Cunuga Carta (Odawaa) Aabihiis ayaa la garan waayey, waxaana aabe u raadinaya; Butuc iyo Wardheere oo u diyaariyey Warqaaqo Forjere ah ee dhalasho Soomaaliyeed, waxayna kaashadeen maxaysato, Siyaasiyiin iyo Sarkaakiil sare ee ka tirsanaa dawladdii JDS ee 1969, ku dhalatay af-gebi, 1990 ku dhacday sababo musuqmaas, qabiyaalad xatooyo xoolo dadweyne iyo dagaal hubaysan ee jabhado ku qaadeen.
Qisada Cunuga Carta halkeediiayey ka sii socotaa, waana tan qaybtii 3aad.
Cunuga Carta iyo Soomaalida Qaybtii 3aad.
Wadaad soomaali ah ayaa dhawaaqa (Muslim hal god)
Lagama qaniino labo jeer, annagu ka tala qaadan meyno kuwi dalkayaga u sababay burburka, colaad laysku xasuuqay, bililiqo iyo dawlad la’aanta, carruurtayada ayaanu u la’anahay nafaqa daawo, barbaarin iyo waxbarasho oo ka wel-weleynaa sidii aanu ugu heli lahayn, mana qaadi karno mas’uuliyad Cunug Ajnabi ah, sabab dhaqaale ma aha cudur daarashadu, Diinta iyo qowmiyadda ayaan noo oggolayn.
Butuc, wuxuu istusay Somalida in uu ku eedeeyo in aaney dhaqan gelinaynmabadida qaramada midoobey, Jinsi kala sooc, iyo ku xad gudub xuquuqul insaanka, isaga iyo wardheere, waxay diyaariyeen qoraalo ku socda masuuliyiinta Qaramada midoobey, Urura Goboleedyada midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, IGAD, waxay weydiisteen in Cunuga Carta loo aqoonsado Cunug Soomaaliyeed, waxaana loogu jawaabey Axdiyada Qaramada Midoobey iyo ururada kaleba ma dhigayaan in ay Jinsiyad bixin karaan, Jinsiyad siinta Cunuga Carta waa arrin soomaali u taal, cidina kuma faragelin karto,horena Soomaalidu, waxay ka digeen in
arrimaha gaarka u ah ee gudohooda cidina soo fara gelin.
Isla markaas soomaalidu waa dad qab weyn oo leh dhaqan asal ahiyo wacyi, kana mida shucubta Ilbaxnimada aadamiga safka hore ka jirta ee iyaga qanciya Butuc wuxuu isku deyey in uu soomaalda isaga io wardheere qanciyaan:- Hase ahaatee soomaali aqoon yahan ah oo dhallinyar ayaa ku dhahay: Bini aadamka waxa Eebbe siiyey, waxa ugu qaalisan caqliga uu wax ku garto iyo maskaxda uu ku fekero, mana oggolin haddi aanu nahay Soomaali in qola kale noo fekerto, maskaxdayadu hawl gab maaha.
Butuc, Wardheere iyo Wakiilo maxaysato, Shir wada tashi ayey isugu yimaadeen, Hadalka inoo bilow aabe ayaa wardheere ku dhahay Butuc; xagga shareecada ma aadi karno, soomaalidu, waxay leeyihiin culimo ku xeel dheer diinta ee qaynuunka aan la tiigsano soomaalida ayaa Butuc dhahay, inoo doona qareen mush kiladda hor geeya oo ka dooda maxkamadda ku shaqo leh horteeda.
Wardheere, wuxuu diray Faax-yo, Telefono uu kula xiriiray qareeno Soomaali ah oo fara badan, wuxuuna weydiistey in ay xuquuqda cunuga carta ee dhalashada Soomaaliyeed Daafacan, lacag aan qareen Afrikaan ahi qaadaan hadda ka hor ayuu Butuc ballan qaaday in uu siiyo qareenkii diyaar u ah difaaca, cunuga Carta.
Qareenadii Soomaalidii dhammaantood waa diideen in ay Carta cunugeeda (Odawaa) difaacaan xuquuqdiisa iyagoo ka baqaya in ay dadkooda iyo dalkooda dembi ka qalaan.
Kadib wardheere iyo Butuc Booqasho hawleed ee la tashi Qareeno waaweyn ayey ku tageen dalal shisheeye.
