19 May 2007 04:19

SOMALIA WATCH

 
Column
  • Title: [SW Column](Saadiq Eenow/Qaybtii 3aad)Halgankii Y. C. ee Fartii Cismaaniyada 
  • Posted by/on:[AMJ][Friday, April 13, 2001]

SW will dedicate the month of April as Somali History Month. As such, we will periodically delve into our extensive archive and bring to you, our esteemed netters, undiluted historical works.  Please help us to compile such historical data before the likes of Siyad Barre, colonial powers and authors of colonial product and mindset keep such historical procedures under wraps to the extent of concealing their existence.

 

Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.


HALGANKII YAASIIN CISMAAN EE FARTII CISMAANIYADA

 

WQ: saadiq Eenoow

 

Email: drsaad84@hotmail.com 

QAYBTII SEDDEXAAD

 
 
 
 
1956-kii Yaasiin waxaa uu aadey dalka talyaaniga. Wuxuu u baxay in uu soo barto culuumta luqadaha (philology, philosophy, litarature iyo linguistic), kamana uusan harin in uu ka qeybqaato doodihii dalka ka socdey, iyi in uu dhiirri geliyo in soomaalida ey yeelato far u gaar ah. Waxyaabaha uu Yaasiin dadka bari jirey waxaa kamid ahaa in luqadda iyo dhaqanku ey yihiin hal shey oo aanan 2 loo kala qaadi karin, dadkuna hadduusan luqad laheyn uusan jiri kareynin. Wuxuu akhriyi jirey muxaadarooyin uu ku sharxayo in luqaddu ey tahay xoog jira oo eeyan bulshadu ka maarmi karin. Waxaa jirey qoraallo badan iyo maqaalaad soo bixi jirey xilligaas, wexeyna ku soo bixi jireen af-talyaani. Yaasiin wuxuu kamid ahaa raggii maqaalladaas wax ku lahaa, wuxuuna marwalba u doodayey af-soomaali qoran oo ka xor ah laatiin iyo carabi. Waxaa kale oo ai aad ah wax u soo qori jirey niman ayidsanaa in afka carabiga uu noqdo kan dalka Soomaaliya looga shaqeeyo (afka qaranka).

           28/1-1957-kii nin la yiraahdo Siidoow Rooble Cismaan baa maqaal ku soo qorey (Corriere della Somalia), wuxuu sheegey qodobbo uu ku muujinayo in af carabigu uu yahay mid ka muhimsan farta Cismaaniyada. Qodobbada uu soo qorey wexey ahaayeen :

1-  dhammaan dadka soomaalida ahi, in yar mooyee af carabiga waa ey ku hadlaan.

2-  af carabiga in laqaato waa goŽaan dhacay oo golaha degaanku (territoria council) uu horey u gaarey.

3-  waxaa jira lahjado kala duwan oo af-soomaali ah, gobol walbana wuxuu hormarinayaa lajaddiisa in ey
 
noqoto tan qoran oo Soomaaliya lagaga shaqeeyo, arrintaasina waa mid eeyan gobollada soomaaliyeed weligood heshiis ka gaareyn.


