barakaat. Waxay Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan kula talinayaan in ay iska kaashadaan ladagaalanka shirkada Al-Barakaat – oo hantida ay ku shaqeyso uu leeyahay Bin Laden, faa’iidada ka soo baxda loo adeegsado in lagu iibsado qoryo iyo hubka wax gumaado – habka ugu fudud ee looga takhallusi karo ay tahay sida soo socoto: –

1.       Jaalliyada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool in ayan wax lacag ah ku soo xawilan.

2.       Dadka lacagaha ammaanada horay u dhigtay xafiisyada Al-Barakaat iney sida ugu dhakhsiyaha badan uga qaataan hantidooda Al-Barakaat inta ayan mufallisin.

3.       Wakiillada Al-Barakaat ee dalalka dibadda iyaguna in ay la wareegaan wixii hanti ay u hayaan Al-Barakaat.

4.       Wakaallada Al-Barakaat ee tikidhada diyaaradaha iibisa in loo jaro xiriirka oo aan laga iibsan tikidhada Xajka, Cumrada iyo kuwa ganacsiga.

5.       Gobol kasta iyo Degma kasta in ay la wareegto qalabka teleefannada, Interneetyada, Kumbiyuutarada xisaabaadka iyo dhismayaasha ee Al-Barkaat ay leedahay.

6.   In ay Ummadda Soomaaliyeed ay isgaarsiiso meel ay joogaanba in ay Al-Barkaat ay tahay burcad maafiyo ah oo ayan mudneyn in la aamino, oo lala ganacsado.


[Column]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:04 AM. Webmaster HomePage