Skip to content
June 14, 2026 Independent newsroom RSS

WP Issue 62

 

MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO LA SHIRAY MASUULIYIINTA IYO WAX GARADKA GOBOLKA MUDUG 

RADIYOW  GAALKACAYO 19/9/2000 

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa galinkii hore ee 19/9/2000 kula  shiray magaalada Gaalkacayo dhammaan masuuliyiinta iyo waxgaradka Gobolka Mudug.

Waxaa uu kala hadlay xaaladaha nabadgelyada iyo sidii loo  dardar gelin lahaa dhammaan arrimaha bulshada, sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin shirkii Jabuuti dhawaan lagu soo gabagabeeyey.

 

Shirkaas waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Maxame Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Yuusuf Xaaji Siciid, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Dadweynaha Mudane C/qaadir Islaan Maxamed, Wasiirka Kalluumaysiga , Khayraadka Bada iyo Dekadaha Mudane Cali Ismaaciil Cabdi (Giir), Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Axmed Cabdi Xaabsade iyo Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Maamulka Puntland iyo dhammaan Masuuliyiinta iyo wax garadka Gobolka Mudug. 

Sidoo kale  Madaxweynuhu wuxuu isla galabnimadii 19/9/2000 garoonka Kubada cagta ee Gaalkacayo shir kula yeeshay dhammaan shacabka degan Gaalkacayo.

 

WASIIRKA ARRIMAHA

  GUDAHA OO LA SHIRAY MAAMULKA DEGMADA GAALKACAYO 

RAADIYOW GAALKACAYO 19 Sept 

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga dadweynaha ee dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/qaadir Islaan Maxamed ayaa kulan kula yeeshay Xarunta Dawlada Hoose ee Degmada Gaalkacayo, Masuuliyiinta kala duwan ee Dawladda hoose. 

Duqa Magaalada Gaalkacayo Mudane Xuseen Jaamac Yabaq oo halkaa hadal dheer ka jeediyey ayaa faahfaahin ka bixiyey mar xaladihii kala duwanaa oo ay soo martay Dawlada Hoose Mudadii ay shaqaynaysay, Duqa waxa uu sheegay in Dawladda Hoose ay shaqada ka bilowday meel maran iyadoo aysan helin wax nidaamsan oo la raaco. 

Duqa Magaalada Gaalkacayo waxa uu sheegay in Dawladda Hoose ay shaqaynayso mar uu ka hadlaayey dhinaca nadaacada in dowladda hoose ee magaalada Gaalkcayo ay ka qaaday 750 kaariko oo qashin ah kuwaasoo dhibaato farabadan ku hayey bilicda Magaalada Gaalkacayo. Sidoo kale waxa uu sheegay in 195 ka mid ah guryihii dawladda ay dawladda hoose ay ku soo celisay gacanta dawladda. 

Waxa kale oo uu sheegay in dawladda Hoose ee Gaalkacyo ay wax ka qabatay Suuqa, isla markaasna la doonayo in la dejiyo dad iyaga ku ganacsada ama ku ganacsan jiray meelihii hore looga dumiyey,  Duqa ka dib waxaa halkaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Md. C/qaadir Islaan Max’ed oo ka mahad celiyey hawlaha balaaran oo ay dawladda hoose ee Gaalkacayo qabatay, waxa uuna sheegay in waxa loo adeegayo ay  tahay Bulshada, sidaas daraadeedna ay tahay in loo adeego Bulshada kala duwan ee ku dhaqan Gaalkacayo si daacad nimo ah iyo karti ay ku jirto, isla markaasna eexda laga fogaado, mar uu ka hadlaayey dhinaca Amniga waxa uu sheegay in loo baahan yahay in qayb libaax laga qaato sidii loo sugi lahaa Amniga Magaalada Gaalkacayo.

 

WAXAAN DALKA GUDIHIISA

KA HIRGELIN 

NEW-YORK KA HIRGELIMAYAAN.

(Agaasimaha Guud ee Xiriirka dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga).

 

Agaasimaha Guud ee Xiriirka dibedda iyo iskaashiga caalamiga Mudane Axmed Maxamed Cigaal ayaa wax laga weydiiyey arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay waxqabadka Agaasinka uu Madaxdda ka yahay iyo arragtida Puntland ee Carta iyo siday ay caalamka iyo dowladaha  Puntland saaxiibada yihiin ay  uga dhaadhiciyeen.