        Xilligaas dadweynaha soomaaliyeed badankood waxna ma akhriyi karin waxna ma qori karin, aad beyna ugu wareereen doodaha noocakan ah. Waraaqo badan oo lagu dhiibanayo fikrado ku saabsan qorista af-soomaaliga ayaa wexey soo gaari jireen xafiiska maamulka wargeyska laŽoranjirey (Corrieire della Somalia) oo afka talyaaniga ku soo bixi jirey. Dadka aaraada dhiibanayey intooda badan wexey ku talinayeen in soomaalida loo dooro xuruuf ey afkooda ku qortaan. Dadkaasi meeyan arkeyn in ey kala qiimo weyntahay  xuruuftan lakala dooranayo. Bal taladoodu wexey ku koobneyd in far qoran lahelo uun. Wexey arkayeen in far la yeeshaa in ey ka fiicantahay in far laŽaan laŽahaado oo luqad ajnabi wax lagu barto siyaasaddii dalkana lagu maamulo. Dadkaas raŽyi kama eeyan dhiiban jirin tey iyagu u arkayeen in la qaato
Ragga wax soo qori jirey qaarkood wexey qabeen in eeyan soomaalidu isu imaan karin inta uu jiro khilaafkan ka taagan qorista af-soomaaliga. Kuwo kale waxaa ey arkayeen in af-soomaaligu uu yahy midka qura oo soomaalida isku haya. Waxaa raggaas kamid ahaa nin la yiraahdo Axmad Caato oo maqaal soo qorey 21/1-1957-kii. Caato wuxuu maqaalkiisaas ku yiri " soomaalida waxaa isku haya af-soomaaliga, waana af-soomaaliga midka ey afrikaanka intiisa kale kaga duwan yihiin, sidaa darteed waa inaan caruurtayada, xaasaskayaga iyo dadweynahagayaba barnaa af-soomaaliga ". Dadkaasi wexey ka murugeysnaayeen ardada soomaaliyeed ee baranayey taariikho iyo dhaqammo ummado shisheeye ey leeyihiin,  koodiina eeyan waxba ka aqoonin.

           23/1-1957-kii Xuseen Cabdi (Farmashiye) wuxuu soo qorey maqaal uu ku leeyahay " soomaalida wexey ka tirtirmeysaa dunida ".

           5/2-1957-kii Cabdi Aadan Abtidoon wuxuu isna soo qorey " dadku haddeeyan aqoon buuxda u laheyn afkooda, sey xornimo buuxda ku gaaraan waa adagtahay, dadkaasina manoqdaan kuwo la tartama dadyowga ilbaxay ee dunida ku nool ". Ninkaasi wuxuu ka digey luqadaha ajnabiga,wuxuuna yiri  "soomaalidu waa in eeyan isku khaldin diinta iyo afka dalka looga shaqeynayo"
.
           5/2-1957-kii, Cabdullaahi Suldaan Axmad wuxuu soo koobey jahwareerka ka taagan wax ka qabadka howshan woxuuna yiri " arrinta muhiimka ah oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto wexey tahay in howshan la bilaabo " .

          Doorashadii dowladdii daakhiliga ee  1956-kii kadib waxaa bilaabatey in farta laatiinka ey soo xoogoowdo, tirada dadka raacsanna waa ey kordheysey wixii xilligaas ka dambeeyey, waxaa la tuhunsan yahay in uu maamulku raad ku lahaa dareenkaas kordhayey ee u janjeera xuruufta laatiinka. Iyada oo ey taasi jirtey baa misana sanooyinkaas daakhiliga la heystey laatiinka marna uusan gaarin in uu dood kula tartamo labadii aragti ee uu looltanku ka dhexeeyey (farta Cismaaniyada iyo afka carabiga).

          6/3-1957-kii, Shiikh Maxamad Cumar Cabdi oo ahaa wakiil ka tirsan golaha fulinta ee dowladda baa wuxuu waraaq u qorey wargeyska (Corriere della Somalia), wuxuuna kala hadley in ey af-soomaali wargeyska ku soo saaraan, xuruufta laatiinkana ey adeegsadaan. Shiikhu waxaa kale oo uu sheegey in afka carabigu uu yahay mid quruxoon, laakiin soomaalida carabiga taqaan waxaa kabadan soomaalida talyaaniga taqaan. Sidaa darteed baa haddii laatiin wax lagu qoro loo fahmikaraa, dad badan oo akhrista wargeyskana loo helayaa. Arrintaasuna wexey u muuqataa mid laga badbadinayo.

