19 May 2007 04:19

SOMALIA WATCH

 
Column
  • Title: [SW Column](Saadiq Eenoow/qaybtii 5/6/7-aad) Halgankii Y. C. ee Fartii Cismaniyada 
  • Posted by/on:[AMJ][Monday, April 23, 2001]

SW will dedicate the month of April as Somali History Month. As such, we will periodically delve into our extensive archive and bring to you, our esteemed netters, undiluted historical works.  Please help us to compile such historical data before the likes of Siyad Barre, colonial powers and authors of colonial product and mindset keep such historical procedures under wraps to the extent of concealing their existence.

 

Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.


HALGANKII YAASIIN CISMAAN EE FARTII CISMAANIYADA

 

WQ: saadiq Eenoow

 

Email: drsaad84@hotmail.com

 
 
 
 

QAYBTII SHANAAD  

Madax bannaanidii iyo israacii labadii gobol ee Soomaaliya dabadeed, culeyska dowladda ka heystey xagga qoraal laŽaanta iyo isticmaalka afafka ajnabiga ah ee maamulkii dowliga, maaheyn mid ka fudud dhibaatooyinkii dhaqaale ama siyaasadeed ee ragga maamulka hayey ey la kulmayeen. Shaqaalihii cusbaa ee dowladda ee ka socdey gobolada waqooyi markii ey Xamar yimaadeen dhibaatada ugu weyneed oo ey la kulmeen wexey aheyd afkii Talyaaniga oo lagaga hadlayey xafiisyadii dowladda. Shaqaalaha reer koonfur arrinku xaggooda waa uu ka sahlanaa waayo Ingiriiska waxbey ka yiqiineen. Waxaa kale oo jirey in 3 luqadood ey dalka ka ahaayeen kuwo caadi uga sheqeeya (Ingiriis, Talyaani iyo Carabi). Dowladduna maŽeeyan laheyn kawaadir loo diyaariyey in ey afafkaas ku shaqeeyaan. Waxaa xafiis walba looga baahdey turjumaanno badan oo luqadahaas kala duwan ku shaqeeya, kuwaas oo mushahar badan qaata. Waddankuna faqri buu ahaa oo maŽuusan awoodin dhaqaalaha intaa leŽeg in uu ku bixiyo howlaha turjum! ! aadda. Dowladdu waa ey u muuqatey baahida xoogga leh ee jirtey, misana waxba ugama suurta gelin dadaalkii ey ka muujisey xagga xulashada xuruufta.

Sanadkii 1967-kii, Shire Jaamac, kaddib markii uu dhiirri gelin ka heley guddigii UNESCO, wuxuu soo saarey buuggiisii uu ku magacaabey (Iftiinka - Aqoonta). Buuggaas oo ku soo baxay xuruuf laatiin ah, safxaddiisa ugu horreysa waxaa ku yiil xuruufta af-soomaaliga ee maanta qoran (B T J X .......).

Shan xaraf oo kuwaas kamid ah waxaa ku hor qorraa xuruuf carabi ah oo muujinayey dhawaaqa xarafku leeyahay. Shanta xaraf oo uu Shre dhawaaqooda beddeley wexey ahaayeen (X, Kh, Dh, C iyo Q). Muhimadda buugga Shire maaheyn waxa ku qorraa oo ahaa sheekooyinkii Wiil-Waal, bal wexey aheyd buugga oo ahaa bayaan lagu muujinayey in xuruufta laatiinku ey soo jareen masaafo xoog badan, boos adagna ey ka joogaan loollankii ey kula jireen xarfaha kale Kooxdii u ololeynayey xuruufta carabiga oo ey wadaaddadu hor boodayeen oo horey uga careysnaa imaatinkii guddigii UNESCO iyo waxa ka soo yeerey howlahoodii ayaa buugga Shire aad uga caroodey, wexeyna la soo baxeen halheyskoodii xoogga badnaa oo ey kula dirirayeen xuruufta laatiinka iyo raggda, kaas oo ahaa (laatiin waa laa diin), kaas oo ka dhigan in laatiinku uu la micne yahay diin laŽaan.

Waxaa in la xuso mudan halka ey xuruufta laatiinka ka joogtey bulshada soomaaliyeed dhexdeeda 30 sano ka hor xilliga uu Shire buugga qorayo. Waxaa dhacdey sanadkii 1938-kii in maamulkii Ingiriiska ee fadhiyey waqooyiga Soomaaliya uu isku deyey in uu qoro af-soomaali. Maamulku Wuxuu doortey in xuruufta uu wax ku qorayo ey noqdaan kuwa laatiinka ah, waxeyna mashruucoodii ku tijaabiyeen dugsiyadii hoose ee magaalada Burco. Arrintaasi dadweynihii reer Burcood aad bey uga dagaalameen. IskahorŽimaadyo baa magaaladii ka dhacay, waxaa ku dhintey 3 qof oo soomaali ah. Ingiriiskii wuxuu markiiba goŽaan ku gaarey in uu fartii joojiyo, isaga oo ka baqaya in ey bilaabato dhaqdhaqaaq lamid ah kii daraawiishtii oo kale, kaas oo sidan oo kale ku bilowdey.

Dabayaaqadii sanadihii 1960-aadkii wexey aheyd xilli uu urukii S.Y.L. sii dhimanayey, sababtuna wexey aheyd khilaafaadka qabyaaladeed oo gudaheeda ka taagnaa. Ururku wuxu lumiyey kalsoonidii dadweynaha. Laakiin maadaama uu noqdey urur ballaaran, raadkiisii weli waxbaa ka jirey. 15/ 5- 1969-kii xaflad lagu maamuusayey sanad guuradii 25-aad oo ka soo wareegatey markii laŽaasaasey ururka baa waxaa lagu qabtey xaruntii dhexe ee ururka. Waxaa halkaas ka hadley xogheyihii guud ee uruka Cali Maxamd Hiraabe. Xogheyuhu isaga oo ka hadlaya qorista af-soomaaliga wuxuu yiri :

" Dhibaatada ku saabsan in la helo xuruuf af-soomaaliga lagu qoro waa mid loo baahanyahay inaannu qaabilno annagoo dhan …., waana in xal aannu u helnaa ….., caruurta dugsiyada hoose dhigtaa waa in la baraa afkooda hooyo, mana aha in naftooda lagu xiriiriyo luqado ajnabi ah ". Sidaasna waxaa lagu soo qorey wargeyska (Somali News) ee soo baxay 17/5-1969.

Waxaa jirey rag lahaa goŽaanka kama dambeysta ah oo lagu soo bandhigi lahaa xuruufta loo doorayo af-soomaaliga. Raggaasi wexey ahaayeen ragga hoggaaminayey axsaabtii siyaasadeed ee xilligaas jirey. Doorashadii la qabtey bilowgii sanadkii 1969-kii dabadeed, raŽiisul wasaarihii dalka Maxamad I. Cigaal wuxuu soo bandhigey (waa markii ugu horeysey oo uu xarakadan ka soo qeyb galo) barnaamijkiisa cusub oo ku wajahan qorista af-soomaaliga. Waxaa wargeyska dalka lagu soo qorey barnaamijkii dowladdii Cigaal hadalladii laga soo qorey waxaa kamid ahaa maqaal ku soo baxay wargeyskii Somali news 20/ 6- 1969-kii. Qoraalkaasi waxaa kamid ahaa :

" Dowladeydu wexey ku dadaaleysaa in ey siiso dareen kii ugu weynaa howl kasta ee ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha hortaagan qorista afka soomaaliga ".

Mar wax laga weydiiyey raŽiisulwasaaraha, sababta uu hadda ka hor uga hadli waayey oo uu talada wax ugu darsan waayey, wuxuu ku jawaabey :

" Intii hore, iima eeyan muuqan wax ubaahnaa in talo lagu darsado ".

Baaqii uu Cigaal soo saarey, dowladdii si wanaagsan bey u soo dhoweysey.

Tabardarrada ey dowladdii soomaaliyeed awoodi weydey in ey afkeedii qoraal u sameyso, baa fannaaniintii soomaaliyeed wexey bilaabeen in ey riwaayad majaajillo ah ey arrintan ka sameeyaan. Riwaayadaasi waxaa dalka laga dhigey bishii september, hal bil kahor intuusan afgembigii ciidamada dhicin.

