Feb 12 (HOL) – Dibadbax qalalaase wata ayaa hadda ka socda afaafka hore ee guriga uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho mid ka mid ah ganacsatadii muddooyinkanba soo daabacayey lacagaha been abuurka ah oo ah ganacadade Xuseen Goleey.
Dad caraysan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa ay gubayaan taayerro, waxaana gurigiisa u gudbaya qiiq, boor iyo sawaxan. Waxa ay dadku ku qaylinayaan “le’da adiga iyo carruurtaadaba.” Dad ku dhow dhow ganacsadaha. waxa ay ii sheegeen inuu gurmad weydiistay qaar ka mid ah ganacsatadii kale ee lacagahan la soo daabacatay oo uu ka mid yahay ganacsade Maxamed Cabdulle Deylaaf. Gurmadka ayaa la filayaa inuu si degdeg ah gurigiisa ku soo gaaro.
Dadka bannaanbaxa wada, waxaa ka mid ah Faadumo C/llaahi oo horey u soo kexeysatay lix carruur ah oo ay dhashay.
Iyadoo ilmo ay indhaheeda ka qubanayso, korna u qaylo dhaaminaysa ayaa Faadumo C/llaahi waxa ay inkaar iyo habaarba isugu daraysaa ganacsadaha oo isagu deggan magaalada gudaheeda, halka kuwa kale ay duleedka magaalada kala deggan yihiin.
Xuseen Goleey, waa qandaraas qaate ka lacagaystay sannadihii ugu dambeeyey hay’adda ICRC. Waxa uu ka mid yahay ganacsato fara ku tiris ah oo ku heshiiyey inay lacago iskood u soo daabacdaan.
Ganacsade Goleey, waa xubin ka mid ah ganacsatada taakuleysa dowladda KMG ah. Bishii Disembar ee sannadkii dhowaa waxa uu ka shaqeeyey inay isu soo dhowaadaan Madaxweynaha KMG ah Cabdiqaasim Salaad iyo hoggaamiye kooxeedka Xuseen Xaaji Bood.
Markii kulankoodu uu dhammaaday ayuu ganacsaduhu noo qaybiyey qoraalkii ay sida wadajirka ah u soo wada saareen dhinacyadaas. Ra’iisal Wasaaraha dowladda KMG ah, Dr. Cali Khaliif Galayr ayaa dorraad noogu sheegay shir jaraa’id in haddii ay soo caddaato inay lacagtan leeyihiin Maxamed Cabdulle Deylaaf iyo Xuseen Goleey ay dowladdu qaadanayso mas’uuliyadda lacagtan iyo sicir bararkaba ah.
“Haddii labada ganacsade ay ku lahaadaan lacagta qayb yar ama 20% iyo wixii la mid ah mas’uuliyadda dowladdu ma laha” ayuu yiri Dr. Cali Khaliif Galayr oo sheegay in intii ay lacago been abuur ah soo daabacan lahaayeen dad iyaga mucaarad ku ah ay u dhaanto inay soo daabacaan dad ay qaban karaan, waa sida uu hadalka u dhigaye. Dhanka kale, waxaa maanta magaalada Muqdisho tiigsaday meeshii ugu sarreysay qiimaha doollarka Mareykanka. 100-ka doollar ayaa waxaa lagu sarrifayey suuqa weyn ee Bakaaraha 1,540,000 oo shillinka Soomaaliga ah. Cabdi Aadan oo ka tirsan dukaanka sarrifka doollarka ee Farayare ayaa waxa uu ii sheegay in sababta uu doollarku heerkaas u gaaray ay tahay iyadoo suuqa ay soo galeen warar sheegaya in ganacsatadii la timid lacagtu ay ku tala jiraan inay kuwo kale keenaan.
Dhaqdhaqaaqa ganacsi ee suuqa ayaa gebi ahaanba maanta oo dhan go’naa.