         20/3-1957-kii Abokor shiikh Maxamad (Food-cadde) oo isna la haya laatiinka ayaa qorey " soomaalida carabiga taqaan waa ey yartahay, farta laatiinkana waa mid caalamka laga wadayaqaan, si loobartona waa fududdahay, qalabkii loo adeegsan lahaana xafiisyadey yaalliin, sidaa darteed doorashada wanaagsan wexey tahay in aanu farta laatiinka ah eynu doorannaa ".

        Isla sanadkaas 1957-kii, Shire Jaamac Axmad ayaa ka soo laabtey Qaahira oo uu muddo laba sanadood ah uu waxbarasho ugu maqnaa. Soo noqodka Shire wexey ku beegantey iyada oo doodaha suuqa yaal ey aheyd qorista far soomaaliga. Shire wuxuu markiiba qorey bayaankiisii u horreeyey ee uu ku muujinayey in uu ayidsanyahay xuruufta laatiinka ah. Halkaas buuna ku xoojiyey raggii qabey aragtida ah in af-soomaaliga lagu qoro xuruufta laatiinka. Sidaasna wuxuu markiiba ku muujiyey maqaalaadkii uu ku soo qorey wargeyskii (Corriere della Somalia).

        16/3-1957-kii, maqaal uu Shire qorey buu ku yiri " ciilka aannu u qabno reer galbeedka macnaheedu maaha in aannu necebnahay dhaqankooda, waayo dhaqanka iyo siyaasaddu wexey kala yihiin 2 shey ". Shire wuxuu ku tilmaamey xuruufta laatiinka ah sida korontada oo kale " maŽ inkiri karno faaŽiidada ey korontadu leedahay annaga oo sabab uga dhigeyna in ey galbeed inooga timid ". Tilmaan ahaan buu wuxuu u soo qaatey dalal aanan reer galbeed aheyn misana farta laatiinka isticmaala sida Turkiya iyo Indooniisiya. Shire wuxuu ku soo celceliyey in xuruufta laatiinku ey yihiin wax uu dad sameeyey, diin ahaanna uma khaldana in laŽisticmaalo.

          Xilligaas waxaa jirey dad tiro yar oo iyagu qabey in afka talyaaniga uu noqdo luqadda qaranka, xuruufta carabigana loo adeegsado qorista af-soomaaliga. Dadkaasi oo ahaa kuwo si toos ah gacan saar ula lahaa maamulkii gumeysiga. kamid meeyan aheyn  xoogaggii ku hardamayey aragtida qorista af-soomaaliga oo aad bey tiradoodu u yareed.  Afarta xoog oo waaweynaa wexey ahaayeen :

1- kooxda qabtey in Cismaaniyada ey noqoto xuruufta af-soomaaliga : kooxdaasi wexey ahaayeen dad ka tirsan dabaqaddii aqoonta laheyd oo garanayey waxa ey rabeen.

2- koox qabtey in carabigu noqdo luqadda qaranka, qorista af-soomaaligana loo adeegsado xuruufta carabiga : kooxdaasi wexey ahaayeen rag ganacsato ah oo gacan saar la lrh wadaaddada.

3- koox qabey in af-soomaaligu ahaado luqadda qaranka qoraalkana la qaato xuruufta laatiinka : kooxdaasi wexey ahaayeen rag aqoon yahanno ah oo qaarkood ey u shaqeynayeen maamulkii jirey, wexeyna isugu jireen qaar uu Talyaaniga daba taagnaa, qaar cismaaniyada qabiil u diiddanaa iyo qaar laatiinka ugu dhowaanayey ilbaxnimada reer galbeedka.

4- koox oranayey farkasta halagu qoree af-soomaaligu waa inuu noqdaa afka qaranka : kooxdaasi matalayeen dadweynihii ku jah wareerey murankii badnaa ee socdey.

         Loollan xoogg leh  ayey kooxahaasi afarta ah galeen si ey koox walba teeda u meel-mariso. Kaddib markii murankii uu dhaliyey xiisad adag ayaa dowladdii wexey guddoonsatey in ey  kaŽaamusto mowduucan. Dowladdu wexey istusisey sida ugu wanaagsan oo arrintan wax looga qaban karo in ey tahay inaan wax laga qaban. Wexey taas kaga gabbanayeen in aan loo arkin in ey kooxaha u kala hiilliyaan.

