Warsidaha Puntland
Tirsi 55
10 Aug 2000
Garowe – Puntland
Warsidaha Puntland Tirsi 55
Khamiis 10 August 2000
Waa Todobaadle 2 jeer ay soo saarto
Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland
T U S M A D A
BOGGA 2AAD
BOGGA 2AAD
BOGGA 6AAD
BOGGA 3AAD
BOGGA 4AAD.
BOGGA 3AAD
BOGGA 5AAD
BOGGA 7AAD
BOGGA 2AAD
BOGGA 4AAD
BOGGA 3AAD
BOGGA 3AAD
BOGGA 5AAD
BOGGA 7AAD
BOGGA 7AAD
BOGGA 8AAD
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, wuxuu Magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane manasanaawi, waxayna kawada hadleen Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaruhu arrimo la xiriira shirka Carta ee Jabuuti, wayna isku afgarteen. Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland oo ka dhoofay Magaala Madaxda DGPL 2dii bishaan Agoosto, wuxuu Itoobiya ka hor booqasho rasmi ah ku tagay Dalka Kenya.
Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed kolkuu dhamaysto booqashada rasmiga ah ee uu ku joogo dalka Itoobiya, wuxuu dib ugu soo laaban doonaa Nairobi ka hor intaanu imaan Puntland.
WUFUUD SARE OO PUNTLAND AH OO HAWL GAL KALA DUWAN KA WADA GOBOLKA SOOL
Todobaadkii hore waxa magaalada Laascaanood ku kulmay Wasiirada Arrimaha Bulshada ee Puntland, Mudane Faarax Warsame Cismaan, Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiir ku xigeenka Cusub ee Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyon Deegaanka Sulaybaan Cabdi Diiriye iyo abaanduulaha Daraawiishta Puntland C/samad Cali Shire iyo Agaasimaha Guud ee Qorshaynta iyo Bangiyada Goonle iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Puntland.
Kuwaasoo hawlgalo kala duwan ka wada Gobolka, marka laga reebo Wasiirka Arrimaha Bulshada oo dib ugu soo laabtay Caasimada, ka dib markuu shirar gaar ah la kala galay mas’uuliyiin iyo waayeel kala gedisan.
Mudane Xaabsade ayaa isagu ku mashquulsan shir nabadeyn ah oo ku saabsan shaqaaqadii dhowaan hawdka cagaarre ku dhaxmartay labo beelood oo
reer Puntland ah oo ay beeshiis midi tahay isagoo iminka ka qaybgalay shir weyne gaar u ah beeshiisa Tuulada kala Beydh.
Dhanka kalena Wasiir ku xigeenka Cusub iyo Agaasimaha Guud ee Bangiyada iyo Qorshaynta iyo Abaanduulaha Daraawiishta ayaa iyagu hawlo muhiim ah oo xagga siyaasada iyo Amniga iyo maamulkaba leh aad isaga xilsaaray xubnahaas oo Wasiirka Arrimaha Bulshadana wehliyo ayaa shirar hore ula galay Garaad Ismaaciil Ducaale, waxaana ka soo baxay shirkaas is afgarad fiican iyo ballamo.
Qaramaynta iyo Tayaynta Ciidamada oo la damacsan yahay in dhaqaajinta Maamulka iyo bilowga Canshuurahana lagu xejiyo ayay ku soo dhalaaleen madaxdaas.
WAREYSI LALA YEESHAY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BARI
PUNA-Bosaaso.
Agaasimaha Wakaaladda wararka Puntland (PUNA) ayaa xafiiskii Gobolka Bari wareysi kula yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Md Cali Ciise Cali, wuxuuna u dhacay sidaan.
Su’aal :-
Mudane Guddoomiya goorma ayaad xilkan Guddoomiyanimada qabatay?
Jawaab:-
Waxaan qabtay oo xilka la wareegay 5/7/2000.
