Halkan ku soo faafinaynnaa og-warrankii Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed uu ku siiyay shacbiga Reer Puntland shirarkii kala duwanaa ee uu la yeeshay…Xog-warrankii Madaxweynuhu waa kan isagoo tifaliran:-
CAAFIMAADKA MADAXWEYNAHA:-
Madaxweynuhu wuxuu sheegay, markuu ayaamo Garoowe ku xanuunsanayay ka dib, in takhtarradu ku taliyeen ka dib, in Nairobi loo qaado sidaasna uu afar saacadood oo duullimaad ah ka dib galay Nairobi Hospital takhtaradu waxay markiiba soo saareen in xanuunkiisu yahay KULLETi ( oo ah nooc qabsinka uu dhow)… markii uu socday shirweynihii Puntland lag dhisayay ayaa xanuunkaas laftiisa Madaxweynuhu u galay Isbitaalkaas ah Nairobi Hospital…waxaana hadda ka daweeyay takhtarkii ayaantaas ka daweeyey….
Madaxweynuhu wuu kaftamay oo wuxuu yiri aniga haddii hargab igu dhaco, dadku wuxuu yiraahdaa:- beerka ayuu u jirranyahay wuxuu yiri beerkaygu aniga waa iga da’yaryahay waana 29 sanno jir…aad iyo aadna wuu u caafimaad qabaa ku jiray lix maalmood… in uu markuu ku jiray shaqeynayay oo dad badani ku soo booqday markii uu ka soo baxay Nairobi shaqo ka bilaabay imminkana aad u caafimaad qabo.
Madaxweynuhu wuxuu yiri:- Labo nin oo mucaarid ah oo majeerteen ah ayaa telifoonno diray oo faafiyay C/laahi Yuusuf wuu dhintay…wuxuu yiri, waxaa la sheegay ina Salaad-Booy markii uu warkaas maqlay inuu farax badan muujiyay.
QORSHAHA INA SALAAD-BOOY DEGDEGGA AH:-
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ina-Salaad-Booy qorsheystay qodobbadda soo socda:-
B- Inuuu isku dayo inuu keligii daabacdo lacagta Soomaalida, isagoo adeegsanaya Bangiga Jabuuti.
T- Inaanu Berbera iyo Bosaso soo gelin markab aan saga fasax ka haysani.
J- Inuu soo saaro Pass-port cusub oo yiraahdo kaa keliya ayaa sharci ah oo lagu dhoofikaraa…arrintaasi waa arrinta (Maxamed Ibraahim Cigaal ku kalliftay inuu si deg deg ah u soo saaro Pass-port Somaliland u gaar ah.
CARTA:-
Madaxweynuhu wuxuu yiri:- Puntland markii hore way taageertay Carta, waayo waxaannu ka rajaqabnay inay Soomaalida wax-u-tarto Bishii Jannaayo ee 2000 ayaan Jabbuuti kula kulmay Ismaaciil Cumar Geelle labo saacadood ayaannu doodaynnay maalintaas ayaan hubsaday inuu Ismaaciil Cumar Geelle qorshe qalloocan wato markaas ayaa Puntland ka quusatay wanaag ka dhasha Jabuuti… Carta yaa saldhig u ah?!?!/ waxaa saldhig
u noqday kooxo wadaaddo ah oo nooc gooni ah iyo nadaamkii Maxamed Siyaad Barre.
Nidaamkii Maxamed Siyaad Barre, hoggaamiyeyaashiisii wixii dhintay mooyee, wixii noolaa, waxaa ka maqnaa shan nin ama in ku dhow.
CAALAMKU MUXUU KA QABAA CARTA:-
Marka laga reebo dawladda Sudan, Caalamka intiisa kale wuxuu qabaa:- Carta ma aha wax Soomaalidu u dhantahay, ee waa in helaa wax Soomaalidu u dhantahay, ilaa taas la helana arrinta Soomaalidu halkeedii hore ayay taagan tahay.
SOOMAALIDA IYO CARTA:-
Madaxweynuhu meesha dadka Soomaaliyeed ka taaganyahay Carta wuxuu kaga warbixiyay sida soo socota:-
1. 1. DIGIL IYO MIRIFLE:-
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Digil iyo mirifle uu socdaan inay ka baxaan go’aammada Carta oo ay dhistaan Dawlad Goboleedka, ka dibna ay ka qaybgalaan Soomaaliya Fadaraal ah… waana Gobolkii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee FADARAAL dalbada 40 (Afartan) sano ka hor.
Eeg Bogga xigga
Ka yimid Bogga 2aad
2. 2.