Dadka bakhaarrada leh ayaa suuqa gudihiisa waxa ay iigu sheegeen inay wax ku iibinayaan doollar oo ay joojiyeen shillin Soomaaligii. Sidoo kale, dadka ganacsatada danyarta ah ayaa waxa ay iyaguna niyad xumo ka muujiyeen wax ku kala iibsiga doollarka oo ay sheegeen inay tahay mid la degaysa dhaqaalahooda. Magaalada Muqdisho, dadku dhammaan, waxa ay ka xun yihiin imaanshaha lacagtan oo noqotay arrin ay dadku kaga soo horjeesteen dowladda KMG ah, iyadoo ay badatay mucaaradka ka horjeeda.
Dadku waxa ay afka ku hayaan madaxda dowladda iyagoo ku dhalleeceynaya inaysan u jiir naxaynin shacabkooda. Golaha Baarlamaanka KMG ah ayaa maalinta berri ah shir degdeg ah oo aan horey loo sii qorsheynin waxa uu isugu imaanayaa Hoteel Ramadaan, waxaana uu kaga hadlayaa arrinta lacagtan, iyadoo la filayo inay Dowladda KMG ah weeraraan.
Horey ayaa Guddoomiyaha Goluhu, Cabdalla Deerow Isaaq, waxa uu ku hanjabay inay kalsoonidooda kala noqonayaan Dowladda KMG ah. Waxaa kaloo uu farta ku fiiqay inaysan dowlad sii sheeganaynin iyadoo shacabku ay gaajo iyo macluul qarka u saaran yihiin.
________________________________________________________________
Counterfeit Somali banknotes worth 90bn shillings arrive in Mogadishu
Feb 12 (Qaran) – Somali currency banknotes totaling almost 90bn shillings owned by Somali businessmen arrived yesterday and on Saturday [10th February] at the Ballidoogle airport, Shabeellaha Hoose Region.
Three planeloads of banknotes which were being awaited by Muhammad Deylaf – a prominent businessman involved in the counterfeit currency, which has been arriving in the country especially in the south and northeastern regions – were stored in a special warehouse at the airport.
The money exceeds last Thursday’s consigment which arrived at the Ballidoogle airport, and caused one of the worst cases of hyperinflation in recent memory.
Most of the cash was brought into the city last night after midnight and was destined for warehouses near Mogadishu port. It has become common practise for businessmen to retain banknotes at the Balligoodle airport whenever there is public anger on the matter.
The businessmen who brought the money are financiers of the interim government. This matter has brought a fierce debate between the interim government, which has distanced itself from money, and the parliamentary Speaker.
The market is still reeling from last Thursday’s inflation and it is expected that the new banknotes from Ballidoogle would double the inflation rate.
Reliable reports say that other consignments of banknotes would soon arrive at the airport.
____________________________________________________________________________________
Counterfeit currency still flooding into Somalia. – Tuesday, 13 February, 2001 Somalia looks to be on the brink of massive inflation after new batches of counterfeit banknotes were delivered to local businessmen over the weekend, the Somali newspaper `Qaran’ reported on its website on Monday.
The notes flown into Ballidoogle airport in the Shabeellaha Hoose region total almost 90bn Somali shillings, or about 34m US dollars.
Most of the cash, which was ordered by businessmen funding the interim government, will be sent to warehouses in the capital, Mogadishu.
A batch worth about 3m dollars which arrived on Thursday sparked “one of the worst cases of hyperinflation in recent memory”, the newspaper said, and more deliveries are expected.
Source: Qaran
___________________________________________________________________________________
EU, CARE IYO ICRC OO LAGU EEDEEYEY INEY LUG KU LEEYIHIIN LACAGAHA FAALSADA AH 11 Feb 2001 at 11:09
(SomaliNet) Xidhibaan Maxamed Cumar Maxamed (Maxamed Dheere) oo xubin ka ah golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ee KMG ah ayaa shaaca ka qaaday in qaar ka tirsan hay’adaha Samafal iyo Ururrada Caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya ay ku lug leeyihiin Lacagta been abuurka ah ee ay dalka dibaddiisa ku soo daabacdeen qaar ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed.