Su’aal:-
Jawaab:-
Su’aal:-
Jawaab:-
Waxaa kale oo iyana xusid mudan, Warshada Baastada oo xaalad nabadgelyo xumo ka alloosnayd oo laba qolo isku hor fadhiyen iyana waxbaanu ka qabaney, Warshaddiina waxaa gacanta ku haya Ciidamada Dawladda Puntland, Qolyihii isku hayayna Guddi baanu u qabanay arrintooda xal ka gaara.
Su’aal:-
Jawaab:-
Dhinaca dhaqaalaha haddii aan wax yar jalleecno, waxaa jirtay xaalad adag oo dhaqaale xumo, waayo waxaa yaraaday dakhligii soo xaroon lahaa, marka waxaanu xooga saarnay annagoo la kaashaneyno dadweynaha in Canshuurta xoog la saaro say u soo xerooto Canshuurtii baaqn jirtay.
Wuxuuna hadalkiisii ku soo gabagabeeyey Guddoomiyuhu, Annagu waxaanu u adeegnaa oo heegan u nahay Bulsha weynta Puntland, waxaanna Bulshada aanu u adeegno ka rajaynaynaa inay gacan naga siiyaan wadajirna aynu wax u qaban laheyn
Warar laga siidaayey xalay qalabka warbaahinta ee BBC-da waxay sheegeen in Beelo ay ka mid yihiin Absame iyo Murursade ay ka bexeen shirka Carta iyagoo ka xun qaybta loo qoondeeyey in ay qaataan Baarlamaanka dhalanteedka ah ee lagaga hadaaqo Carta, waxaa kale oo ka dhacay Magaalooyinka Muqdisha, Ceel-Buur, Jubada Hoose iyo Jubada dhexe iyo meelo kale banaan baxyo lagu diidan yahay waxa ka socda shirka Carta.
SULDAAN CUSUB OO LAGU CALEEMO SAARAY DEGMADA DHAHAR.
7/8/2000 ayaa beesha Yuusuf Haaruun iyo bahwadaagteeda oo ka mid ah beelweynta Dubays Warsangeli ayaa doortay Suldaan, Suladaan kaasoo layiraado C/laahi Cartan X. Faarax.
Kadib markii shirar iyo wada tashiyo muddo soo socday ay yeesheen beeshu ayaa laysku raacay in la doorto Suldaan C/laahi Cartan X. Faarax.
Caleema saarkaas iyo Xafladaas oo ahayd mid aad loo soo agaasimay mudo dheerna laga soo shaqaynaayey ayaa
lagu qabtay madal aad loo goleeyey taasoo ay ka soo qaybgaleen dadweyne aad u farabadan oo ay hormood ka ahaayeen isimo kala duwan oo kala socday Gobolada Puntland Cuqaal iyo dadweyne aad u farabadan oo ka kooban qaybaha bulshada, iyada oo dadweynuhu waxay ugu duceeyeen Suldaanka In xilka la saaray Illaahay u fududeeyo isaguna wuxuu balan qaaday in uu dadaali doono.
Suldaanku wuxuu dhashay 1945tii, Malcaamada Quraanka wuxuu ka galay Buraan 1950kii, Dugsiga Hoose wuxuu ka dhigtay Laasqoray 1953dii Dugsiga dhexena wuxuu kagalay Dayaxa, 1956, Dugsiga Tababarka Macalimiinta Camuud ayuu galay 1962dii.
Wuxuu macalin ka noqday Dugsiyo kala gedisan ee Dalka gudihiisa, mudo ka
dibna wuxuu ka tagay shaqada Maclin nidamada, wuxuuna ka mid noqday shaqaalihii Wakaalada Ganacsiga ka dibna wuxuu noqday Caaqilka Caaqilada Beesha Warsangeli isagoo ka dhaxlay Allaha u naxariistee Aabihii Cartab Xaaji Faarax oo ku magac dheeraa Cartan Injir, sanadkii 1967dii, wuxuuna Caaqilka Caaqilada ahaa 34 sanno iyo sideed bilood.
7/8/2000 waxaa loo caleema saaray Suldaanka Beeshaas, waxaa kale oo leeyahay Suldaanku waaya aragnimo xagga maamulka ah, isagoo soo maray maamul dowladeed oo kala gedisan.