Dowladdu, iyada oo tix raaceysa barnaamijkii raŽiisul wasaaraha bey wexey si xoog leh u xustey munaasabadda maalinta qorista iyo akhriska (international literacy day), qoraallo badan bey dalka gobolladiisa u kala dirtey. HeyŽadihii dowladda waxaa la farey in ey la dagaalamaan qoris- iyo akhris laŽaanta. Waxaa laŽabaabuley mashruuc ey dowladdu ku magacaawdey " Iskaa wax u qabso, kaas oo ku wajahnaa la dagaalanka jahliga. Waxaase dowladdu eeyan xaddidin (maadaama eeyan jirin xuruuf soomaali ah) luqad dadka la barai lahaa si ey wax u akhriyaan waxna u qoraan. Waayo waxaa lagu khasbanaa in jahliga lagula diriro luqad ajnabi ah. Wasiirkii wasaaradda waxbarashada Aadan Isxaaq Axmad (Gadubiirsey), wuxuu kamid ahaa ragga qabey in xuruuf la helo, laakiin maŽuusan kala fadileyn xuruufihii leysku hayey. Wasiirka, isaga oo arkayey in dhibaato adagi ey hor taagan tahay barnaamijkan dowliga ah, wuxuu shaqaalihiisii farey in ey iyagu ku dadaalaan! ! in ey xushaan luqad ajnabi oo lagula diriro qoris- iyo akhris laŽaanta, inta lagu heshiinayo xuruuftii af-soomaaliga lagu qori lahaa.

Doodihii ayaa mar kale cirka isku shareerey. Sheeko-suuqeedyadii iyo wargesyadiiba waxaa ka dhex muuqdey xiisad kulul oo ka duwan kuwii hrey u jirey.

Waxaa si xoog leh u soo if baxeysey baahidii ey bulshadu u qabtey qoraalkii afkeeda. Markasta oo uu kordho fahamka baahida xuruufta, waxaa sii fogaanayey xal u helisteeda. Waayo xruufaha loollanka ku jira mid baa si wanaagsan isu diyaarisey lagumase dhaco in raggeeda gacan lagu siiyo. Taasina wexey aheyd Cismaaniyada.

16/9-1969, wargeyska Somali news ayaa wuxuu soo bandhigey maqaal uu ku qorey sidatan :

" Maqnaanshaha xuruuf afka hooyo lagu qoro, wexey sababtey in ey suurto geli weydo mashruuca la dagaalanka jahliga (oo ey dowladdu watey). Waxbarashada guud ee dugsiyaduna noqonmeyso mid hagaagsan inta afka hooyo loo helayo qoraal. Ololaha jahliga lagu qaadayona sikasta oo loo xoojiyo waa mid lagu fashilmayo, wax soosaarkiisana nafac yeelan maayo, natiijaduna waa mid uu waqtigu nooga jawaabi doono. Qof qaangaar ah in la baro sida loo qoro ama loo akhriyo luqad ajnabi ah waa arrin u baahan wakhti badan iyo dadaal siyaado ah. Dad badan baa wexey la yaaban yihiin mexey dowladdu u yeelan weydey xuruuf ey afkeeda hooyo ku qorato ?

Xaqiiqduse wexey tahay in caqabadda hortaagan qorista af-soomaaliga ey taahay dadweynaha soomaaliyeed oo hortaagan fartey dowladdu dooranlaheyd, oo af-soomaaliga lagu qori lahaa. Markasta oo howshan la soo qaado oo ey rag ajnabi ah oo howsha wax kawada yimaadaan, dadweynaha markiiba wexey u qeybsamayaan kooxo. Qeyb wexey muujineysaa in ey taageerayaan farta ey soomaalidu qorteen, iyaga oo ka raacaya heybadda soomaalidu leedahay (prestige reasons) oo laŽilaaliyo, kuwo kale wexey ayidayaan carabiga, iyaga oo u xilanaya diinta (religion reasons), kuwo kale wexey u doodayeen laatiinka sabab dhaqaale awgeed (economic reasons). Waxaanu rajeeneynaa dowladdu in ey jebiso caqabadaas hortaagan sidaanu u heli laheyn far qoran inteeyan arrintu daah noqon ".

Qoraalladii wakhtigaas ku soo bixi jirey safxadaha wargeesyada, waxaa barbar socdey dareen xoog leh oo ka imanayey dadweynaha, kaas oo la moodo in uu ka xamaasad badnaa kii Xamar ka jirey sanadihii 1950-aadkii. 4-tii sano ee dowlad-hoosaadka la heystey iyo 6-dii sanaddood oo ka horreeyey, dooddu waa ey furneyd.Waxaa xilligaas ka dambeeyey 9 sanadood oo ey talineysey dowladdii barlamaaniga aheyd, taas oo iyaduna oggoleyd in si xor ah loo hadlo oo qofka aanan lacadaadin raŽyi uu qabo awgiis. Fursadahaas maŽeeyan noqon kuwo u xaara waddada si uu af-soomaaligu u helo xuruuf lagu qoro.

Nasiib darrada heysatey dadweynaha maaheyn, keliya, xuruufta maqan oo ey qoraalka ugu raadinayeen afkooda hooyo, balse waxaa taas uga darreyd ragga ku jirey golaha shacabka (parlament) oo badankood aaney wax aqoon ah u lahayn(in yar mooyee) arrimaha lagu baadi goobayo qoraalka afka. Arrinka ey u doodayaanna in yar baa ka garanayey dariiqa saxa ah oo in la qaado ey mudneyd. In xuruuf la doorto waa arrin aad u sahlan, laakiin dadku maŽeeyan garaneyn in arrinku uusan intaa ku ekaaneyn ee loo baahanayo aqoon iyo

howl-gal diraasaad adag leh, kuwaas oo aanan laga maarmeyn si loogu caga dhigo xuruufta la qaatey.

Yaasiin Cismaan wuxuu ahaa ninka ugu aqoon badnaa raggii guddiyadii saddexda ahaa ee xuruufta loo sameeyey sanadihii 1955-kii. 1961-kii iyo 1966-kii.

Aqoonta Yaasiin sidaan soo sheegney wexey aheyd (philology, philosophy, litarature iyo linguistic). Mid kasta oo aqoontaas ah wexey ku saacideysey horumarinta xuruufta uu calanka u sidey iyo sidii ey ula fal geli laheyd afka soomaaliga. Dadweynuhuse maŽeeyan la fahmin qaabkii looga faaŽiideysan lahaa arrintaas

In kasta oo ey xuruuftu loollan ku jireen misana mid waliba waxaa jirey arrin hakineysey oo ka hor taagneyd in ey ku hana qaaddo bulshada dhexdeeda. Xuruufta carabiga waxa is hortaagey wuxuu ahaa dadka u doodayey oo intooda badan jahli ku sugnaa, intooda wax tiqiinna si wanaagsan uma diyaarin howsheeda. Laatiinka waxaa is hor taagey wuxuu ahaa wadaaddada oo u arkayey gaalnimo in xuruufta gaalada la qaato. Cismaaniyadana waxaa hor taagnaa rag ku diiddanaa in ey tahay xuruuf reer (qabiil) leeyahay.

