19 May 2007 04:16

SOMALIA WATCH

 
Column
  • [SW Column] (Dr.Ulusso ) NIN TOLKI YU’ SOO YIRI  IMA GARABEYSTO! :Posted on [15 Nov 2001]

Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.


NIN TOLKI YU’ SOO YIRI IMA GARABEYSTO!

November  15, 2001

Waxaa Qoray Dr. Abdi Ulusso  dr.ulusso@attcanada.net 

 

Waxaa la yaab noqatay in maanta Xasan Abshir Faarax ‘Waraabe’ loo magacaabay Ra’iisul Wasaare oo runti ah ruux aan u qalmin in mas’uuliyad saas u weyn in loo dhiibo, mana aha ruux wax ka qaban kara arrimaha gudaha ama kuwa dibedda. Inta waxaa u dheer Xasan Abshir Faarax inuu yahay ruux dambiyo badan ka galay Qaranka Soomaliyeed, ahna ruux gacan ku dhiigla ah oo dhibaato badan u geystay dad badan oo masaakiin ah iyo asagoo qiyaameeyay raggi ku jiray Jabhadi Soodaf  haddana asagoo jago ka haya Maamulka Puntland si uu u wiiqo kasoo baxsaday, ugu dambeyntana uu u fashilmo nidaamka Gobolladaas ka dhisan.  

Waa la ogaa inuu rabo inuu noqdo Ra’iisul Wasaare oo mar qaar asaxaab ay yihiin, marki uu hadda dibedda marayay  ay weydiiyeen sabata uu u rabo inuu noqdo Ra’iisul Wasaare wuxuu ku jawaabay “ waan ogahay meesha inaan Dawlad lagu hayn, oo xoogaaga Carabta laga helo la wada dhowrayo si jeebka loogu rito, laakin aniga jagadan ‘resumeygeyga’ ayaan ku daranaya inaan soo qabtay”. Marka waxaa muuqata inuu yahay shaqsi daneysta ah, aan ahayn wadani oo runti wax ‘qualifications’ ah oo caddeynaayo inuu u qalmo jagada Ra’iisul Wasaaranimada ayna jirin oo aan ahayn inuu ka dhashay reerka Darood ugu tira badan oo ah Majeerteen oo laga heli karo shaqsiyaad nadiif ah oo aqoonteedi leh kana bixi kara mus’uuliyadan weyn. 

Xasan Abshir, haddii aan taariikhdiisa dib u milicsano jagooyin kala duwan ayuu ka soo qabtay xukunki Maxamed Siyaad Barre ‘Af-weyne’ kuwaas oo kala ah: Duqa magaalada Muqdishu, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe iyo asoo Safiir Soomaaliya uga  noqday dalaka Jabaan iyo Jarmalka.  Waa jagooyin sare marka loo eego ‘world standard’, laakin waa jagooyinki ‘Afweyne’ oo wax ka soo qaad ma laha oo yaataqaan ayaa wax leyskugu dhiibi jiray ama cidi u soo fataasha ‘Afweyne’. Xasan Abshir wuxuu nolashiisa shaqada ka soo bilaabay, inuu noqdo Sarkaal Ciidamada Qalabka sida, laakin nasiibdarro ma soo dhammeysan tababarki leyli Sarkaalnimda oo wuu xannuunsaday waxaana ku dhacay cudurka feeraha gala ee afka qalaad loogu yaqaano ‘TB’ oo dib ayaa loogu soo celiyay Soomaaliya, kadibna wuxuu ahaan jiray xooghaynta Maxamed Siyaad Barre ‘Afweyne’ inti kacaanka ka horeysay. 

Xasan Abshir ma gaarayo karti iyo aqoon Cali Khaliif Galleyr ayadoo marki horeba qalad ay ahayd in loo dhiibo jagada Ra’iisul Wasaaranimada, waqtigiisina noqday fursad luntay. Laakin runti ma fiicneyn sida sharafdarada ah ee xilka looga qaaday Cali Khaliif Galleyr oo aan sharciga waafaqsaneyn, kadib marki uu Cabdiqaasim u adeeksaday Gola ku sheega Carte lagu soo dhisay. Qilaafka Cali Khaliif iyo Cabdiqaasim wuxuu salka ku haya lacagahi Carabta laga heli jiray oo leysku qabsaday meesha ay ku soo dhaceyso iyo cidda sarifeyso. Cali Khaliif wuxuu arkay in lacagihi maamulkoodi ay farahiisa ka baxeen oo wixi soo galay ay u dhammaadeen jeebka Cabdiqaasim oo dhibka manta Al-Barakaat haysta oo loo xayiray lacagaheedi, sababahaas aya keenay. Waxaa horay loo yiri “ MUKULAAL  MADAX DOOLI KAMA XAJISO” Cali Khaliif Galleyr iyo lacagna aragti ayaa ka dhaxeysa, lacagti ayoo arki waayay markaas ayuu isku dhax yaacay oo ay isqabteen Cabdiqaasim, qilaafkana meeshaas ayuu ka yimid.

Xasan Abshir Faarax waa ninki fashiliyay Jabhadi SODAF asagoo ‘Afweyne’ u shaqeynaayo, waa ninka manta u tafa xeytay inuu bur-buriyo Maamulka Puntland oo nabada ah, asagoo Cabdiqaaasim u shaqeynaayo kana abuuray xasilooni darro aan horay loo arag. Marka nin tolkiisi soo eryeen dhibaato awgeed oo kaligiis ah, muxuu Soomaali u qaban kara? 