        Arrin lala yaabo baa wexey tahay in xilliga ey doodaha noocaas ahi ka socdeen magaalo madaxdii Soomaaliya uu Cismaan Yuusuf Keenadiid noolaa oo uu weliba Xamar joogey. Iyada oo uu Cismaan Yuusuf uu kamid ahaa odeyaasha haddiiba af-soomaali la qorayo mudnaa in la tix geliyo oo talo iyo wax weydiinba loogu tago, misana fartiisii oo uu aqoontiisii ku saleeyey baa tiil oo taasna lama qiimeyn. Waxaa taas ka yaab badan in uu dhegaha ka fureystey doodahii socdey ee ku saab sanaa qorista af-soomaaliga, weligiis ka qeyb gelin, bal xilligaas oo ey bilaabatey in xubnihii Leegada ey qabiil u kala saftaan, Cismaan Yuusuf wuxuu kamid ahaa odeyadii sida caamka ah u guubaabin jirey dadweynaha soomaaliyeed iyo xubnihii Leegada oo wuxuu  tusaaleyn jirey in eeyan iska dayicin madax bannaanidan wakhtigeedii uu soo durkayo. Taasna waxaa laga garan karaa suugaantii badneyd oo uu xilligaas tiriyey. Waxaan halkan ku soo bandhigeynaa mid kamid ah gabeyadii uu Cismaan Yuususf tiriyey xilligaas xasaasiga ahaa, si ey inoogu muuqato halka uu taagnaa iyo halka ey dadka qaarki geeyeen.


     Istiqlaalki  lagu  taami  jirey                                              tiirki soo durugye
     Haddaan tabar uleenahay xornimo                                   timi  waraaqdeede
     Waataa  talyaanigi  sallimey                                             tacabadii  qaare

     Taxkuumadi mafududee haddaan                                     taag u heli weyney
     Tiiraanyo  ciil  iyo  haddeey                                              taawo nagu reebtey
     Tadbiir xumo darteed xaal hadduu                                   toosi  kari  waayey

     Towbaddiyo  diintii haddii                                                  tiginka loo qaadey
     Tiirriga cad qaarkeen hadduu                                           taabac  u  ahaadey
     Ajnabi aan tureynini  hadduu                                             ina    taxaabaayo

     Tabcadiyo sirtiisii  haddii                                                   taxadda loo waayey
     Sidee lacag kutacabtaa haddeey                                       toogadeen   noqotey
     Nin waliba tawaan iyo hadduu                                            tiisa  kuŽekaadey

     Xurmaa taqaddun keentee haddii                                      leys tixgelin waayey
     Toltol iyo qabiilnimo haddii                                                laŽina  taabsiiyey
     Teersona ragaan baran haddii                                           taladi loo dhiibey

     Taageerki   leegada   haddi                                                leysku  tuhumeystey
     Dadkii tuunsanaan jirey hadduu                                        kala  taggii  joogo
     Tallaahidiyo dhaartii haddii                                                leyska wada tuurey

     Tafaraaruqa kuwa inagu ridey                                           toodi  suubsadeŽe
     Tows aan baxeyn iyo bugteey                                            nagu  tallaaleene
     Tubtii  inaga  leexshiyo  jidkii                                            inagu  toosnaaye

     Tashigiiba sida loo gafaan                                                   weli tebaayaaye
     Towfiiq  manoqon  wiilashii                                                 taajka  looxiraye
     Tacaddi aan yareen baa ka dhacay                                    tey ku kacayeene

     Ninkii tiro yar maalinkiisa waa                                          lagu takooraaye
     Mareykaaniga nagu taagan baa                                        taabey  jahadiiye
     Amxaarona tahdiid iyo waxey                                            tiri  naloo  sheegye

