Skip to content
June 14, 2026 Independent newsroom RSS

Beeneey Waa Run

Step One: Praise Al-Qadhafi, the equal opportunity benefactor extraordinaire

 

Somali president hails Al-Qadhafi’s policies; supports African unity BBC Monitoring Service – United Kingdom; Dec 2, 2000

Text of report by the Libyan news agency Jana

Tripoli, 2nd December: The president of the Republic of Somalia, Abdiqasim Salad Hasan, valued highly the pioneering role by the brother leader of the revolution [Mu’ammar Al-Qadhafi] to unite Africa.

In an interview with the [Libyan external radio] Voice of Africa, he hailed the brother leader’s efforts in establishing peace and restoring concord to Somalia, in particular, and settling conflicts in the African continent, in general.

Hasan announced that his country had approved the statutory law of the African Union, stressing that the need to establish a united African grouping is warranted by current international developments.

Moreover, the Somali president stressed that the French judge’s attempts at implicating the brother leader of the revolution in a case with which he has nothing to do were part of imperialist conspiracies targeting the great 1st September revolution and its leader.

Source: Jana news agency, Tripoli, in Arabic 1145 gmt 2 Dec 00

_________________________________________________________________________________________

Step Two: Tell Bold-faced lies

The following are excerpts of the interview published by the Mogadishu newspaper ‘Ayaamaha’ on 6th December

[Newspaper intro] The “president” of the republic of Somalia, Abdiqasim Salad Hasan, yesterday before his departure [for Mogadishu] gave an interview to RTD. This is how the interview went:

[RTD reporter] How was your visit to some of the states in the world?

[Abdiqasim] The visit was blessed and ended in an atmosphere of understanding. On the diplomatic front, it resolved the issue of international recognition [of the new Somali government].

Agreements were also reached to improve bilateral relations.[passage omitted: On Islamic Conference in Qatar and pledge by Islamic states to support Somalia’s reconstruction] Ties with Ethiopia

[Q] Could you give us more details about your visit to Ethiopia?

[A] Ethiopia is one of those countries that have an interest in the affairs of Somalia and was one of the first countries that supported the Arta conference. In fact, its prime minister attended it. However, some people who are bent on misleading gave them the wrong impression.

My discussions with them [Ethiopians] was frank and we reached an agreement to establish a relationship based on mutual cooperation. We will also send a delegation to them soon. [passage omitted: visit to Yemen, issue of Somalis entering Yemen illegally, refugees immigrants]

Factions want parliament enlarged

[Q] There were some Somali faction leaders in Yemen recently, did you meet them?

[A] The Yemeni leader is working to reconcile the Somali people. And although I did not meet the faction leaders personally, I know they proposed that the parliament, which now has 245 MPs, should be expanded.

I told them that this was a matter beyond me and only the parliament could decide that. I suggested to incorporate them into the government and integrate their militias [presumably into the proposed national army], but they refused to accept all these suggestions. We will however continue our contacts with them. [passage omitted: On regional body IGAD summit in Khartoum]

Outcome of visit to Libya

[Q] You also visited Libya, what did you discuss with the Libyan leader?

[A] We discussed many issues with the Libyan government, especially how to reconstruct Somalia.

The Libyan government promised to help improve Somalia’s telecommunication and media infrastructure. They promised to revive the national TV. They also agreed to buy Somali livestock.

Also while I was Libya, I help seperate talks with the Italian and the Libyan governments and we reached an agreement to convene a three-way meeting. Leaders of Somaliland, Puntland refused to go to Libya

[Q] Did you meet the Somali faction leaders in Libya?

[A] The Libyan leader has been making efforts to try and bring us and those faction opposed to us together. Indeed, the Libyan leader has worked tirelessly in this regard.

He sent special aircraft to fetch [Somaliland president Ibrahim] Egal and [Puntland president] Abdullahi Yusuf, but unfortunately they refused. However, I managed to meet [Hasan Nur] Shatigadud [leader of the Rahanwein Resistance Army] in Tripoli. Despite the fact that this meeting was not face-to-face, yet we were able to communicate like people in a conversation.

