Axad 18/02/2001 – 24 Dulqacda 1421 PUNA-Garowe.
Maanta saacaddu markii ay ahayd 15:00 (Duhur-dabadii) ayaa Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayay ee dalka dibadda kaga maqnaa uu ka soo degey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalo-Madaxda Dawlad Goboleedka Puntland, Garowe… Madaxweynaha iyo Wefdigiisa waxaa halkaas ku soo dhoweeyay Madaxweyne-ku-xigeenka Mudane Maxamed Cabdi Xaashi, Wasiirro, Saraakiil Dawladda iyo Ciidammada iyo qaybo badan oo kala duwan oo shacbiga ah… Madaxweynuhu isagoo halkaas lagu siiyay salaan iyo soo-dhoweyn diirran ayuu isaguna ummaddii soo dhoweysay halkaas ku gaarsiiyay salaan iyo mahadcelin, ka dibna wuxuu u sii gudbay xarunta Madaxtooyada ee Garowe…
Isniin 19/02/2001- 25-Dulqacda 1421
Saaka 9:00 subaxnimo ayaa Madaxweynuhu xarunta Ma-daxtooyada shir-kula yeeshay xubnaha xukuumadda iyo Madaxda kale ee dawladda…. Halkaas oo Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee wefdigiisu ay warbixin ku siiyeen xubnihii kale ee xukuumadda iyo dawladda iyaguna warbixin beddelkeeda ah ay kaga dhegeysteen… shirkaas oo gaaray ilaa duhur-dabadii ayaa isla habeenkaas Madaxweynuhu shir gaar ah oo socday ilaa habeen barkii wuxuu gaar ula yeeshay Golaha xukuumadda…
Talaada 20/02/2001 – 26-Dulqacda 1421.
Kulan bilaabmay 8:30 Subaxn-nimo socdayna ilaa 13:30 duhurnnimo ayaa maanta Madaxweynuhu xarunta Mada-xtooyada kula yeeshay Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland.… Shirkaas oo ahaa isu-xogwarran iyo wada tashi…
Madaxweynuhu markii uu shirkaas ka baxay ayuu la kulmay WARSIDAHA PUNT-LAND iyo Radio-Galkacayo…
Madaxweynuhu saxaafaddaas uu qaabilay wuxuu uga xogwaramay safarkii isaga iyo wefdigiisa… isagoo sheegay in shirkii Ceelberde (waa Degmo ka tirsan Gobolka Bokol), wixii lagaga wada hadlay ay ugu muhimsanaayeen:-
B- Heshiisiin Guud ee dadka dega Gobollada Bay, Bakol, Shabeellada Hoose, Gedo iyo labada Jubba…
T- Guda-heshiisiinta Beelaha wada dega Gobolka Jubada Hoose…
J-In loo gogol-dhigo sidii Gobolladaasi u sameysan lahaayeen Maamullo u dhigma Puntland iyo Somaliland…
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in shirkaas oo socday afar maalmood, Puntland ka sokow, ay ka soo qaybgaleen Ururrada kala ah:- RRA, SNF, SPM iyo SSNM/PRM (Pio-mal Risistance Movement)…
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in qodob walba oo ka mid ah ujeeddooyinkii shirkaas laga gaaray heerar wanaagsan, mid walbana la sii amba-qaadiddoono…
Madaxweynuhu wuxuu guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaanna Reer Puntland wuxuu u soo gudbiyay salaan iyo duco… isagoo kula taliyay dadka Reer Puntland in ay dhowrtaan guulaha nadaam-nololeed ee ay iyagu garashadooda iyo dadaalkooda ku dhisteen….
WARSIDUHU, cadadkiisa danbe ayuu ku soo qoriddoonaa su’aalihii saxaafadda iyo jawaabihii Madaxweynuhu ka bixiyay….. Haddii Alla idmo….
NABADGELYADA AYAA WAX WALABA KA QAALISAN
Khamiis 15/02/2001 21 Dulqacda 1421.