Maxamad I. Cigaal, labadii dowlad oo ka horreeyey wexey ku guuleysteen in ey guddi u sameeyaan baadi goobkii loogu jirey xuruufta af-soomaaliga Isaguse kuma uusan guuleysan in uu guddi u sameeyo. Sababtu wexey aheyd dhacdadii lagu diley madaxweynihii Cabdirashiid C. Sharmaarke markii ey taariikhdu aheyd 16/10-1969-kii isaga oo kormeer ku tegey magaalada Laas-caanood 5 cisho dabadeed, habeennimadii 21/ 10- 1969-kii waxaa af-gembi kula wareegey taladii dalka Jeneraal Maxamad Siyaad, isaga oo ey la shaqeynayeen saddex korneel oo kala ah Cali Mataan Xaashi, Salaad Gabeyre Kediye iyo Maxamad Cali Samatar. Arrin in la xuso mudan baa wexey tahay, jeneraal Siyaad waxaa af-gembiga ku weheliyey saddex jeneraal oo kale(Sarreeye Gaas Jaamac Cali Qoorsheel, Sareeye Guuto Maxamad Ceynaanshe Guuleed iyo Sarreeye Guuto Xuseen Kulmiye Afrax). Saddexda jananba waxaa af-gembiga loo war geliyey xilli uu Siyaad dalkii qabsadey. Waxaanu arrinkaas u xuseynaa in laŽogaado in habeenkaas uu ahaa habeen taariikheed oo Soomaaliya ku ahaa xilli kala guur. Waxaa Soomaaliya ka bilaabatey qaab-nololeed eeyan horey u arag, dibna aanan u dhici doonin (Ilaah idanki), taas oo ah hal nin oo dalka u taliya. Hal nin wax walba ey taladiisu ka goŽaan. Kaasina waa hal nin oo la yiraahdo jeneraal Maxamad Siyaad. Waxaa halkaas ku dhamaadey doodihii furnaa oo ey shacabku ku muujinayeen waxyaabaha ey tabanyeen oo ey kamid aheyd xuruuftii lagu qori lahaa af-soomaaliga. Waxaana bilowmey xilli uu maamul gacan adagi taliyo, dadweynihiina wexey u ekaadeen af-sallax ku dheg.

 

QAYBTII LIXAAD

 

 30/ 10- 1969-kii, Saraakiishii G. S. ee K. wexey soo saareen bayaan ey ugu magac dareen Axdigii Kacaanka, kaas oo ka koobnaa 13 qodob oo tilmaamayey siyaasaddooda dibadda iyo gudaha. Waxaa kamid ahaa qodob ey ku tilmaamayeen la dagaalanka aqoon darrida iyo qorista xuruuf af-soomaaligu leeyahay. Markii ey 15-bilood jirsatey dowladdii Kacaanka aheyd wexey qaaddey tallaabadii ugu horreysey oo ey ku tiigsaneysey xuruufta af-soomaaliga. Bishii janaweri 1971-kii ayaa saraakiishu wexey magacaabeen guddi cusub. Guddigaas oo ahaa kii afaraad oo loo magacaabo xuruufta muddadii la heystey madax bannaanida, wexey muhimaddiisu aheyd in uu soo habeeyo kana soo shaqeeyo arrimahan hoos ku xusan :

 

1- In ey qoraan buugaag wax loogadhigo caruurta dugsiyada hoose dhigta.

2- In ey qoraan naxwaha af-soomaaligu leeyahay.

3- In ey u howl galaan sidey u soo saari lahaayeen qaamuus af-soomaali ah oo ka kooban 10.000 oo erey. 

Sida muuqata, xubnaha guddiga lagama codsan in ey iyagu doortaan xuruuftii lagu qori lahaa af-soomaaliga, maxaa yeeley G.S. ee K. ayaa guddoonsadey in ey siyaasadeeyaan goŽaanka lagu gaarayo doorashada xuruufta af-soomaaliga, si iyaga oo keliy ey u yeeshaan guddoonka. Haddii ey taasi hirgashona waxaa muuqata in jeneraal Siyaad uu noqonayo ninka keliya oo goŽaanka xuruufta yeelan doona.

Inbadan oo kamid ah raggii luqadaha xuruufta u doodi jirey waxaa lagu soo darey guddigii. Waxaa raggaas kamid ahaa :

 

1- Yaasiin Cismaan Keenadiid, wuxuuna guddiga kaŽahaa xubin firfircoon.

    Yaasiin xuruufta Cismaanyada ee uu u doodayey waxaa dhigey aabihiis

   Cismaan Yuusuf, isaga ayuuna ka bartey. Yaasiin isaga oo kaashanaya

   aqoontiisa ayuu habeeyey kaddib markii uu diraasaad ku sameeyey af-

   soomaaliga. Yaasiin oo aqoon sare u lahaa culuumta aasaasiga u ah afafka,

   wuxuu guddiga u noqdey macallin ey ka casharro qaataan.

2- Xirsi Magan Ciise oo si xoog ah ugu doodi jirey Cismaaniyada, xilligaasna

    hayey dugsi uu maamule kaŽahaa oo lagu baranayey xuruufta

   Cismaaniyada.

3- Xuseen shiikh Axmad Kadare oo isna fartii uu soo bandhigey sanadihii

   1961-kii iyo 1966-kiiba ey guddiyadii ku qiimeeyeen in ey tahay mid la

   qaadan karo.

4- Ibraahim Xaashi Maxamuud oo hoggaaminayey ragga udoodayey xuruufta

   carabiga ah, isna xubin buu guddiga kaŽahaa, wuxuuse la shaqeeyey lix

   bilood oo keliya, dabadeed waa uu dhintey.

5- Muuse Xaaji Ismaaiil Galaal oo xilligaas ahaa ninka ugu cod-dheer ragga u

   dooda xuruufta laatiinka qudhiisu waa la magacaabey, laakiin xanuun hayey

   dhowr bilood awgiis baa wuxuu dhaawacay firfircoonidiisii iyo niyadii

   wanaagsaneyd ee uu howsha u haayey.

6- Shire Jaamac Axmad oo ahaa ninka fartiisa laatiinka ah la doortey

    sanadihii 1961-kii iyo 1966-kii, isagu kuma uusan jirin guddiga markii hore,

   mardambe buuse ku soo biiri doonaa.

7- Axamad Cali Abokor oo la dhashey Ismaaciil Cali Abokor (sarkaal ka tirsan

   G.S. ee K.) wuxuu ahaa xubin ku cusub howsha, isaga ayaana guddoomiye

   looga dhigey guddiga.

     Ragga ka jooga guddigii 1961-kii wexey ka xumaadeen qaabka guddiga cusub lagu doortey. Waxyaabaha ey dhaliilayeenna waxaa kamid ahaa iyada oo guddiga lagu soo darey rag aanan aqoon iyo khibrad toonna howshan u laheyn.

Fadhiyadii u horreeyey oo ey guddigu galaan, aad baa looga doodey aragtiyaalkii kala duwanaa oo horey u jirey. Waxaase jirey qaar kamid ah raggii howshan muddada ku soo jirey in ey fadhiyada marka leysugu yimaado ey aamusi jireen. Sababtuna wexey aheyd iyaga oo fahamsanaa in dowladdan cusubi, sidii kuwii ka horreeyey, ey dooneyso in ey gool siyaasadeed ku gaarto magacaabidda guddigan. Arrintaasna waxaa ka marag ah in guddiga loo diidey in ey ka doodaan fartii lagu qori lahaa af-soomaaliga. Waxaa iyaguna jirey rag guddiga kamid ah oo qabey in goŽaanka lagu dooranayo xuruufta ey dowladdu yeelato, raggaasina wexey ahaayeen ragga u doodayey laatiinka. Waxaa la oran karaa wexey filayeen in goŽaanka dowladdu uu u hiilinayo aragtidoodii aheyd doorashada xuruufta laatiinka. Muuse X. Ismaaciil oo isagu kamid ahaa ragga mar-walba bareerahooda cadeysan jirey, waraaq uu u qorey guddoomiyihii guddiga ayuu ku muujiyey raŽyigiisa ah in dowladda ey yeelato goŽaanka xuruufta af-soom! ! aaliga. Qoraalkii Muuse waxaa kamid ahaa sidatan :

" ............ . Aniga oo tixraacaya dhibaatooyinka lagala kulmey qorista af-soomaaliga, in xilligaan la magacaabo guddi sideenaas oo kale ah, waa arrin aanan munaasib aheyn sababtan hoos ku xusan awgeed :

Diraasadka lagu baarayey in la helo far lagu qoro af-soomaaliga wexey qaadatey 50 sanadood. Dariiqaas dheer ee la soo marey, natiijadiisii wexey noqotey in ey soo baxaan 30 qoraal oo nadaamkoodu kala duwan yahay,

kuwaas oo ey soo bandhigeen guddiyadii ey dowladuhu dooran jireen iyo shakhsiyaad Soomaali ah ……… . Waa ey wanaagsanaan laheyd in 30-koodaas lagala soo haro afar oo keliyah, dabadeedna afartaas diraasaad lagu sameeyo. Arrintaasi baahideeda waa mid iska cad. Intaasi dabadeed waxaa imanaya waajibkii dowladda saarnaa. Kaas oo ah in ey soo gabagabeyso howshan oo ey iyadu doorato xuruuftii ey dhaqan gelin laheyd. Haddaba yaanan kubadda gadaal loo celin iyo halkey beri hore tiil. Inooma muuqato sabab kale oo aanan ka aheyn in goŽaan la gaaro ……… Looma baahna in diraasaad kale la sameeyo ……… Dhibaatada xalkeedii weli lama hayo. "

                     Muuse wuxuu waraaqdan qorey 6/6-1971-kii.

                          Fiiri National Language  Commission.

        Guddoomiaha guddiga Axmad Cali Abokor, isagu wuxuu mar waliba

xusi jirey dhibaatooyinka taariikheed ee laga soo marey baadigoobka xuruufta. Mar uu arrintaas wax ka sheegey wuxuu yiri :

 

" ...... . Nasiibka uu afkayagii yeeshey baa wuxuu yahay in uu noqdey kubbad dhextiil baarlamaankii iyo dowladii, dadweynuhuna firimbiga ayey u hayeen. Maamulkii jirey musuqmaasuqii baa intuu ka xoog batey wuxuu gaarey in af-soomaaligii la rafaadsho, dabadeedna uu noqdo wax dhintey sidiis oo kale. "

                     National Language Commission, Report, p. 2 .

         Axmad Cali Abokor wuxuu doonayey oo uu ku dadaalayey in howsha guddiga ey socoto. Taasina waa uu ku guuleystey. Dhowrkii bilood ee ugu horreeyey, guddigu wexey soo saareen afar buug oo laga barto af-soomaaliga, lix buug oo ah xisaab iyo culuum (science), labo buug oo iyana ah joqoraafi iyo taariikh, iyo hal buug oo qaamuus soomaali ah, kaas oo ey ku qorantahay 10.000 xaraf. Xarfahaasi waana la guuriyey waana la qeexey. Guddigu wuxuu isu qeybiyey guddi-hoosaadyo ka dooda caqabooyinka kala duwa ee hor taagan howlaha guddiga kuwaas oo kala ah luqadda, xisaabta, culuumta, joqoraafiga, taariikhda, qaamuuska iyo ereybixinta cilmiga ah. Guddi-hoosaadyadu waxaa mid walba la siiyey xorriyad buuxda oo howshiisa ku saabsan si uu ula kaashado qof-kasta oo ey is yiraahdaan waxbuu idin ku kordhinayaa , iyo buug-kasta oo ey filayaan in ey kaashan karaan. Waxaa kale oo la siiyey jadwal ey ku shaqeeyaan si ey muddo xaddidan u soo! ! gabagabeeyaan howshooda.

       Fadhiyada guddigu wexey ka dhici jireen qol ey ka caariyeesteen wasaaraddii waxbarashada, halkaas oo ey kulamadooda ku qabsan jireen. Guddiga oo ku khasbanaa in ey luqad ajnabi wax ku qortaan, wexey isku af-garteen in ey howlahooda u kaashadaan afka Ingiriisiga. Sida dhabta ah guddiga bilowgii fadhiyadiisa waa uu iska fogeeyey xarfaha laatiinka ah. Sida lagu soo warramey, guddigu waxyaabo badan ayey ku qorteen farta Cismaaniyada. Laakiin 21-kii buug ee uu guddigu soo saarey dhamaadkii sanadkii 1-aad oo ey jireen, wexey ku soo baxeen xuruufta laatiin. Taasina wexey ka dambeysey kadib markii ey guddigii dhex timid siyaasaddii jajuubka aheyd oo ey ciidamadu ku maamulayeen dalka. Guddoomiyaha guddiga Axmad Cali Abokor, isaga oo magaca guddiga ku hadlaya, mar uu arrintaas wax ka sheegey wuxuu yiri :

"In far qura la doortaa, taas oo ah farta Romaanka ah waa mid uu gudoonsadey guddiga ……… taasaana haboon ".

               National Language Commission, Report, p. 9 .

Waxaa in la xuso mudan in intaanan guddigan cusubi loo xil saarin howlaha lagu baadi goobayo xuruufta ey G.S. ee K. qaadeen tallaabooyin ey ku muujinayaan wejiga ey yeelan doonto siyaasadda dowladdan cusub. Tallaabooyinkaas waxaa kamid ahaa :

1- 10/ 1- 1970-kii waxaa laŽaasaasey maxkamaddii badbaadada.

2- 15/ 2- 1970-kii waxaa laŽaasaasey ciidamadii nabad-sugidda.

3- 27/ 4- 1970-kii waxaa si foolxun gurigiisii loogala baxay ku xigeenkii

     hoggaamiyihii Kacaanka jeneraal Jaamac Cali Qoorsheel.

4- 10/ 9- 1970-kii waxaa la soo saarey xeer ka kooban 26 qodob oo ciqaab ah,

     kuwaas oo ey ugu sarreysey dil toogasho ah, ugun hooseyso xabsi daaŽin.

5- Bishii may 1971-kii waxaa xabsiga loo taxaabey saddex sarkaal oo   labo kamid ah  ey ka tirsanaa G.S. ee K. iyaga oo lagu tuhmey af-gembi, kaddibna dil baa lagu xukumey, waana la toogtey.

        Arrimahaasi, guud ahaan wexey raad ku yeesheen noloshii bulshada soomaaliyeed, gaar ahaanna doodihii dhexmarayey xubnaha guddiga iyo howlihii ey wadeen. Ragga dowladda hoggaaminayey wexey ahaayeen rag ciidamo ah, wexey la yimaadeen nadaam ka duwan kii dowladihii rayidka ahaa. Taasi wexey ka muuqatey xataa xiriirkii ey dowladdu la laheyd guddigii la magacaabey. Sidaa darteed buu guddigu u noqon waayey mid madax bannaan, balse wuxuu ahaa mid si dadban u hoos imanayey dowladda. Xubno ka tirsan G.S. ee K. ayaa si joogto ah u soo booqanayeen fadhiga guddiga. Bishii febraayo 1971-kii, xogheyihii waxbarashada gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar (Majeerteen) baa wuxuu soo booqdey guddigii, hadalladuu kula hadleyna waxaa kamid ahaa :

" ......... . MaŽaan doonayo in aan idin ku adkeeyo muhimadda ey leedahay in golaha sare ee kacaanka ey dusha saartaan arrintan aad wadaan, iyaga oo wax walba u huraya qarankooda, taas oo idinka qudhiinnu aad masuuliyadeedii qaadeen ……… . Waxaa maanta macquul ah in la gudagalo si xal loogu helo suŽaasha ku saabsan luqadda qaranka soomaaliyeed Arrin ka gedisan howsha sidii ey ku socotey baan idin tusaaleynayaa, wexeyna tahay in tabarta meel laŽ isugu geeyo oo aannu diyaarinno waxkasta oo qalab laŽadeegsado ah inta eeyan soo bixin fartii qorneyd. Arrinta cusubi taas weeye, in la fuliyana wakhtigeedii baa lajoogaa. .......... ".

Fiiri (National Language Commission, Report .)

 

Jeneraal Maxamad Siyaad, qudhiisu inbadan ayuu la kulmey guddiga

howshan wadey. Bishii apriil 1971-kii, jeneraalku wuxuu guddiga dhammaantood uu ku casumey halkii uu degganaa (saldhiggii Aviazione) si uu ugu muujiyo ujeeddada uu ka leeyahay howshan. Xilligaasna wuxuu ahaa mar ey xukuumadatan cusubi ey dadweynihii cabsi ku ridey oo ey gacan adag wax ku maamuleysey. Dhan kale dadweynuhu wuxuu si xoog leh u soo dhoweeyey axdiyadii uu Kacaanku soo saarey, taageero buuxdana waa ey isla garab taageen. Labadaas arrimood baa maamulkii Kacaanka wexey siiyeen fursad ey ku xiraan, eryaan ama dilaan qofkasta oo ey u arkaan in uu cadow ku yahay siyaasadooda, iyada oo aanan loo aaba yeeleyn hadduu yahay siyaasi, ardey, wadaad ama reer miyi. Isku si baa dhammaantood loola dhaqmayey marba haddey qabaan aragti ka soo horjeeda maamulka dowladda. Xilligii sida xorta ah loo hadli jirey waa uu dhamaadey. Xubnaha guddigu runtii wexey ka baqayeen in ey talo ka dhiibtaan doodda lagaga wadahadlayo howlaha loo xil saarey.

Waxaa bilaabatey xataa dhexdooda in ey kala baqaan oo ey iskula dhici

waayaan in ey aragtiyaalka si xor ah isu weydaarsadaan. Ficilka uu madaxweynuhu qaadeyna wuxuu baabiŽiyey doodihii xorta ahaa iyo talooyinkii ey shakhsiyaadku ka dhiiban jireen ee ku wajahnaa qorista af-soomaaliga. Madxweynuhu wuxuu ku guuleystey in uu guddigii kala qeybiyo si ey isku khilaafaan dabadeedna muddo sanad ah kadib ey kala yaacaan. Markuu la kulmey wuxuu kuyiri :

" ...... . Guusha ey guddigu gaareen waa mid aad u ballaaran, xaqiiqada jirtaase wexey tahay, heshiiska sida qoraalkiisa ku xusan, kuma eeysan jirin in aad ka doodaan suŽaasha ku saabsan xuruufta la qoridoono, ama waxkale oo geysan kara dhaawac. Waxaa si waadix ah loo fahmayaa in xuruufta af-soomaaliga lagu qori doono ey tahay mid Golaha Sare ee Kacaanku uu hirgelin doono inteeda dhiman. Sidaa darteed ragga guddiga Kamidka ah, gaar ahaan ragga taageersan qorista af-soomaaliga, wexey yihiin keyd, umana bannaana in ey wax howlgal ah ka sameeyaan meelaha ey dadweynaha isugu yimaadaan iyo meelaha kaleba, si eeyan u dhalan shaki ah in xuruuftii leysku hayey qaarna ey noqdaan kuwo brabogaando loo sameeyo qaar kalena ey u muuqdaan kuwo laga tago ."

Fiiri ( National Language commission, Report, p. 10 . )

Halkaas waxaanu ka fahmeynaa culeyska guddiga ku yimid iyo xilka ey sideen suu u kala duwan yahay. Natiijadii ka soo baxey howlihii guddiga iyo

kutubtii ey qoreen waxaa la wareegey dowladda, waxaana laga dhigey sir oo lama baahin. Sanadkii 1972-kii guddigii weli waa uu jirey, wax la hadli jireyse oo xagga dowladda ka socdey maŽeeyan jirin. Guddigu wexey is weydiin jireen howshoodii in ey intaas kuŽekeed iyo in kale. Golihii Sare ee Kacaanka mayeelin in ey guddigii si furan ula doodaan ama ey raŽyigooda u sheegaan. Waxaa leys weydiin karaa Golihii Sare mow dhamaayeen howshan. Runtu wexey tahay in jeneraal Maxamad Siyaad keligiis uu hoggaanka u hayey maamulkii dalka.

           Waxaanu soo aragney in soomaalidu ey shaki weyn ka qabeen xuruufta laatiinka. Waxaa jirtey in haddii xuruufta laatiinka ah la soo hadal-qaado, kooxda markiiba dhawaaqeeda la maqlayey ey ahaayeen wadaaddada. Dadka Soomaalida ahi waa dad aad u xushmeeya dadka diinta xambaarsan. Jeneraal Siyaad, arrintaasi wexey ku abuurtey cabsi uusan ka qabin kooxda Cismaaniyada raacsan. Waxaa jananka u muuqatey in wadaaddadu eeyan marna aamuseynin haddii uu laatiin doorto. Sidaa darteed buu qaar kamid ah xubnihii Golahiisii Sare u direy in ey booqasho ku kalabixiyaan qaar kamid ah dugsiyadii quraanka ee magaalada Xamar. Waxaa kale oo macallimiintii dugsiyada qouraanka loo furey seminaaro lagu wacyi gelinayo ujeeddada dowladda, isla markaasna lagu cabsi gelinayo si eeyan isugu deyin in ey dowladda ka hor yimaadaan, falkasta oo ey ku kacdo. Gaashaanle Cismaan Maxamad Jeelle oo kamid ahaa guddi laŽoran jirey (Ext! ! raordinary Commission) wuxuu ka hadli jirey seminaarada wadaaddada loo qabto.

        Bishii abriil 1972-kii, mar uu Jeelle la hadlayey koox wadaaddo ah oo meel seminaar loogu furey wuxuu ku yiri :

" ......  . Waa in aad beddeshaan wejiga dugsiyada, waa in aad casriyeeysaan, waa  in dugsiyada laga dhigo duruusta maaddiga ah waana  inaad howlaha dowlada la socotaan  ........  ".

Waxaa laga soo xigtey wargeyska Dawn 16/ 4- 1972-kii

       Toddobaadkii xigey, sarkaal xiddigle ah oo la yiraahdo Ismaaciil Baaruud baa wuxuu la kulmey 24 macallin ee dugsi quraan. Wuxuu ku dhiirri geliyey in ey naftooda casriyeeyaan, caruurta ey hayaana u diyaariyaan sidii ey waxbarashadooda u sii kororsan lahaayeen.

Labada kulanba waxaa lagu soo qorey wargeyskii Xamar ka soo bixi jirey ee afka dowladda ku hadli jirey DAWN.

Kulamadaas wexey ahaayeen sahan lagu eegayey bulshadii wadaaddada laŽoranjirey. Dowladduna wexey u muujisey signaal loo turjuman karo in eeyan wadaaddadu isku deyin in ey dowladda la loolantamaan goŽaan kasta oo ey gaarto. Waxaa kale oo ey u muujinayeen dowladihii jirey iyo tan farqiga u dhexeeya in uu yahay in ey midatan tahay dowlad ciidameed.

 

QAYBTII TODOBAAD

 

Golihii Sare ee Kacaanku wuxuu si cad u muujiyey in ey iyagu leeyihiin doorashada xuruufta af-soomaaliga lagu qori lahaa. Aqoonyahannadii soomaaliyeed, ee howshan soo wadey illaa iyo xilligii dagaalkii labaad ee dunida, waxaa laga xayuubiyey wixii talo ahaa oo ey ku lahaayeen doorashada xuruufta. Weliba intaa loogama harine, maamulkii ciidamadu wexey bililiqeysteen natiijadii ey aqoonyahannadu ka diyaariyeen diraasaadkii ey muddada dheer ku howlanaayeen. Xubnihii guddiga intoodii aanan arrinkaasi ku qancin, waxaa kale oo intaa u weheliyey handadaad iyo afxumi uga imanayey xagga maamulka. Labo sabab ayaa jirey oo uu hoggaankii maamulkii Kacaanku uu falka noocaas ah u sameynayey. Midi wexey aheyd arrin muuqata oo la wada garanayey, taas oo aheyd in la soo af-jaro khilaafka aragtiyeed oo muddada dheer ka taagnaa xulashada xuruufta af-soomaaliga. Arrinka labaad wuxuu ahaa in maamulka Kacaanku ey mahad ka raacdo howshan taariikhiga ah oo raggaas aanu ka soo sheekeyney uu cimrig! ! oodii intiisii badneyd kaga baxay diraasaad iyo diyaarin

ey ku xaqiijinayeen himiladaas qiimaha badan. Taasina wexey kamid aheyd mashaariicdii ey dadweynaha soomaaliyeed iskood uga mira dhaliyeen, mahaddeediina uu taliskii jeneraal Siyaad sida fudud ula wareegey.

Hoggaankii Kacaanka, wuxuu si qarsoodi ah u goŽaansadey in xuruufta uu

u doorayo qoraalka af-soomaaliga ey ahaadaan xuruufta laatiinka ah. Wuxuu kale oo goŽaansadey in ey qarsoodi ahaato goorta ey shaaca ka qaadayaan xuruufta ey doorteen. Sababta ugu weynna wexey aheyd in ey ka fogaadaan in ey dood ka furanto howshan dabadeedna ey soo baxaan xoogag ka hor yimaada. Sidaa darteed baa xubno guddigii kamid ah si qarsoon ula shaqeynayeen xubno kamid ah maamulkii dowladda oo ku howlanaa diyaarinta xuruufta.

Sanad-guuradii 3-aad ee afgembigii ciidamada, goor ey barqadii tahay, bartamihii damaashaadkii lagu maamuusayey 21-kii bishii oktoobar, dhawaaqa durbaankii ey ciidamadu ku gaardinayeen iyo sawaxankii ka yeerayey dadweynihii tirada badnaa ee isugu yimid treebuunkii Xamar, buuqaas dhexdiisii baa waxaa dhacdey in Hellikobtarro ey ciidamadu lahaayeen ey dadkii soo dulmaraan, dabadeedna ey soo daadiyaan waraaqo af-soomaali ku qoran oo midabyo kala duwan leh. Dadku markii ey arkeen waraaqaha soo qubanaya oo ey dabeyshu firdhineyso waa ey ku yaaceen iyaga oo xiiseynaya waxa ey yihiin. Markii ey waraaqihii soo gaareen gacmihii dadweynaha, qof walba wuxuu isku deyey in uu akhriyo, waase ku adkaatey akhriskeedii. Dad yar oo horey ula socdey dhaqdhaqaaqan xuruufta lagu raadinayey ayaa wexey garteen in ey tani tahay fartii af-soomaaliga lagu qori lahaa oo uu goŽaankeedii dhacay. Waxaana markiiba u muuqatey ninkii waxgaranayey in ey dowladdu qaadatey xuruufta laatiinka. Halkaas bey saraakiishii dalka u talinayey wexey ku soo gabagabeeyeen dhaqdhaqaaqii uu bilaabey Shiikh Yuusuf Al-kowneyn oo ey soomaalidu ku raadinayeen xuruufta, Yaasiin Cismaan iyo raggiisiina ey wax badan u hureen in la xaqiijiyo iyaga oo marna baadigoobkan dhinac wadey dhaqdhaqaaqii lagu baadigoobayey madax bannaanidii, markalena ka dhex dagaallamayey maamullo kala duwan hoostood.

Isla maalintaas duhurnimadii, barnaamijkii ka bixi jirey Raadiyo Muqdishow, waxaa dadweynihii ey ka dhegeysteen khudbaddii uu jeneraal Maxamad Siyaad u jeediyey dadweynaha munaasabadaas iyda ah darteed. Hadaladiisiina waxaa kamid ahaa :

 

" ...... . Manoqonkarno kuwo xagga fikradda xor kaŽah, kuwo xagga akhlaaqda xor kaŽah iyo kuwo qaabka nolosha xor kaŽah inta qaarkaya ey ku xiranyihiin oo ey qiimeynayaan siyaasad iyo bulsho eynaan waxba la qeybsankareynin. FaaŽiido uma ey laha dhaqankayaga iyo caadadadeenuba markii ey caruurtayadu u fekerayaan qaab ama nooc aanan wax macna ah innaga inoogu fadhin.

Waa inaannu mar qura waajahnaa oo aannu xal u helnaa suŽaasha ku saabsan xuruufta afkayaga hooyo, taas oo markaad taariikhdiisa gadaal u raacdo u noqonaya aasaaskayaga. Dadkayagii hore wexey afka innagu soo gaarsiiyeen dhaxal qaali ah kaas oo aanu isku ilaalineyno loona baahan yahay in la horumariyo.

Imberiyaaliyadda iyo isticmaarka baa ina badey inaannu qeybsanaanno. Wexey iska horgeeyeen soomaalidii, wexey iska horgeeyeen xuruuftii, waxey iska horgeeyeen qabiilladii. Hadaanu horey u lahaan laheyn luqad qoran taasi ma dhacdeen. ………… .

Waxaad ogtihiin inaannu 1971-kii magacawney guddi khaas ah, kaas

oo soo diyaarinayey wax walba oo loo baahanyahay si iskuulaadkayaga

af-soomaali wax loogu dhigo, iyo in ey soo ururiyaan waxkasta oo la xiriira taariikhdayada iyo suugaantayada. Guddigaasi wexey soo gabagabeeyeen howshoodii qeybtii u horreysey, waxeyna ku soo wareejiyeen wasaaradda waxbarashada waxyaabahii ey diraasaadka ku sameeyeen iyo buugaagtii ey qoreenba. Sidaa darteed baan anigu ku faraxsanahay in aan halkan ka sheego, aniga oo tix raacaya hadafkii ugu horreeyey ee kacaanka, kaas oo wakhti badan ey dadweynahayagu sugayeen . …………. .

Afkii soomaaliga waa uu hirgaley laga bilaabo maanta, waana luqadda qura ee dalka lagaga shaqeynayo. Kadib markii si taxadar ku jiro loo diraaseeyey ayaa waxaa la doortey xuruufta laatiinka in ey noqdaan xuruufta af-soomaaliga. …….. . "

Dawn 22/ 10- 1972-kii

 

GoŽaankan ey dowladdu fulisey wuxuu ahaa mid guddiga intiisii badneyd ku cusub (markii laga reebo xubnihii sida gaarka ah ula shaqeenayey maamulka). Guddigu wexey ka war heleen goŽaan dhacay, howshii ey guddiga u ahaayeenna wexey ku dhmaatey in ey marti ka noqdaan, oo iyaga iyo shacabkii isku ugu baraarugaan natiijadii soo baxdey. Meel ey wax ka qaban karaan lama joogo, goŽaankii waa dhacay, dowladda la hoos joogaana waa mid gacan adag wax ku maamusha. Arrimahaasi wexey keeneen, raggii Cismaaniyada u doodayey oo diyaarintii howshan xooggeeda lahaa ey garan waayaan meel ey wax ka qabtaan.

Dowladdu, inkasta oo ey aheyd mid uu ciidan hoggaaminayo, misana goŽaankan ey qaadatey ma noqon mid lala aamuso, wexeyna la kulantey doodo adag, waraaqo badan baa waxaa lagu soo direy cinwaanka wargeyska Dawn, taas oo looga dacwoonayo in xuruuftan la doortey eeyan aheyn kuwo haboon iyo in ey nuqsaan badani jirto. Nin kamid ah ragga wax soo qorey oo la yiraahdo Muuse Bashiir wuxuu sheegey inkasta oo uu ku farxsanyahay goŽaankan oo muddo dheer la sugayey, misana in ey jiraan talooyin kale oo wax lagu dhisi kari lahaa haddii ey fikraddu xor tahay, wuxuuna soo qorey :

" ....... . Xaqiiqdu wexey tahay in luqadaha kale ey leeyihiin nuqsaanta

ey taayadu leedahay, taasina sabab uma noqon karto in sidaas lagu

cafiyo si dhammeystirkeeda muhimadda ey leedahay aanan looŽ arag. "

                           Dawn 22/10-1972-kii

 

Wadaaddadii xiisad xoog badan ayey muujiyeen markii uu soo baxay goŽaankii xuruufta laatiinka. Xoghayihii wasaaradda waxbarashada, Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamad Abuukar, wuxuu ku dadaaley in uu si xikmad leh u qanciyo wadaaddada, waana uu ku guuleysetey kaddib markii uu fadhiyo badan la qaatey. Waxyaabaha uu xogheyuhu xujada ka dhigtey oo uu wadaaddada ku yiri waxaa kamid ahaa in eeyan wadaaddadu wax diidmo ah marna eeyan ka muujin marka reer miyiga soomaaliyeed ey geelooda ku qoranayaan calaamadda istallaabta ah oo u dhiganta xarafka (X) iyaga oo ujeeddo kale aanan ka laheyn in ey xoolaha ku calaamadeystaan mooyee. Haddaba mexey wadaaddadu dood uga keenaan markii ey soomaalidu waraaqaha ku qortaan isla xarafkii iyaga oo ey ujeeddadu tahay calaamad wax lagu fahmo. Maqaaladii ugu waaweynaa ee ku soo bixi jirey wargeyska Dawn wexey isku deyeen in ey doodda xoogeeda yareeyaan kaddib markii uu maamulkii codsadey in doodaha la yareeyo. Markaas kaddib ayaa doodihii lagu soo gudbin jirey wargeyska wexey ahaayeen kuwo si ayidaad leh u hadla, waxaana kamid ahaa qoraal cinwaankiisu ahaa

" Xuruuf lagu dirirsanyahay, oo misana inoo carfaya. "

Wargeyskaas oo af-ingiriis ku soo bixi jirey waxaa loo bedeley mid ku soo baxa af-soomaali, magaciisiina waxaa loo beddeley Xiddigta Oktoobar, kaas oo subax walba soo bixi jirey, afka dowladdana ku hadli jirey, wejigiisa horena waxaa ku oolli jirey sawirka jeneraal Siyaad, waxaa ku dhinac tiil erey ah (Tusaalooyinka Madaxweynaha), halkaas oo lagu soo bandhigi jirey wax kamid ah ereyadii jeneraalka.

Xuruuftan la doortey waa tii uu Shire Jaamac lahaa, diidmadii ka timidna waa laga xoog batey. Hirgelinteediina, dowladda wax kharaj ah oo saaŽidah oo uga baxay majirin, waayo makiinadihii iyo madbacadihii ey heesatey uun bey ku howlgashey. Markiibana dowladdu wexey soo saartey goŽaan ey shaqaalaheeda fareyso in waraaqaha yaalla xafiisyada dowladda dhammaantood lagu Qoro af-soomaali muddo 3 bilood ah. Caqabadaha arrintaan lagala kulmey waxaa u weynaa erey bixinno oo aanan horey u jirin.

Haddii aannu wax yar dib u jalleecno howshan la soo af-jarey wexey aheyd howl taariikh aqoon iyo halgan xambaarsan, taas oo aananka xiisad yareyn dhacdooyinka qiimaha leh ee laga sheekeeyo oo ku saabsan dalka iyo dadka soomaaliyeed, waxaana lagu soo koobi karaa sidatan hoos ku xusan :

Qarnigii 13-aad bartamihiisii ayuu Shiikh Yuusuf bin Axmad Alkowneyn oo loo yiqiin (Aw Barkhadle) uu bilaabey in uu xuruufta Afka carabiga ku qoro af-soomaali, isaga oo u adeegsanayey qaab uu ardeyda soomaalida ugu sahlo akhriska iyo qorista quraanka oo af-carabi ku qoran. Aw-Barkhadle manhajkii waxbarasho oo uu dejiyey waa mid ku baahey geeska Afrika. Shiikhaasi waa ninka lahaa qaabkan ey soomaalida illaa iyo maanta caruurta u baraan higaadda carabiga ee ah (alif la kor dhebey alif la hoos dhebey ........). Shiikhu wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee barta cilmiga ku saabsan codeynta af-soomaaliga (Somalian Phonology) isagoo dabadeed ardeydiisa barayey. Qaabkii uu Shiikh Yuususf Al-kowneyn uu u qorey af-soomaaliga wuxuu noqdey mid caan baxay oo si xoog leh buu ugu faafey Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana loo yiqiin qoraalkii wadaaddada.

Xaaji Cali Cabdiraxmaan (Majeerteen) ayaa isna bilowgii qarnigii 18-aad qori jirey af-soomaaliga. Xaajigu wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee af-soomaaligu qora. Xaajigu wuxuu raacey manhajkii Aw-Barkhadle. Xaajiga oo nin soomaali ah ahaa, ma heysan caqabaddii Aw-Barkhadle heysatey oo ahaa nin ajnabi ka ah afka soomaaliga. Xaaji Cali wuxuu allifi jirey qasiidooyin diini ah oo uu xuruufta carabiga ku qori jirey. Inkasta oo qoraalladii Xaaji Cali inteedii badneyd ey lumeen, misana waxaa la hubaa in uu ahaa macallin diinta ku faafin jirey gobollada koonfurta Soomaaliya, ardeydiisana uu bari jirey qaabka xuruufta carabiga loogu qoro af-soomaaliga.

Shiikh Awees Xaaji Maxamad Al-Baraawiy (1847 - 1909) wuxuu ahaa ninkii saddexaad oo taariikhda lagu hayo oo dadka soomaalida ahi ku dhiirri geliya in ey afkooda ku qoraan xuruufta carabiga. Shiikh Awees oo u dhashey Tunni-Baraawe, wuxuu ahaa nin aftahan ah oo ku hadla saddex af (Soomaali, Carabi iyo Sawaaxili). sidaa darteed buu Shiikhu af-soomaaliga iyo afka Chi-miini oo kamid ah lahjadaha afka Sawaaxiliga, labaduba, wuxuu u sameeyey xuruuf carabi ah oo lagu qoro.

Shiikh Awees wuxuu allifi jirey qasiidooyin nebi ammaan ah oo saddexda afba ah. Qasiidooyinka af-soomaaliga ah wuxuu ku qorijirey xuruuf carabiyah .

1920-kii Cismaan Yuusuf Keenadiid (Majeerteen) wuxuu qorey xuruuf madax bannaan oo af-soomaaliga loo adeegsado. Xuruuftaasi waa ey ka duwaneyd xuruuftii carabiga raggii ka horeeyey ey adeegsan jireen. Dugsiyadii lagu baran jirey xuruuftii Cismaan Yuusuf wexey kaga duwanaayeen kuwii hore, xuruufta oo sideeda xiisad gaar ah u lahaa, oo fartan cusub ayaa xuruuf ahaan loo xiiseynayey, waxaana xuruuftan xambaarey rag iyagu bartey.

1935- Shiikh Maxamad Cabdi Miikaahiil (Isaaq) wuxuu qorey xuruuf carabi ah oo af-soomaaliga loo adeegsado. Shiikhu wuxuu wax ka bedeley fartii laŽoran- jirey "farta wadaaddada", wuxuuna soo saarey buug uu u bixiyey "Qawaaniinta cusub ee qorista af-soomaaliga". Shiikhu wuxuu buugiisaas ku ururiyey maahmaahyo soomaaliyeed, maansooyin ey kamid yihiin kuwii Sayid Maxamad C. Xasan.

Raggan xuruufta af-carabiga wax ku qorey cilladda hortaagneyd wexey aheyd shaqallada oo ku yar af-carabiga markii loo eego af-soomaaliga, shiikh Maxamadna arrintii xal uma uusan helin oo wexey ku noqotey caqabad isaga iyo raggii ka horeeyeyba ey xal u waayeen.

Sanadihii 30-aadkii iyo 40-aadkii Shiikh Jaamac Cumar Ciise iyo Yaasiin Cismaan Yuususf ayaa wexey ururin jireen suugaanadii soomaaliyeed oo ey kamid yihiin gabeyadii Sayid Maxamad C. Xasan. Shiikh Jaamacna wuxuu wax ku qoran jirey xuruufta carabiga, Yaasiin Cismaana xuruufta Cismaaniyada.

1952-kii Xuseen shiikh Kadare (Abgaal) wuxuu qorey xuruuf aad moodo in ey kahabeysanyihiin kuwii horey u qornaa, wuxuuna ku qorey laatiin

1957-kii Ibraahim Xaashi (Ogaadeen) wuxuu soo saari jirey qoraallo af-soomaali ah oo uu ku qorey xuruuf carabi ah. Qoraallada Ibraahim, intooda badan, wexey ku saabsanaayeen wacyi gelinta bulshada.

1965-kii Shire Jaamac Axmad (Mareexaan) wuxuu qorey xuruuf laatiin ah, wuxuuna isticmaaley qawaaniintii uu dejiyey shiikh Maxamad Cabdi Miikaahiil. Shire wuxuu soo saarey buug yar oo uu ubixiyey "Iftiinka aqoonta" sanadkii

1967-kii, waxyaabaha ku qornaa waxaa kamid ahaa gabeyo uu isagu allifey. Sidaas buu Shire J. wuxuu kaga mid noqdey raggii u soo halgamey qorista af-soomaaliga. Shire wuxuu buugiisa ku qorey sidii raggii ka horreeyeyba maansooyin taariikhi ah, wuxuuse kaga duwanaa maanso walba wuxuu raaciyey sharra uu xuruufteeda adag ku micneynayo. Sidaa darteed baa buuggiisii waxaa qiimo gaara ah siiyey dadkii reer magaalka ahaa gaar ahaan dhallinyaradii.

1966-kii waxaa heyŽadda UNESCO ee J. Q. K. u qornaa 10 qoraallo ee kala duwan dhammaantoodna ey yihiin xuruuf af-soomaaligu leeyahay.

1970-kii Cumar aw Nuux wuxuu qorey buugga la yiraahdo (Somali Folklore). Cumar wuxuu buugaas ku ururiyey sheekooyinka ey soomaalida xayawaanaadka ka sameeyaan iyo suugaan (heeso iyo gabeyo).

Maamulkii Kacaanka markii uu ku guuleytey in ey soo bandhigaan xuruuftii ey doorteen baa wexey ku dadaaleen in ey shiiqiyaan xuruuftii kale. Si ey taasi u hirgasho, maamulkii Kacaanka wuxuu guddoonsadey barnaamijkii ey ugu magac dareen (Ololihii la dagaalanka jahliga), kaas oo la fuliyey qeybtii dambe ee sanadkii 1974-kii. Barnaamijku wuxuu ahaa risaalad xuruuftan laatiinka ah lagu gaarsiinayo dhamaan bulsha-weynta soomaaliyeed.

1/ 8- 1974-kii ayuu barnaamijkaasi bilowdey, waxaana hoggaamiye kaŽahaa xoghayihii waxbarashada ee G. S. ee K. Cabdirisaaq Maxamad Abbokor. Cabdirisaaq wuxuu maalintaa ku khudbeeyey :

" .... . Hadda waxaannu isu soo dhoweenynaa kala fogaanshihii miyiga iyo magaalada. Dhowaan majirayaan labo qeybood oo Soomaali ah (reer miyi iyo reer magaal), Soomaali mid ah baa jireysa.Taas oo ka mideysan ahdaafteeda iyo aragtideeda siyaasadeed. Hadda waxaanu isku deyeynaa in aannu howlihii dowladda ku ballaarinno dhulka baadiyaha ah, isla markaana waxaanu soomaaliyeeneynaa dadweynihii reer magaalka ahaa sida ardad, shaqaalaha iyo macallimiinta, si dabadeed ey xiriir ula yeeshaan xaqiiqada nolosha Soomaaliyeed. ........ "

                    Fiiri : I Somalia . Bo Bjefvenstam. P. 52.

                       Northern African Institut. 1982 .

                               Uppsala - Sweden .

Maalintaas baa waxaa la surey calankii ladagaallanka jahliga (qoris- iyo akhris laŽaanta), kaas oo ey ku sawirraayeen wiil iyo gabar dhallinyaro ah. Dadkii magaalada ku noolaa wexey oggolaadeen in caruurtoodii oo aanan weligood miyi arag ey diraan si ey barnaamijkaas uga qeyb qaataan. Reer miyiguna wexey oggolaadeen in ey soo dhoweeyaan dad eeyan weligood arag. Toddoba bilood ayuu qaatey socodsiintii barnaamijka. Ardeydii howsha fulinayey wexey muujiyeen dadaal iyo karti badan si ey ugu hiiliyaan dadkooda reer miyiga ah.

Markii la soo gabagabeeyey howlihii wax barasho iyo tii caafimaad ee dhinac socotey, natiijooyinkii ka soo baxay markii la tiro koobey wexey ahaayeen sidatan :

Intaanan ololaha laŽaadin, dadka Soomaalida ah intooda wax qori karey ama akhriyi, wexey bulshada ka dhammaayeen 5 %, markii uu barnaamijkii ololuhu dhammaadey tiradii wexey gaartey 60 %. Taasina waa tallaabo weyn markii laŽeego Soomaaliya oo kamid ah dalalka dunida kuwoodu ugu saboolsan.

Waxaa laŽoran karaa in goŽaanka lagu qorey xuruufta af-soomaaliga uu yahay sheyga keliya ee umadda soomaaliyeed u noqdey dhaxal gal, markii laŽeego wixii lagala harey dowladdii jeneraal Siyaad. Taasina waxaa ka markhaati ah in soomaalidu ey xuruuftan u adeegsadaan waxkasta oo qoraal ah. Haddiise dhan kale laŽeego waxaa muuqaneysa in haddii uu dalabku ahaa in xuruuf uun la qoro, qadiyaddatan wexey noqoneysaa mid aanan wax nuqsaan ah laheyn. Laakiin xuruuftu, sidooda uma eeyan ahan hadaf la tiigsado. Haddii ey sidaas tahay, maamulkii arrinkan guddoonshey lama eedeyn karo. Laakiin xuruuftu waa qalab loo adeegsado tacliin iyo kor u qaadista nolosha bulshada. Waxaanu soo aragney barnaamijkii Leegada ey ka damacsanaayeen xuruufta, kaas oo ey kamid ahaayeen in buugaagta qiimaha leh ee afafka ajaanibta ku qoran la soo turjumo iyo in la horumariyo waxbarashada ardeyda soomaaliyeed. Barnaamijka uu YaasiinCismaan iyo kooxdiisa ey wateen kaas buu ahaa, waxaa u weheliyey in af-soomaaliga qudhiisa la horumariyo. Intiiba ma dhicin, waxaa arrinkii lagu soo koobey xuruuf la qorey oo dadkii inta la barey laga dhaqaaqey.

Bishii janeweri sanadkii 1981-kii, wariye u dhashey dalka Sweden oo la yiraahdo Bo Bjelfvenstam, wuxuu wareysi la yeeshey Cali Khaliif Galleyr oo xilligaas ahaa wasiirka warshadaha ee Soomaaliya. Waxyaabihii uu weydiiyey baa waxaa kamid ahaa.

    -Wariyihii : Soomaalida miyaa laŽoran karaa waa dad wax akhriya waxna qora ?

   -Wasiirkii : Arrintaasi sidaanu wax u rajeyneeney manoqon. Waa jirtaa in dad  badan oo reer miyi ah ey barteen qorista iyo akhriska. Laakiin wixii ey             barteen wax ey u isticmaalaan maŽeeyan jirin, mana jirin wax dambe oo  ey akhriyaan waayo waxeeyan helin wax ey akhriyaan, sidaas bey  wexey ku laabteen akhris laŽaantii iyo qoris laŽaantii. Tiradooda ma heyno laakiin waa ey badan yihiin.

 

I Somalia. p. 130. Bo Bjelfvenstam,

1982. Sweden

Degdegta arrinku ku socdey waxaa laga garan karaa in buuggii naxwaha ahaa oo la soo baxay xuruufta, saddex bilood dabadeed la soo ururiyey, kaddib markii khaladaad badan laga heley. Waxaa kale oo laga garan karaa in maalinta la soo bandhigayey xuruufta, uu wargeyskii ku soo baxay xuruuftii laatiinka aheyd, iyadoo uusan jirin qof akhriyi karey. Waxaa kale oo laga garan karaa dhallinyaro dugsi sare dhiganayey oo saddex bilood inta la xereeyey lagu yiri macallimiin af-soomaaliga dhiga ayaad tihiin. Waxaa intaasba ka darreyd, dadkii la barey B. T. J. oo isu qaatey in ey aqoon leeyihiin, dabadeedna xafiisyadii dowladda iska soo buuxshey oo si ey horey ugu socdaan ey shaqadoodii noqotey in ey wax jaajuusaan. Dad badan ayaa wexey aamin sanyihiin in burburka soomaalida ku yimid loo aaneyn karo xuruuftan iyo qaabkii loo adeegsadey.

Xaqiiqaduna Ilaah baa og.

 

                                 Eebow dembaabaye adigu maqfiro hey diidin

Wasalaamu Caleykum Waraxmatullaah.

Saadiq Enow

Waa dhamaatey

 


[Column]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:07 AM. Webmaster HomePage