GEDO IYO LABADA JUBBA:-
Sidoo kale wuxuu sheegay in mareexaan Majority-giisu ha soo horjeedo qorshaha Cumar Xaaji Massale uuna kuurka ugu jiro in uu dhsto Dawlad Goboleed Saldhiggeedu yahay Geddo…hawshaasina waa socotaa.
3. 3. MUQDISHO:-
Madaxwenuhu wuxuu sheegay in xoogag badan oo muqdisho ka faltamayaa ay rabaan inay genefka ku fhuftaan Carta una howlgalaan inay aakhirka dhistaan Dawlad Goboleed kulmisa shabeellooyinka iyo Banaadir… kana mid noqoto FADARAAL-WEYNAHA Soomaaliyeed… Madaxweynuhu wuxuu yiri:-
Wataa meesha siyaasadda Somalidu u socoto…caalamkuna wuxuu qabaa sida arrinta Somalidu ku samikartaa inay sidaas tahay
4. 4.
WOQOOYI GALBEED (SOMALILAND)
Madaxweynuhu wuxuu uu sheegay inay wefdi Somaliland ah oo ka kooban wasiirka arrimaha Dibaddu (Maxamuud Saalax Fagare) inay ku kulmeen Nairobi, wefdigaas oo Maxamed Ibraahim Cigaal ka sida waraaqo ay Dawlado badan gaarsiinayaan, iyagoo caalamka u sheegaya mowqifkooda ay Carta ka taagan yihiin… Madaxweynuhu wuxuu xusay in wefdigaasi soo jeediyay in Somalland iyo Puntland isu gaashadaan siyaasaddooda ka soo hormeeda Carta Madaxwe-ynuhu wuxuu tbaaxay inay suurtagal in arrintaas labada dhinac ka wada hadlaan.
5. 5. SIYAASADAHA PUNTLAND EE XILLIGAN:-
Siyaasada Puntland ee xilligan wuxuu ka kooban yahay qodobbada soo socda:-
1. Puntland Carta cidna uma dirsan, cidna uma wakiilan, qofkii reer Puntland ah oo ka qaybgalayna waa qof shakhsi ahaan isaga tegey.
2. Dadka reer Puntland-na waxaa siyaasaddooda wakiil ka ah oo matala maamulka ay iyagu doorteen…Maamulka muddadii la igmaday waxaa ka haray muddo ka yar hal sano…muddadaasna maamulku isagaa wakiil ka ah siyaasadda Puntland, sidaa darteed waxa Carta laga soo sheegaa ma khuseeyaan dadka reer Puntland.
3. Puntland waxay diyaar u tahay inay ka qaybgasho shir dib-u-heshiisiin Soomaalidu ku dhsato dawlad Fadaraal ah, ka dib marka deegaanwaliba soo sameeysto dawlad Goboleedkiisa gaarka ah.
4. Ciddii sida-yada dhisata dawlad Goboleed, waxaannu diyaar u nahay innaannu iskaashi-kasta oo mac-quul ah la yeelanno.
5. Cid kasta oo diidan waxa Carta lagu abuuray, waxaa naga dhaxaynaya hawlaha waxa Carta ka dhashay lagaga hortegayo.
6. Caasimadnnimada Garoowe, Muqdisho u rarimaynno, ee Caasimaddayadu waxay ahaanaysaa Garoowe…wayna ahaanaysaa…wayna ahaanaysaa.
7. Ciidammada waannu u dadaaleynnaa wax-u-qabashadooda iyo dhismahooda.
8. Ardaydu waa mustaqbalkii dalka, sidaa darteed waxbarashada xoog badan ayaannu saaraynnaa.
9. waxaannu sidaas oo kale ahmiyad weyn siinaynaa Caafimaadka Dadka, Xoolaha iyo deegaanka.
10. Amniga iyo nabadgelyadu waxay noo leeyihiin tixgelinta kowaad.
11. Haweenka waxaannu siinaynnaa qadderinta weyn ee ay mudan yihiin…
Anigu dabeecad ahaan gabdhaha waxaan siiyaa xushmad ka badan midda aan ragga siiyo.
12. Maamulka iyo ciidammadaba waxaannu ka saaraynnaa dadka maamulka mucaaridka ku ah.. cashuurta dadweynaha laga qaado, mushahar u siinmaynno mucaaridka maamulka ka soo horjeeda.