WARSIDAHA iyo Radio-Galkacayo ayaa saaka 9:00 subaxnnimo Madaxweyne-ku-xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Maxamed Cabdi Xaashi ku waraystay xafiiskiisa Garowe oo horraantii weyddiyay arrinta nimanka Gobolka Bari laga soo xirxiray, isaguna uu shalay xabsiga Magaalada Galkacayo ka sii-daayay…
Madaxweyne ku-xigeenku, wuxuu arrintaas kaga warramay sidatan:- Dawladi waa inay dadkeeda la tashataa… inay afgaradkooda raadisaa….
Ra’yigooda tixgelisaa una leedahay naxariis badan, isla markaasna nabadgelyadooda aad u sugtaa oo aanay debec ka oggolaannin ama in lagu cayaaro… waxaa meesha la yiraahdo Bosaso ka dhacay mudaaharaad fool xun oo nabadgelyadii khalkhal geliyay, oo keenay dhibaatooyin badan oo leh dhimasho, dhaawac, maal dhumay iyo….iyo… sidaa darteed, dawladdu waxay ku khasbanayd, ciddii nabadgelyada khalkal gelisay inay xirxirto…. Sharcigana hor-keento…
Dawladdu waxay gashay howlo farabadan oo ay nabadda ku xasilinayso…. Si wax waliba
sidoodii ugu soo noqdaan….
Odayaal iyo rag kale oo
shacbiga ah ayaa talada nala waday…. Hadda waxaa loo arkay nimankaasi inaanay nabadgelyada iyo xasilloonida ku ahayd wax khatar ah…
Odayaashii ayaa na weyddiiyay in la cafiyikaro…. Xukuumadduna way ka oggolaatay….
Sidaas ayaa lagu cafiyay oo lagu sii-daayay….
Su’aal:- Maxkamad lama geyn… ee sharcigee xariggooda loo cuskaday?
Jawaab:- Madaxweyne ku- xigeenku, su’aashaasi wuxuu kaga jawaabay oo yiri:- Dawladdu habkasta oo ay wax-u-xdho ayaa ah Maxkamad….
Dawladda lafteeda ayaa Maxkamad ah…. Nabadgelyada ayay khatar geliyeen…. Dawladdu markay aragto nabadgelyada oo khalkhal ku jirta wax alla waxay doonto ayay sameynkartaa….
Waayo amniga ayaa waxwalba ka qaalisan…. Si aan annarkiya u dhicin, dawladdu waxay xaq u leedahay xitaa mararka qaarkood inay sharciga dhaafto…. Oo ay nabadgelyadii soo celiso….
Marka waxa dawladdu sameyso oo nabadgelyada ku soo celisaa waa xaq…. Maxkamad bayna ka oo bexeen….
Su’aal:- Nabadgelyada Puntland hadda heerkee ayay maraysaa???
Jawaab:- Waxannu qabnaa nabadgelyada Dawlad Goboleedka Puntland 100% saannu doonaynnay ma aha…. Laakiin khatar weyn ayay ku jirtaa lama oran karo…
GUDDOOMIYAHA BARLAMAANKA PUNTLAND OO DHAGAX-DHIGAY
Axad 18/02/2001-24 Dulqacda 1421 PUNA-Garoowe.
Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland, Mudane Yusuf X. Siciid….
Ayaa saaka 8:30 subaxnnimo dhagixii asaaska dhigay dhismaha fagaaraha cusub ee shirarka Golaha Wakiillada D.G.Puntland oo xaruntla Madaxtooyada D.G.Puntland ee Garoowe ka soo eegaya dhinaca waqooyi-galbeed….
Guddoomiyaha oo dhismahaa asaaska ah u duceeyay, wuxuu kaftan dhab ah ku heesay:- Daarku daarbay…. Daalibaysaa… (Adigu Fassiro…)….
Guddoomiyaha Shirkadda <Diriye Construction Company>> (shirkada Diriye ee dhismaha) oo ah shirkadda iyadu dhismahaas gacanta ku haysa, Mudane Warsame C/laahi Diriye, ayaa sheegay in dhismaha fagaaruhu ku dhammaan karo muddo bil keliya ah haddii aanay iman duruuf qorsheha. Waxa ka beddeshaa!!!
Waxa dhagax-dhiggaas ka soo qaybgalay xubnaha kale ee shirguddoonka Barlamaanka iyo xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha….