Waxayse ka yaabeen in qareenadii shisheeyuhu iyaguna diideen in ay qadiyad aan raja lahayn difaacan.
Qareen caalami ah oo la yaqaan ayaa
Butuc kula taliyey in Cunuga qaxootinimo loo raadiyo iyada oo la tixgelinayo in aan aabihiis la aqoon iyo
jinsiyadiisaba, loona aqoon sado qadiyadiisa qadiyad bini aadammino.
Fikraddaas wardheere, waxay la noqotay mid aan laga fursan karayn, hase yeeshee Butuc waa ku gacan sayray wuxuuna ku dhahay wardheere, horta dadka waxgaradka ah ee Soomaaliyeed aan la xaajoono oo aan weydiisano in ay Cunuga aqbahaan, haddii kale naga qanciyaan sababta ay ku diidayaan.
Butuc wuxuu la xiriiray xeer beegti soomaali ah:- tollow cunuga naga aqbala oo dhalasho siiya waana wada anfacayaaye.
Nin ku hadlay magaca xeerbeegtida soomaaliyeed ayaa codsigaas ka jawaabey oo dhahay gar yigil baanu nahay haddii ay caddaato in cunugu soomaali isir ku leeyahay maxaan ku diideynaa, taran diid ma nihin, taranta waa u baahanahay, dagaalkii sokeeye, caruur badan ayaa nagaga dhimatay, diinta islaamkuna waa dhiirigelineysaa taranta xalaasha ah ee sidee wax u hubinaa, cunuga dhiig halaga qaado, haddii baaristu sheegto in uu soomaali yahay waa qaadaneynaa cunuga kharash haddii aadn weydiisa taana waa bixineynaa, Butuc iyo Wardheere, waxay dhaheen waqtina siiya, fadhiga dib noogu dhiga aan tashanee!
Aabe Butucow anigu waa daaley ee ma oggolaana in cunuga dhiigiisa la baaro, miyeynaan dhakhatiirta hawl fududayn siin Karin?
Butuc wuxuu Wardheere ugu jawaabey, sidee noqotay, ma waxbaa si kaa ah, annagoo qaatiyaan ka joogna shahaado dhalasho forjary ah, miyaad leedahay isbitaalka dakhaatiirta joogta aan laaluush siino haddiise cunuga la baaro dhiigiisa sow kashifmi meyno, aan fadhiga qaadacno, cunugana iskaga qaraabta adiga iyo jamaacadaadu, markaad wax heshona (Shantu waalahayga) al caaqil yafham ee keen isu keena
TAAYADA (EDITORIAL)
Somalinnimo:- Maxaa ka nool???
Fikradda qowmiyadda, sida Soomaalinnimada, carabnnimada, kurddinnimada, ayrishnnimada, turknnimada, jarmaannimada iyo wixii la mid ahi, asli ahaan waxaa bisleeyay reer Yurub oo ay xaggooda xoog ku yeelatay, labo dagaal oo waaweynna darteed ku galay.
Dalka soomaalida, intii aan reer Yurub imaan, ma abuurnnay fefer qomiyad soomaaliyeed ee waxaa jiray reero waxaa abuurnnaa oo la daaficijiray oo lagu dhaadanjiray oo loo dagaallami jiray reernnimo waxaa suurta gal ah Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, inay ku jirtay fikrad qowmiyadeed, si kasta ha u habaysnaatee… laakiin fikradda qowmiyadda Soomaaliyeed oo casriyaysan, waxaa horseeday dhallinyaradii SYL.
Iyaga ayaa ifka si buuxda ugu soo saaray oo baahiyay waxaa jirtay mar gabarta ariga la joogta ay ka xishoonjirtay inay qabiil sheegato…. Fikraddaas qowmiyadda soomaaliyeed, xiissihii ay lahayd waxaa dhaawacay dawladdii Cbdillaahi Ciise… waxaa sii dhaawacay tii 1960-1969 waxaa araxda ka jebiyay nadaamkii Maxamed Siyaad Barre ee 1977 ka dib waxaa wadnaha ka muday xarakadii USC…
Haddaba:- fikradda qowmiyadda soomaaliyeed ma dhammaatay oo waa marxuum? Mise wadnaha ayaa sii dig leh oo cisbitaal waa lagula carari karaa?