WARARKA GUDAHA
ARRINTA SOOMAALIYA-SOMALILAND OO MARKALE KA SOO SHAACDAY JABBUUTI
Bosaso Sept, 28
Xiriir aannu isgaarsiinta kula yeelannay Magaalada Bosaaso, ayaa soo sheegay in Issimmada reer Sool iyo Buuhoodle ee hadda ku sugan Jabuuti, cid ka mid ahi ay ina-Salaad-Booy kula talisay inaannu xukuumaaddiisa ku darin cid ka soo jeedda Somaliland-tii hore ee uu ku koobo reer koonfureed, si had-dhow loogu wada xaajoodo loogu wax-qaybsado Soomaaliyadii-hore iyo Somaliland-tii hore…ina kasta oo ciddaas lagula dooday in qaabkaasi gudbtay markii Carta laga saaray xubno ah Somalland-tii hore oo galay Baarlamaanka (Waa say u qabaane) Carta ka soo baxay, waxaa la sheegay fikraddaas ciddii wadatay in aanay intaas ka harin.
BARAN SHIR HOWLEED.
Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Mudane Cismaan Cashuur Cabdalle ayaa dhawaan xafiiskiisa shir ugu qabtay xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland, Odayaasha iyo waxgaradka kale… shirkaas waxaa la isku
guubaabiyay in howlaha Gobolka dardar cusub la geliyo… iyada oo in isu kaashanayo howlfulinta iyo wax-qabadka.
JANARAAL GALAAL OO LALA RAADINAYO DANBIILENNIMO XASUUQ
(London – Xiriir Telifoon)
Waxaa warar London ka yimid, lagu soo sheegay in laba kooxood oo Yurub deggani, isu kaashanayaan oo diyaarinayaan dacwad ay u gudbinayaan Hay’adaha xuquuqda Bani-aadamiga ee Jamciyadda Quruumaha Midoobay iyo kuwa kale ee Caalamiga ah, dacwaddaas lid ku ah.
Janaraal Maxamed Nuur Galaal, iyadoo loo diyaarinayo in lagu oogo dacwad ah inuu dhowr jeer dad xasuuqay, oo miditay raggii lagu xasuuqay gurigiisa taariikhdii 01/02/1991, oo ay ka mid ahaayeen:-
1. 1. Prof. Ibraahim Maxamuud (Abyan)
2. 2. Sheekh Muuse Aadan.
3. 3.
Cawil Saleebaan Mursal.
4. 4. Axmed Green Shaar
Iyo dhacdooyin kale xasuuqa ee Hay’adaha la rabo in loo gudbiyo, sida la sheegay waa ilaa lix dhacdo.
NABADOONO LAGU BEEN ABUURTEY.
RAADIYOW GAALKACAYO
Labo nin oo k mid ah 32 qof oo hal beel oo wargeyska Riyaaq ee tirsigiisii ugu dambeeyey ee soo baxay 29/9/2000 ku qornaa magacyadooda oo la kale yiraahdo.
1. 1. Nabadoon Abul Omar Xayd
2. 2.
Sanweyne Mursal Faarax.
Ayaa isla 29/9/2000 ka hadlay Idaacadda Raadiyow Gaalkacayo.
Labadaasi nin waxay sheegeen in lagu been abuurtay ayna ogeyn meel lagu qoray qoraalkaas iyo meel ay beesha reer khalaf isgu yimaadeen ogana wada hadleen arrin uu leeyahay C/risaaq Muuse Xirsi oo ka tirsan isla beesha.
Waxay kale oo intaan raaciyeen in C/risaaq ay beeshu wax gaar ah ka gaarin, balse uu yahay shakhsi tegayna Carta Dawlad Goboleedkuna ay go’aan ka gaartay ragga la mid ka ah isaguna in ragaas wax la qabo.
Ugu dambayntii waxay maamulka Gobolka Mudug iyo ka degmada Gaalkacayoba ka codsadeen in wariyaha Riyaaq u fadhiye Gobolka Mudug sharciyo la hor keeno uuna caddeeyo, waxa ku kallifay arrintaa been abuurka ah
TILMAAMAHA MADAXWEYNAHA IYO UJEEDDOYINKEENA.
Qoray (Prof. Maxamud Ismaaciil)
Sida dhabta ah qof keligiis ama kooxi ma dabooli karaan baahida nololeed ama wax walba ma qobsan karaan xalka bulshada aadamigu u heshay xaqiijinta daboolidda baahida qofka kooxda iyo guud ahaan bulshada waa wadajir, ujeeddoyin wadaag ah iyo isku tiirsanaan, qofka iyo kooxda gaar ama beeshuba ma laha awood, aqoon, farsamo, mana haystaan waqti ay wax kasta ku qabsadaan, qof kasta ee inaka mid ah, wuxuu ku tiirsan yahay dad kale si uu baahidiisa u daboolo ama himiladiisa u gaaro sida Askariga difaaca iyo amniga qaabilsan Baraha, dakhtarka, ganacsadaha shaqaalaha, reer miyiga xoolaha dhaqa, farsamo yaqaanka, hooyada ubadka barbaarisata, wadayaasha gaadiidka, cuno kariyaha, aqoon yahanka ilaa hoggaamiyaha shacabku doortay.