     Cadow soo tartamey oo cabsida                                        loo  tawaley  ruuxa
     Laye tamashle uun bey hayaan                                         tiilka  madaxdiiye
     Dowlanimo tabtaa lagu dhaqaa                                         tacaddi soow maaha
     
  

Arrin xusid mudan baa wexey tahay in Cismaan Yuusuf Keenadiid, uu la dhashey Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid. Markii uu allifayey fartan wuxuu ku noolaa gobolka Mudug. Taas oo sababtey in ey raggii ugu horeeyey oo risaaladiisa farta ah qaada in ey noqdaan dhallinyaro reer Mudug ah gaar ahaan beelaha Daaroodka ah (waa intaan magucu dayoobin), kuwaas oo intey barteen ku dadaaley in ey dadkana baraan. Magaalada Xamar waxaa u gudbiyey dhallinyaro askar u ahaa maamulladii gumeysiga iyo dhallinyaradii u ehelka ahaa odeyadii hoggaanka u hayey labadii saldanad ee ka dhisnaa Majeertiinya (Boqor Cismaan iyo Suldaan Cali Yuusuf) oo gumeysigii uu Xamar soo dejiyey.

Sanadkii 1955-kii, maamulkii Talyaaniga ee gobollada koonfureed ka jirey iyo kii Ingiriiska ee ka jirey gobollada waqooyi wexey abaabuleen shir ey ka soo qeybgaleen guddiyo ka socda labada gobol. Shirku wuxuu ka dhacay magaalada Xamar. Waxaana looga wada hadlayey in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii loo heli lahaa xuruuf mid ah oo lagu qoro af-soomaaliga, taas oo u gogol-xaareysa in haddii labada gobol ey midoobaan iyo haddii ey labo maamul ahaadaanba u noqota far ey isticmaalaan. Guddiga ka socdey koonfur oo martida loo ahaa waxaa odey ka ahaa Yaasiin Cismaan, guddiga waqooyigana Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal. Yaasiin waxaa kale oo uu odey ka ahaa socodsiinta shirka.

Inkastoo aanan lagu heshiin fartii la dooran lahaa, misana waxaa leys tusiyey in ey ahmiyadda ey leedahay in la helo far lagu qoro af-soomaaliga. Arrin xusid

mudan baa wexey tahay in guddigii ka socdey waqooyiga oo uu hoggaaminayey Muuse X. Ismaaciil Galaal ey ayideen in farta Cismaaniyada ey munaasib ku tahay in dadka soomaaliyeed looga dhigo far ey wax ku qortaan. Waxaase dhacdey in uusan shirkii wax natiijo leh ka soo bixin, waayo heshiis buuxa lagama gaarin arrinkii. Meeshana kama maqneyn jallaafada maamulladii gumeysiga. Sidaas baa ardadii waqooyiguna sidoodii waxbarashadii lagu baranayey afka Ingiriiska ugu socotey kuwii koonfureedna talyaanig.

Xilligaas weli fikradda ah in la midoobo majirin, kulankuna waxa qura oo uu ku saabsanaa wuxuu ahaa in fikrad laga helo qaabkii loo heli lahaa far mid ah. Xubnaha shirkaas ka soo qeybgaleyna dhammaantood waxaa u muuqatey maadaama soomaalida afkooda uu mid yahay, fartooduna in ey mid ahaataa.

1/ 7- 1960-kii, labo gobol oo Soomaaliya kamid ah ayaa guddoonsadey in ey si wada jir ah u dhistaan maamul ey ku magacaabeen (Jamhuuriyadda Soomaaliya) oo ey caasimad u tahay magaalada Xamar. Si weyn ayey soomaalidu meel ey joogeenba ugu farxeen arrinkaas. Waxaase halkaas ku hakadey doodihii xoogganaa oo socdey sanadihii 1950-aadkii ee la xiriirey qoraalka af-soomaaliga.