Waxaana marna la iloobi karin dhibaatadi iyo xasuuqii  uu u geystay Abgaal marki uu aha Duqa magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe. Marki Duqa magaalada aha wuxuu sharciyeeystay inuu booboo dadka dhulkooda, oo waxaan xasuusana reer Cambuurshe dhul ay sharci u leeyihiin oo uga diwaan gashay Dawladda Dhexe inuu isku dayay inuu boobo, iska hor-imaadkaasna seddex qofood ku dilay. Inti uu Duqa magaalada aha wuxuu si sharci darro ah ku xiray asagoo ‘Afweyne’ isku haleeynaayo ku-xigeenkiisi Faraax Wehliye Caddow ‘Sindaco’. 

Xasan Abshir Faraax marki uu aha Guddoomiyaha Gobolka Sh. Dhexe wuxuu ku kacay falal xun oo dil ah, dhac iyo xarig oo uu u geystay dadka deggan Gobolka. Wuxuu ka dambeeyay qilaafki lagu hoobtay ee Abgaal iyo Gaal-Gale oo ah dad wada dhashay oo meel wada deggan, oo uu maanta mas’uul ka yahay dhibki reerahaas soo kala gaaray, iyo barakaca iyo qaxii Gaal-Gale. Waqtigi uu Guddoomiyaha ka aha Shabeellada Dhexe dad badan ayuu xabsiyada ku guray, hanti badan ayuu dad ka dhacay (i.e gawaari, xoolo, lacag) oo ciddi askartiisa ka baxsata ama ay u galiwaayaan, wuxuu soo xiri jiray haweenkooda, odayaasha iyo dadka maatada ah ee tabarta daran si uu u cadaadiyo. Xassan Abshir waxaa kale oo uu ku soo rogay Gobalka shabeelaha Dhexe hub urrurin joogta ah, iyadoo la xirayo ama la dilayo cidii aan awaamirtiisa qaadan. Waxaa kale oo iyana wax lala yaabo noqotay in uu soo saaray sharciyo caddaadin ku dhisan oo dadku isku iman karin, inuu yiraahdo rag odayaasha magaalada u dhashay oo ku soo gaaray magaalada 60 jir “ Magaalada uga bax muddo 24 saac gudahooda ah” oo ciddi fuleyn weyda oo uu u jaro ‘arrest warrant’ laguna xiro xukun deg-deg ah oo shan sanno ah. 

Waxaa dhacday nin la yiraahdo Cusmaan Beereey oo ah hadda madaxa Boliiska magaalada Jowhar, inuu Xasan Abshir amray in la soo qabtay waqtigi uu Gobolka haystay oo marki ay dhowr jeer dagaalo ay askartiisa qaaday ku guuleysan waayay ayaa wuxuu soo xiray xaaski uu qabay oo uur leh oo inti xabsiga loo waday ku dhashay baabuurka Boliiska ee eljiiga ah korkiisa .Arrintaasi waxaa ka dhashay dagaalo ay dad badani ay ku hoobteed, Cisman Beeray wuxuu markii danbe hogaaminaayeey dhalinyaradii muddullood ee ka cararay caddadintii uga timid shirqooladii uu Xasan Abshir maleegay wuxuuna kuna biiray jabhadihii hubeysnaa ee ka soo horjeeday xukunkii Maxamed Siyaad Barre ‘Afweyne’ ee Xassan Abshir Faarax iyo Cabdiqaasim Salaad Xasan ka mid ahaayeen ilaa ay ka dhacdo. 

Haddaba ninka intaa oo dinbiya ah loo heysto, inuu yiraahdo Ra’iisul Wassare ayaan noqonayaa caqliga ayaa diidaya, oo waxay ahayd ummaddiisa inu kudhax dhuunto, laakiin wuxuu ka helo yuusan waxba naga siin, iloow dhowa ama umula. Waana qaba wax kastaba ha lagu iloobo si waddanka loo labadbaadiyo, laakiin arrinta Xassan Abshir mid la hilmaami karo maaha mana dhaceyso in aynu hilmaano, Cabdiqaasismna ilaalintiisa ayeey uga dhammaaneysa muddada yare e u hartay, wax uu u qabto iska dhaafe. Dad badan oo aqoon siyaasadeed leh, karti leh oo shaqsiyad fiican ayaa ka buuxa Majeerteen. Marka looma baahna nin daneysta ah oo aan sharaf lahayn oo iska dhex fadhiisanaaya meel kasta sida daqsiga.  

Marka Cabdiqaasim, haddii uu ku xisaabtamaayo in Xasan Abshir Faarax, Sacad iyo Majeerteen ku soo xiri doono maamulkiisa ama in la abuuro wax wada qabsi Haber-Gedir iyo Majeerteen oo fikrad Sacad ah waxba uma kordhineyso dhib hor leh ineey abuurto ma ahine. Ayadoo marki hore ahayd gaf weyne iyo meel ka dhac loo geeystay Muddullood maamulka Carte lagu soo dhisay, waxay si gaar ah oo lafa dhaan iyo meel ka dhac  ku tahay Cali Mahdi Maxamed oo taagyeeray maamulka Carte una suurta geliyay intaan inuu soo gaaro. Waa nasiibdarro, in la yiraahdo Cali Mahdi Maxamed taagyeer ninki shalay walaalaha dilaayay, xabsiyada ku guraayay, xoolahoodana dhacaayay. Marka waxaan kula  talinayaa Cabdiqaasim Salaad Xasan inuu hurdada ka kaco, ka fa’ideeysto fursada qaaliga ah uu u haysto, oogaado meesha inaan Dawlad oolin, madaxnimada uu sheeganaayana waxba ka jirin dalka uu xakumo inuu jirin, oo si loo samata bixiyo dalkaan loo baahan yahay Soomaali ineey isku timaado ayaheedana ka wada xaajooto, ayadoo sharuudo lagu xirin.


[Column]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:04 AM. Webmaster HomePage