Haddii dadku isu geeyaan awooddooda, waxa wada jirtku u suura gelinayaa inay gaaraan guulo aan qof koox ama beeli gaari karin sida xoojinta amniga, hirgalinta iyo hagaajinta adeegyada guud, kobanta dhaqaalha, baahinta sinaanta iyo caddaaladda iyo kor u qaadidda wacyiga dadweynaha iwm
Ujeeddooyinka aynu wadaagno si aynu ku gaarno, waxa lagama maarmaan ah in aan midayno dadaalkayaga, iskuma duba ridno hawlaheena kala duwan iyo habka fulintooda isla markaasna isku dayno in aan carqalad kasta ee gudaha iyo dibedda nooga timaadda uga gudubno sida ugu habboon.
Arrimahaas oo idil waxa tilmaamo ka bixiyey Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed oo shir lagu qabtay Gobolka Nugaal 25/9/2000, ugu baaqay dadweynaha midnimo wadajir iyo wada shaqayn aynu ku gaarno xoojinta, difaaca, horumarinta Puntland iyo dardar gelinta dadaalka aynu ugun jirno dib u dhis dawlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay ee federaali ah, Dawlad dhowrta xuquuqda muwaaddinka, xuquul insaanka iyo axdiyada dawlgia ah oo hanata xukunka dalka, kuna timaadda wada xaajood dawlad Gobolo, isuna dheeli
tiran, lagana hormariyo dhismeheeda abaabul iyo gogol xaar lagu xaliyo mashaakilka heshiiska ku gudboon oo hadda ka hor dhiciseeyey shirarkii isku deyidda dib u heshii siinta soomaaliyeed oo ku Carta ee ugu dambeeyey ahaa midka ku dhamaaday guul darrada ugu weyn.
WARARKA DIBADDA
SIIRIYA OO SAYRUUQ AH CUSUB TIJAABISAY BBC SEPT 28-2000.
Siiriya ayaa tijaabtisay sayruukh cusub oo riddadiisu gaarayso dherer ah 500 (Shan boqol oo kiiloo mitir).
Dhammaan dalalka carabta ee hadda ay qabsadeen ragga dhallinyarada ahi, waxaa ka muuqda siyaasado cusub oo ku dhisan horumar iyo soo nooleyn qabweynidii Carbeed…
HAWEENKA BAXRAYN OO GALAY BAARLAMAANKA
AFB SEPT 28/2000
Amiirka Baxrayn sheekh khaliifa Aala taani, ayaa 4 (Afar) ka mid haweenka baxrayn oo midi tahay nasraaniyad, ayuu u magacaabay Golaha Guurtida Baxrayn (Barlaamaanka)…
Waxaa la orankaraa tallaabadaasi waa mid haweenka Baxrayn iyo haweenka khaliijkuba u arkaan guul horumar oo ay soo dhoweeyeen…
IRAAN OO SAMEYSAY DIYAARAD AH JET
BBC-28 SEPT 2000
Markii uguhorreysay ayaa dawladda Iraan weshedeheeda ka soo saartay diyaarad nooca Jet ka ah diyaaraddaas mudddo ayaa Jitaabo lagu haynayaa sancada dalka Iraan ayaa xagga Milliteriga iyo madigaba waxay ku socotaa xawlli dheer arrintaas oo islaamkana u ah farax, ciddii islaamka necebna u naxdin iyo murugo.
BUUSH OO U HANJEBEY DAWLADAHA KHALIIJKA.
BBC-30 SEPT 2000
Ninka u tartamaya Madaxweynnimada dalka Amerika ee ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ah Mudane Bush ayaa khudbad uu fagaare ka jeediyay ugu hanjebebay dawladaha khaliijka.
Waxaa la sheetgay ninkaasi inuun yiri saaxiibbadayada khaliijku ha ogaadeen shidaalka iyagaa leh laakiin waxaa ilaaliya dalka Maraykanka waxaana kaga baxa kharaj fara badan…dawladahaasina yaanay khaldamin oo arrinta moodin xiriir ganacsi oo caadi ah keliya.
SUUQA XOOLUHU SUCUUDIGA KELIGIIS MA AHA.
Ummad waliba oo adduunku ku nool, waxay xoog saartaa oo hormarisaa ilahooda dhaqaale, say tartan joogta ah ula galaan saylahadaha wax lagu ganacsado ee caalamka.