DHIBAATADA BACUHU KU HAYAAN DEEGAANKA
Dhibaatooyinka Deegaannada ku dhaca waa farabadan yihiin, labo qaybood baana ugu weyn qayb ah kuwo dabeecaddu keento iyo kuwo bani-aadamku keeno.
Kuwa dabeecaddu oo aalaaba ka dhasha Abaaraha iyo daadadka mahigaank ah oo iyagu deegaanno badan xaalufiya, iyagoo daadadkaasi gooynayaan dhirtii ciiddii wanaagsaneydna qaadaya, dhalanrog deegaankeena, dabadeedna deegaankaasi isu baddalo lama deggaan.
Abaaraha oo ku habsada muddo dheer deegaamo waxyeelo weynna u gaysta, ugana taga waxyeelooyinkaas faraha badan oo ay ka midka yihiin xaalufin iyo nabadguurin.
Waxaa kale oo iyana qayb weyn ka qaata dhibaatada ku dhaca deegaamada Bani’aadamku oo dhibaato weyn oo joogta ah ku haya, iyagoo jaraya ama gubaya keymo badan una isticmaalaya Dhuxul, Baraago ay ka qodaan Keymaha, ama Tuulooyin aan loo baahnayn ka sammeeynaya meelihii ugbaadka ahaa, dabadeedna ay meelahaas aan soo sheegnay ay isu badalaan lama degaanno, sida aynu ku aragnay dhul badan oo keymo ahaa, oo laga sameeyey Tuulooyin iyo Baraago.
Waxaa iyana xusid mudan oo waayahaan dambe soo baxday kooxda loo yaqaan dhalacadda oo iyagu wata Kamam ganacsi oo ka daba guura hadba meeshii Xooluhu joogaan, waxay iyagana dhib u gaystaan dhirta oo
waabab ka dhistaan, iyagoo dhirtii waaweeyneyd iyo nagaarkaba jaraya, say uga dhistaan waababkaas.
Aafada ugu daran oo ku soo korodhay dhibaatooyinka waxyeeleeya Deegaanka oo ah Bacaha Alaabta lagu qaato oo dhibaato aad iyo aad u ballaaran u geysta, Bacahaas oo maanta geedkasta ku dhegsan oo aad moodayso in lagu sharaxay geedka, xad dhaafna ku yihiin wadanka, waxay geeystaan in ay qalajiso geedka dhanka ay ku dhegsan tahay.
Marka haddii ay qalijiso maalintii 10 geed, bishii waxay qalajinaysaa 300 oo geed, sanadkiina waxay qalajisaa 3600 oo geed.
Haddii aynu soo qaadano 3sanno waxay keenaysaa in ay qalajiso 10800 oo geed. Waxay kaloo keentaa in xooluhu cunaan bacaha, neefkii cunana dheefshiidkiisu ma shiido, oo caloosha isaga duubtaa ama dhuunta isku xertaa, dabadeedna neefkaasi wuu dhintaa, waxaana ku jira oo ku dheehan maadooyin u macaaniya in xooluhu cunaan, hadaba haday keento intaas oo dhibaatooyin ah oo leh deegaan iyo xoolaba, waxaa haboon oo aan ku talin lahaa in la joojiyo ka ganacsigeeda sharcina ay ka so saaraan Hay’adaha ay khusayso, cidii dambe oo keenta sharciga la horgeeyo isagoo la ciqaabayo macahana laga gubayo.