Sababtuna wexey aheyd iyada oo ey soomaalidu is tusiyey :

1- Wax kasta oo isbeddel ah in uu dhaawac u geysan karo madax bannaanida dalka.

2- GoŽaan qaadashada ku saabsan qorista af-soomaaliga wuxuu ku wanaag- sanyahay in dib loo dhigo, si markii uu maamulkan cusub caga dhigto uu u ula wareego xilka ku saabsan baadi goobka xarfaha af-soomaaliga.

 

Dowladda dhankeed waxaa ka jirey arrin labadaas qodob ka culus oo shiiqisey xiisaddii taagneyd ee loollanka xuruufta. Arrintaasi wexey aheyd manhajkii siyaasadda dibadda oo ey dowladdu qaadatey. Siyaasaddaasi wexey aheyd tii ku wajahneyd xoreynta gobollada saddexda ah ee Soomaaliya ka maqnaa, kuwaas oo kala ah Jabuuti, Ogaadeenya iyo N. F. D.).Waxaa waxbadan isdhimey xowligii ey howshu ku socotey. Misana maamulkii dowladda indhaha kama uusan laaban howlihii la xiriirey xuruufta. Bishii saddexaad xorriyaddii kadib, xukuumaddii cusbeyd wexey magacowdey guddi ku sameeya baaritaan habka ugu wanaagsan ee lagu heli lahaa qoraal far soomaali ah. Wasiirkii waxbarashada Cali Garaad Jaamac wuxuu magacaabey guddi 9 nin ka kooban Inkasta oo uu Cali Garaad u janjeerey xuruufta carabiga misana guddiga uu doortey wuxuu ka xushey aqoon, khibrad, iyaga oo kala matalayey lahjadaha kala duwan ee uu af-soomaaligu leeyahay iyo aaraaŽda kala duwan oo ey kooxihii jirey kala qabeen. Waxaa guddigaas odey kaŽahaa Yaasiin Cismaan, wexyna ey ka koobnaayeen 8 xubnood. Waxaa kamid ahaa :

Yaasiin Cismaan K. (Majeewrteen).

Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal.(Habar-Yoonis).

Ibraahin Xaashi Maxamuud. (Ogaadeen).

Shire Jaamac Axmad. (Mareexaa).

Xuseen shiikh Axmad Kaddare. (Abgaal).

 

Xilka raggaasi la saarey wuxuu ahaa in ey baaritaan ku sameeyaan habka ugu wanaagsan oo af-soomaaliga loo qorikaro, iyaga oo fiiro gaar ah siinaya qaab kasta oo ey luqadi leedahay, gaar ahaan dhinaca farsamada. Xilka la saareyna waxaa kamid ahaa iyada oo la farey in ey howlahooda soo gabagabeeyaan oo ey dowladda u soo gudbiyaan ugu danbeyn bisha maarso sanadka 1961-kii.

Howl culus bey guddigii qabteen, markii ey soo gabagabeeyeen howshoodii wexey soo bandhigeen 9 far oo kala duwan oo leh 17 hakad oo u baahatey in howl saaŽd ah laga qabto. 16 hakadyadaas kamid ah wexey ka taagnaayeen xagga farsamada dhawaaqidda (phonetic technical) sidii leysu waafajin lahaa qorista iyo ku dhawaaqidda xarafka, sida ey noqon karaan shaqallada ku dhawaaqistooda (shaqallada dhaadheer iyo kuwa gaagaaban), dhowr jeer malla adeegsan karaa, ma jiraan ereyo adag, ma looheli karaa makiinado qoris oo loo adeegsado xuruufta leysla doorto, qiimaha makiinadahaasi mayihiin kuwo ey dowladdu dhaqaale ahaan awooddo. Hal hakad baa wuxuu ahaa siyaasad (xuruufta la doortey ma noqonayaan kuwo ey soomaalidu ku midowdo ?)