Warkan oo saakay lagu daabacay Jariidadda Maalinlaha ah ee ka soo baxda Xamar ee la yiraahdo Muqdisho Times, ayuu xildhibaanku ku sheegay in ay ayaan darro tahay in hay’adihii samafalka ee u xil saarnaa samata bixinta shacbiga Soomaaliyeed ay shaqaalahoodii ka qayb qaataan baabi’inta iyo dhibaatooyinka sicir barar ee lagu hayo Ummadda iyagoo ka faa’iideysanaya tas-hiilaadka iyo awoodaha gaarka ah ee xafiisyadooda. “Waa ayaan darro in Xuseen Goley oo CARE ah, Xuseen Salaad oo ICRC ah iyo Axmed M. M.(Washington) oo wakiil u ah EU in ay ka qayb qaataan daabacaadda lacagta been abuurka ah, waxaana ugu baaqayaa hay’adaha ay u shaqeeyaan inay tillaabo cad ka qaadaan saraakiishaas, haddii kale shacabka Soomaaliyeed wuxuu u qaadan doonaa in hay’adahaas laftoodu ay ku lug leeyihiin” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar (Maxamed Dheere) oo isla saakay u kicitimay Tuulada Wargaadhi oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe halkaas oo uu uga qeyb gali doono kulan ay halkaas ku leedahay Beeshiisa.
Maxamed Muxiyaddiin Cali – Muqdisho-Soomaaliya.
___________________________________________________________________________________
SUUQYADA MUQDISHU OO SHALAY LA XIRAY 13 Feb 2001 at 09:21 (Somalinet) Suuqyada ugu waaweyn Magaalada Muqdisho ayaa shalay albaabada loo laabay kadib markii qiimihii sarrifka doollarka iyo qiimaha waxyaabaha kaleba uu cirka isku shareeray. Tani waxay ka dambeysay kadib markii maalintii Axadda iyo Khamiisi ay garoonka Balli doogle ganacsato kala soo degtay lacag cusub oo ka mid ah lacagihii been abuurka ahaa ee muddooyinkan dambe dalka soo gelinayeen.
Sarrifka doollarka ayaa gaaray meel uusan weligii gaarin, iyadoo 100-kii doollar lagu sarrifayey 1,600,000 Sh.So.( Hal Milyan,iyo lix boqol kun Sh.So.), sidoo kalena waxaa kor u kacay qiimaha la kala siisto cuntada iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah.
Shalay galab ayey ii suurto gashay inaan Indhaheyga ku soo arko Bakhaar weyn oo u dhow dekwdda weyn ee Muqdisho, halkaas oo lagu dejinayey lacagahaas,dhanka kalena Wargeyska Qaran ee ka soo baxa Magaalada Muqdisho ayaa shalay qoray in Ganacsade Maxamed Deylaaf uu garoonka Balli doogle joogay markii ay soo dageysay lacagtaas cusub.
Maxamed Muxiyaddiin Cali – Muqdisho Soomaaliya
__________________________________________________________________________________________________
Bannaanbax ka…
Burco: [Xiddigta Banaadir]
Bannaanbax looga soo horjeedo sicir bararka ay keentay lacagta shilin Soomaaliga ah ee dalka la soo geliyay ayaa ka dhacay magaalada Burco, iyadoo ay ka qeyb qaateen ganacsatada degaankaasi.
Wararku waxay sheegayaan inay ganacsatadu ka cabanayeen lacagta shilin Soomaaliga ah, iyagoo diiday inay qaataan lacagta cusub ee Kunka shilin.2
________________________________________________________________
Isniin 12-ka Febraayo 2001.
XIDDIGTA BANAADIR Cad. 613-aad San. 6-aad Bogga 4-aad
WARBIXIN KU SAABSAN WARSHAD LA SHEEGAY IN AY FARSAMEYSO LACAG SHILIN SOOMAALI AH
Warshad ku taala agagaarka Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho oo dhowaan qaar ka mida Warbaahinta ay shaacisay in lagu sameeyo lacag Shilin Soomaali ah ayaa waxaa shalay booqasho ku tegay Saxafiyiin Soomaaliyeed oo lagu martiqaaday si ay indhahooda ugu arkaan warshadaasi iyo waxa ay sameyso.