Waaan kula dardaarmayaa dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland in ay ka feejignaadaan ka ganacsiga bacaha oo dhibaatooyinkaas xad-dhaafka ah inaku haya, haddii intaas oo dhib ah inoo geysato inaguna ma noolaanayno, nolasheena wixii dhib ku hayana waa in aynu ka ilaalinaa oo ka difaacnaa. (Yaasiin Aadan Rooble)
CUDUR DAAR
WARSIDAHA PUNTLAND OO HADADKIISANI DIB U DHACAY, WXA SABAB U AHAA ARRIMO FARSAMO
MAAMULKA PUNTLAND OO SOO BANDHIGAY DABAAL DEG QAANGAAR AH
Waxaa si qaangaarnimo ah, qurux iyo qiiro leh todobaadkii hore lagu soo bandhigay barxadda weyne ee Garoowe dabaal deg lagu maamuusay sanad guuradii labaad ee udubka loo taagay Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
Damaashaadkaas oo ahaa mid aan Dawladda, Bulshada qaybaheeda kala duwan iyo ciidamada Nabadgelyada (Booliis iyo Daraawiishba), loo kala harin, wuxuuna isku waqti ka wada dhacay dhammaan Gobollada iyo Degmooyinka Puntland, waxaana lagu wada ducaystay in Eebe sanadka dambe, nabad, Barwaaqo iyo caafimaad nagu gaarsiiyo, iyo waliba in Alle suura gal ka dhigo helitaan midnimo iyo qaran Soomaaliyeed oo aan turxaan iyo shuhubo lahayn.
Waxaa xafladaas si qushuuc, rabitaan iyo ayidaad leh uga soo qaybgalay Dawlada ka sakow, Martisharaf xoog leh oo ka kala timid qaybaha Soomaaliya, Gobolada Puntland, Ajinabi iyo tobannaankun oo shacabka Garoowe ah oo ay ka muuqatay dhaaddanaan markay si wacan u soo wada xirteen labbiskoodii ugu dambeeyey, waxayna kaga qaybgaleen dabaaldegga taageero ah sacab, mashxarad, iyo caleemo qoyan, waxayna ahaayeen dadweynihii saldhigga iyo udub dhaxaadka u ahaa ku guulaysigii shirweynihii libineed ee 1988dii Garoowe ka hirgalay.
Barxada Garoowe waa laami, waxayna isku xertaa jidka laamiga ah oo kaga darsama Bari iyo Galbeed.
Barxada Garoowe waxay aad uga weyn tahay, kana bilicsan tahay barxadii loogu yeeri jiray (Sucndo
Liido) ee Xamar, taasoo 1961dii ilaa 1964tii lagu qaban jiray xafladaha sanadguurooyinkii Gobonimada.
Barxadaas waxaa todobaadkii hore dhextaagnaa oo runtii aad u bilay dabaal dega indhahana lala raacayey kooxda muusikada ee Ciidamada ee ay gabari wehlisay, waxaana ka soo burqanayey sanqaro isugu jiray maaweelo iyo kuwo ay kala lahaayeen xoogaggii bandhigga sameenayey ee martida loo wada ahaa.
7:20 ayaa xoogaggii salaanta bixinayey dhaqaaq bilaabeen, waxaa ugu horeeyey kooxo matalayey ururada Bulshada sida ubaxa, bisha cas, hobalada, Isboortiga, Dhalinyarada, Hooyooyinka iwm.
Waxaa ku xigay si haboonna looga ilsugtay ciidamada daraawiishta oo tuute qabay, ayna u whelisay calaammaddii ciidamada daraawiishta lagu yiqiin oo ah cimaamad cad, waxaana ummaddii wax daawanaysay aad uga heleen sidii ciidamadaasi saanta isula helayeen, magaca ciidamada daraawiishtu wuxuu baxay waqtigii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, waana magac aad u gaamuray oo ummadda Soomaaliyeed jeceshay, cadowguna neceb yahay, waana tii Sayidku ugu hanjabay Gaalada “MA DULKEENAY KUMAN DUUBCAD AH OO WADA DARAAWIISH AH”.
Waxaa ku xigay ciidammadii gaadiidka oo qaarkood ku gaashaannaayeen hubka cadow-ga lagu gubo, markay haboon tahay, dadka soomaaliyeed oo intii lagu jiray Burburka kala bartay agabka ciidammada waxaa ku cusbaa taladooda ayna isha hoos ugu shiisheen, waxna iska weydiinayeen baabuurtii xoogganayd ee ciidammada ee isku nooca ahayd, ahna gaadiid tayo ka muuqato.