______________________________________________________________________________

 Step Three: Leave the Rest of Disinformation to MogPress

C/Qaasim oo shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyadiisa

Maxamed Xaaji (Ingiriis) Muqdisho, Soomaaliya E-mail: Ingiriis65@hotmail.com

Qaybtii 1aad

Waxa uu Madaxweynaha tilmaamay in labo arrimoodba ay dowladdiisa laabta ku haysay, taasoo ahayd wax ka qabashada arrimaha gudaha oo ah saldhigga arrimaha na hor yaalla, gaar ahaan xasilinta Muqdisho iyo wax ka qabashada arrimaha dibadda sidii looga aqoonsan lahaa dowladdiisa cusub, waxaana uu qirtay in waqti dheer ay qaadanayso wax ka qabashada arrimaha gudaha, isagoo sheegay in dhowaan ay safarro ugu amba bixi oonaan gobollada dalka wafdi ka socda dowladda iyo Golaha Baarlamaanka. “Waxay soo qiimeynayaan xaaladda gobollada, iyagoo dadka ka soo dhaadhicinaya barnaamijyada dowladda” ayuu yiri

Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxa uu xusay in dhinaca dibadda la soo dhammeeyey, beesha caalamkuna ay soo dhoweysay maamulkiisa, “bulshada caalamku way barakeeyeen dowladdan” ayuu yiri.

Mar uu ka warbixinayey ka qayb galkiisii shirkii dalalka Islaamka ee magaalada Dooxa ee dalka Qadar ayaa Madaxweynaha ku meel gaarka ah waxa uu tibaaxay in si rasmi ah loo soo dhoweeyey, dhammaan dadkii shirka ka hadleyna ay Soomaaliya u riyaaqeen ka soo qayb galkeeda muddo tobon sano kaddib.

“Waxaa shirka Islaamka laga magacaabay Guddi dalka Qadar uu madax u yahay oo ka kooban dalalka Malaysiya, Sacuudiga, Iiraan iyo Masar oo ka shaqeeya dib u dhiska Soomaaliya” ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad oo sheegay in dhowaan ay dalka soo gaari doonto kaalmadii ugu horreysay ee dalalkaasi ay soo fidiyaan, iyadoo dhowaan ay dowladda Qadar soo dirtay ayuu yiri wafdi arrimahaasi indha indheyn ku sii sameeya. Intii uu ka qayb galayey shirka dalalka Islaamka ayuu sheegay inuu kulan dheer la yeeshay Madaxweynaha dalka South Africa, Thapo Mbeki oo isagu shirka uga soo qayb galay marti ahaan. “Waxaan isku afgarannay in iskaashi dhex maro Soomaaliya iyo South Africa” ayuu yiri.

Waxaa kaloo uu sheegay inuu sidoo kale la kulmay Ra’iisal Wasaaraha dalka Malaysiya, Mahathir Maxamed oo noo caddeeyey ayuu yiri inuusan naga hagranaynin wixii taageero ah ee aannu uga baahannay dhinacooda.

“Waxaan kaloo la kulannay wafdi ka socday dalka Sacuudiga oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Amiir Sacuud Al-Faysal oo noo soo gudbiyey hambalyadooda ku aaddan dib u dhalashada Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad oo tibaaxay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) uu hadda ku sugan yahay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, halkaasna uu wada hadallo kula leeyahay dowladda Sacuudiga, marka uu dhammeystana uu booqasho rasmi ah ku tegi doono dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha dowladda ku meel gaarka ah, isagoo ka hadlayey safarkiisii dhinaca Itoobiya, waxa uu sheegay inuu ahaa safar guul ah. “Daraf ilaa daraf ayaan xuduud la leennahay dowladda Itoobiya” ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad oo carrabka ku adkeeyey inay lagama maarmaan tahay in dowladda Itoobiya lala yeesho xiriir sokeeye maadaama ay la leedahay Soomaaliya xuduudka ugu dheer. “Annaga iyo Dowladda Itoobiya waxaa naga dhex shaqeynayey kooxo war xuma tashiil ah oo been ka fidinayey aniga iyo dowladdaba, arrintaasina mugdi badan ayay keentay, waxayna abuurtay kala shaki” ayuu yiri Madaxweynaha oo caddeeyey in wixii hadda ka dambeeya ay Itoobiya garwaaqsatay inay ka shaqeyso wixii ay ku jirto midnimada Soomaaliya.

“Safxad cusub ayaannu dib u furnay annaga iyo Itoobiya” ayuu yiri.