Maanta ma jiri karaa nin Darod ah oo nin Hawiye ah naftiisa qoolikaraa, sidii muuro naftiisa ugu qoolay Cabdillaahi Ciise???
Reer Hargeysa, Calanka ay maanta faqaareyaasha ku gubayaan, mar ayuu wax walba kala qaalisanaa…
timacadde ayaa yiri:- aan siduu yahay eegee…
Maanta wax qowmiyad soomaaliyeed la yiraahdaa ma ku sii nooshahay Hargeysa, Burco iyo Berberea?
Muqdisho ma ka jirtaa? Gedo iyo Jubbooyinka ma taallaa???
Gobollada Puntland intay ku sii le’egtahay?????!!!???
Ina Salaad-Boy ma rumaysanyahay mise wuu ku faashleynayaa!!!???
AFKEENNU WAA ISU AMMAAN.
Diidane:- oo waryaa Nuxnuxle afkeennu waa issu ammaane!!! Meeshii Buuhoodle ahayd, Jilibbo reer Puntland ah ayaa issu soo ciidansaday, oo colaad issu horfadhiya, sida la sheegay!!!
Dowladdii Puntland-tuna issuma kala bixin ayaa la yirie!!!! Maxaa jira!!!!
Nuxnuxle:- Waxaa la yiri, wasiir-ku- xigeenkii ina Adan Carabna, markii uu hayaaydii ku xiiqay oo cid ka hoos qaaddana waayay, ayuu meel is-duuduubay, sida la sheegay!!! Afkeenu waa issu ammaane!!!!
Diidane:- Maqlay!!!
Waxaa la yiri, arrini waxay kaga dhammaatay tii Sayid Maxamed uu yir:-
Haddaan waayay ruux iga naxoo ii Nassabad sheegta miyaan waayay Naxariis Alliyo, Nebiga Jaahisa!!!
Diidane:- Maxaa Warfaafinta looga saaray Heerka A-da oo loogu celiyey heerka B-da ???
Nuxnuxle:- Adigaa dammiin ayaad tahay…intaas miyaad garan weyday!!! Is-reeb-reebkii ayay ku hartay!!!!.
TACSI
Dr. Yaasiin Faarax Cartan, Prof. Maxam-uud Ismaaciil C/raxm-aan iyo Cabdi Goobe, bahda warsidaha Puntaland iyo dhamaan shaqaalaha warfaafinta waxay tacsi u dirayaan Qoyskii iyo eheladii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Dr. Max’ud Jaamac Afbalaar oo 22/9/2000 ku geeriyooday Magaalada Gaalkacayo.
Marxuunku wuxuu xubin ka ahaa Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Puntland wuxuuuna ka mid ahaa Dhalinyaradii leegada (SYL) oo u soo halgamay Gobonimada Soomaaliya.
Waxay murxuumku Ilaahay uga baryayaan in uu Janadii ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.
AAMIIN AAMIIN AAMIIN
SHIR AY WADA YEESHEEN XILDHIBAANADA GOBOLKA NUGAAL IYO WAXGARADKA GOBOLKA.
Sept 20/9/2000 waxaa hoolka shirarka ee Xarunta Gobolka Nugaal lagu qabtay shir ay ka soo qaybgaleen Xildhibaanada Gobolka Nugaal laga soo doortay ee ku jira Golaha Wakiilada Puntland, maamulka Gobolka Nugaal, Nabadoonada, Samadoonada iyo waxgaradka Gobolka.
Shirkaani wuxuu daba joogay shirar badan oo ka horeeyey oo waayahanba ka socday Gobolka Nugaal, loogana hadlayey nabadgelyada, Xasiloonida iyo sidii loo hormarin lahaa Gobolka Wadajir ahaan. Eeg Bogga xiga
Guddoomiyaha Gobolka Nugaal C/laahi Xasan Faarax (Baasaweyne) oo isagu hadalka furay, wuxuu sheegay in nabadoonada iyo waxgaradka Gobolkaan ay shir kan ka horeeyey naweeydiiyeen yiraahdeen xageebay ka bexeen xildhibaanadii laga soo doortay, sidaas darteed waxay nagu khasabtay inaanu isku kiin keeno oo halkaan ku kala bogataan arimihiina Guddoomiyuhu wuxuu hadalkiisa ku soo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Md Yuusuf Macalin oo hadal gaaban halkaa ka soo jeediyey wuxuu sheegay Ilaahay mahad haka gaadhee, nabada iyo xasiloonida Goboladaani ku naaloonayaan inay sabab u yihiin odayaasha iyo waxgaradka deegaamada oo iyagu markasta u taagnaa sidii loo xasilin lahaa oo aysan dhibaato u dhicin.