W. Q (Muuse Xaaji Siciid (Abees)
BEESHA YAGOORI OO XARUN CAAFIMAAD ISKAA WAX U QABSO KU DHISANEYSA.
Xarun Caafimaad oo ka kooban 3 qol ayaa laga bilaabay dhismaheeda tuulada Yagoori ee Degmada Laascaanood, dhismahaas oo iska kaashanayeen Xafiiska Bisha Cas ee Sool iyo dadweynaha reer yagoori.
C/raxmaan Xirsi Muslin oo ka mid ah aqoonyahanada beeshaas ayaa warsidaha u sheegay in xoogaa qalab ah ay Hay’addu ku deeqday, dadweynuhuna ay fulinta dhismaha qaabileen iyadoo aan loo kala harin.
Wuxuu intaa ku daray in xaruntaas caafimaad ay ka faa’iidaysan doonaan ilaa 5000 oo bukaan socod ah.
Waxaa kaloo la filayaa buu yiri, kolka uu dhammaado dhismuhu in ay qalabeynta iyo gargaar kaleba ku taageeri doonto Hay’ada laanqayrta Cas ee Jarmalka.
Ugu dambayntii Mudane C/raxmaan wuxuu jaalliyadda reer Yagoori ka codsaday inay gacan ku xoojiyaan Hawshaas.
TAARIIKHDII XAMAR CAASIMADII HORE EE SOOMAALIYA (1300-1991)
(Qaybtii 2aad)
Sababaha Magaalo Caasimad u noqon karto qoraalkii hore baan ku soo sheegnay, waxaa ka mid ah:-
- In ay tahay meel dalka laga hogaamin karo.
- In ay u dhexeyso, ummadda oo aan dadka Qabiil, Diin, Midab takoor ka muuqan.
- Cimilo wanaagsan waa iney leedahay.
- iney leedahay xeer u gaar ah oo dawladda dhexe ay maamusho (Statuus).
Sidaa darteed hadii aan afka ku dhufto meelaha aan u arkaayo iney noqonkaraan Caasimada dawlada federaalka ee soomaaliya.
CRITERIO
MAGAALO
CIMILO
BADD/BIYO
DARIIQYO
DEGANAASHO
Baidoa
80%
50%
70%
70% (
-)
Brava
85%
100%
80%
90% (+)
Gaalkacayo
70%
50%
70%
80% (+ -)
Cerigavo
90%
50%
20%
90% (+ -)
Kismaayo
80%
90%
80%
90%
Hargeysa
80%
50%
70%
90%
Marhaddii lix daas Magaalo aanu leenahay Caasimad laysku qabsado meesha mataal.
Tii Soomaaliya ugu qiima badnayd, waxaa ka inkaarsaday, dad aan xilkas ahayn oo Caydiid guriceel ka soo uruuriyey, isagoo ka lahaa dan ah, xukun iyo bililiqo isku darsi, aduunkana magac xumo aan hareyn noosoo jiidey, halkaasna waxa ku burburay wixii aan xadaaro iyo ilbaxnimo lahayn.
Marka Xamar, waxay noqonaysaa magaalo tijaaro, hadiise Puntland taladeeda la qaadanaayo oo caadifada hogaamiyeyaasha qaarkood ay ka daayaan, Caasimad shaqaysa iyo Dawlad federal ah, si dhakhso ah baa lagu heli karaa.
Shirka Carta ee la marin habaabiyey marna kuma fakerin, xaggee caasimad noqon karta?
Dadka degani ee ummadaha hantideeda ma dhawrikaraan,
xafidaana, haddii ay dhacdo sidii 1991, burbur dawladeed.
Xamar taasu kama dhacin.
Arrimahaas waa in la tixgeliyaa marka ugu horeeya ee shir weyne Soomaaliyeed. Loo dhanyahay la isugu yimaado, anoo rajaynaya in uu noqdo sanadka 2000 ka hor, oo aan wakhti loo dhumin.
(Qore:- Yaasiin Faarax Cartan)
DUGSIGII SARE EE LAASCAANOOD OO LA BANNEEYEY…
PUNA 2-8-2000
Dugsiga sare ee Laascaanood ayaa dibada laga dhigay qoysaskii iyo dadkii badnaa ee ku habsaday Qolalka, Fasalada, Xafiisyada, iyo Laababka lahaa ee dugsiga sare ee Laascaanood, kaasoo hoy u ahaa tan iyo 90kii.
15qol ayaa hal maalin lagu baneeyey oo laga raray dadkii ku jiray, iyadoo mashruucaan lagu
fuliyey iskaashi dadweyne, sida uu Wariyaha
Warsidaha Puntland uu xaqiijiyey Guddoomiyaha Waxbarashada
Gobolka Sool Maxamuud Jaamac Dalmar oo Guddi
waayeel ah oo uu ka tirsan yahay ay hawshaan fuliyeen, waxaa halkii albaaba
lagu furdaamiyey lacag dhan 250 Doollar, taasoo laga helay Jaaliyadaha reer Sool ee dibada ku dhaqan, oo iyagu dhismihii hore ee Dugsigaan gacan ka gaystay, Kaalmadii dadweyne ee 1998kii lagu hergeliyey.
Mudane Dalmar wuxuu sheegay in weli 3 qol harsan yihiin kolka la ebyana dayactir deg deg ah lagu bilaabi doono, waxbarashadii Dugsiga sare oo uu Gobolka kaga haray Puntland inteeda kale
BAYAAN BEESHA FAARAX GARAAD SOO SAAREEN
Shir ay yeesheen 5/8/2000 waxgaradka, Odoyaasha, Cuqaasha, iyo Siyaasiyiin ka socda Beelaha Faarax Garaad oo ay ka mid yihiin, Beesha Axmed Garaad, sida-Cali-Geri Axmed, Aadan Axmed, Samakaab Axmed iyo Beesha Guuleed Garaad, waxaa ka soo qaybgalay cadad aan yareen oo beelahaas aanu kor ku soo sheegnay iyo dad aan ka fogayn, waxaana lagu qabtay Magaalada Laascaanood.
Shirkaasi waxaa looga wada hadlay arrimaha Soomaali weyn iyo kuwo gaarahaaneed ee Puntland, Dood-dheer iyo falanqayn ka dib, waxaa la go’aansaday in la soo saaro, Qodobadan oo ah bayaan beeleed waana sidaan hoos ku qoran:-
- In Maamul Goboleedka Puntland oo ku dhismay rabitaanka shacbiga, Hogaankiisana lagu doortay hab Dimuqraadiyad ah, sidaa daraadeed wuxuu mutaystay in loo arko muqadis aanay beeshaasi ka hor imaankarin.
- In ay beelahaasi taageersan yihiin qabanqaabada hadda la wado ee dulucdeedu tahay, sidii loo dhaqaajin lahaa maamulka Gobolka Sool ee u adeegista Daryeelka Bulshadda Gobolkaas iyo sugida ammaanka iyo nabadgelyadda, Uruurinta canshuuraha iyo wixii la mid ah, cid kasta oo ka hor timaadana, si wada jir ah laysaga qabto, iyada oo lala kaashanaayo Bulshada Caafimaadka qabta ee horumardoonka ah.
- In shirka Carta ee dalka Jabuuti ka socda uu halis wayn ku yahay Ummadda Soomaaliyeed siiba Isirka Daaroodka, una horseedaayo Qalalaase hor leh iyo dagaalo aan la saadaalin-karin sida ay noqonayaan, natiijada ka soo bixidoonta iyo Goorta uu dhammaanayo, sidaas awgeed in shirkaas iyo waxa ka soo baxaba laga fogaado, Waxtixgelin ahna aan la siin.
- In taageerro buuxda oo hiil iyo hooba leh ay la garabtaagan yihiin Beelahaasi Maamul-Goboleedka Puntland oo ay wax ka dhisteen, Cidii ka hortimaadana ay u arkidoonaan Cadaw jiritaankooda lid ku ah
.
Hadba, iyadoo dadkii shirkaas ka soo Qaybgalay aan warqadaan lagu soo koobi Karin, waxaan halkaan idiinku soo Muujinaynaa xubno ka kooban Cuqaal, Waxgarad iyo Siyaasiyiin ay u Wakiisheen in ay Beyaankaan u sixiixaan, waana kuwan hoos ku qoran:-
( eeg 55_1.html )
SHIRARKII HOROO LAGU HESHIIN WAAYEY HOOSTUU KA SII MARAY KANAAD CARTA KU HAYSAANE.
Hordhaca waxa qoray (Prof Maxamud Ismaaciil)
Tixda waxaa tiriyey, (Abwaan Maxamuud Shiikh).
Abwaan Maxamud Shiikh, wuxuu ka mid ahaa dadkii rumaystay dicaayaddii loo sameeyey shirka Carta ee Jabuuti, hase yeeshee kolkii ay soo if bexeen arrimo caddaynaya sababaha fashalka iyo rajo beelka shirka Carta sida:-
- Faragelinta gaartey heer Soomaalida meesha ku kulantay loo yeeriyo go’aano aan xal keenayn, balse keeni kara isku dhac sida la tashi la’aanta madaxda soomaalidu dooratay ee Gobolada qaarkood ama matalaya himilada dhabta ah ee shacbiga soomaaliyeed.
- ka qayb galayaasha shirka iyo kuwa u taliyaa, waxay ka badin waayeen in ay dhahaan; qabyaalad wax ha lagu qaybsado! Haddee qabyaalad dawlad iyo bulsho casriya lagu maamuli karaa, ma lagu fulin karaa mashaariic horumarin qaran iyo adeeg bulsho.
- Soomaalida Alle mideeyey oo wadaagta dhalasho, diin, luqad, dhaqan iyo masaalix, qabyaaladda waxa uga kheyr roon in ay wax ku qaybsadaan deegaan, si midnimadeedu u xoogsato iyo wax wada qabsigeedu, una dhisato dawlad Federaali ah.
Miyaynaanse garan Karin kuwa qabyaaladda ku dhegani in ay yihiin indhow garad iyo kuwa aan rabin midnimo, Qaranimo iyo dib-u-heshiin.
Arrimahaas oo idil, waxay si xoog leh u kiciyeen shucuurka waddanimo ee Abwaanka weyn Max’ud Shiikh oo ku cabbiray tixgabay ah mowqifka uu ka taagan yahay shirka Carta, Max’uud Shiikh wuxuu safka hore kaga jiraa, taageerayaasha DGP, shirka Cartana tixda soo socota ayuu xaqiiqdiisa ku sheegay:-
Ismaaciil hal yey baan u qabey
Wuxuu haarminaayaan lahaa
Hambalyo iyo salaan baan u diray
Hayeeshee hubsana waa lahaa
In kastuu habeen iyo dharaar ama uu haween iyo ragaba.
Allay lehe hal bacad lagu lisey.
Shirarkii horeetoo jiroo hud iyo cadow baa fadhiyey iyo qaar hunguri doona
Hoos buu ka sii maray maalintii horee.
Waa ku soo hirane
Dadaf hoosnayde hal ima seegayne
Dhidiidku hooraayey
Hadala gaarsiiyey
Noqotay hawshiiye.
Lagu heshiin waayey
Haarib iyo tuuge oo ku hafray ruuxoode
Kanaad Carta ku haysaane.
YAA ISKA LEH XAL U HELIDA DAWLAD SOOMAALIYEED
Sida aynu ogsoonahay waxaa la soo maray 10-sanno oo bur bur ah iyo dawlad la’aan oo burburkaasi gaaray ilaa iyo qof kali ahaantiis u burburay hadaba sidee ayaa burburkaasi dal iyo dadba saameeyey looga badbaadi karaa.
Sida aynu wada ogsoonahay waxaa lagu soo guuldaraystay shirar badan oo waqtiyo badan kulamo laysugu keenay hogaamiye kooxeedyada, wax raad ah oo dano dadka iyo dalkaba u ah oo ka soo baxayna ma jiraan, waxaad moodaa oo kaliya faa’iido laga soo hoyiya in ay tahay sii kala fogaynta ay ku sii kala fogaadaan ama garabyo isgarabsiiya, mid walbana colaadaas ayuu ula soo noqdaa kana soo shaqeeyaa una saa’idiyaa calaada.
Midaas hadaan intaas ka xuso oo aan u soo noqdo shirka carta, shirka haatan ka socda Carta, waxaad moodaa inuusan ka duwaneen shirarkii hore ee uu awalka ka xumaaday, waayo markii la yiri ergada waxaa lagu qaybsanayaa Qabiil ayey marin habaabiyeen, ciddii ololaynaysay oo ugu talagashay inaan wax ka soo bixin waayo, haddii Ergadu lagu salayn lahaa qaabdeegaan maanta dood kama
taagnaateen, in Baarlamaanka Deegaan lagu saleeyo hadase waxaad moodaa in aan marna xal laga gaari Karin.
Marka sidaas ayaa laysku maandhaafsan yahay oo hortaagan xalkii loo gudbi lahaa, waxaan qabaa haddii xaaladu sidaas tahay waxaa laysugu soo dhawaan karaa inay tahay oo kaliya sidatan:-
- In ay maamulo samaystaan, meelaha aan maamulada lahayna loo sameeyo maamul.
- In meelaha maamulada lihi baahiyaan siyaasdooda gudaha ay ku dadaalaan sidii nabad iyo wada noolaansho ugu soo dabaali lahaayeen Walaalahooda Soomaaliyeed.
- In ay isku xilsaaraan sidii ay ku heli lahaayeen deegaamada deriska la ah maamuladooda.
Marka maamuladu samaystaan oo meelahaan maamuladu lahayn loo sameeyo maamulo.
Nimanka maamulka hogaaminaya inaysan la kulmin nimaan maamul lahayn, waana in lagu khasbaa in ay samaystaan meelaha aan maamul lahayn maamul, hadaba marka la helo qaabkaas in loo qabto dawlad dhexe oo federaal ah ayaa xal lagu heli karaa dawlad soomaaliyeed oo sax ah. (Maxamuud Cali Gurey Suudi)
HAMBALYO
Anagoo kala ah:-
- Siciid C/laahi Sardheeye (Juujaalie)
- Cali farxaan Jaamac Afweyne.
- Maxamuud C/laahi Xuseen (Alakis)
- Siciid Cismaan Maxamuud.
- Daahir Bulshaale Boos.
- Meygaag Afweyne Gaashaan.
- Cali Ileeye Faarax.
- Anis Siciid Cismaan.
- Shukri Jaamac Xoosh.
Shukru Jaamac Xoosh.
Waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dadkaas C/rashiid Jaamac Xoosh (Isburaash) iyo Hodan Cismaan Maxamuud, oo Wiil ugu dhashay
Degmada Galdogob, waxayna Illaahay ugu baryayaan inuu noqdo kii dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisaba Anfaca.
(Aamiin Aamiin)
INVITATION (VACANCY)
General Directorate of Personnel Establishment and Labor Affairs.
Subject:- Vacant Post for Human Resource Development Specialist.
The Directorate of Personnel, Establishment and Labor Affairs in the
Presidency, Puntland State of Somalia, intends to engage a Human Resource Development specialist as a consultant. The project is funded by the UNDP/OPS Somalia.
Duty station: Garowe, capital of Puntland State of Somalia.
Period of engagement 3 months (Extendable)
Nature of the Duties:-
Specific Duties:-
Should there be a need to undertake them, then it must be done either jointly with them, or on their behalf or through them as appropriate.
Qualification and Experience:-
Application should be submitted to the Directorate of Personnel, Establishment and Labor Affairs in Garowe not later than 30th August .
The interested applicants abroad should send their applications by E-mai to:- <Warsame @melbpc.org.au>
Abdulahi Ahmed (Azhari)
[Country]