Mar uu soo hadal qaaday booqashadiisii dalka Yemen ayuu sheegay in Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax uu isku dayey inuu heshiis ka dhex sameeyo isaga iyo hoggaamiye kooxeedyada ka soo horjeeda maamulkiisa, waxaase Madaxweynuhu uu tilmaamay in hoggaamiye kooxeedyadu ay dhegaha ka fureysteen in heshiis la gaaro.

“Waxay soo jeediyeen lix qodob oo mid uu yahay in Baarlamaanka la kordhiyo, in 25-ka xubnood ee Golaha Wasiirada la kordhiyo, in maliishiyooyinkooda loo howlgeliyo, in dadkooda loo shaqaaleeyo, in cafis guud la isu fidiyo iyo inaan dib loo raacin wixii horay u dhacay” ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad oo qirtay inuu aqbalay dhammaan qodobbadaas, laakiinse uu ka diiday in la kordhiyo Baarlamaanka. “Cid beddeli kartaa ma jirto ayaan ku iri” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in markii dhex dhexaadin dhabarka looga jabay ay gashay dowladda Yemen kaddib ay diideen hoggaamiye kooxeedyadu inay saxiixaan heshiiska ay qodobaddiisa iyagu soo bandhigeen. “Waxaan u aragnay inay ula jeedeen markii horeba carqalad” ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad oo qeexay in wada hadallada iyo xiriirrada ay la sameynayaan hoggaamiye kooxeedyada ay sii socon doonaan.

“Kama caajisayno inaannu la hadalno” ayuu yiri “mar walba irduhu way noo furan yihiin.”

________________________________________________________________________________________

BEENI RAAD MA LEH: Exposing the Lies

PUNTLAND’s VERSION

 

Somali Factions to Meet in Libya

Galkaio, December 3, 2000 (PUNTIN) The leader of the Libyan government, Col. Muammar Al-Ghadafi, is trying broker peace among the Somali factions as a part of his efforts to unite Africa under the banner of “Union States of Africa”.

Libya invited the self-styled interim president, Abdiqassim Salad Hassan, the leader of Puntland State, Col. Abdullahi Yusuf, the leader of the secessionist Somaliland, Mohamed Ibrahim Egal, and the Leader of RRA controlling Bay and Bakol Regions, Mr. Mohamed Hassan, better known as “Shatiguduud”.

According to reliable sources, Col.Ghadafi is expected to request the leaders of Puntland, Somaliland, and RRA to participate in the Arta-installed government in order to achieve a comprehensive solution to the Somali problem.

 Col Abdullahi Yusuf was offered the Prime Ministerial post in Djibouti Reconciliation concluded two months ago, while Egal was offered to be the president of the new government. Both declined the offer for different reasons. Somaliland leaders has been adamant on secession from Somalia, while the Puntland leader accuses Djibouti to have hijacked the Somali peace process and installed an illegitimate “Arta Faction” without the mandate of the clan-based Somali political groupings.

Many factions that initially supported the Arta reconciliation outcome withdrew their support later, the most prominent of which is the RRA leader, Mr. Shatiguduud.

The Arta Group, named after a resort town in Djibouti where it was proclaimed, was elected by 270-strong delegates from different parts of Somalia.

These delegates, however, were accused of not having the mandate of their respective regions or clans.

The Puntland Parliament called for an extra ordinary session last week to deliberate on Libyan invitation to talks with the leader of Arta Faction. Later reports add that Puntland declined the Libyan request to attend the meeting on the grounds that Libyan has taken sides in the Somali conflict. The RRA leader has arrived Libya on Saturday this week.

It is not clear however whether Mr. Egal of Somaliland would attend or not.

According to Somali political analysts, the Libyan efforts will end in failure, because neither the Arta faction is not expected to yield in the demand that it renounces the mandate it claims, nor the other political groupings are expected to recognize the Arta Faction as a legitimate Somali government.  

http://www.puntin.org/

___________________________________________________________________________________________________________

BAYDHABO’s VERSION

Kulankii uu soo qaban-qaabiyay hogaamiyaha dalka Libiya Col: Qadaafi oo fashil ku dhamaaday

BAYDHABO Dec 5, 2000 (BP)- Kulankii ay soo qaban-qaabisay dowlalda Libiya oo la filayey in ay ku kulansiiso hoggaamiyayaasha kooxaha Somaaliyed ayaa fashilamy ka dib markii ay qaar badan oo ka mid ah aysan ka soo qeybgalin.

Wararka aan ka helnay Libiya ayaa sheegaya in hoggaamiyaha dalka Libiya uu isku dayay in uu kulansiiyo hoggaamiyaha kooxda CARTA Md. C/qaasim Salaad Xasan iyo hogaamiyaha RRA Md.Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] taas oo uu Col: Qadaafi ku guul daraystay ka dib markii uu Shaargaduud diiday in uu la kulmo C/qaasim iyada oo uu Col: Qadaafi uu dadaal badan u galay kulansiinta labada hoggaamiye.

Dhinaca kale wafigii uu hoggaaminayey Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada BAYDHABO waxaana ay saxaafada u shegeen in ujeedada socdaalkoodu u la xiriray martiqaad ay dowlada Libiya u fidisay balse aysan ku talo gelin in ay la kulmaan hoggaamiyaha kooxda CARTA C/qaasim waxay kale oo shegeen in ay dowlada uu madaxda ka yahay Col: Qadaafi ay u cadeyeen in ay joojiso kaalmada ay mar walba siiso kooxaha cadowga ku ah nabada iyo xasiloonoda degaanada iyo shacabka Somaaliyeed.

(Baydhabo Press)

____________________________________________________________________________________

Ethiopia’s Version

(UN-IRIN) ETHIOPIA-SOMALIA: “Serious concern” over Somali government NAIROBI, 6 December (IRIN) – The Ethiopian government has not officially recognised the new interim president of Somalia, Abdiqasim Salad Hasan, and is concerned over the lack of contact between the new president and opposition faction leaders. Ethiopian officials told IRIN that there was “serious concern” over the new government, and that attendance of Abdiqasim’s inauguration in Djibouti by Prime Minister Meles Zenawi had been merely “a symbolic recognition of progress in the Somali peace process”.

Despite recent talks between the two leaders, the remaining concerns focus on Islamic fundamentalists and Abdiqasim’s failure to talk with the faction leaders, they said.

Ethiopian officials said the transitional government was “supported by and involved with Islamic fundamentalists”.

Abdiqasim had also “failed to engage with the established administrations [Somaliland in the northwest and Puntland in the northeast] and other faction leaders”, the officials said. Ethiopia “has not yet officially recognised the new government and recognition will depend on how the new leadership addresses these issues”, said the sources. Diplomatic sources told IRIN that the position of Ethiopia was “very worrying” and that it was “widely accepted and known” that Ethiopia continued to maintain troops inside southern Somalia.

______________________________________________________________________________________________

OSMAN ATTO’s VERSION

 

Arbaco 6-da  Disembar 2000.

XIDDIGTA BANAADIR   Cad. 585-aad   San. 5-aad    Bogga 2-aad

Cusmaan Caato…

Cusmaan Xasan Cali (Caato) oo dhowaan ku soo laabtay Muqdisho, ayaa shalay kulan kula yeeshay degaanka Dayniile hogga-amiye kooxeedka Maxamed Qany-are Afrax oo isna ka mida hoggaa-miyayaasha ka soo horjeeda dowladda KMG ah.

Labada hoggaamiye kooxeed ayaa ka wadahadlay xaaladda dalka gaar ahaan safarkii ugu danbeeyay ee dalka Yeman iyadoo Cusmaan Caato uga warbixiyay waxyaabihii uu la soo kulmay intii uu booqashada ku joogay magaalada Sanca ee dalka Yeman.

Warar ku dhowdhow kulankaas waxay sheegayaan in Cusmaan Caato uu sheegay inay ku guuleysteen olole ka dhan ah kooxda Carta oo ay beesha caalamka uga dhaadhiciyeen inaan wax taageero ah loo fidin maamulkaasi.

Cusmaan oo kulankaas kaddib hadlay ayaa sheegay inuu ka xun yahay taageerada Liibiya ay siineyso kooxda Carta, waa sida uu hadalka u yiriye isagoo yiri: “Dowladda Liibiya arrimaha Soomaaliya gacmaha haka nadiifsato, waxaan ka xunahay in koox is magacwday lagu soo dhoweeyo madaafiicna loo rido, kumana fiirsan karno faragelin Liibiya ku heyso arrimaha Soomaaliya.

____________________________________________________________________________________________________________

XIDDIGTA BANAADIR’s VERSION

Arbaco 6-da  Disembar 2000. XIDDIGTA BANAADIR   Cad. 585-aad   San. 5-aad    Bogga 2-aad

Shaatigaduud oo…

Wafdigii uu hoggaaminayay Col. Xasan Maxamed Juur (Shaatigaduud) ayaa ku soo laabtay magaalada Baydhaba kaddib markii ay booqasho ku tageen dalka Liibiya.