Hadday tahay, Warshado, Beero, Xoolo, Kalluumaysiga iwm.
Ummadda Soomaaliyeed, waxaa ilaahay ku manneestay Xoolo Nool Beero iyo kheyraadka badda kuwaas ayaana dhaqaalahoodu laf dhabarka ahi ku xiran yahay.
Maadaama dhaqaalaheenna laf dhabarka ahi ku xiran yahay Xoolaha Nool oo aynu ka ganacsanno, waxaa waajib ina saaran ah, innaynu wanaajino Caafimaadkooda io Daaqsintooda iyo had iyo jeerba laga federo.
Waayahaan dambe aad iyo aad buu u wanaagsan yahay Caafimaadka Xoolaheena.
Waxaa jirtay labo sanno ka hor, in dawladda Sucuudigu ay xayirtay Xoolaha Somaliya ku qaadan jirtay iyadoo ku sheegtay in Xoolaha Soomaaliya ay jiran yihiin oo ay qabaan cudurka R.V.
Arrintaasina waxay ahayd arrin aan wax ka jiraa jirin, sababtoo ah waxaa soomaaliya yimid Hay’addo caalami ah iyo kuwo Goboleedba waxayna baareen Xoolaha Nool ee Soomaaliya waxayna adduun weynaha u caddeeyeen in aysanwax cudur ah aysan qabin Xoolaha Soomaaliya nooc kasta ha ahaadeen.
Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaa bishaan 2000, Dawladda Sacuudiga marlabaad ka soo yeeray inay joojisay Xoolihii Noolaa ay ka qaadan jirtay Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Yemen iyaduna jeysaan ee Sacuudiga cudurkaas si sbabann u ahaa Xoolahaas, markaas Sucuudigu Xoolaha Soomaaliya joojinayo waxaa waddanka Sucuudiga Boqosho ku joogey ina Salaad-Booy kamana hadlin arrinta Xoolaha la joojiyay.
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Md C/laahi Yuusuf Axmed, bishiin Sept 25/9/2999 mar uu la hadlaayey waxgaradka, Odayaasha, Nabadoonada Gobolka Nugaal Hoolka shirarka ee xarunta Gobolka Nugaal, wuxuu ka hadley Xaalada Joojinta Xoolaha Soomaaliyeed ee Sacuudigu joojiyay wuxuuna sheegay inay tahay arrin siyaasadeed ee Xoolaha Soomaaliyeed aysan qabin wax cudur ah.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaan loo fadhiyeen, adduunkuna sicuudiga ahayn.
Isla bishaan sept 28/2000 waxaa baaq cad soo saaray ganacsatada dhoofiya Xoolaha Nool ee Dawlad Goboleedka Puntland, waxaana baaqooda u kala direen hay’ado caalamiga ahiyo kuwa Goboleedka sida UN, EU, FAO, IGAD, waxayna baaqooda ku sheegeyn in meel ka dhac ku yahay ummadda Soomaaliyeed qadafka ka soo yeeray sacuudiga, sumcad xumana loogu geystay, Xoolaha soomaaliyeed aysan jiranayn, waxay Hay’adahaas ka codsideen inay baaraan Xoolaha Soomaaliyeed warcadna ka soo saaraan.
Haddii aan dib u eegno deegaamada Dawlad Goboleedka Puntland, waxaa u si dheer Xoolaha Nool ee ka ganacsadaan kalluunka, Libaaxa dhagihiisa iyo cadkiisa oo la dhoofsho, aargoostada, meydiga iyo Beeyada oo iyaguna Kaalin mug leh ka qaata dhaqaalaha Puntland.
Waxaa haboon Dawladda iyo Ganacsatadaba inaan u guntano, sidaanu caalamka kala aynu xiriir ganacsi oo wax wada qabsi ula yeelan lahayn, ugana baxno suuq keliya ee Sacuudiga oo aan xorta ahayn.
Sidaas darteed Sacuudigu keligiis suuq ma aha.
Qore:- Y. A Rooble
SUUGAAN.
MINDD IYO QARSOON
1. 1. WAA LAGU QIYAAMEYNAYAA ARABKA QAAROW-E
2. 2. BAL QALLAACADAUA GEEDDIGAA IDIN QADDAACAAA.
3. 3.
QOSOL BEENA FOOL WADA QAYAXAN QIIL AAN GARANAAYO.
4. 4. BOORAAN AFKII LA QAFILAY QABARNA HOOSEYO.
5. 5. MA ANAA MINDDIYO LAY QARSHAA LAYGU QALI-DDOONO
QORE:-
FAARAX NUUR