Guddigu xilligaas masŽalad diinta xaggeeda ah iskuma uusan soo qaadin, waayo xuruuf la guddoominayey ma eeyan jirin. Waayu guddiga hal nin baa kaga jirey raggii carabiga u doodayey. Markii howshii la soo af jarey, guddigii wexey guddoonsadeen in ey dowladdu yeelato doorashada xarfaha af-soomaaliga.

Haddii markaas uu wax dhib ah ka yimaadona, masuuliyaddeeda ey iyagu dusha u rogtaan. Halkaasna waxaa guddiga kaga wareegaya culeys badan oo la filayey in uu kaga iman karey xagga wadaaddada iyo xagga shacabkaba.

In kasta oo natiijadii guddiga ey sidaas aheyd, misana goŽaankaasi maaheyn mid ey ku wada qanacsanaayeen. Intaanan goŽaanka loo gudbin dowladda, waxaa jirtey in labo xubnood oo muhiim oo iska casiley howshii, diideyna in ey saxiixaan howlihii la soo diyaariyey. Nin wuxuu ahaa Yaasiin Cismaan, ninka kalena wuxuu ahaa Ibraahim Xaashi. Labadaas nin wexey doonayeen in guddiga uu xaq u yeesho goŽaanka ku saabsan doorashada xarfaha la dooranayo. Wexey rumeesnaayeen in ey tahay fursad guddiga ka luntey haddiiba ey dowladda u bandhigaan natiijadii howlaha guddiga. Yaasiin Cismaan wuxuu ahaa ninka calanka Cismaaniyada sidey, Ibraahin Xaashina uu qabey aragtida xarfaha carabiga ah. Yaasiin wuxuu arkayey in haddii uu goŽaankan dhaafo guddiga ey arrintu isu beddeleyso siyaasad. Taasina si heshiis looga gaaro waa ey adag tahay oo waxaa duruus kaga filan sanadihii la soo dhaafey. Wuxuu arkayey in arrintu ey rabto aqoon iyo geesinimo goŽaan lagu gaaro, iyo iyada oo arrinka laga fogeeyo hinnaas. Sidaas baa saxiixii u dambeeyey ee waraaqaha lagu gudbinayey uusan Yaasiin uga qeyb qaadan (isaga iyo Ibraahim Xaashi). Markii waraaqihii la gudbinayey waxaa saxiixey 6 nin oo qura.

Cali Garaad markii uu heley waraaqihii ey guddigu soo diyaariyeen, markiiba wuxuu u sameeyey feel oo wuxuu la dusha ka saarey tiimbare ey ku qorantahay (confidential) oo lamacno ah waraaqahan waa sir, wuxuuna dhigey arkiifka wasaaradda waxbarashada. Qoraalladaasi oo aanan dowladdii marna la horkeenin wexey ahaayeen kuwo aanan marna la faafin. Wasiirku in uu dayaco wax ka qabadka arrintan waxaa sababtey iyada oo uu si aad ah ugu mashquulsanaa in ardeydii dugsiyada loo helo barnaamij waxbarasho iyo labadii gobol oo dhowaan israacey oo manhajyadooda waxbarasho la mideeyo.

Arrintaasna waxaa u daliil ah, muddo gaaban kaddib markii uu wasiirku heley goŽaankii guddiga ayaa bishii november 1961-kii wuxuu soo saarey wareegto uu ku sharxayo qaabka ey u ekaan doonto siyaasadda waxbarasho ee dalka, taas oo sida uu sheegey ujeedada laga leeyahay ey tahay " in kor looqaado mustawaha nolosha ee dadweynaha iyo in loo howl galo in la ballaariyo suugaanta soomaaliyeed ……….. , in lagu guuleysto waxbarasha noocan ah waa mid aasaas u ah qarannimada soomaaliyeed, waana mid leynagu garto dhalasho ahaan iyo diin ahaanba "

 

WAA SOCOTAA

First and second parts

 


[Column]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:07 AM. Webmaster HomePage