Wafdigan oo ujeedadiisu markii hore ahayd inay la kulmaan madaxda dowladda KMG ah ayaa suurageli weysay kaddib markii fashil ku yimid dadaalkii uu waday hoggaamiyaha dalka Liibiya Col. Mucamar Al-Qadaafi oo ahaa inuu dhexdhexaadiyo dowladda KMG ah iyo kooxaha ka soo horjeeda.

Col. Shaatigaduud ayaa la sheegay inuu dowladda Liibiya u gudbiyay qoraal eedeyn ah oo ka dhan ah Dr. C/qaasim, iyadoo uu diiday inay hor fariistaan xubin ka tirsan wafdiga dowladda KMG ah, waxaana fikrada Shaatigaduud la qaatay xubno ka mida golaha Baarlamaanka ee Digil iyo Mirifle.

Wararka ka imaanaya gobolka ayaa sheegaya in wafdiga natiijo la’aan ku soo laabtay magaalada Baydhaba, waxaana wafdiga Shaatigaduud hoggaaminayay ka mid ahaa Xildhibaanada kala ah: Cali Aadan Marguus, Maxamed Cali Xaamud Md. Aaden Maxamed Nur [Saransoor] iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade, wuxuuna wafdigu ka koobnaa 11-xubnood.

_______________________________________________________________________________________________

A Very Unsolicited Message from the Arta Faction.

No Means No!

From: SOOMAALIYEEY TOOS To: Somali Watch Sent: Tuesday, December 05, 2000 8:42 PM Subject: Wareegto (Revised) Mudane iyo Marwooyin, Salaan diiran ka dib, waxaa ku lifaaqan warqaddan wareegto ku socota dhamaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dibadda. Waxaad ka furi kartaa documentigan oo ah attachment barnaamijka “MS Word” Mahadsanid. Khadija Cossoble Cali Wasiiru Dowlaha Xafiiska Wasiirka 1aad.

KU: Dhamaan Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee Dibedda ku Nool.

Waxaa farxad weyn ii ah inaan idinla socodsiiyo in la sameeyay Xafiis Masuul ka ah Jaaliyadaha Soomaaliyeed sidii looga qayb gelin laha dib u dhiska Qaranka Soomaaliyeed .Xafiiska wuxuu masuul uga yahay dowladda :

1.

Sidii loo abuuri lahaa xiriir toos ah ee ka dhaxeeya Dowlada iyo Jaaleyadaha;

2. Sidii loogu wacyi gelin lahaa jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibedda ku nool had walba meesha uu maraayo dib u dhiska iyo dib usoo nooleynta Qaranka Soomaaliyeed

3. Sidii loo heli lahaa dariiq ay jaalyadaha ugu soo gudbiyaan dowladda fikradahooda iyo baahidooda ka dibna loo dersi lahaa siyaabaha ay dowlada wax uga qaban karto;

4.

Sidii loo heli lahaa hab ay jaaliyadaha Soomaaliyeed taageero maskaxeed iyo mid dhaqaale ugu fidin lahayeen dib u dhiska dalkooda.

Hadaba si arrimahaas kor ku xusan lo hirgeliyo, waxay dowladda rabtaa in la ay sameyso ololo lagu furaayo barnaamijka looguna  magac daray “Soomaaliyey-Toos”, Kaasoo aan rabno in jaaliyadaha meelkasto ay joogaan nagala qayb galaan. ololahaas waxaa  la qaban doona bishan December 9keeda saacada 20.00 saacadda Mogadishu.

Hadafka barnaamijka iyo ujeeddooyinkiisaba waxaan soo gelin doonaa Web Pageka dawladda www.somaligov.com marki uu dhamaado qoritaankiisa.

Waxaad nagala soo xiriiri kartaan, nooguna soo hagaajin kartaan wixii su’aalo ah ee aad qabtaan emailkaan: somaltoos @somalinternet.com. Tel.2521-218971.

Waxaan jeclaan lahayn inaad siisaan cinwaankooda jaaliyadaha kale ee aad garaneysaan si ay ayaguna noola soo xiriiraan.

Waad mahadsantahiin

Khadija Ossoble

Wasiiro Dawlaha xafiiska

Wasiirka 1aad