 

Agaasimaha oo warbixintiisa ku bilaabay howlqabadka iyo Agaasinkiisa ayaa sheegay in howlahoodu ay tahay wax muuqda, Bulshaduna ay wada ogtahay iyo in shirar badan ay ka qaybgaleen dawlado badana saaxiibanahay sida Masar, Liibiya, Imaraadka Carabta, Yemen, Jabuuti, Itobiya, Kenya, Maleeshiya, Ingiriiska iyo kuwo kale oo danta Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya aanu ka wada hadalnay.

 

Mar kale oo Agaasimuhu Carabaabay in dalka gudihiisa ay ka sameeyeen xiriiro kaasoo ay ka dhalatay Ururkii SPA ka dib markii shir lagu qabtay Garoowe iyo in xiriiro lala sameeyey Somaliland iyo Kooxaha Muqdisho, danta iyo ujeedada ka dambeysana ay tahay in la helo dawlad soomaaliyeed oo loo dhan yahay.

 

Shirka Jabuuti wuxuu Mr. Cigaal sheegay in Puntland ay kaalin muhiim ah ka ciyaartay abaabulkiisii, gacan weyn-na ay ka gaysatay ilaa afar jeerna wufuud loo diray, wixii talooyin ay u arkeen danta soomaaliyeedna ay ka gaysteen, si uusan u noqon mid burbura.

 

Nasiibdarose Jabuuti ayaa ka leexatay wadadii shirkaasi ku suura geli lahaa, ugu dambayntiina Wafti heer Madaxweyne ku xigeen u dirnay si aanu u badbaadino taasina waxba kama suuragelin.

 

Shirka ka dhacay Carta oo lagu doortay Baarlamaanka iyo Madaxweyne in uu ahaa shir aan ansax ahayn sababtoo ah buu yiri, Ergadii ka qaybgashay ma ahayn kuwo la dirsaday ama lagu soo doortay si sharci ah, aduunkuna waa uu ogyahay in Puntland iyo Somaliland iyo Kooxaha Muqdisho aysan ka soo qaybgelin haddii ay waftiyo diraan iyo haddii ay halkooda joogaanba wax aan Soomaaliya ka suuroobin, New-York, Washington, London, iyo Paris kama suuroobayaan.

 

SHIRARKII HOWLGALKA CUSUB EE GOBOLKA NUGAAL 

Maalintii talaadada ee bishan sept. ay ahayd 12, kuna beegnayd 14/04/1421 H. saacaddu markay ahayd 10:00 subaxnnimo ayaa hoolka shirarka ee xarunta Gobolka Nugaal, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee D.G.Puntland mudane C/qaadir Islaan Maxamed, wuxuu kula shiray Haweenka Magaala-Madaxda Puntland ee Garoowe. 

Bilowgii Wasiirku wuxuu haweenka uga mahadceliyay sida wanaagsan ee buuxda ee ay shirka uga soo qaybgaleen. 

Waxaa kalae wasiirku sheegay waxaa hadda Soomaaliya ka socdaa inay ku qormiddoonaan taariikhda sidaa darteedna ay lagama – maarmaan in dhammaan reer Puntland ku mintidaan daafaca sharaftooda iyo horumarinta Puntland Wasiirku wuxuu ka hadlay dadka reer Puntland. 

Wuxuu sheegay in nabadda iyo xassilloonidu halbowle u yihiin horumarka Puntland. 

Wuxuu Wasiirku tilmaamay horumarka Magaalada Garoowe ay gaartay muddadii labada sano ee D.G. Puntland  ay jirtay, wuxuu  

sheegay inay waajib tahay in horumarka la qadderiyo lana sii kobciyo. 

Wuxuu tilmaamay in haweenku iyagu yihiin cidda cidwaliba wax u sheegikarta sababta oo ah iyaga ayaa cid waliba ku soo hoyataa ayuu yiri… wasiirku wuxuu hadalkiisii ku khatimay in marka somaliya isu- 

Dhinaca haweenka shirka ka soo qaybgalay, waxaa ka hadlay:- Maryan Maxamuud Cumar (Ilka Cas), xalimo Cali Biyood, Canab Cilimi Xirsi iyo Shariifo Cabdulqaadir Warsame, oo dhammaantood soo dhoweeyey shirka loogu yeeray iyo hadalka Wasiirka, dhammaantoodna taataabtay qodobbo muhiim ah, sheegayna in haweenka Gobolku si buuxda diyaar ugu yihiin horumarinta Gobolka, bixinta Cashuuraha iyo u feejignaanta nabadda iyo xassilloonida. 