Suxufiyiinta oo shalay booqday xarunta Warshadaas oo ku taala afka hore ee Suuqa Xoolaha waxaa ay soo indha indheeyeen dhismaha warshadda oo ka kooban toban qol, waxayna ku arkeen in laba qol ay ku jireen qalab dhismo oo Electric ah, saddex qol ay ahaayeen xafiisyo, hal qol oo bakhaar ah isla markaana faaruq ahaa iyo qol warshad aan rakibneyn ay dhex taal.
Md. Ayuub Axmed Suudi oo ah maamulaha warshadaasi isla markaana ka mida saamileyda warshadaas oo Suxufiyiinta hor kacay ayaa u furay dhammaan qeybaha warshadaas oo qoraaladeeda ay ka muuqdeen inay tahay warshad sameysa Nacnaca iyo Xanjada, iyadoo dhammaan la eegayay qeybaha ay ka kooban tahay warshadaasi.
Qalabka warshadda ee halkaas yiilay ma ahayn mid u sameysan qaab warshad wax shubta ama wax daabacda ee waxay ahaayeen qalab lagu far-sameeyo Nacnaca iwm.
Maareeyaha warshadaasi Ayuub Axmed Suudi oo weriyayaasha warbixin siiyay ayaa shaaca ka qaaday in warshadoodu ay tahay mid ay ugu talo-galeen sameynta Nacnaca iyo Xanjada oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed isla markaa-na ay la yaabeen wararka shee-gaya inay tahay warshad same-
ysa lacagta.
“Ma jiro weriye noo yimid oo ka socda HornAfrik, waxaana diyaar u nahay inaynu tusino cid kasta oo waxgarad ah iyo weriyayaasha si loo ogaado xaqiiqada” ayuu yiri Md. Ayuub oo sheegay in wararka la buun buuniyay ee laga faafiyay war-shadaasi ay yihiin kuwo aan sal lahayn oo uusan garaneyn waxa loogu dan leeyahay.
Maamuluhu waxa uu sh-eegay in warshadaasi aysan la-hayn Ciidamo badan oo ilaaliya marka laga reebo laba nin oo goobta waardiyeysa, dhammaan wararkii laga fidiyayna ay yihiin been abuur, isagoo sheegay in marka la furayo warshadda lagu casuumi doono Suxufiyiin iyo dad Soomaaliyeed oo waxgarad ah.
Md.
Ayuub Axmed Suudi waxa uu sheegay in tan iyo markii la faafiyay wararkaasi beenta ah ay ku soo yaaceen dad fara badan oo tuhunkaas la geliyay, isagoo sheegay in maalin kasta ay dad tusiyaan si ay u cadaato inaysan warshaddu ahayn mid lacag sameysa.
“Waan ka soo horjeednaa lacagta been abuurka ah ee dalka la soo geliyay wax lug ahna kuma lihin mana taageereyno” ayuu yiri Md. Ayuub Axmed Suudi oo Saxaafadda u tilmaamay inaysan habooneyn in la buun buuniyo wax aan jirin oo bulshada khalkhal lagu abuuro.
Sidoo kale warshad uu leeyahay ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo iyadana la sheegay in lacag lagu farsameeyo oo ku taal agagaarka Suuqa Xoolaha ayaa la filayaa inay dhowaan tagaan Suxufiyiinta si ay xog-ogaal ugu noqdaan arrimahaasi. Wararka soo baxay ee sheegaya warshado farsameeya lacagta Shilin Soo-maaliga ah oo Muqdisho la kee-nay waxa ay ka mid tahay wax-yaabaha keenay sicir bararka iyo kacdoonka dhaqaale ee dal-ka ka dhacay, iyadoo ay taasi tahay buun buunin xoog leh iyo tashwiish lagu furayo dadka So-omaaliyeed.
Waxgarad badan oo Soomaa-liyeed ayaa ka deyriyay qaabka warbaahinta ay uga qeyb qaad-atay sicir bararka iyo kicinta Su-uqa, iyadoo xooga la saarayo wax kasta oo keeni kara in Doll-arka sare u kaco isla markaana ay maciishadu ciriiri sii gasho.