Agaasimuhu wuxuu yiri waxaan hadalka u deynayaa oo saaka dooddu dhextaal odayaasha iyo xildhibaanada Gobolkaan in kastoo la yiraahdo odayaashii iyo waxga-radkii faraha bay ka qaadeen arri-mhii ay bulshadu u hayeen, markii la dhisay Dawlad Goboleedka Punt-land.
Intaas ka bacdi waxaa dood aad iyo aad u balaaran dhaxmartay Oday-aashii iyo xildhibaanadii ragbadan baana ka hadlay oo rayigooda iyo doodooda ka dhiibtay oo halakan lagu soo koobi Karin, doodaasina waxay ahayd mid ku dhisan isdha-liilid iyo sitoosin.
Caydiid Cismaan oo odayaasha halkaas ka hadlay ka mid ahaa wuxuu yiri markuu hadlayey dawladii waxay dhisneyd labo sano iyo bilo mar kaliya ma oron odayaashii xagee ka baxeen, ma dhibtaan oday ku nahay, war shilinka oo la raadinayo ma iska daynaa oo wax ma qabsanaa.
Doodaha laysdhaafsaday aad ayey u kululaayeen dhanka xildhibaanadana waxaa ka hadlay rag dhowr ah oo ay ka mid yihiin Dr. Maxamuud Cali Yuusuf (Gaagaab), Siciid C/laahi Muuse iyo C./laahi Maxamed Xaaji (Cawiif).
Dr. Maxamuud Cali Yuusuf (Gaagaab) wuxuu yiri, horta sida ay wax yihiin inaynu isku sheegno waa fiican tahay, masuuliyada kaligayaga malihin, doorashadana waa ina wada khuseysaa, xildhibaanka shaqadiisu waa xeer dejinta, masuuliyada waxay saaran tahay maamulka iyo Odoyaasha, wixii tabartayada ah diyaar baynu u nahay sidii loo hormarin lahaa Gobolka loogana wada shaqayn lahaa nabadgelyadiisa iyo xasiloonidiisa.
Doodaas oo dheereed waxaa la sila gartay in si wadajir ah loo wada shaqeeyo.
SHIR LAGAGA HADLAY MASHAARIICDA HORUMARINTA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND.
Garoowe 21/9/2000 PUNA
Dr. Maxamuud Barre Muuse (Gaani) Agaasimaha Guud ee ku meelgaarka ah ee Qorshaynta, wuxuu ka furay xarunta Agaasinka guud ee Qorshaynta iyo Bangiyada shir ay ka soo qaybgaleen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlad Goboleedka Puntland oo ku saabsan diyaarinta Qorshaynta horumarineed ee Dawlad Goboleedka Puntland.
Dr. Gaani wuxuu shirka kaga hadlay ahmiyadda Qorshayntu leedahay Horumarinta dhaqaalaha, wuxuuna ku booriyey Wasaaradaha iyo Hay’adaha in ay diyaariyaan Qorshayaasha Mashaariicda horumarinta Dawlad Goboleedka Puntland, siiba kuwa mudnaanta leh.
Waxaa kale oo shirkaa hadal ka jeediyey Agaasimaha Mashaariicda Mudane Xidig, la Taliyayaasha Agaasinka Guud ee Qorshaynta iyo Bangiyada Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Siciid Fardhis iyo Dr. C/laahi Shiikh oo Mas’uuliyiinta u sharaxay qaabka diyaarinta Qorshayaasha mashaariicda horumarinta
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA NUGAAL OO KA QAYBGALAY SHIR LAGU QABTAY ISBITAALKA GAROOWE.
PUNA GAROOWE 21/9/2000
Guddoomiyaha Gobolka Nugaal C/laahi Xasan Faarax (Baasaweyne), iyo Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Gobolka Md Cabdi Saleebaan, ayaa khamiistii oo bishu ahayd 21/9/2000 shir kala qayb galay shaqaalaha isbitaalka Garoowe oo lagu qabtay qolka shirarka ee Cisbitaalka.
Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen shaqaalaha iyo dhakhaatiirta Cisbitaalka waxaa halkaas ka hadlay Agaasimaha Cisbitaalka Md C/salaan Caydiid oo isaga ka wabixyay habka cisbilaalku maanta ku sugan yahay iyo doorka ay bulshadu uga baahan tahay Cisbitaalka iyo heerka Awoodiisu tahay.
Waxaa isna Hadley Dr. C/risaaq Xasan Cabdi oo
Eeg Bogga xiga
ah madaxa Caafimaadka Gobolka Nugaal oo ka warbixyay Caafimaa-dka Gobolka iyo dhibaatooyinka jira.
Dhakhaatiirta iyo shaqaaluhu waxay si aad iyo aad uga cabanayeen inaysan haysan wax daryeel ah.
Waxay kaloo sheegeen inay labao dhakhtar oo cisbitaalka ka howlgala ilaa iyo hada aan la siin wax gunno ah, meeshii waxaa jira Ribaartooninka qaarkood inuu isku dhex jiray sida Caruurta oo aan lahayn Ribaarto u gaar ah, laakiin hadda la wado Ribaartadaas laguna dhisay lacagta Raajada iyo fiisitada walise aan la dad Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka oo markay dhagaysteen
Warbixinadii iyo cabashooyinkii shaqaalaha iyo dhakhaatiirta, waxay balan qadeen inta tabartooda ah inay la dadaalayaan sidii wax loogu qaban lahaa.
Cisbitaalka oo hadda ka shaqeeyaan shaqaale tiradoodu dhan tahay 68 oo 18 ku shaqeeyaa foolantari (Voluunteer) iyo 6 dhakhtar, Cisbitaalku wuxuux u qaybsamaa sided qaybood oo waaweyn.
MADAXWEYNE KU XIGEENKA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO BOOQASHO RASMI AH KU TAGIDOONO DALKA THAILAND
Garoowe 22/9/2000 PUNA
Madaxweyne ku xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa maanta ka ambabaxay Magaalada Madaxda Dawlad Goboleedka Puntland ee Garoowe isaga oo hoggaami-ndoono wafdi ka socda Dawlad Goboleedka Puntland oo booqosho hawleed oo rasmi ah ku tegi doono Dalka Thailand, Madaxweyne ku xigeenka wuxuu ka dhoofidoonaa Gagada Dayuuradaha ee Magaalada Bosaaso, wuxuu ku sii hakan doonaa Dalka Emiraatka Carabta ee Midoobey (UAE) halkaasi oo uu joogi doono baaritaan Caafimaad 7 casho kadibna uga gudbayaan Thailand isaga iyo xubnaha wafdigii uu hoggaaminayo, waxaana la filayaa inuu masuuliyiinta Thailand la yeesho wadahadal ku saabsan Iskaashiga iyo wax wada qabsi dhaxmara Dawlad Goboleedka Puntland iyo dalka Thailand.
Tacsi
Guddomiyaha Golaha wakiillada Dr,Yuusuf Xaaji Siciid, Gudd-oomiye ku xigeenada, madaxda Guddiyada joogtada ah waxay tacsi u dirayaan Qoys-kii iyo eheladii uu ka geeriyoodey alla ha u naxariistee marxuum Maxa’ud Jaamac Af-balaar,oo ka tirsanaa Golaha wakiillada oo Geeriyooday 22/09/00 kuna geeriyooday Magaalada Gaalkacyo.
Tacsi
Madaxweynaha DGPL Md. C/laahi Yuusuf Axmed, madaxweyne ku-xigeenka DGPL, Golaha Xukuumada DGPL, Golaha Baarla-maanka DGPL Golaha Garsoorka DGPL iyo dhamaan mas’uuliyii-nta DGPL waxay tacsi u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriy-ooday iyo dhammaan shacabweynaha Soom-aaliyeed Geeridii ku timi Allaha u naxarii-stee marxuun Dr. Max’ud Jaamac Af-balaar oo subaxnima-dii jimcaha salaadii subax ee 22/09/00 ku geeriyooday magaa-lada Gaalkacyo waxay-na Ilaahay uga barya-yaan janadiisa firdaw-sa eheladii iyo qaraa-badii uu ka geeri-yooday iyo dhamaan shacbiweynaha Soom-aaliyeedba in samir iyo iimaan Ilaahay ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin
