W/PL:- Arrinta Nabadgelyada waxaad sheegtay inaad wax ka qabatay waxaana la sheegayaa tuugo farabadan oo xabsiga laga siidaayay oo magaalada faro kulul ku haya, marka taa maxaa ka jira?
Baasaweyne:- Arrintaas ninka tuugga ah waa la soo xiraa waxaa la geeyaa xabsiga, Boliiska ayaa soo qabta, baaritaan ayaa lagu sameeyaa xabsi waa la baaraa ayna sameeyaan Boliiska, Maxkamadda ayaa la geeyaa kii dambiile ahna haddee dambigiisa ayaa lagu qaadaa, kii aan dambi lahayna haddee sharciga ma ogola in la iska hayo, marka cidda aan la damiinan ama waa in uu Ruumaan ahaadaa oo xabsiga ku jiraa ama waa in uu xukun ku dhacaa, marka Booliiska soo qabto repoorkiisa u gudbiyo Maxkamadda ayaa la saaraa, awoodda siidaynta inta Maxkamadda ayaa iska leh.
W/PL:- Waxaad kale oo Carabaabtay in habac ku jiro Dawladaha Hoose ee Gobolka, marka maxaad is oran kartaa waa keentay, sidaas waa looga gudbi karaa?
Baasaweyne:- Tayo xumida ayaa keentay, tayo xumida shaqaalaha Dawladaha Hoose ayaa keentay, dad aan shaqadii u firfircoonayn ama…. Ciidamadaa la shaqeeye Dawladaha Hoose, waxaa si toos ah ah ula shaqeeya Taliska Ciidanka Booliiska dhib badana kala kulma, inta uu ka qabto Boliiska Degmada, shaqadiisu caadiga ahaa dhulalkaana u badan, waayo dhulka dadkiibaa iimaankii si ka noqday habeenkii bay jeex jeexayaan dhul boob wax la yiraahdo, dadkii ma sugayaan sharciga, sharcigii ma dhowrayaan xattaa ayraboorkii, habeenkii waa la jeexdaa calaamadaa la dhigtaa subaxdiina Booliiska iyo Dawladda Hoose ayaa baabiya Marka waa jug-jug meeshada jog dhibaatadaasi waa jirtaa tayo xumi iyo jileec Dawladda Hoose ayaa jira, hawlaha guud oo Ayraboorada shaqaalaha iyaga waxaad moodaa inay ogayn xilkii Ayraboorka ka saaraan.
W/PL:- Waxaad iyadana carabaabtay markii aad shirkii Carta ka hadlaysay inaad wax ka qabateen, waxaa la sheegaa in hadda Gobolka dhexdiisa lagu qabtay weliba magaalada Garoowe arrintaa iyada maxaa ka jira sideese wax uga ogtihiin?
Baasaweyne:- Ma jirin wax shir ah oo lagu qabtay oo ofishal ah, dhowr nin oo guri isku xiray oo joornaal wax ku qoray Borobaleem ma aha wax dhibaato ah ma aha shirna haddee lama oran karo taa, waa jirtay waan maqlay iyagana talaabadii ku haboonayd baanu ka qaadnay waayo, waxaanu u sheegnay in aan shir la ogolayn mid qarsoodi ah iyo mid muuqda, kooxihii wixii aan garanweynay digniin baan siinay inay ka waantoobaan ilaa hadeerna wax caynkaas ah ma jiraan.
W/PL:- Waxaa jirtay 16kii bishii la soo dhaafay ee November in Madaxweyne ku xigeenku Guddiyo magacaabay dabadeedna Gobolka Nugaal Guddigu uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Baa loo magacaabay marka Guddigaas sidee baad u wada shaqaysaan.
Baasaweyne:- Guddigaas waxaa loo magacaabay xaalada ka jirta Gobolka ama Gobolladeena oo dhan, shanta Gobol iyo Deegaanka Buuhoodle intaasba Guddiyo baa loo magacaabay kala duwan Guddigaas Wasiirka Xanaanada Xoolaha Maxamed Xaaji Aadan uu ka madaxda yahay baa loo magacaabay wada shaqayntayaduna si fiican baanu u wada shaqaynaa si toos ah ayaan u wada shaqaynaa, wax walba waan isla qabanaa sidii shaqada noogu fiicnaan lahayd baanu u wada shaqaynaa.
W/PL:- Arrintaasi mark uu ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha waxay u ekeyd mid ka biyo diidsan yahay, dabcan oo u muuqata in Maamuladu Goboladu ayan la shaqayn Karin guddiyadaasi la Magacaabay marka arrintaasi sidee tahay?
Baasaweyne:- Walaahi ninba figrad buu leeyahay, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa taas Guddiyadaas la magacaabay waa uu xanuunsanaa, hadda laftigeed aad buu u xanuunsan yahay wuxuuna dhakhtar u aaday Bosaaso Allaha Caafiyo.
W/PL:- Mudadaas koobnayd oo aad Guddoomiye ka ahayd Gobolka ma jiraan wax dhibaatooyin ah oo aad la kulantay.
Baasaweyne:- Qof ahaan dhibaato-oyin lama kulmin: oo aniga dalkaygii iyo dadkaygii baa joogaa, laakiin waa jirtaa dhibaatooyin shaqada kaaga hor imaanaysa, oo ku saabsan xagga dhaqaalaha, Gobolka saad u ogsoon tihiin malaha Gaadiid iyo shidaal Hawlaha lagu fuliyo marka sidii la rabay in aad wax u qabatid waxaa laga yaabaa in stakol kaa hor yimaado ama aad weydid shidaal ama aad weydid wixii aad wax ku kordhin lahayd, dhibaatadaa, Gaadiid la’aanta iyo shidaal la’aanta ma’ahee wax kale oo dhibaato ah oo naga hor yimaada ma jirto, dabcan taasi waa hor imaanaysaa, horey waa nogu hortimi, haddana waa naga hor imaanaysaa, Ilaa la daboolo oo Dawladdu daboosho waana sugaynaa inaan helno Gaadiid iyo shidaal sanadka cusub Janaayo wixii loo gaaro insha Allah.
W/PL:- Adigoo ka faa’iidaysanaya fursadaan maxaad shacabka Reer Puntland ama Gobolka Nugaal aad u jeedin lahayd?
Baasaweyne:- Waxaan u jeedinayaa shacabka Reer Puntland oo walaalaha ah oo isir wadaagga ah waxaan u jeedinaynaa inay nabada xasiliyaan oo ku dadaalaan meelna uga soo wada jeedsadaan oo aan la oran xukuumad iyo shacab ee laysku duubnaado oo nabada iyo wanaaga iyo wax wada qabsiga iyo cadawga dibada iyo gudaha meel looga soo wada jeedsado oo loo feejignaado dantana la garto, waxaan kaloo u soo jeedinayaa guul iyo caafimaad iyo khayr dantoodana in Ilahaay garansiiyo baan u soo jeedinayaa ummadda Reer Puntland iyo Soomaaliyeed.
WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA EE MARAYKANKU SIDEE AYUU U ARKAA PUNTULAAND??? !!!
Sida la inoo sheegay, Madaxweynaha hadda la doortay ee dalka maraykan ku, wuxuu Wasiirka Arrimihiisa dibadda u doortay Jananka madow ee la yiraahdo Koolin Bowl….
Isagoo ah janankii hoggaam-inayay dagaalkii adduunkoo dhammi Ciraq ku hujuuntay sannadkii 1991…. Sidee ayuu u arkaa arrimaha Soomaaliya guud ahaan iyo kuwa Puntland gaar ahaan???
Waxaynnu ku bilaabaynnaa horta siduu u fekeraa janankaasi???
Markii uu ka soo jeestay dagaalkii Ciraaq, saaxiibkiis oo la yiraahdo Josef Brisco ayaa inoo soo faafiyay oo ka dhigay buug, waraaqihii Janankaasi lafihiisa kaga xog-warramay (Biography)…. Buuggaas oo magaciisu yahay:- Xusuus-Qorkii Koolin Bowl…. Bal aan erayo ka soo qaadanno:-
1. Fasalka 9aad, Bogga:- 277:-
<<Aragti saafi ah oo aad leedahay, kaligeed wax kuma fulinkartid….
Aragtidaas waxaa dhab la taaban karo u beddeli kara, rag ad-adag keliya…. Adiga iyo iyagu raq badan wara…. Ka dibna iskaga dhaqaaq, wadaaddada iyo kuwa samafalka ka shaqeeyaa lafaha ha ururiyeene u daa>>
2. <<Waxaynnu ku noolnnahay nolol hoosta ka maran oo aynnu aad ugu cidllooneynno… cadowyo dhab ah si sahlan ayaynnu ku helikarnaa….
Laakiin way adagtahay inaynnu helnno saaxiibbo run ah>>
3. Fasalka 14aad:-
<<Anigu maamulka aan jeclahay waxaa weeye:- arrimaha oo lagu fuliyo naxaariis la’aan kor qabow>> bogga 452
4. <<Anigu ragga ila shaqeeya marwalba waxaan ka rabaa:- caqli soofeysan, daacadnnimo buuxda, dhega nuglaan ebyan, dareen sarreeya, arrimaha dhicidoona oo la sii arko, qofnnimo isu-miisaaman iyo howlfulin lagu mintido>> Bogga 452.
5. <<Madaxweynahayagu (Reagan) wuxuu ahaa nin caqligiisu kala daadsanyahay oo maskaxdiisu kala quban tahay>> Bogga 462
6. <<uur-ku-jirta qofku, caafimaadka ugu sarreeya waxay ka heshaa faras guudkii>> waxaa yiri Madaxweyne Reegan Bogga 496.
7. <<Hoggaamiyeyaasha waaweyne, kibir ma laha, dooddana ma nacaan, wayna shaki-badan yihiin, xalka ay keenaanna waa mid dadweynuhu fahmi-karo>> Bogga 501.
8. Fasalka 17aad:-
<< Inta aad leedahay cadow heer sare ah ayaa adigana arrimahaagu kor u soconkaraan>> Bogga 505
9. Fasalka 18aad:-
<<Millateriga Amerika oo hoggaanka loo dhuftay, inkaaraha dunida waa ka mid>> Bogga 589
10. <<Panama ayaannu ku qaadannay tababbar nuxurkiisu yahay:- Adigoo baallaweyn sii hadaaf, arrintana dhakhso u soo afjar>> Bogga 615.
11. << Carabtu dhan ayay ka ahaayeen walaalkooda habowsan, laakiin diyaar uma ahayn inay Israa’il saf la soo galaan>> Bogga 616
12. Ciraaq-dii aan ku luqluqday waxay ahayd xoogga 4aad ee dunida>> Bogga 622.
13. waxaanu Ciraaq u maggaabinnay, inaanu indhaha Iran wax tusno>> Bogga 668
Lasaco Tirsiyada dambe
BAHDA WARSIDAHA OO TACSI DIRAYSA.
Dhammaan Bahda Warsidaha Puntland waxay akh-ristayaa-sha, dhammaan shacabka Reer Puntland iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ka tacsiyaynaysaa Geeridii Uga-as Yaasiin Ugaas C/rax-maan…..Marxuumka Allaha u naxariisto, Eheladiisii, Qaraa-badiisii iyo dhamm-aan shacbiga Puntlandna samir iyo iimaan ha ka siiyo..
Aamiin Aamiin.
WARSIDAHA
WAXAA HORJOOGE U AH:-
1. Axmed Sheekh Jaamac.
WAXAA QORA:-
2. Tifaftire:- Cabdi Bashiir Xaaji Maxamuud.
3. kaaliye Tifaftire:– Yaasiin Aadan Rooble
4. Qoraa:- Faarax Yuusuf Nuur (K.K)
5. Computer Operator:- Maxamuud C/laahi X. Xuseen (Alex).
Arbaco kasta ayuu ka soo baxaa Madbacada N.P.C-Garoowe.
Tel. 252-944-2600 – Puntland-Somalia