Waxaa kale oo shirkaas ka soo qaybgalay Wasiir ku-xigeenka Wasaaraddaas Mudane Axmed Aadan Carab, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Mudane C/laahi Xasan Faarax (Baassaweyne), Labada Guddoomiye ku-xgeen ee Gobolka Mudane Inj.

C/qaadir Cismaan Ciise iyo cabdi Saleebaan Cali. 

Shirkaas waxaa lagu faataxaystay ballan qaad lagu ballamay howlgal, wadajir iyo isgarabs, dadaal hoggaaminayo.

 

INA SALAAD-BOY OO KU FASHILMAY DIPLOMAT UU BEDDEL-KU-QORAY 

Qaahira Jahooyin Private ah:-

 

Jahooyin Private ah oo ka soo xigtay xubno Jaamacadda Carabta ku dhow-dhow, ayaa waxay warsidaha u soo sheegeen inuu ina Salaad-Boy, Guddoomiyaha Jaamacadda Carabta Mudane Cismat Cabdul Majiid u qoray warqad uu ku sheegayo inuu ninkii Soomaaliya  

Jaamacadda Carabta u fadiyey ku badaley nin cusub oo magaciisa la yiraahdo Sheekh Maxamed Cali, isagoo ninkii hore ku eedeeyay inuu si hoos-hoos ah u manjaxaabiyay codsi qoraal ah oo uu u gudbiyey Golaha Joogtada ah ee Jaamacadda …. Waxaa la sheegey in gudoomiyaha Jaamacadda bakhti ka dhigay warqadii sheegaysay beddelka Diplomat-ka……. 

 

JANARAAL GALAAL KABTAN AYAA ISKU TAAGAY 

MUQDISHO:- 

Waxaa Warsidaha xiriir Muqdisho looga soo tebiyay sheegayaa in howshii Janaraal Galaal gacanta ku hayay oo ahayd ciidammo uu muqdisho ka ururinayo, uu si kulul ugaga horyimid nin dhallinyaro ah oo ay isaga isku jilib yihiin oo magiciisa la yiraahdo Salaad Cali Mire laguna naanayso “Indha-gorayo”, sitana derejo uu ku gaaray howlaha malleeyshiyada. 

Waxaa la sheegay inuu ka hor yimid markii ay u muuqatay inuu Janaraal Galaal soocayo ciidammo Jilib u badan, isagoo yiri:- 

Dhallinyaradayada ayuu u soocanayaa inuu ka dhigto ciidan u gaar ah qabaa’ilka Soomaaliyeed oo dhan ku waajaho. 

Warku wuxuu soo sheegay in kabtan Malleeyshiyahaasu ku guuleystay in uu dhallinyaro badan ka saaro ciidankaas Galaal ururinayay, isagoo Khatar farta ugu fiiqaya.

 

WAX-QABADKII WASAARADDA GANACSIGA IYO WERSHADAHA. 

Wasaaraddu labadii sano ee Dawlad-Goboleedka Puntland jirtay ma ay helin adeegyadii ay ugu baahnayd howlfulinteeda, arrintaas oo dhalisay in howlo badan lagu fuliyo iskaa wax-u-qabso.

1. DIYAARINTA XARUNTA WAS-AARADDA:-

Wasaaradda waxay ku guuleysatay inay xaruntii hore ee tarraqa iyo Sigaarka ee Garoowe ka banneyso dadkii shacbiga ahaaa sida sharci-darrada ah u degey ka dibna ay dayactirto, xafiisyo badanna uga qalabayso Wasaaradda, halkaas oo hadda ah xarunta Wasaaradda ee Garoowe.

2.

DIYAARINTA SHURUUCDA SHAQADA WASAARADDA:-

wasaaraddu waxay diyaarisay shuruucdii shaqada Wasaaradda kuwaasoo ay ka mid yihiin:-

B- Sharciga Rugta Ganacsiga.

T- Sharciyada lambar 204 iyo 203 oo ku kala saabsan.

J- Sharciga adeegyada Ganacsiga sida laysammada Guud ee ganacsiga (Trade licences), laysanka dhoofinta iyo soo dejinta iyo qaababka la xiriira.

3. HORUMARINTA RUGTA GANACSIGA:-

wasaaraddu waxay dib-u-dhistay Rugtii Ganacsiga oo maanta si waafaqsan shuruucda ula howlgelaysa ganacsata, Warshedaha, beeralayda, Xoolalayda, iyo kalluumeysata. 

Wasaaraddu waxay gudagashay diyaarinta xarumaha Rugta Ganacsiga ee Gobollada D.G.Puntland. 

Waxaa kale oo Wasaaraddu tallaabooyin muhim ah ka qaadday sidii  

Rugta Ganacsiga ee D.G Puntland ula howlgeli lahayd rugaha Ganacsiga Carbeed iyo kuwa kale adduunweynaha, arrintaasoo fududaynaysa shaqada Bangiyada D.G. Puntland iyo nidaamka Caymiska Puntland isla markaasna horseedaysa in ganacsiga Puntland noqdo ganacsi casriyaysan. 

4. URURINTA XOGTA RUNTA AH. 

Wasaaraddu iyadoo shaqaalaheedu yaryahay, waxay ku guuleysatay inay ururiso xogta runta ah ee lagamamaarmaanka u ah shaqada iyo howlfulinta Wasaaradda (NecessaryStatistics) taasoo muukinaysa tiro koobka badeecadaha dhoofa iyo kuwa soo dega si dalku u yeesho dhaqaale dheellitiran.

 

WAX-QABADKII TALISKA CIIDANKA DARAAWIISHTA DGPUNTLAND. 

1. Waxaa Ciidanka Daraawiishta DGPuntland sugay nabad-galyada Gobolada iyo Degmooyinka DGPL. 

2. Wuxuu ciidanka Daraawiishta kala badbaadiyay, Beelo dagaalamay sida (Degaanka yaka Beelihii ku dagaalamay). 

3. Wuxuu ciidanka Daraawiishtu ka difaacay Deegaanka Puntland, Cadawga Dibada ka imaanayey sida (Hawlgaladii lagu horjoogsaday ama lagaga horagay Masuuliyiintii sare ee Soomaali-Land), ee soo gashay Gobolada Sanaag iyo Sool hawl galadaas oo xubna Ciidanka ka mid ahi (ku dhinteen kuna dhawaacmeen). 

4. Wuxuu kaloo Ciidanka Daraawiishta DGPL ka qayb qaatay Canshuur ururinta Gobolada iyo Degmooyinka  

DGPL sida (Mudug, Nugaal, Bari Buuhoodle iyo meelo ka mid ah Gobolka Sanaag). 

5.

Wuxuu Ciidanka Daraawiishta DGPL door wayn ka qaatay ka hortaga xaalunfinta iyo nabaad guurka. 

6. Waxaa ciidanka Daraawiishta hawla ka qabteen joojinta Dhuxul shidida jarida Dhirta iyo Cawska ilaa iyo hada waxaa socda hawlgal culus oo lugula dagaalamayo shidida dhuxusha uu ka socdaa Gobolka Sanaag, hawl galkaas oo xubna kamida Ciidanka Daraawiishta oo saraakiil ka mid tahay lagu dhaawacay.

Sidaad ka warqabtaan waxaa cidiidanka Daraawiishtu guulo lataaban karo ka soo hoyiyaay, ilaalinta Xeebaha DGPL hawlgalkaas oo aan mahad wayn uga celinayno ALLAHA WAYN, ilaaha ka sokow (Hart Group) oo gacan buuxda naga siisay sidii looga sifeyn lahaa, Xeebaha Puntland, maraakiibta & Doonyaha sida sharci darrada ah uga faa’iideysan jirey Xeebaha. 

Daraawiishtu waxay kaloo wax ka qabatay Ugaarta, Shimbiraha, Habar Duqaaga iyo Xoolaha Dhediga ah, ee sida sharci darrada ah Dalka looga dhoofiyo.

Waxay Ciidanka Daraawiishta Gacan buuxda siiyaan Maamulada Gobolada iyo Degmooyinka DGPuntland.

Markii Dugsiga Tababarka Ciidanka Daraawiishta la xirey ka dib, ciidanka Daraawiishtu waxay adeegoodii ka dayactireen (12 Xafiis) iyo Matoor weyn ee Korontada Xerada. 

Waxaa qalab isgaarsiineed oo aan horey u jirin loo iibiyey  Ciidammada (Bari, Mudug, Sanaag). 

Waxaa la fuliyay (Shan koorso) oo lagu tababarayo Saraakiisha iyo Saraakiisha hoose ee ka tirsan Ciidanka Bol-Darka. 

Waxaa la daabacay Dukumiintiga Ciidanka Daraawiishta ee Tababarka, oo ka kooban (Diritiifada Sanadka wax-barashada, buuga barnaamijka, Xeerka, Tabta Dagaalka iyo buuga Xeerka Dishibiliinka Ciidanka Daraawiishta Dawlad Goboleedka Puntland.